SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 

Agaasimaha waaxda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay Baasaboorada Cusub ee Soomaaliya

Agaasimaha Waxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomalaiya C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa maanta markii ugu horreysay soo bandhigay baasaboorrada cusub ee Soomaaliya.

C/llaahi Gaafoow oo kula hadlay warfidiyeenada Xarunta Nabad-sugidda Soomaaliyeed ayaa sheegay in baasaboorka cusub ee Soomaaliya ay yeelayso uu diyaar yahay, isla markaana uu ruux walba oo Soomaali ah qaadan karo, waxaana uu sheegay in ruux walba oo Soomaali ah oo haysata baasaboorro kale haysata uu qaadan karo midka cusub ee Soomaalida.

Baasaboorkan cusub oo ah nooca Electronic-ga ah ayaa wata hal kaar aqoonsi, waxaana uu sheegay in baasaboorkii hore ee Soomaaliga uu ku eg yahay 07/May/2007, waxaana uu sheegay in ruuxii sita aysan xiligaas kaddib baasaboorkii hore uusan ku safri karin.

“Soomaaliya maanta waxay ka gudubtay xayndaar kaga xirraa xagga baasaboorka, waxaana gacan naga siisay sameynta baasaboorradaan hay’adda ICOW oo ah Hay’ad caalmi ah, wuxuuna ka sameysan yahay Watership oo aan la been abuuri karin” ayuu yiri C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo intaas ku daray: “Baasaboorkaan waa mid Computrized ah, waana mid la socda horumarka caalamka, lagana aqoonsan yahay dunida”.

Dhanka kale wuxuu sheegay in laga xiri karo qofkii dambi gala oo sita baasaboorka, iyadoo uu leeyahay raadraac, meel uu u dhoofi karana ma jirto.

“Qof ku dhoofa baasaboorkaan waxaa ugu horreeyay Ra’iisul wasaare Geeddi, waana mid Free Airport ah, sidoo kale loogama dhoofi karo garoommada macmalka ah, sidoo kalena waxaa haysta Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf oo haatan socdaallo ku maraya dunida” ayuu yiri C/llaahi Gaafoow Maxamuud.

 

Sawirada Baasaboorka hoos ka eeg


Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com Jan 27, 2007

 

somali passport
somali passport
somalipassport
somalipassport

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH