SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
SOOMAALIYEY, HALKEEBAAD KU SOCOTAA?..

 Qormadii Dr. C/laahi Spanish

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Puntland Shalay iyo Maanta ::: Qeybtii 1aad

jooje

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com


Gobolada Waqooyi bari Soomaaliya, ka hor Dagaaladi Sokeeye 

Gobolada woqooyi bari Soomaaliya waxey ahaayeen gobolo ay dadkoodi kasoo guureen, oo ay badankoodi soo degeen gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho. Waxey ahaayeen gobolo ay kasii jeesteen in la hormariyo Maamuladi iyo dowladihi dalka ka jiray, haddey noqoto midi Lixdanki ee shibilka iyo tii 69ki ee Milateriga aheydba. Goboladan marka la bar bar dhigo gobloada kale ee Soomaaliya waxey ahaayeen kuwo aad uga danbeeya, haddey noqoto Xagga Waxbarashada, Caafimaadka, Arimaha Bulshada, dhinac kasta.  

Tusaale gaaban waxaan idinku siinayaa Gobolka Bari oo ahaa gobolka ugu weyn goboladi markaa jiray, ayaa waxeynu la kulanay ardeydi kaga soo baxday Dugsiga sare sanadki 1982/83 ee ku soo xerootay dugsiga Xalane waagaas. Waxaan la kulmay arday ka mid ah ardeydi waagaa soo geshay Xalane, wuxuu ii sheegay inay Boosaaso uga yimaadeen 28Arday oo keliya, Qardhone waxaan lixdan dhameyn. Runti sanadkaa wuxuu ah sanadki ugu ardo badneyd Xalane intii la asaasay oo waxaa ku jiray ardey gaareysa illaa iyo 12,000 oo arday. Bal fiiri gobol lagu tirinayey gobolada dalka ugu degmooyinka badnaa, uguna baaxada wenaa inay kasoo baxaan tiro ka yar 100 arday. 

Waxaa goboladaa la oran jiray (La Gaari waa ). Wey dhici kartay waxoogaa ganacsi ah oo aan sidaa u hormarsaneyn inuu ka jiray. Oo xitaa nasiib darada jirtay waxey aheyd dadka goboladaas u dhashay oo ka ganacsan jiray halkaa, inay baddankooda ayan guryo ku laheyn goboladaas, Nasiib wanaag sanadi 1986 ayaa mashariic ay dowladda talyaaniga ah ugu talagaleen in laga fuliyo Soomaaliya, ayuu Allaha u Naxariistee Madaxweyne  Maxamed Siyaad Barre, uu u ogolaaday in la geeyo waddo gobolka Bari, Dekedna loo dhiso. Run ahaanti waa Mashruucyo wax ku ool ah, inkastoo la fuliyay xilliga ugu danbeeyay dowladdi Siyaad Barre. 

Bur Burki iyo Dagaaladi Sokeeye Kadib 

Kadib burburki ku yimid Dowladi dhexe ee Soomaaliya 1991di ayaa waxa dhacday in dadki leysu laayay qabiil qabiil, oo ay badatay Fowdadi, waxa dhacay qax aad u ballaaran. Tiro aan yareyn ayaa u qaxay dalka intiisi kale iyo dibaddaba. Haddaba dadka asal ahaan kasoo jeeday goboladaa Mudug iyo Bariba waxey u noqdeen dhulkoodi. Nasiib darro waxey yimaadeen meel aan laheyn adeegyadi ay ka heli jireen magaaladi Muqudisho iyo goboladi kale ay ka yimaadeen, Waxey yimaadeen meel inti la doono ka hooseysay halkay joogi jireen. Daniba kuu run sheegtay. Nasiib wanaag dadka goboladan u dhashay ee markaa isbidayey waxoogaa aqoon ah, amaba aqoonyahanadi goboladan ayaa markiiba waxey bilaabeen in qof waliba uu xirfadiisi ku shqeysto, kii macalin ahaa, kii taqtar ahaa, kii ganacsade ahaa, kii farsamo kale yiqiin. Waxa ka dhacday in leys dabiro. 

Muddo yar kadib xoogaa dadki waxbaa ukala baxay, oo magaalooyinki cidlada ahaa wey camirmeen, judhiiba waxa soo baxay magaalooyin aan horey u jirin iyo kuwi horey u jiray oo sii camirmay. Nasiib wanaag dadka goboladan oo dhaqan ahaan ahaa dad u hogaansan odey dhaqameedyadooda ayaa Allaah fadligiisa waxaa la helay nabad gelyo taam ah, oo ma jirin qof qof ku xadgudbaya. Laakiin ma jirin nidaamki lagu yiqiin dowlad ( Law & Order ), taasoo run ahaanti dhib jira noqotay. Wey jireen in dadku uu sameynayey horumar shaqsi shaqsi ah. Wey jirtay in dad ay isu xilqaameen horumarinta waxbarashada oo iskuulo ayaa laga furay deegaanadaa. Runti nabad wey jirtay, adeegyo bulshada ah oo shaqsiyaad ay waddeen wey jireen. Laakiin waxyaalaha ugu dhibka badnaa ayaa wuxuu ah maamul la’aanta jirtay in qof walba uu siduu doono u socdo, majirin wax dadka kala xadidaya. Ma jirin nidaam u degsanaa gawaarida oo lagu maamulayay waddooyinka. Maxaa sharci ah, maxaa sharci darro ah wax kala saarayay ma jirin. Waxa lagu socday bacda Allaah, dadka oo iska niyad wanaagsnaa iyo odey dhaqameedyo waxoogaa loo hogaansanaa. 

Waxyaalaha aan aad ula yaabey waxaa ka mid ahaa mar aan fasax ku aaday 1997di magaalada Boosaaso, waxyaalihi aan ku arkay. Waagaas ma jirin Maamul Goboleedka Puntland. Waxaaa jirtay labo arimood oo midna aan aad ugu farxay, midna aan aad uga xumaaday. Midda aan ku farxay waxey aheyd markaan arkey iyadoo aan ilaalo la socon gaari gacan lagu waday, lacag isugu jirtay Shilin Soomaali iyo Doollar aad u tiro baddan, taasoo runti yididiiladeydi sare u qaadey. Sida ummaddaas ayan isugu xadgudbeyn. Sidoo kale middi aan aadka uga xumaaday, oo aan tamaniyey in Maamul la helo haba xumaadee waxey aheyd, maalinti aynu soo marnay annagoo gaari wadana waddo yar, oo loo qaado xaafad ka mid ah xaafdaha Boosaaso, ayna jirin mid kale oo loo maro, taasoo uu wiil dhalinyaro ah uu gaari uu watey jidka bartamihiis ku xayiray. Goorti aynu weydiisanay inuu naga qaadana uu noo sheegay inta uu Qaadka dhameysanayo inuusan ka kaceyn barta uu fadhiyo. Dadki oo dhan ayaa baryey, nasiib darro waxey noqotay ineynu meesheeni ka noqono. Oo uu sidaa ku bur buro barnaamijki aynu halkaa ka laheyn. Runti waagaas waxa jiray maamul hoos taga SSDF, laakiin ma aheyn maamul waxtar leh, oo la qadariyo. 

Tusaalayaashan waxaan usoo qaatay bal inaan ku dareensiiyo in waxyaalaha ugu yar ay dowlad la’aantu leedahay aad ila aragto. Waxaa ka mid ahaan jiray qoryaha hubka oo had iyo jeer magaalada bartamaheeda lagu tijaabinayo, Sidoo kale dhulalka had iyo jeer leysku heystay oo uusan markaa jirin maamul adag oo dadka kala saarayay. Run ahaanti haddii aan is iraahdo halkan uga sheekey dhibaatada ay leedahay Dowlad la’aanta, waa wax aan maanta iyo beriba laga dhamaaneyn. 

Intaas ayaan kusoo gabagabeynayaa qeybtii 1aad. Akhri qeybta 2aad iyo asaasiddii  Maamul Goboleedka Puntland. 

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH