SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
SOOMAALIYEY, HALKEEBAAD KU SOCOTAA?..

 Qormadii Dr. C/laahi Spanish

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
 
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..

Puntland Shalay iyo Maanta ::: Qeybtii 3aad

jooje

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com


Qaybtii 3aad

Talo soo jeedin Ku Socoto Maamulka iyo Bulshadaba 

Kadib markaanu waxoogaa ka hadalnay taariikh yar oo kooban oo ah sidi ay ahaan jireen deegaanada Puntland dagaaladii sokeeye ka hor, dagaalada kadib iyo markii la asaasay Maamulka Puntland, sidoo kale aynu wax iska tusnay wanaaga iyo dhaliilaha uu maamulka leeyahay, ayaa waxa aan rabaa inaan qeybta 3aad uga hadlo talo aanu u jeedinayo maamulka Puntland iyo mid u gaar ah bulshada reer puntland meel walboo ay joogaanba. 

Waxaan marka hore ku hormarayaa tan ku socota Maamulka:- 

  1. Waxaaan maamulka Madaxweyne Cadde Muuse kula talinayaa in boorka laga jafo guddiyadi waagi dhawaa la magacaabay ee ahaa guddiyadi Qiimeynta oo la dar dar geliyaa. Waxaa muhiim ah in leys weydiiyo maxey guddiyadaa u shaqeyn waayeen, ma waanan daacad laga aheyn mise ragga u kacay ayaanan aqoonteeda laheyn. Haddii ay shaqeeyeen oo ayan warkoodii nasoo gaarin raali haka ahaadaan.
  2. Madaxweyne in aad ku shaqeyso qaabka (Motivation) oo niyada loo dhiso dadka maamulka wada, oo muwaadinka ku sifooba waxqabad, halabuur, iyo daacadnimo uu ragga ka dhex tilmaamnaado, oo la abaalmariyo. Sidoo kale kan wax isdabamariya ama aan howsha kartideeda iyo aqoonteed laheyn laga dhex qabto bulshada uu u adeegayo. Xaq maaha inay magaca isaga mid ahaadaan labo qofood, oo qofna (Vision) aragti dheer leh, oo doonayaa in ay puntland hormarto iyo mid aanba dunida la socon wax lakala macaashayo.
  3. In hay’addaha lagu qasbo inay sanad walba soo bandhigaan warbixin ay kusoo gudbinayaan, halki ay sanadki hore joogeen, halka ay hadda joogaan iyo mustaqbalka yoolka ay higsnayaan. Iyadoo bandhiggaa lagu soo bandhigayo xarumo ( Public ah ) weliba la adeegsado aaladaha Media ha haddey noqon laheyd Wargeys, Internet, TV, iyo raadiyoba.
  4. Marka aan leeyahay hay’adaha ulama jeedo oo qura wasaaradaha iyo hay’aadka kale ee waxaan ka waddaa laga soo bilaabo maamulka min degmo. Gobol illaa iyo heer wasaaradeed.
  5. Waxa jira dad baddan oo damacsan inay wax ka qabtaan maamulka Puntland, laakiin aanan ku qanceyn wax ka yar Wasiir ama wasiir ku xigeen, waxaan oran lahaa qofka maamulka raba inuu la shaqeeyo waa inuu soo sameeyee ( Career ) oo uu kasoo bilaabaa heer bilow ah sida  (Agaasime waaxeed, Agaasime xigeen, Maamule xigeen, illaa iyo inta uu socon karo ) oo mar walba la eegaa taariikhdiisi shaqo ( Track Record ) oo laga wareystaa dadkii iyo mas’uuliyiinti uu lasoo shaqeeyay. Qof jagooyinkaa ku liitay ilama aha in xil loo dhiibo.
  6. In kormeer joogto ah lagu sameeyaa hay’adaha Maamulka, oo loo qaabeeyaa kormeerka todobaadlaha, kan Billaha, mid lixdi biloodba ah iyo kan ugu weyn oo sanadkiiba mar ah.
  7. In maamulku uu si is la’eg uga shaqeeyaa dhammaan gobolada iyo degmooyinka hoos yimaada Maamul goboleedka Puntland ( Equal Opportunity ), oo yaanay degmona cirkaa tegin, midna aanba la garaneyn inay jirto iyo in kale.
  8. In wax laga qabto waddoyinka Puntland si loo yareeyo shilalka aan caadiga aheyn ee ka dhaca Puntland, gaar ahaan waddada dheer ee isku xirta Gaalkacayo illaa Boosaaso.
  9. Arinta tahriibka oo runti hoos u dhigtay sumcadda Puntland in wax laga qabto.
  10. In lagu dhiirageliyo dadka maamula hay’aadka puntland inay is dhisaan oo kororsadaan aqoontooda ( Capacity Building )
  11. In saxaafadda loo ogolaado inay ka hadasho qaladaadka maamulka, oo ay uga hadasho si wax lagu dhisayo ( Constructive criticism ). Run ahaanti arintaan waa muhiim, oo xitaa dadkii wan wanaagsanaa sida Cumar Bin Khadaab Allaha raali ka noqdee ayaa laga hayaa inuu yiri dad waxaan ugu jeclahay qofka qaladkeyga ii sheega. Sidoo kale nin maalqabeen ah oo reer Yurub ah ayaa laga sheegay inuu horumarka ganacsigiisa ku sameeyay , isagoo marka uu rabo inuu arin ogaado uu raaci jiray gaadiidka dadweynaha si uu xog baddan u ogaado. Haddaba madaxweyne Cadde Muuse waxaan ku oran lahaa arintaasi waa sida kaliya aad uga daawan karto muraayad, qaabka uu u shaqeeyo maamulkaada.
  12. In qiimeynta maamulka ee shaqsiga ayan noqon oo qura aqoon buu leeyahay, ee la eegaa qofka kartidiisa iyo daacadnimadiisa.

Talo ku socota Bulshada reer Puntland 

  1. Dhammaan Qoraayada wax ka qora Maamulka Puntland waxaa kula talinayaa ineeyan ka tegin Cadaalada, oo ay mar walba wixii xaqiiqo ah ka hadlaan.
  2. Sidoo kale bulshada reer Puntland waxaan kula talinayaa inay maamulka ku taageeraan howlaha uu ka wado dalka ee loogu adeegayo bulshada.
  3. Wixii khaladaad ah ee jira in loo saxo si xigmad ku jirto ,oo mar walba leyska ilaaliyaa fowdada.
  4. Aqoonyahanada u dhashay deegaamadaas inay dalki tagaan oo ay isku dayaan inay aqoontooda iyo xirfadooda ugu adeegaan dadkooda. Ha isoran haddaan lagaa dhigeyn Mas’uul sare waxba ma qabanayo. Xilka laguu dhiibayo wuu iska imaanayaa ee adiga bal marka hore u mar waddadi lagu gaari lahaa. Qofka isku darsada aqoon, karti, halabuur iyo daacadnimo, ma jirto cid qarin kartaa, oo wuu ka dhex muuqanayaa meel walba uu joogo.
  5. Aqoonyahanku ha ogolaado inuu waxyaalo baddan ka tanaasulo, sida mushaar baddan, oo uu u shaqeeyaa hadba sida waaqica ah. ( salad walba siday kuu qabato ayaa loo tukadaa ).
  6. Ogow horumar lama gaarayo haddeysan ummadda loo adeegayo ayan la garab gelin maamulka.
  1. Ha ogolaan khaladaad uu ku kacayo shaqsi liita, oo isku day inaad wax ka qabato. Tusaale yar haddii aan idiin soo gudbiyo { Waddanka Holland, tuulo ku taal annagoo joogna meel train laga raaco, ayaa nin nala socday uu ku tuuray gasacad cabitaan ka dhamaaday dhulka, haweeney, meesha taagneyd ayaa si carro leh intay u qaaday nagu tiri ma waxaad waddankeena u timaadeen inaad wasakheysaan}. Hadalkaas wuxuu noo noqday cashar, sida ay qoftaa dumarka ahi uu waddankeeda ula weyn yahay, iyo annaga sida aynu waddankeena wax walba oo xumaan ah aan ugu ogolaano.

Gabagabo

Waxaan qoraalkeygii dheeraa kusoo gababeynayaa, in aynu dhammaanteen innagoo wadjira u duubano sidi looga shaqeyn lahaa horumarka waddankeena, gaar ahaan Maamulka Puntland, { Culumaa’udiin, aqoonyahan, Siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, Haweenka, Dhalinyaro, waayeel }. Sidoo kale in aynu si wadajir ah isaga qabano dadka ku xadgudbaya waddankeena. 

F.G: - Qoraalkan waxaan uga gol lahaa bal inaan waxoogaa xasuusiyo kuwa aaminsan in maamul shaqeeya uusan jirin, ee ku howlan 24ka saac inay wax uun burburiyaan. Sidoo kale in aan maamulka farta ugu fiiqno halka ay ka liitaan ( Weak Points ). Anigu hadafkeygu wuxuu ah bal inaan isku soo dhaweeyo labada aragtiyood ee kala fog, waa haddii wax lagu qaadnayo. 

Waxaan qalinkeyga kusoo afjarayaa, wax alla wixii wanaag ah oo aan asiibay waxey u sugnaatay Allaah, Wixii aan ku qaldamay ama gef iga dhaceyna waa Nafteyda iyo sheydaan, raali gellina waan codsanayaa. 

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

Leicester UK.

saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 17, 2007


EEG BOGGA ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH