SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warar: July 2, 2007

  • Mareykanka: Arrinta Soomaaliya lama barbardhigo karo tan Ciraaq

  • Shaar-Guduud oo deg deg loola cararay Isbitaal kadib markii la sheegay in..

  • Dagaalkii ka socday deegaanka Coomaad ee Gobalka Hiiraan oo qaboobay kadib markii ay..

  • Ciidamada Dowladda FKMG oo shalay dilay wiil 7-jir ah ku dilay..

  • Dowladda Federaalka oo mudo bil ah ku kordhisay mudadii ay horey ugu qabtay..

  • Shirkii Beelaha Hawiye oo maanta ka lagu wado in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho

  • Qarax shalay ka dhacay xaafadda Taleex oo gaystay khasaaro isugu jirta..

  • C/llaahi Yuusuf “waa wax la yaab leh in dadka sheeganaya Islaamnimo ay..”

  • MUNAASABADA 1DA LUULYO ....JAKARTA, INDONESIA...

  • Tartankii xagaaga ee cayaaraha wadanka finland oo gabgaba ah.


Mareykanka: Arrinta Soomaaliya lama barbardhigo karo tan Ciraaq  

            Dowladda Mareykanka oo labo jeer ka qayb-qaadatay duulaan ka dhan ahaa waxa ay ugu yeertay kooxaha argagixisa oo ay  Soomaaliya ku soo qaaday ayaa haatan waxay Dowladda Mareykanku ku tilmaantay weeraradaasi kuwo uga sii daray xaaladda Soomaaliya. Jandaay Fareysar oo ah kaaliyaha Xoghayaha arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika ayaa mar ay wareysi siineysay Idaacadda BBC-da qaybteeda Ingiriiska ayaa waxay sheegtay in xaaladda Soomaaliya haatan lagu xalin karo iyadoo la qaybsado awoodda, isla markaana la balaariyo dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed, Faraysar waxay sheegtay in xaaladda Soomaaliya haatan aan lala barbardhigi Karin Xaaladda wadanka Ciraaq, waayo ayay tiri, dadka Soomaaliyeed iskuma haystaan Diin ee waxay isku haystaan arrimo Siyaasadeed, waxay kaloo sheegtay in Mareykanku uu qayb-qaadan doono shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyadoo sheegtay in ay ku taageerayaan lacago Malaayiin Doolar, hase yeeshee waxay hoosta ka xariiqday in ay dowladdu la timaado dulqaad iyo in ay isku soo dhaweyso Bulshada soomaaliyeed.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Afrika waxay kaloo sheegtay in xaaladda ka taagan Soomaaliya haatan ka taagan ay tahay mid aan u adag, gaar ahaan xaaladda Magaalada Muqdisho, balse shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay la yimaadaan tanaasul. Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay ka qayb-qaadatay bishii Janaayo ee sanadkaan weeraro cirka ah oo lagu qaaday Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxo ka tirsan maxaakiimta Islaamiga ah. Bishii Juun ee sanadkaan ayaa sidoo kale Diyaaradaha Mareykanku dagaal ku qaadeen deegaanka Baargaal oo uu Mareykanku sheegtay in ay ku dhuumaaleysanayaan kooxo aragagixiso ah, dhamaan weeraradaasi waxay u muuqdaan kuwo aan waxba ku soo kordhin xaaladda Soomaaliyeed, balse uga isi daray xaaladda murugsan ee ka tagaan Soomaaliya.

Shaar-Guduud oo deg deg loola cararay Isbitaal kadib markii la sheegay in..

        Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Xasan Max’ed Nuur (Shaar-Guduud) oo waayadan ku xanuunsanaa Magaalada Baydhabo ayaa shalay deg deg loola cararay isbitaal ku yaala Magaalada Baydhabo, sida aan ka soo xiganay dad ay ehelo yihiin wasiirka.

Wasiirka ayaa waxaa la sheegay inuu ka xanuunsanayo dhinaca Kelyaha waxayna Takhaatiirta qaar sheegeen in Kelyaha qaarkood ay u baahan yihiin bedel, waxaana lagu wadaa in Shaar-Guduud lagu sameeyo qaliin dhinaca kelyaha ah.

Shaarguduud oo xanuunka Kelyaha mudooyinkaan ka sheeganayey ayaa todobaadkaan gudihiisa cudurkaasi ku sii kordhay, waxaana la sheegay in ay shalay horey u sii raaceen dad ay ehelo yihiin si ay ula socdaan xaaladda Wasiirka.

Dhinaca kale waxaa Magaalada Baydhabo shalay lagu qabtay xaflad lagu xusayey sanadguurada 47-aad ee ka soo wareegtay maalinta Xoriyadda, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan, waxaana gaado ka cayaar ay dhigeen ciidamada Milatariga lagu soo bandhigay wadooyinka Magaalada Baydhabo, waxaana shalay ganacsatada lagu amray inay xiraan Meheradahooda, isla markaana ay meherad kasta suraan calanka Jamhuuriyadda, waxaana amarkaani soo saaray maamulka gobalka oo sheegay in ciddii aan soo saarin la ganaaxi doono lacag dhan 500 kun.

Dagaalkii ka socday deegaanka Coomaad ee Gobalka Hiiraan oo qaboobay kadib markii ay..

        Wararka naga soo gaaraya Gobalka Hiiraan waxay sheegayaan in dagaalkii ka socday Deegaanka Coomaad oo ka tirsan Degmada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan uu qaboobay kadib markii ay halkaasi gaareen Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Xuseen Muxumad Maalin, waxaana la filayaa in maanta ay kulamo la yeeshaan labada beelood ee ay dirirtu u dhexeyso kana soo wada jeeda hal beel, kuwaas oo ku dagaalamay ceel biyood oo ay halkaasi ka qodi laahaayeen.

Dagaalkaan oo ay ku dhinteen ilaa iyo dhowr iyo toban qofood ayna ku dhaawacmay kuwo kale, sidoo kale dagaalkaan ayaa waxa uu sababay in ay halkaasi ka barakacaan dad fara badan oo u badnaa xoolo dhaqato.

Mar uu wareysi bixiyey Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan in ay si aad ah ugu rajo weyn yihiin in dib u heshiisiin dhex marto labada beelood, isagoo sheegay in aysan dib u soo laaban doonin ilaa iyo xal waara ka gaaraan xiisaddaasi.

Ciidamada Dowladda FKMG oo shalay dilay wiil 7-jir ah ku dilay..

        Ciidamada Dowladda Federaalka  ayaa shalay xaafadda Barwaaqo ee deegaanka Gubta toogasho ku dilay Wiil todobo jir ah, kadib markii ay damceen in ay kala cayriyaan dad ku soo xoomay oo ka soo horjeeday canshuur halkaasi laga qaadayey.

Markii uu dhacay dilkaasi ayaa goobtii lagu kala cararay, waxaana markiiba yimid waalidkii dhalay wiilkaasi oo maydkii halkaasi ka qaatay.

Waxyeelada soo gaarta dadka rayidka ah ayaa maalmahan waxay ku soo kordhayeen Magaalada Muqdisho, dhawaan ayay ahayd markii Haween nadaafad ku waday magaalada Muqdisho uu qarax haleelay halkaas oo ay ku dhinteen afar qofood oo haweenka ka tirsanaa, sidoo kale Ciidamada Itoobiya ayaa hal goob ku dilay saddex wiil oo walaalo ah oo la kala oran jiray C/qaadir Ibraahim Diiriye, Sharmaake Ibraahim Diiriy iyo Jaamac Ibraahim  Diiriye.

Dilalkaan waxaa si weyn uga xumaaday dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, waxayna ku tilmaameen in uu yahay mid waxashnimo iyadoo wiilashaasi ay ilaa iyo haatan murugeysan yihiin.

Dowladda Federaalka oo mudo bil ah ku kordhisay mudadii ay horey ugu qabtay..

Iyadoo Sodonka Bishan uu ku ekaa  waqtigii ay Dowladda Federaalka u qabatay Baasaboorkii hore ee Dowladdii Max’ed Siyaad Barre ayaa waxay Dowladda Federaalka haatan sheegtay in mudo bil ah ku kordhiyeen Baasaboorkii hore qaadashadiisa.

Dowladda Federaalka oo soo daabacatay Baasaboor loogu magacdaray E-Passport  ayaa waxa uu sheegay Agaasimaha Waaxda Socdaalada iyo Jinsiyadaha C/llaahi Gaafow Maxamuud in sababaha mudadaasi ugu kordhiyeen ay tahay sidii ay fursad kale u siin lahaayeen dadka haysta Baasabookrii hore.

C/llaahi Gaafow waxa uu sheegay in mudadaasi gudaheed ciddii aan qaadan Baasaboorka cusub aysan marnaba ka dhoofi doonin garoomada kala duwan ee wadanka kana soo degi doonin.

C/llaahi waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay keeni doonaan Magaalada Muqdisho Baasaboorka cusub isagoo sheegay inay gaarsiiyeen gobalada dalka si shacabka ugu sahlanaado qaadashada Baasaboorka cusub.

Gaafow waxa uu sheegay in Baasaboorkaani uu yahay Baasaboor Electronic ah oo kana mid ah Baasaboorada adduunka haatan laga isticmaalo, isagoo sheegay in qiimo jaban ku bixinayaan baasaboorkaasi, maadaama markii hore ay daabacaaddiisu ku baxday qarasha badan. 

Shirkii Beelaha Hawiye oo maanta ka lagu wado in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho

Maanta ayaa lagu wadaa in Ergay gaareysa 500 oo ka tirsan dhamaan Beelaha Hawiye kulan dib u heshiisiin ah ku yeelan doonaan magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteelka Shaamow.

Shirkaan oo socon doona mudo saddex maalmood ah ayaa waxaa lagu lafaguri doona khilaafaadka ragaadiyey Beelaha Hawiye mudadii 17-ka sano ahayd, waxaana la filayaa in iyadoo Beelaha Hawiye mideysan ay ka qaybgali donaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

Mudooyinkii ugu dambeeyey Beelaha Hawiye waxay ahaayeen kuwo uu ka dhexeeyo khilaaf xoogan, iyadoo la filayo in shirkaani lagu doorto hogaan Mideysan oo ay yeeshaan Beelaha Hawiye.

Shirkaan ayaa haddii uu guuleysto waxa uu noqon doonaa mid beelaha Hawiye u horseeda nabad iyo isafgarad, waxa uuna shirkaani ku soo beegmay xili ay waqti yar ka harsab yahay shirka dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed oo la filayo in 15-ka bishan lagu qabto Muqdisho.

Qarax shalay ka dhacay xaafadda Taleex oo gaystay khasaaro isugu jirta..

Qarax aad u weyn ayaa maalintii shalay ahayd ka dhacay jidka Taleex ee Xaafadda Hodan.

Qaraxaasi oo lala damacsnaaa gaari ay lahaayeen ciidamada Dowladda Federaalka ayaa isagu ka badbaaday waxaana markiiba goobtii isku gadaamay ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo baaritaan ugu dhaqaaqay halkii uu qaruxu ka dhacay.

Ciidamada Dowladda ayaa waxaa lagu waramay inay qabqabteen dhowr qofood oo ka dhawaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Habeen hore ayay ahayd markii qaraxyo iyo is rasaaseyn ka dhaceen deegaankaasi, gaar ahaan KPP, waxayna israsaaseyntu u dhexeeyey ciidamada Dowladda iyo kooxo ka soo horjeeday.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay marti u ahayd qaraxyada iyo dilalka loo gaysanayo xubnaha Dowladda, iyadoo waliba ay socdaan baaritaanada ay Ciidamada Dowladdu ka wadaan Magaalada Muqdisho iyagoo garab ka helaya Ciidamada Itoobiya.

C/llaahi Yuusuf “waa wax la yaab leh in dadka sheeganaya Islaamnimo ay..”

Habeen hore ayay ahayd markii Xarunta madaxtoonyada lagu qabtay xulka sanadguuradii 47-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xoriyadda qaateen goablada Koonfureed, isla markaana ay midoobeen gobalada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee Soomaaliya.

Xafladdaan oo ka qayb-galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyey waxa uu yiri “Anigu wadanimo ayaan ku soo koray, dadkana waxaa looga baahan yahay in dalkooda ay ugu shaqeeyaan si wadanimo ah”, waxa uuna intaasi sii raaciyey “waxaa la sheegay in dad islaam sheeganaya ay dilaan dad kale oo Islaam ah, sidaa darteed waxa u soo jeedinayaa dadkaasi in ay arimahaasi ka waantoobaan, waayo mudo yar ayaa u harsan Dowladda Federalka”.

“Bal fiiriya haween ka shaqeynayey Nadaafadda ayay laayeen ma kuwaas ayaa doonaya in uu dalkaani dego” ayuu si kulul u yiri C/llaahi Yuusuf oo sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska ilaaliyaan kooxahaasi qas wadayaasha ah oo aan dooneyn Dowladnimo.

C/llaahi Mar uu ka hadlayey arrimaha dib u heshiisiinta waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay u mada-banaaneysay in shirka dib u heshiisiinta guddi gaar ah oo isku keena dhamaan beelaha Soomaaliyeed, waxa uuna shirkaani yahay mid lagu soo afjarayo dhamaan colaadihii ay isku qabeen beelaha Soomaali-yeed. Ugu dambeyntii C/llaahi Yuusuf waxa uu shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sanadkaan sanadkiisa kale ku gaaraan bash-bash- iyo barwaaqo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

MUNAASABADA 1DA LUULYO ....JAKARTA, INDONESIA...



Maanta oo ku beegneyd 1da Luulyo, maalinta xornimada Soomaaliyeed, waxaa Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo uu martigeliyay Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia Md. Maxamuud Colow Barow, ayna ka soo qeyb galeen ganacsatada degen magaalada Jakarta, ardayda halkan ku nool, marti sharaf ka kala socotay Indonesia, Sudan iyo Tanzania.



Masuuliyiinta iyo ganacsatada Soomaalida ee ka soo qeyb gashay waxaa ka mid ahaa: Sheekh C/Qaadir Xaaji Xasan, C/Laahi Sabaax, Yaasiin Qumane, Diiriye Cabdi Aadan iyo marti sharaf.



Iyadoo si weyn loo xasuusto qiimaha maalintan iyo sharafta u leedahay bulshada Soomaaliyeed, ayay in uu Ilaahay wadanka nabad iyo barwaaqo ku soo dabaalo, xumaanta iyo amni darida jirtana uu Ilaahay umada ugu badalo degenaansho iyo dawladnimo waarta.

Waxaan laysugu duceeyay horumar iyo wanaag.

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee Indonesia
Email: somalirep_jkt@yahoo.com ama molow2000@yahoo.com 


Tartankii xagaaga ee cayaaraha wadanka finland oo gabgaba ah.

TopStory30.06.07 Helesinki:-Waxaana Qaban qaabiyay Ururka Dhaqanka iyo Cayaaraha Soomaaliyeed (Socus)waana koob sanadkii mar la qabto oo loogu talagalay sidii sare loogu qaadi lahaa isdhexgalka , is araga iyo isfahanka dhalinyarada soomaaliyeed.
 




Waxaa koobkaasi ku tartamayay kooxo gaadhaya ilaa iyo 8 kooxood oo ka kala socday dhamaanba dalka finland iyadoo ay runtii noowada suurtaglin inaanu kawada qayb galno ayaa waxaa noo suurtagashay inaanu ka qaybgalno isreereebkii ugu danbeeyay ee afartii kooxood ee isku soo hadhay ay shalay kuwada ciyaarayeen garoonka

caalamiga ee Mylypuro ee magaaladfa Helesinki

Cayaarta qaybteedii hore waxaa wada cayaaray Fc-myyrymaki iyo Fc-Alhuda waxaana 6-2 ku adkaaday kooxda Myyrymaki .

Sidoo kale qaybta labaaad waxaa wada cayaaray FC-Sompa iyo Fc-Golis waxaana ay guushii ku raacday kooxdii Fc-Golis oo ku adkaaday 2 -1



Runtiina waxay ahayeen cayaaro nadiif ah oo ay dadkii goobta ka soo xaadiray ay jeclaysteen, jawigana waxa uu ahaa mid aad uwanaagsan oo saxan saxa leh waxaana cayaarta garsoorayaal ka ahaa rag aad khibrad u leh garsoora nimada. Kuwaasoo u kala dhashay dalalka Finland Iyo Ruushka .

Furitaanka Barnaamijkana waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin kala duwana oo cayaraaraha wadankan Finland aad looga yaqaan kana mid ah Masuuliyiinta Cayaaraha ee wadanka Finland iyo waliba kii soomaaliya Xilyadii kala duwanaa ee
marxalada kala gedisan uu dalku soo maray waxaana ka mid ahaa Ibaraahin Jimcaale Cabdulle (Buruuko), Maxamed Cali Yaanyo , Daahir Macalin Maxamuud iyo Axmed Cabdilaahi (Imad)



Barita oo axadana waxaa wada cayaaridoona cayaarta kamadanbaynta ah labad kooxood oo kala ah Fc-Myyrymaki Iyo Fc-Golis cayaartaas oo ah cayaar aad u xiisa badan isla mar ahaantaa lagu maamusayo Israacii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyada Dimoqraadiga ee Soomaaliya 01.07.2007 Waana inoo Barita oo Axada hadii ilaah yiraahdo .

Waxaa soo tebiyey xubin ka tirsan Radio Warsan: radiowarsan@hotmail.com


Garowe: Cade Muuse oo si cad oo bareer ah u rartay biro scrab ah oo yaalay xerada Booliska Garowe mar uu halkaasi u tagay in uu booliska u khudbadeeyo.

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2007


WARBIXIN:- Dabaal degii 1da Luulyo oo si weyn uga dhacay magaalada Badhan ee Sanaag

WAREYSI: XILDHIBAAN MAXAMED C. YUSUF OO KA SOO LAABTEY CASMARA

Qarax ka dhacay Isgoyska Afarta Jardiino oo ay dad ku dhinteen
.Beesha Sade oo ka carootay hadalkii C/llaahi Yuusuf...
.Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta PL oo ka hor yimid in..
.Beel ka cabaneysa maamul u sameyntii Degmada Afgooye..
.Wafdi Olombikada Soomaaliyeed oo u safar ku tagaya PL
.1-da Luulyo maalin xasuus mudan basle Niyad xumo...

Wararka oo dhan ka akhri halkan.... July 1

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com