SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DHAHAR

WARBIXIN:- Dabaal degii 1da Luulyo oo si weyn uga dhacay magaalada Badhan ee Sanaag
 
Badhan:- Saaka Subaxnimadii ayaa bulshada magaalada Badhan waxay ku waaberiisteen baabuur uu ka babano calanka buluugga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayna ka baxayaan heeso wadani ah oo aad u qiiro badan ayna ka mid tahay heestii " maanta maanta maanta waa maalin weyne iyo Soomaaliyey toosoo toosoo isku tiirsada eey " oo aan dhegaha wadaniyiinta soomaaliyeed beryahan maqlin , baabuurkaasi wuxu dadka u sheegayey in Maamul Goboleedka Maakhir uu Madasha shrike ee magaalada Badhan ku qabanayo xafaladda xuska maalintii Xornimada Gobolada Koonfureed iyo isku darka labada gobol ee loo sameeyey Jamhuuriyada Soomaaliya.

Dhammaan dadkii kala duwanaa ee magaalada Badhan , Culimo, dhallinyaro, cuqaal, haween , siyaasiyiin iyo ciidamada qalabka sidaba waxay u diyaargaroobeen maalintaas shacabka Soomaaliyeed aadka ugu weyn, iyada oo qolo walbi lebsikeeda kii ugu qurux badnaa uu soo qaatay una soo jihaystey dhanka madasha xafladdaas qiimaha leh.

Dhamaan goobaha ganacsiga ayaa la xidhay, meheradii oo dhan ayaa albaabada loo soo laabay si loo xaadiro maalintaas qiirada badan iyadoo weliba gidaarada lagu wada dhejiyey halku dhegyo tilmaamaya maalinta 1-da luulyo, iyo midnimada Sooomaaliyeed. Waxa madashii la isugu yimid laga jeediyey khudbado iyo gabayo qiiro badan oo dadkii xasuusisay waayadii Dawladda Soomaaliyeed ………waxa goobtaas ka hadlay dad isugu jirey aqoon yahan, Cuqaal , saraakiisha ciidamada, iyo Col. Jibriil Cali Salaad oo si faah-faahsan dadka ugu sharaxay ujeedada Maamul goboleedka Maakhir.


Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxa ugu muhiimsanaa : Ugaas Ibraahim Cali
hibiin, NB C/laahi Cabdi Ibraahim, NB Maxamuud Xasan , Col C/laahi Cumar Cashuur , Aqoonyahan C/qaadir Maxamuud Calibayr, Maxamuud Cali Ciiro (Gaabey) Abwaan Maxamuud Maxamed Aw-yuusuf ( Af-dukaanle) , Carab Cumar Huruuse, Faysal C/laahi Faatax ,Xaaawo C/laahi Warsame iyo akhyaar kale oo aanan halkan kusoo koobi karayn.


Dadweynaha ayaa si weyn ugu faraxsanaa xafladaas halkaas ka dhacday , iyadoo sidoo kale xaflad kale oo tan la mid ah ay qabteen xubnaha maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Badhan.

Dhammaan umadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba waxan l;eenahay midnimo iyo Soomaalinimo,

Maxamuud Ciyoon
Badhan
--
Xubin ka mid ah Bahda LaasqorayNet

Faafin: SomaliTalk.com | July 1, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com