SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

ALLOW ANAA DAWACO IGU ORGOOTEY

Bashir Sheekh
Bashka
soompress@hotmail.com 

In kabadan 200 oo maalmood ayaa kasoo wareegtay markii maxaysatada Xabashida ee ay bari taarayeen awoodaha shisheeye ay soo galeen gudaha Dalka Soomaaliya. Kadib markii ay hal bacaad lagu lisay noqotay rabitaankii iyo damacii horjoogayaasha dagaalka ee kooxaha soomalida ee xasiloonida u diiday dalka mudada 16ka sanadood kabadan. Taasi oo ay bedelkeedana dalka ka howlgaleen mudooyinkii ugu danbeeyey kacdoonadii guulaha isa soo taraya xambaarsanaa ee ay hor kacayeen xeel dheerayaashii Golaha Maxaakiimtu.

Wax waliba waxaa ay isu bedeleen dhanka kale kadib markii ay maxaysatada xabashidu ku baaheen Gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo kaashanaya shaqsiyaad Soomaaliyeed oo sheeganaya masuuliyada ugu saraysa Dalka, inkastoo hadana aanay miisaan muuqda ku lahayn xaalada uu dalku ku sugan yahay xiligan qalafsan shaqsiyaadkaasi.

Shaqsi kasta oo Soomaaliya waxaa uu kadheregsan yahay marxaladan uurkutaaladu buuxisey ee uu ku sugan yahay dalku, ciilka iyo carada aan cidina uga garaabeyn, xabaal wadareeda, Xasuuqa maatida, Dhaca iyo Boobka, kufsiga Hooyooyinka iyo Gabdhaha da’da yare e Soomaaliyeed, Adeegsiga Arxan darida ah ee Madaafiicda loo qaybiyo Guri deegaana mid ganacsi, Iskuul iyo Isbitaalada ay joogaan Kumanaanka lagu dhibaateeyey gudaha dalka, goobaha lagu barakiciyey malaayiinta aan waxba haysan waxaa ay gudaha dalka ka noqotay waxaan dhibaato ugu muuqan shaqsiyaadka shaatiga ceebeed huwan ee maxaysatadu ku ugaarsadaan.

Waa arin murugo leh in manta oo ku beegan maalintii Qaranimada ama Xoriyada aan shaqsi soomaliya wax xoriyada haysan haba yaraatee, waa xaalad damiirka wadanigu ka galiilyoodo in 47 sano kagadaal uu dalku gacanta u galo Gumaysi madow, waxaa qof waliba oo Soomaaliya uu ku jiraa Xabsi Guri, waxaana qofku ku qiimaysan yahay Xabada ka dhacda qoriga AK 47 ka ah ee xabashiga Degta u suran.

Sow wax laga xishoodo maaha in ayadoo DKMG ah sidii ay doontaba awoodu ha ka ahaatee ay dalka joogto hadana arimaha dalku ay ka go’aan askari xabashiya, ALLOW ANAA DAWACO IGU ORGOOTEY. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nimaan talin jirin haduu taliyo nimaan tegi jirin ayaa taga.

Ugu danbayntiina waxaan murugada lawadaagsanayaa walaalahayga somaaliyeed ee maalinta xornimada ee 47 guuradii xoriyada ku sugan maalinta madow

Bashir Sheekh
Bashka
soompress@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2007

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com