SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

(26) June maalin Taariikhdeeda leh

Qalinkii: Subeyr Cismaan Idiris

Laascaanood, Sool

E-mail:
subeyr1425@yahoo.com

(Hordhac)

Mahad oo dhan waxay u sugnaatay Allaha abuuray koonkan aynu ku noolnahay cidkasta iyo wax kastaba (SW) suxbxaana watacaala sidoo kale Naxariis iyo nabad gelyo nebigeenni suubanaa korkiisa ha ahaatoo (C.S.W), intaa ka bacdi, waxaan u doortay inaan qalinkayga maanta taariikh kooban kaga bixiyo maalinta aadka u xuska fiican ee (26) June oo sanad guuradii 47aad na aynu ka joogno hadaynu Soomaali nahay maalintii xornimada Gobolada Waqooyi heleen kana qaateen saaxirkii Ingiriis ee gumaysan jiray Gobolada Waqooyi, hadaba dulucda maqaalkayga aan hoos ugu dego.
 

 
Marka laga hadlayo 26 June, waa maalin ku astaysan xornimo, waa maalintii ugu horraysay ee calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed dadka Gobolada waqooyi ama soomaali idilba maalintaasi waxay u ahayd farxad iyo rayn rayn ayku dheehnayd wadinimo, marka laga hadlo gumeysigii Engiriis ee Gobolada waxaa la soo qaataa halgankii qadhaadhaa ee daraawiishi ka bilowday carrada Nugaaleed kaasoo bilowday abaara 1989 - soconayayna muddo ku siman (21) sano kaasoo ay isku haleeleen halgamayaashii daraawiisheed iyo gumeystihii Ingeltra (English Empire) hadaba aan sooyaal kooban ka bixiyo taariikhdii daraawiisheed:
 
Taariikh kooban oo ku saabsan Seyid Maxamed C/lle Xasan
Sayid Maxamed Cabdille Xassan, wuxuu ku dhashay taariikhdu markay ahayd 1856, xiligaasoo ahayd xili gu' a oo la baxay ama loo bixiyay "Gobaysane", wuxuu ahaa gu’ barwaaqo ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay hanaqaad noqdeen, isla markaana meesha uu ku dhashay waa balliga Sacmadeeqo oo (7) Mile u jira Magaalada Buuhoodle kana xigta dhinaca waqooyi, iyadoo waagaa loo yaqaannay aagaa Nugaal balse hadda loo yaqaan Gobolada SSC, Seyidku wuxuu tacliinta Qur'aanka kariimka ah ku bartay gurigoodii, cilmigana wuxuu ka raacday ama ka bartay xer fadhiyi jirtay Nugaal ama SSC oo xaruntoodu ahayd dooxada la yidhaah Casuura. 

Xiligu markuu ahaa abaara 1892, wuxuu Seyidku u kacay magaalooyinka barakaysan ee Maka iyo Madiina; waxay israaceen (13) wadaad oo ay isku xer ahaayeen waxaana ka mid ah sida taariikdhu sheegay Aw- Cabaas Xuseen Maxamed oo markii dambe la dilay oo daraawiish ka mid ahaa, mudadii ay ku maqaayeen Maka iyo Madiina ayaa lagu qiyaasay laba gu’ iyo dheeraad; taariikhdu markay ahayd 1895-kii ayaa Sayid Maxamed ku soo noqday dhulka Soomaalida, wuxuuna ka soo degey xeebta magaalada Berbera.

Waxaa la soo weriyay in Sayid Maxamed doonniduu la socday markuu ka soo degey ayaa Ingiriisku ku warsaday dekedda cashuur inuu bixiyo, su'aashaas oo Seyidku aad uga cadhooday kuna af celiyay "Adiga yaa cashuurtii kaa qaaday markaad halkan ka soo degtay" dabadeedna af-celiyihii (Translator) baa ku yidhi gaalkii " waa wadaad waalane inaga daa" sidaa daraadeed waxa Ingiriisku ku magaacay wadaadkii waallaa (Mad Mullah), taasoo maraad eegto taariikhada ku qoran afka Englishka aad arkaysid marka Seyidka ay soo hadal qaadanayaan ay ku tiraabaan (The mad Mullah in Somaliland).

Iska hor imaadkii ugu horreeyey

Sida la soo weriyay sanadkii 1900-kii ayaa Ingiriisku col lixaad leh soo duma si loo damiyo dabka halkaas ka baxayaa intaanu dhulka ku fidin, haddaba xabaddii maalintaa la ridey waxay dhacaysay (20) sano, inta la ogyahay ama sooyaalkeeda la hayo ( 41) goobood bay isku haleeleen Daraawiish iyo Ingiriis, hadaba dagaaladaasi kuwii ugu waaweynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxa ka mid ahaa kuwan.

Magaca dagaalka iyo taariikhda uu dhacay

Afbakayle                                03 – 05 - 1901
Fadhiddin                                16 – 07 - 1901
Beerdhiga                                10 – 08 – 1902
Cagaarweyne                           17 – 04 – 1903
Daratoole                                 18 – 04 – 1903
Jidbaale                                    10 – 01 – 1904
Ruuga                                       09 – 10 – 1913
Dayuuraddii                               1– 12 –   1919

 
 
Waxaa dhab ahaantii raad xun reebay gumeysigii ku amar xad gudbayay gobolada Soomaaliyeed ee Waqoo (Northren Somali Region, which the british referred to them as British Somaliland Protectorate), dadka soomaaliyeed waxay mar uun filayeen in dhulkoodu u xoroobi doono balse allaxa waaxidul qahaarka ah waa u rumeeyay himiladoodii iyo higsigoodii, dawladda Ingeltra waxay mar kastaba ka xumayd halgamayaasha soomaaliyeed ka xor jeeda dahahooda gumeysi balse marna mar gar waaqsan in ay Soomaalidu xornimo u hanayso inkastoo halgan iyo dadaaal alle mahadii ku timi xornimada (Maandeeq).
 
Ka dib halgankii daraawiisheed, waxaa halgankii xornimadoonka halkii ka soo amba qaaday ururadii soomaaliyeed sida USP(United Somali Party) SYL (Somali Youth Leage) iwm, kuwaasoo ku guulaystay inay xornimadii dalkooda la kulmaan.
 
Ka dib Ingiriis dadaalda badan ee halganka xabadda iyo afka ah socday taariikdhu markay ahayd 1960 (26) June wuxuu go'aansaday inuu Goboladii waqooyi xornimadii u saxeexo, waxaa taariikhdu tilmaamaysaa in wefti culus ka tegey goboladii waqooyi ee (British Somaliland Protectorate) oo ay ka mid (AUN) Maxamed X. Ibraahim Cigaal, (AUN) Garaad Cali Garaad Jaamac, sidoo kale X. Ibraahim Nuur, Axmed Keyse X. Ducaale iwm, weftigaasi oo ku guulaystay in xarunta Gumaytaha Ingiriis ee London ku kala saxeexdaan iyaga iyo Gumaystaha Ingiriis taasi oo ingiriis qalinka ku duugay (The first  somali teritory to be signed independency), shacabka soomaaliyeed waxay aad ugu riyaaqeen xornimada ay heleen waatii goobtii calanka Abwaankii Soomaaliyeed ee C/laahi Suldaan Timacadde ka tiriyay beydadkan:
 
Saaxirkii kala Guurraye
Sareeyoow, ma nus qaamow
kana siib, kana saar,
 
ilaa dhamaadka gabayga.
 
Sidoo kale waa tii Abwaan Qaasim lahaa:
 
Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya
Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday
Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama
Fardaha yaa dirkii dhooddi meer doona faracdiisa
Allow yaa darmaan farataqaan duqa u kooreeya
Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada
Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye
Ha daawado dadkow hiiliyo doogga soobbaxaye
Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara
In dariiqadi nooshahay ooy dunida soo gaadhey
Oo dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray
Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega!

 
ka dib, waxaa Goboladii waqooyi ee calan xor ah hela (1) dii July la midoobeen walaalahoodii koonfureed oo iyanaa xornimadii ka qaatay gumaystihii Talyaani, arrintaasi waxay wada u xaadhay aasaaska Jamhuuriyaddii ugu horraysay ee Somaaliyeed (Th first Somali Republic to be founded).
 
Guntii iyo Geba-gabadii: Waxaa farxad iyo xishmad u ah umadda soomaaliyeed ahmiyadda xornimada iyo qiimaha ay ku fadhido maalinta 26 June.
 
Afeef: Waxaan rraali gelin ka bixinayaa hadiid khaladaad madbaci ah ama aaraa'i ah jiro.
 

Wabillaahi Tawfiiq,

Qalinkii: Subeyr Cismaan Idiris

Laascaanood, Sool

E-mail:
subeyr1425@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com