SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Barnaamijkii Radio Xoriyo
03 July 2007.
 
Caleen oo ciidammada gumaysiga si wayn loogu jabiyay.
 
Dhibaatooyin ay ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha.
 
Ciidammada OLF oo gumaysiga askar ka laayay.
 
Barnaamijkii Xog-Warran(Zenawi oo qirtay inay ku khasaareen duulaankii ay Soomaaliya ku qabsadeen).
 
======================            
 
Caleen oo ciidammada gumaysiga si wayn loogu jabiyay
 
Wariyaha RX uga soo warrama jiidda hore ee dagaalka ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo si wayn loogu naafeeyay ciidammada cadowga, gaar ahaan meesha lagu magacaabo Caleen, oo Shilaabo ka tirsan oo darsin lama illaawaan ah ciidammada cadowga lagu siiyay.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 29/06/07 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa cadowga ku dhex maray Caleen, oo degmada Shilaabo ka tirsan, waxaa ciidammada loogu gaystay jab aanu ka soo waaqsan Karin, waxayna ciidammada cadowgu goobtii dagaalka kaga carareen 43 askari oo mayd ah, waxaa sidoo kale laga dhaawacay 21 askari, hase yeeshee waxaa la filayaa in khasaaraha dagaalkaas ka gaadhay uu intaas aad uga badan yahay. Ciidammada gumaysiga ayaa deegaankaas hawlgal dadwaynaha ka dhan ah u tegay, iyagoo ka kala yimid Shilaabo, Wardheer iyo Laasa-caano.
 
Markii jabkaas loo gaystay ciidamadii cadowgu waxay u kala carareen meelihii ay ka kala yimaadeen, hase yeeshee waxay ku gaydhadeen dadwaynihii deegaankaas degganaa, iyagoo dilay seddex qof oo rayad ah, oo kala ah; Madiina Diirshe Xirsi, oo 90 jir ah, Axmed Cabdi Dhuub iyo C/llaahi Macalin C/raxmaan  oo iyaguna ah waayeel ay u suuragali wayday inay cararaan. Waxay sidoo kale gubeen Aqallo badan oo hantidii taallay oo dhan ay ku gubeen.
 
Sidoo kale 29/06/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray meesha lagu magacaabo Ija Labi-yar, oo ka tirsan degmada Dhagaxmadow, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 29/06/07 dagaal isagumana ka dhacay Eegiyada, oo Dhagaxmadow ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay7 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
16/06/07 dagaal sidoo kale ka dhacay Tantoomi, oo Dhagaxmadow ka tirsan, waxaa cadowga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Dhibaatooyin ay ciidammada gumaysigu u gaysteen dadwaynaha.
 
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dhibaatooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin.
29/06/07 kolonyo baabuue ah oo ay wateen ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa Dalaad, oo Qabridaharre ka tirsan, ku dilay nin shacab ah oo lagu magacaabo Cabdi Khaliif. Markii ay ninkaas dileen waxay jeebkiisa kala baxeen lacag gaadhaysa 100 Bir.
 
Isla 29/06/07 waxay ciidammada cadowgu Karin Bilcille ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo ay ka mid yihiin;
1-    Daahir C/llaahi Faarax
2-    Gurey Cabdi Muxumed iyo
3-    Maxamed Yuusuf Yaase
 
28/06/07 Raar, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku qasheen 10 Neef, waxaan xoolahaas lahaa Aw Xasan Baddal Dhabeeye iyo Faarax Ismaaciil.
 
27/06/07 Gosoley waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Sh Xuseen Dhaga-sayn iyo
2-     C/llaahi Dheeg
3-     
Isla 27/06/07 waxay ciidammada gumaysigu Maramaydh si xun ugu jidhdileen nin lagu magacaabo Cabdi Makhtal Diiriye, oo markii denbana la tageen, ilaa iyo haddana aan laga warhanin meesh ay geeyeen. Waxaa isagana isla maalinkaas la waayay oo la filayo inay la tageen Cabdi Cumar Qabille.
20/06/07 Abaa-qorrow waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen oo qofkiiba 5000 oo Bir ka qaateen dadka kala ah;
1-    Maxamuud Qorane Mureec
2-    Dhux Qase Farxaan
3-    Faadumo Mahdi Maxamed
4-    Dhuux Caydiid Aaden
5-    C/raxmaan Axmed Dalab
6-    Xaliimo Cabdi Nuur iyo
7-    Hodan Maxamuud Kayd
 
08/06/07 magaalada Fiiq waxay ciidammada gumsigu sidoo kale ku xidhxidheen dadka kala ah;
1-    Maryan C/llaahi Cumar
2-    Faadumo Baddal
3-    Tamaad Abiib
4-    Xamdiya Mawliid
5-    C/llaahi Yare
6-    Sakariye C/llaahi Xasan
7-    Daahir Cabdi C/llaahi
8-    Cumar Maxamed Dalmar
9-    Gorod oo magaciisa buuxa aanaan haynin iyo
10-                  Mooge oo isagana magaciisa oo buuxa aanaan haynin.
 
Ciidammada gumaaysigu waxay sidoo kale dad ku laayeen meel u dhaxaysa Garigo’an iyo Shaygoosh, magacyadoodana waxaan idiin soo gudbin doonaa markii aan helno.
 
Ciidammada OLF oo gumaysiga askar ka laayay.
 
War ka soo baxay ururka Oromada ee OLF ayaa sheegaya in Ciidamada Xoreynta Oromiya ay khasaare lixaad leh u gaysteen ciidammada gumaysiga Itoobiya, ka dib markii ay weerar ku qaadeen.
 
Warkan ayaa sheegaya in Ciidammada Xoreynta Oromiya ay weerar ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay meesha lagu agacaabo Fulale, oo ka tirsan gobolka Boku, oo ku yaalla bariga Hararge, markii ay taariikhdu ahayd 19/06/07.
 
Weerarkan waxay ciidammada gumaysiga kaga dileen 20 askari, waxay sidoo kale kaga dhaawaceen 10 kale. Ciidammada Xoreynta Oromiya waxay sidoo kale weerarkan nolol kaga qabsadeen ciidammada gumaysiga 9 askari. Waxayna kaga furteen in ka badan 10 Qori oo AK-47 ah iyo qalab kale oo millatari.
 
 
03 July 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com