SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaabtii DAAHIR AWEYS OO ILAAHNIMO SHEEGTAY

Prof. Cabdi Biixi – Yemen

Sana’a University

cabdibiihi@hotmail.com

Anigoo aqoon dheeraad ah u leh ninka layiraahdo Cabdiraxman Xariiri ama aad isugu dhoweyn xiligii wax barashada Sudan iyo Yemen isla markaasna dhowr jeer ka munaaqashoonay dhacdooyinka Soomaaliya taasoo aan mar walba isku raaci jirney aniga iyo Xariiri in xalka soomaaliya diinta ku dhaqankeeda ku jiro, isla markaasna aan ilaahay hortii ogahay in ninkaasii Caqiido ahaan iyo diin ahaanba uu ahaa nin ku fiican diinta, hase ahaatee markaan arkay maqaal uu qoray oo uu u bixiyey Daahir Aweys oo Ilaahnimo Sheegtay, waxaan dareemay in saaxiibkeen 90 digrii wareegey uuna aad u taageersan yahay dowlada Cabdilaahi Yusuf iyo Geedi. 

Hadalka uu  soo qoray Xariiri ee uu leeyahay waxa uu Daahir Aweys sheegtay ILAAHNIMO waxuu uga dhacay Sheekh Daahir ah si khalad ah ugumana uu talagelin inuu dhaho ilaahnimaan sheeganayaa – Soomaaliduna waxay tiraahdaa Halmaan Hadal kuma jiro. 

Inkastoo maxkamadihii khaladaad badan sameeyeen aniga naftigayguna aan diidanaa sida ay siyaasada soomaaliya ugu gacan geliyeen kooxo xag jira oo ajinebi ah hadana Xariiri waxaa u haboon inuusan aad ugu talax tegin wax ka sheegooda maadama ay yihiin niman Caqiido ahaan iyo Cibaado ahaanba toosan. 

Dhinaca kale waxaan arkay maqaalo badan oo soomaalinimo iyo wanaag sheegay oo uu qoray iyo kuwo uu maxkamadihii iyo Muqaawamada ku diidan yahay oo uu websitada ku faafiyey laakiin weli ma arkin isagoo dhaliilaya ama wax ka sheegay dowlada FKM ee Geedi iyo Cabdilaahi taasoo tusinaysa in uu san dhex-dhexaad ahayn oo uu dhinac la jiro. 

Hadal iyo dhamaan ma jeclayn inaan si lawada maqlayo wax ugu sheego saaxiibkeen Xariiri laakiin markaan ku guulaysan waayey inaan ku qanciyo e-mailo badan oo aan u diray ayaan u arkay inay lagama maarmaan tahay inaan si caam ah wax ugu sheego. 

Nin aan isna saaxiib nahay oo Xariri aad u yaqaan oo ay Sucuudiga wada joogaan oo aan wax ka waydiiyey ayaa igu yiri hadal aan la yaabay markii uu ii sheegay in Xariri la waydiiyey ra’yiga uu ka qabo joogitaanka Xabashida ee soomaaliya wuxuuna iigu jawaabay ayuu yiri “Waxaan kala dooranaynaa Isbaaro Sokeeyo iyo Ixtilaal Shisheeye, Ixtilaal Shisheeyaa aniga la ila qaatay inkastooy labaduba dhib yihiin” – Ma huba in Hadalkaas Xariri Yiri laakiin haday jirto waa isbedel weyn oo aan la garanayn wax kelifey. 

Ilaahay Khayrka Ha ina waafajiyo Kuligeen - Amiin 

Prof. Cabdi Biixi – Yemen

Sana’a University

cabdibiihi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Akhri: ABDIRAXMAN XARIIRO OO MARAY WADADII SHAAFICI HASSAN: Jawaab....

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com