SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Wararkii: July 5, 2007

  • Odoyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo qaadacay shirka wadatashiga

  • Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo gadooday

  • Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid Magaalada Muqdisho

  • Amaanka Caasimada Muqdisho Oo Aad Looga Dayriyey Xili Uu Soo Dhow Yahay Shirka Dib U Heshiisiinta Qaran.

  • Punt-land Oo Ku Dhawaaqday Inay Maamul Ahaan Uga Soo Qayb Gelayaan Shirka Dib U Heshiisiinta Qaran .

  • Beelaha Harti Waamo Oo Isku Khilaafsan Qaabka Ay Uga Soo Qayb Gelayaan shirka Dib U Heshiisiinta Qaran.

  • Dhiiladii Colaadeed Ee Ka Taagnayd Tuulada Coomaad Ee Gobolka Hiiraan Oo Lasoo Afjaray.
    Jabhada ONLF Oo Sheegatay Inay Guulo Ka Gaareen Cadowga Ethiopia .


Odoyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo qaadacay shirka wadatashiga

Odoyaasha Beesha aya shalay soo saray qoraal ku saabsan in gebi a haanba ay qaadaceen shirka wadatashiga. Beelaha Hawiye oo lagu waday in uu manta ka furmo mar kale Hotel Shaamow, waxayna qadacaadooda ku saleeyeen dhowr qodob, waxayna sheegeen in Beelaha Hawiye uusan wax dagaal ah ka dhexeyn, wixii khilaafaad ah ee yaryarna ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku xalin doonaan, sidoo kale waxaa qodobada ka mid ah in shir dib u heshiisiin ah lagu qaban Karin dalka tan iyo inta la sii danynayo maxaabiista tirada badan ee lagu gayo xabsiyada sidoo kalana ay wadanka isaga baxaan ciidamada Itoobiya.

Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Max’ed ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya ay dhibaato ka wadaan gudaha dalka, isagoo sheegay in lagu xadgudbay heshiisyo ay Dowladda horey u wada gaareen oo ku saabsan qaabka loo qabanayo, waxa uuna u mahadceliyey Axmed Diiriye madashada Bulshada rayikda oo ku tilmaamay in ay yihiin kuwo nabadda ka shaqeynaya.

Shirka dib u heshisiinta ayaa maanta laagu waday in lagu Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Shaamow sida uu horey u shaaciyey Guddoomiyaha golaha dhaqanka Beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan oo horey u sheegay in ay jiraan khilaafaad yar yar oo u dhexeeya beelaha Hawiye kuwaas oo lagu xalin doono maalmaha yar ee ka harsan shirka dib u heshiisiinta. 

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo gadooday

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugan Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne ayaa shalay halkaasi ka sameeyey gadood, waxayna qabsadeen xarunitii Maamulka Gobalka Hiiraan.

Ciidankaan ayaa sababaha u gadoodeen lagu sheegay in aysan wax mushaar ah la siin tan iyo intii ay ka hawl bilaabeen gobalka Hiiraan.

Ciidankaan ayaa sidoo kale waxa ay dhac iyo boob u gaysteen Gawaarida isaga kala gooshta gobalada dhexe, ilaa iyo haatanna maamulka Gobalka Hiiraan kama hadlin gadoodkaasi ay sameeyeen ciidamada Dowladda Federaalka, sidoo kale wararka ka imaanaya Gobalka Sh/hoose waxay sheegayaan in ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay iyana halkaasi ka bilaabeen isbaarooyin iyo dhac ay u gaysanayaan gaadiidka isaga kala goosha deegaanada gobalkaasi, waxaana arrintaasi ka walwalsan dadweynaha deegaanka oo u soo jeediyey Dowladda Federaalka in ay si deg deg ah wax uga qabato arrintaasi.  

Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid Magaalada Muqdisho

Guriga Wasiirka Garsoorka Dowladda oo la weeraray

Waxaa xalay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho laga maqlay qaraxyo iyo rasaas, waxayna qaraxyadaasi u muuqdeen kuwo lala beegsanayey ciidamada Dowladda, waxayna ka imaanayeen kooxaha sida aadka ah uga soo horjeeda, ilaa iyo haatanna lama oga khasaarihii ay keeneen qaraxyadasi, maadaama ay habeen ahayd, isla markaana Muqdisho ka jirto bandow galay habeenkii 14-aad.

Magaalada Muqdisho waxaa habeen kasta ka dhacay qaraxyo iyo dil joogto ah, ilaa iyo haatanna cid wax ka qabatay ma jirto, inkastoo Ciidamada Dowladda Federaalka ay dadaal ugu jiraan sidii ay u xakameyn lahaayeen qaraxydaasi. Dhanka kale gruiga Wasiirka Garsoorka ee Dowladda Federaalka Xasn Dhibil Warsame aya xalay koox dabley ah weerartay, waxaana lagu tuuray bam iyo rasaas, lamina sheegin cid wax ku noqotay, waxaana xiligaasi la joogay Ugaas Cabdi Daahir oo ka mid ah Odoyaasha Beelaha Hawiye.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


  • Amaanka Caasimada Muqdisho Oo Aad Looga Dayriyey Xili Uu Soo Dhow Yahay Shirka Dib U Heshiisiinta Qaran.

  • Punt-land Oo Ku Dhawaaqday Inay Maamul Ahaan Uga Soo Qayb Gelayaan Shirka Dib U Heshiisiinta Qaran .

  • Beelaha Harti Waamo Oo Isku Khilaafsan Qaabka Ay Uga Soo Qayb Gelayaan shirka Dib U Heshiisiinta Qaran.

  • Dhiiladii Colaadeed Ee Ka Taagnayd Tuulada Coomaad Ee Gobolka Hiiraan Oo Lasoo Afjaray.

  • Jabhada ONLF Oo Sheegatay Inay Guulo Ka Gaareen Cadowga Ethiopia .

Amaanka Caasimada Muqdisho Oo Aad Looga Dayriyey Xili Uu Soo Dhow Yahay Shirka Dib U Heshiisiinta Qaran.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Xalay Saqdii dhexe ayaa israsaasayn aad u culus laga maqlayey jidka wershedaha ee magalada muqdisho xili ay magaladu tahay bandow oo aysan jirin isu socodka gadiidka iyo dadweynaha .

Israsaasayntan ayaa lala beegsaday bar cantarol oo ku taala isgoyska ifka xalane halkasoo ay ku suganaayeen cutubyo ka tirsan ciidanka dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia ,israsaasayntan ayaa soconaysay mudo sodon daqiiqo ah iyadoo laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan .

Goob jooge halkaas ku sugnaa oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa tibaaxay in khasaare baaxad weyni soo gaaray ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia ,islamrkaana uu goob joogahaasi xusay inuu arkayey isagoo ku sugnaa meel aan sidaasi uga dheerayn ciidamada huwanta ee dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia oo dhaawacyadooda laga daadguraynayo goobtaas.

Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale lagu weeraro fariisimada ciidamada isku dhafka ah ee Ethiopia iyo kuwa dowlada KMG ah asbuucan horaantiisa ayay ahayd markii xili habeenimo ah la weeraray barta cantarol oo ay leeyihiin ciidamada dowlada KMG ah oo ku yaala isla goobtan xalay la weeraray.

Si kastaba ha ahaatee amaanka caasimada muqdisho ayaan laysku halayn karin islamrkaana u muuqda mid faraha kasii baxaya xili uu fooda inagu soo hayo shirka dib heshiisiinta qaran ee lagu balamay inuu dhici doono 15-ka bishan july ee aynu ku jirno.

Punt-land Oo Ku Dhawaaqday Inay Maamul Ahaan Uga Soo Qayb Gelayaan Shirka Dib U Heshiisiinta Qaran .

Shirka dib u heshiisiinta qaran ee beelaha soomaaliyeed oo ku aadan 15-ka bishan july ee aan ku jirno aya waxaa socxonaya dadaalo lagau doonayo in lagu soo ururriyo ergooyinka ka qayb gelaya shirkaas kaasoo ay qaban xoogan ugu jiraan gudiga dib u heshiisiinta islamrkana ay warqadihii xaflada kasoo qayb galka ukala direen gobolada dalka sida uu sdaxafada u sheegay shir gudoonka shirka beelaha soomaaliyeed cali mahadi maxamed .

Hadaba waxaa soo baxaya warar sheegaya in maamulka punt-land oo madaxda ka yahay Gen cade muse xirsi inay shaaciyeen inay shirkaas uga soo qayb geli doonaan qaab maamul ahaaneed ,islamarkaana aysan jiri doonin wax qabaa,il ah sida uu saxaafada u sheegay cali jaamac oo u hadlayey maamulka punt-land .

Cali jaamac ayaa mar uu ka hadlayey qaar ka tirsan warbahinta muqdisho ayaa tibaaxay inaysan haday yihiin mamulka punt-land ay shirka uga soo qayb geli doonaan qaab mamul ahaneed ,islamrkaana aysan jiri doonin qaab beeleed waa siduu hadalka u dhigaye ,cali jamac ayaa mar la weydiiyey su,al ahayd madama aad shirka uu yahay qaab beeleed sidee isu waafajinaysaan arintan ,ayuu waxuu ku jawabay anagu maamul ayaa ka jira goboladayada marka looma baahna qabiil .

mud,cali jaamac ayaa la weydiiyey su,aal kale oo ahayd guud ahaan gobolada punt-land ma isku raacsan yihiin arintaas ,ayuu waxuu ku jawabay haa wayo punt-land maamul ayaa ka jira marka looma baahna inay uga soo qayb galaan qab beeleed .

cali jaamac ayaa sidoo kale waxaa la weydiiyey waxaa soo baxaya warar sheegaya inay gobolada SSC ay ka biyo diidsan yihiin arintaas maxaa ka jira ,waxuuna ku jawabay adeer arintani maamulka punt-land ayay u taalaa loomana baahna dad iska hadla oo aan wax masuuliyada hayn.

Hadalkan kasoo baxaya maamulka punt-land ayaa kusoo beegmaya xili u khilaaf ba,ani hareeyey qaar ka tirsan gobolada hoos taga maamulka punt-land ,islamrkaana ay ismida gobolada sool ,sanaag iyo buuhoodle qarkood ku dhawaaqeen inaysan ka qayb geli doonin shirkaas.

Beelaha Harti Waamo Oo Isku Khilaafsan Qaabka Ay Uga Soo Qayb Gelayaan shirka Dib U Heshiisiinta Qaran.

warar kala duwan ayaa kasoo baxaya beel-weynta harti waamo ee ku dhaqan gobolada jubooyinka sidii ay uga qayb geli lahaayeen shirka dib u heshiisiinta qaran ee ka dhacaya magalada caasimada ee muqdisho bishan aynu jirno bartamaheeda .

Khilaafkan ayaa ka dhashay xubnaha ka qayb gelaya shirka sidii loo qaybsan lahaa sida ay saxafada u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo magalada kismanyo ku sugan ayaa sheegay inay xubnahasi dhamaan marooqsadeen hal beel oo ah beesha uu kasoo jeedo madaxweyne c/lahi yusuf.

Sidoo kale warka ayaa intaas ku daraya in kulan ay isugu yimadeen beelaha harti waamo uu ku dhamaaday faro taag taag ka dhashay sidii loogu heshiin lahaa xubnaha loo qoondeeyey qayb ahaan shirkaas,iyadoo uu soo wajahay beelahasi is eedayn iyo buuq fara badan.

Mid kamida aqoon hayaniinta ku dhaqan magalada kismanyo oo kasoo jeeda beelahasi oo magaciisa diideyu in la shaciyo ayaa saxafada u xaqiijiyey inaysan jirin wax heshiis ah oo ilaa iyo hada dhex maray beelaha harti wamo balse ay ku balameen inay dib u kulmaan mar labaad si loo dhameeyo khilaafkan soo wajahay beelahan

Ugu dambayntii marka ay timaado wax qaybsiga beelaha soomaaliyeed dhexdooda ayaa badanaba waxaa soo wajaha khilaaf ka dhasha sad bursi beeleed oo badanaaba keena khilaaf.

Dhiiladii Colaadeed Ee Ka Taagnayd Tuulada Coomaad Ee Gobolka Hiiraan Oo Lasoo Afjaray.

Tuulada Coomaad oo 180-km dhinaca bari ka xigta magaalada beled -weyne ayaa waxaa dagaal uu dhiig ku daatay ku dhexmaray labo jufo oo beesha xawadle kasoo wada jeeda ,iyadoo laysu adeegsaday hubka kala duwan.

Dagaalka ayaa waxuu ka bilowday ceel biyo cabeen ah oo laga qodayey tulada coomaad taasoo jufada kale u aragtay inay wadadto hal koox sida u saxafada u sheegay ugaaska beeshaasi Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo dfhowanahanba ku sugnaa tuulada coomaad ,islamrkaana dushiisa ay ku dagaalameen labada beelood.

Khasaaraha dagalkan ka dhashay ayaa lagu soo waramayaa inuu gaarayo 12-dhimasho ah iyo 15-dhaawac ah iyadoo uu dadka ku dhintay dagaalkan uu ku jiro oday dhaqameed si weyn looga yaqanay gobolka hiiiraan.

Daminta colaadan ayaa waxaa u gurmaday maamulka gobolka hiiraan iyo kan degmada beledweyne , culimo-udiinka iyo bulshada rayidka ah tasoo ay kusoo afjareen in si nabad gelyo ah ceelka looga qodo tuuladasi islamrkana ay si nabad ah ku wada cabaan beelahaasi halkasi dirirtu ku dhexmartay.

Jabhada ONLF Oo Sheegatay Inay Guulo Ka Gaareen Cadowga Ethiopia .

Warar laga soo xigtay wakaalada wararka yemen ayaa tibaaxaya inay jabhada ONLF ay ciidamada Xukumada Ethiopia ka dileen todobaadkan aynu ku jirno 43-askari kadib markii ay iska hor imaadyo hubaysan iskaga ho yimaadeen meelo kamida gobolada ismaamulka soomaalida ee kilinka shanaad.

Warka ayaa intaas ku daraya in Jabhadda Xoreynta ONLF ayaa sheegatay in ay khasaare baaxad leh u gaysteen ciidamada ethiopia islamrkaana ay guutoka tirsan ciidamada axmaarada oo fariisin ku lahaa deegaanka shilaabo ee ismamulka soomaalida ee kilinka shanaad ay iskaga hor yimaadeen kadibna halkaas uu ku dhex maray dagaal culus oo ay gacanta kaga dhigeen hub noocydiisa kala duwan iyo weliba maxabiis dhowr ah .

Ilo wareedyo laga helayo masuuliyiinta jabhadda ONLF ayaa sheegaya in dilka 43daan askari uu yimid ka dib markii weerar qorsheysan lagu soo qaaday fariisinka ciidamada ethiopia ay ku lahaayeen magaalada shilaabo islamrkaana ay maxaabiis dhowr ah ka qabteen.

Sidoo kale wakaalada wararka dalkaasi yemen ayaa intaasi sii raacisay in nin u hadlay ciidamada xukumada melez zanawi ayaa iska fogeeyey inaysan jirin guusha ay sheegteen jabhada xoraynta ONLF

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com