SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

 

Barnaamijkii Radio Xoriyo
07 July 2007.
 
 
Ogaadeenya: Dagaallo cadowga lagu jabiyay.
 
Dadwayne ay ciidammada gumaysigu ku dileen meelo kala duwan.
 
Bannaanbax wayn oo Minnesota ka dhacay.
 
Human Rights Watch oo warbixin ka soo saartay Ogaadeenya.
 
Khudbadihii iyo Warbixinadii Shirkii London ee (Xilgudashada  & Xoreynta Ogadenya).
 
======================            
 
 
Ogaadeenya: Dagaallo cadowga lagu jabiyay.
 
Wariyaha RX uga soo warrama jiidda hore ee dagaalka ayaa noo soo sheegay dagaalo badan oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya oo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, kuwaasoo si wayn loogu naafeeyay ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
 
05/07/07 weerar mir ah oo CWXO ku qaadeen ciidammada cadowga ee ku sugan Garigo’an waxay ugu gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
 
04//07/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray Bilcil-lafle, oo ka tirsan degmada Farmadow, waxaa ciidammada gumaysiga lagag dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Isla 04/07/07 waxay CWXO kuwa cadowga kaga gubeen hal baabuur oo Uuraal ah meesha lagu magacaabo Kurtun, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaana halkaas ku naf-waayay 60 askarta Itoobiya ah oo baabuurkaas saarnaa. Waxaa isagana dhaawac xun soo gaadhay baabuur kale oo midka la gubay daba socday, kaasoo badhtanka u galay baabuurkii kale oo holcaya. Baabuurkaas denbe ayaa isagana waxaa ku dhintay 8 askari, tiro kalana way ku dhaawacmeen.
 
02/07/07 dagaal CWXO iyo kuwa cadowga ku dhex maray Tuulo-cawl, oo Doollo ka titsan, wacaa cadowga lagaga dlay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay. Ciidamma cadowgu waxay goobtii dagaalku ka dhacay kaga tageen maydka askartii laga laayay.
 
Isla 02/07/07 dagaal adag oo CWXO iyo kuwa cadowga ku dhex maray Afar-irridood, oo Doollo ka tirsan, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 17 askari, waxaa sidoo kale halkaas lagaga dhaawacay 9 kalae. Waxay ciidammada cadowgu u kansha-waayeen inay qaataan maydka askartii laga laayay oo ay meeshii kaga carareen.
 
25/06/07 weerar mir ah oo CWXO ku qaadeen kua cadowga ka tirsan oo ku sugnaa Ararso, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay kaga dileen inta la ogyahay 3 askari, 5 kalana way kaga dhaawaceen.
 
18/06/07 weerar gaadmo oo CWXO ku qaadeen kuwa cadowgu leeyahay oo ku sugnaa Tantoomi, waxay kaga dileen 5 askari, 4 kalana way kaga dhaawaceen.
 
Dadwayne ay ciidammada gumaysigu ku dileen meelo kala duwan.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ee xasuuqa ba’an ka wada dalka Ogaadeenya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin.
 
04/07/07 Bilcil-lafle waxay ciidammada cadowgu ku dileen Maxamed Sh Muxumed oo Kismaayo lagu naanayso. Markii ay ciidammada gumaysigu dilkan gaysteen waxay sidoo kale deegaankaas ku gubeen 35 Aqal iyo hantidii taallay oo dhan. Aqallada halkaas lagu gubay waxay kala lahaa dadka kala ah;
1-    Nimco Sh C/llaahi
2-    Maxamuud Ibraahim Qollajow
3-    Ilma Cumar Siraad, oo 5 Qoys ka kooban iyo
4-    Maxamed Buraale oo isaguna 6 Qoys ka kooban isaga iyo carruurtiisa.
 
03/07/07 waxay ciidammada gumaysigu boobeen magaalada Farmadow, iyagoo hanti badan dadwaynaha halkaas kaga boobay. Dadkii boobkaas loo gaystay waxaa ka mid ah;
1-    Deeq Maxamuud Oogle iyo
2-    Nuur Cali Xayd
 
03/07/07 Warandhaab, oo Galadiid ka tirsan, waxay ciidammada cadowgu ku dileen Muxumed Nuur Barre, oo Ilakacase ku magac dheer. Waxay sidoo kale ciidammada cadowgu hanti badan ka dhacen dadwaynaha deegaankaas deggan.
02/07/07 meesha lagu agacaabo Boodhley waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Maxamed  Cumar.
 
30/06/07 waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ku dileen Hadha, oo ka tirsan degmada Shaygoosh dadka kala ah;
1-    Xaaji Muxumed Cabdi Haayir
2-    Cabdi-Madoobe Aw Daahir Shuuriye iyo
3-    C/wahaab oo Gurey ku magic dheer.
 
Markii ay dadkan laayeen waxay sidoo kale halkaas ku gubeen Aqallada seddex reer oo deegaankaas ah, iyadoo ay ciidammada gumaysigu ka dhaceen wixii hanti ahaa ee reerahaasi lahaayeen.
 
30/06/07 waxay ciidammada gumaysigu Caleen ku faraxumeeyeen, ka dibna ku dileen gabadh 30 maamlmood oo kaliya umullanayd. Waxay sidoo kale gawraceen ilamihii yaraayee ay nuujinaysay.
 
Isla 30/06/07 ciiammada gumaysiga ayaa baabuurtooda ku gurtay wixii yaallay 16 Dukaan oo ku yaallay La-helow, oo Doollo ka tirsan. Dadwaynaha ayaa magaalada ka qaxay markii ay ciidammada gumaysigu soo galeen, ka dibna waxay ciidammada gumaysigu rarteen wixii magaalada yaallay oo dhan.
 
30/06/07 Hog-dugaag, oo Doollo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin lagu magacaabo Qalinle Muxumed Sahal
 
22/06/07 Karinka Qodhacle, oo Qabribayax ka tirsan, waxay ciidammada gumaysuigu ku dileen;
1-    Khadar C/llaahi Guuleed iyo
2-    Maxamed Jaamac Cali Xirsi
 
21/06/07 waxay ciidammada gumaysigu hanti badeecad iyo lacag isugu jirta ka dhaceen dadwayne ku sugan Sancadde, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaana ka mid ah dadka halkaas lagu dhacay;
1-    C/llaahi Cabdi Cagey
2-    Sawda Abaadir
3-    Asli Aw Yuusuf
4-    Maxamed Axmed Macalin C/llaahi iyo
5-    Aaden Aw Yuusuf Cadde
 
Bannaanbax wayn oo Minnesota ka dhacay.
 
Jaaliyada Ogadeeniya ee Gobolka Minnesota ayaa isniintii qabatey Banaanbax si heer sare ah loo soo agaasimey oo ka dhan ah Xukumada Itoobiya. Ujeedada Banaanbaxan ayaa waxa uu ahaa mid loogaga soo horjeedo gumaadka ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ku hayaan shacabka reer Ogaadenya ee mudada dheer dulmanayaasha ah.

Banaanbaxan, oo ahaa midkii ugu waynaa ee ka dhaca Gobolka Minnesota ee ay soo agaasimaan dad muhaajiriin ah, ayaa wuxuu kadhacay aqalka laga xukumo Gobolkan Minnesota oo lagu magacaabo “Capital House”
 
Bannaanbaxan waxaa lagaga cabanayay xasuuqa ba’an ee ciidammada gumaysiga Itoobiya ka wadaan dalka Ogaadeenya iyo cunaqabatanyta dhaqaale ee ay dadwaynaha ku hayaan. Bannaanbaxani wuxuu hordhac u yahay bannaanbaxyo ay Jaaliyadaha Ogaadeenya ka dhigayaan meelaha ay ku kala sugan yihiin labada toddobaad ee bishan ugu horraysa.
 
Human Rights Watch oo warbixin ka soo saartay Ogaadeenya.
 
Hay’ada xuquuqada aadanaha u doodad ee Human Raights Watch ayaa arbacadii soo saartay warbixin dheer oo ay kaga hadlayso dhibaatooyinka bani’aadamnimada ka dhanka ah ee ciidammada Itoobiya ka wadaan dalka Ogaadeenya. Hay’adi waxay warbixinteeda ku sheegtay in ciidammada Itoobiya ay weeraro ku qaadaan tuulooyinka, isla markaana ay qasab deegaannadoodii uga rareen dadwayne ku dhaqnaa deegaanno ku yaalla gobolooda Doollo, Qorraxey iyo Jarar.
 
Waxaa kaloo arbixintan lagu sheegay in ciidammada Itoobiya gubaan oo burbiriyaan tuulooyinka iyo hantida taalla, isla markaana ay dadwaynaha ka moora-duugaan xoolohooda, ayna ku qasbaan inay ka guuraan meelaha ay deggan yihiin oo gayso meelo kale. Hay’adda ayaa xadgudubyadan ku tilmaantay kuwo ka dhan ah sharciga dagaalka ee dunida lagaga dhaqmo.
Warbinatan oo faahfaahsan waxaan ku soo qaadan doonaa barnaamijyada denbe.
07 July 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | July 8, 2007

RaabehDigniin Culus oo Ka Timid Dr. Cumar Cusmaan Raabe

Miisaaniyada Puntland waxay ku baxdaa amniga 80%
Hab-xisaabeedka Puntland........ Akhri

Qaraxyo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho..
.Geedi oo taageero ka raadinaya Dowladaha Carabta
.
Max’ed Dheere oo kulan la yeeshay Xaaji Cabdi Iimaan iyo
.C/raxman Shifti “Soomaali u xayirnaameyso Beelaha Hawiye”
.Hay’adda Amnesty oo sheegtay in Dilkii toogasho ee ay...
.Toban qof oo ku geeriyootay baabuur ku gadoomay Guriceel
.Odayaasha Beesha Dhul-bahante Ee Waamo oo kabiyo diidey
.Puntland oo iska Fogaysay Eedaymo kaga yimid DKMG...
.Xubno ka tirsan xiriirka K/cagta oo maanta u ambabaxay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... July 8

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com