SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Wararkii: July 9, 2007

  • Ganacsatada Gobolka Banaadir oo sheegay in ay gebi ahaana Suuqa uga guurayaan Dowladda Federaalka
  • Xaaji Cabdi “waxaan u tanaasulay si loo dhameeyo is jiid-jiidka”
  • Salaad Cali Jeele oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Gobalka Mudug
  • Guddoomiye ku xigeenkii Yaqshiid oo la dilay
  • Beelaha Hawiye oo uu khilaaf hor leh soo kala dhex galay
  • Boosaaso:Dad looga shakisan yahay in ay gubaan Guryaha Qoxootiga oo la qabqabtay:

Ganacsatada Gobolka Banaadir oo sheegay in ay gebi ahaana Suuqa uga guurayaan Dowladda Federaalka

 

Iyadoo maalmahan ay baaritaano Ciidamada Dowladda Fedaraalka ka wadeyn Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ay ku soo qabqabteen Hub iyo walxaha qarxa sida ay sheegeen Masuuliyiinta dhinaca Amaanka ee Dowladda ayaa dhanka kale waxaa cabasho Xoogan ka soo yeeraysaa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo iyagu sheegay in Farta-farteysi lagula kacay isla markaana hantidooda la dhacay. Ganacasatada ayaa sheegtay in gabi ahaanba Suuqa  Bakaaraha ka wareejinayaan Ganacasigooda hadii aan wax laga qaban dhibaatada ay ku kacayaan Ciidamada Dowladda oo ay ku tilmaameen inay caadeysteen dhaca hantida Dadweynaha iyagoo ugu soo  dugaalaya in ay raadinayaan Hub sharci daro ah. Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa hoosta ka xariiqay inay hubkoodii ku wareejiyeen Dowladda sidaa darteed ay Dowladda waajib ku ahayd inay dhowrto hantidooda, isla markaana ay la socoto howgalada Ciidamadooda ka sameenayaan Suuqa wayn ee Bakaaraha, Ganacsatadu waxay sheegeen in hanti badan lagala baxay Goobo Ganacsi ee ku yaala  Suuqa Bakaaraha, isla markaana Dadkii lahaa la handaday, waxayna ugu dambeeyn Ganacsatadu sheegeen inay isaga guurayaan Suuqa maadamaa xaalka uu sidaan yahay. Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolaka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa raaligelin u jeediyey Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, waxa uuna sheegay in wax laga qaban doono waxyaabaha ay kacabanayaan Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha isla markaana Baaritaan deg-deg ah lagu sameeyn doono iyadoo cidii lagu helo falkaasi Maxkamad la soo saari doono,

Xaaji Cabdi “waxaan u tanaasulay si loo dhameeyo is jiid-jiidka”

Shir jaraa’id oo uu qabtay Guddoomiyaha Golaha dhaqanka Beesha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan ayuu ku sheegay in uu gebi ahaaba ka tanaasulay go’aankii hore ee ahaa in uusan ka qaybgeli doonin shirka dib u heshiisiinta qaran ee 15-ka bishan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho.

Xaaji Cabdi Iimaan ayaa sheegay in markii uu meelo badan wax ka fiiriyey uu ka tanaasulay go’aankii hore, isla markaana uu aqbalay in uu ka qaybgalo shirka dib u heshiisiinta, waxa uuna Xaajigu sheegay in is jiid jiid wax lagu keeni Karin isla markaana nabad aysan sidaasi ku imaan Karin, sidaa darteed ay isaga ula muuqatay in dhinac uu tanaasul sameeyo. “Markii aan fiiriyey xaaladda uu dalka ku jiro maanta iyo heerka nabad darada ka gaarnay ayaan ka tanaasulay go’aankii hore” ayuu yiri Xaaji Cabdi Iimaan oo sheegay in ay jiraan mas’uuliyiin ka tirsan Beelaha Hawiye oo iyagu ka soo horjeeda qaybgalka shirka dib u heshiisiinta, balse khilaaf yar yare oo jira la xalin, isla markaana iyagana loogu baaqi doono in ay ka qayb-qaataan shirka dib u heshiisiinta qaran si loo helo nabad waarta. 

Salaad Cali Jeele oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Gobalka Mudug

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeele oo dhaawanahan ku sugnaa Maamul Gobaleedka Puntland ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Gobalkaasi.

Salaad Cali Jeele ayaa wararku sheegayaan in uu mas’uuliyiinta Mudug kala hadlay sidii ay Dolwaddu Federaalka gacan ugu siin lahaayeen wax ka qabashada Amniga dalka, iyo waliba ka qayb-qaadashada shirka dib u heshiisiinta qaran ee 15-ka bishan ka furmaya Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa Gobalka Mudug  ku soo dhaweeyey Madax, waxgarad iyo Salaadiin iyo waliba qaybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo meel fagaaare ah kala hadlay dadweynaha Gobalka Mudug, waxa uuna Salaad Cali Jeele ka codsaday dadweynaha gobalkaasi in ay taageeraan Dowladda Federaalka, isla markaana ay hantidooda ku bixiyaan sidii ay Dowladdu awood ugu yeelan lahayd gacan ku qabashada dalka, gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Salaad Cali Jeele iyo Lix kun oo ciidamada Dawaariishta Puntland ah maalmaha soo socda ku soo jeedaan Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenkii Yaqshiid oo la dilay

Waxaa shalay galab koox hubeysani Degmada Yaqshiid ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii Degmadaasi xili la sheegay in uu ku sii jeeday Gurigiisa.

Guddoomiye ku xigeenka oo lagu magacabi jiray Nuur Cilmi ayaa dad goob joogayaal ahi waxa ay sheegeen inay dilkiisa gaysteen kooxo saddex nin ahayd oo Bistoolado ku hubeysnaa, iyagoo madaxa kaga dhuftay dhowr xabadood, waxaana markii dambe goobtii ka qaaday dad eheladiisa ah oo ula cararay goob caafimaad, balse waxaa la sheegay in ay naftu ka baxday, isla markaana dib loogu soo celiyey Gurigiisa.

Allaha u naxariistee Nuur Cilmi ayaa dilkiisa waxa uu ku soo beegmayaa xili ay Ciidamada Dowladda Federaalka hawlgalo balaaran oo nabadda lagu sugayo ka wadaan Magaalada Muqdisho, mana ahan markii ugu horeysay oo la dilo mas’uul ka tirsan Dowladda, iyadoo horey loo dilay dhowr mas’uul oo Guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeeno ka ahaa Dowladda Federaalka, waxaana haatan isa soo tarataya weerarada lagu hayo Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Ciidamada Dowaldda.

Beelaha Hawiye oo uu khilaaf hor leh soo kala dhex galay

Iyadoo shalay shir uga furmay Hoteelka Lafweyn ee Magaalada Muqdisho Beelaha Hawiye ayaa haddana waxaa muuqata in shirkaasi ay ku qaybsan yihiin Beelaha Hawiye, kadib markii laga waayey madashada qaar ka mid ah xubnaha Beesha Hawiye.

Shirka shalay ka furmay Lafweyn ayaa waxaa ka dhex muuqday Guddoomiyaha beesha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan iyo waliba Siyaasiga C/llaashi Sheekh Xasan, iyadoo ay ka maqnaayeen xubno kale oo uu ka mid ahaa Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali, taas oo la sheegay in ay ka dambeysay kadib markii ay Beelaha Hawiye ku rayi duwaandeen qaabka uu shirkaasi u furmayo, iyadoo qaar ka mid ah Beelaha Hawiye ay qabaan in uusan jirin wax khilaafaad ah oo u dhexeeya Beelaha Hawiye, halka kuwo kalana ay qabaan in ay jiraan khilaaf u baahan in la xaliyo.

Xaaji Cabdi  Iimaan oo isagu sheegay in uu go’aankii hore ka tanaasulay ayaa sheegay in si dugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono khilaaf soo kala dhex galay Beelaha Hawiye, isagoo xiray in uu si afgaran waa uu jiro, sidoo kalana Axmed Diiriye ayaa isagu sheegay in uusan wax khilaaf ah oo u dhexeeya Beelaha Hawiye jirin, waxa uuna Max’ed Diiriye isagu hoosta ka xariiqay in uusan marnaba ka qaybgali dooni shirka dib u heshiisiinta, waxa uuna Axmed Diiriye ku tilmaamay shirkaasi in uu yahay  mid aan waxba ka soo bixi doonin.

Shirka shalay Lafweyn uga furmay qaar ka mid ah Beelaha Hawiye ayaa ku soo beegmay kadib markii uu guddoomiyaha Gobalka Banadir Max’ed Dheere uu kulan la qaatay Xaaji Cabdi Iimaan iyo C/llaashi Sheekh Xasan, waxaana wax laga weydiiyey Xaaji Cabdi Iimaan in ay lacago qaateen, waxa uuna xaajigu sheegay in aysan jirin wax lacag ah oo ay qaateen

Beesha Digil iyo Mirifle oo cabasho u soo jeediyey Max’ed Dheere

Odoyaasha,Culima’udiinka, Waxgaradka, Aqoonayahanada, Siyaasiyiinta, iyo Dhalinyarada Beesha Digil iyo Mirifle ayaa cabasha u soo jeediyey Maamulka Gobolka Banaadir, waxayna sheegeen in ay ka cabanayaan Cadaalad Daro lagu sameeyey Beelaha Digil Mirifle.

Waxgaradkaan oo warqad Qoraal ah  na soo gaarsiiyey ayaa sheegay in dhismaha Gobolka Banaadir iyo Degmooyinkiisa aysan Beelaha Digil Mirifle ka helin Kaalintii Xaqa u laahaayeen, iyadoo sida ay sheegeen Beelaha Digil Mirifle si aqlabiyad ah u degan yihiin Degmooyinka Gobolka Banaadir sida Dharkeynlay, Hodan, Wadajir, Howlwadaag, Boodheere iyo Wardhiigley.

Waxgaradkan ee beelaha Digil Mirifle ayaa howsta ka xariiqay in laga soo bilaabo 1960-2001-dii Maamuladii Dalka ka jiray ee ku laahaan jireen Aqlabiyad wayn, balse Maamulka haatan Gobolka Banaadir la duudsiiyey Xaqoodii

Waxgaradka ayaa ka codsaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir inuu mar kale dib ugu laabto dhismaha Gobolka Banaadir isla markaana cadaalada ku saleeyo waxayna sheegeen in dhaqaalaha Gobolka  soo gala 50% ka timaado Beelaha Digil Mirifle waxayna sheegeen in qayb libaax leh ka qaateen Nabad galayada iyo Hormarinta Gobolka.

Qoraalkan ayaa waxaa ku saxiinaa Gudoomiyaha Guurtida Digil iyo Mirifle Malaaq C/kariin Ibroow, Malaaq Bare Cali Maadey, Malaaq C/laahi Idiris Deeroow, Malaaq Saleemaan Iikoow, Malaaq Saeemaan Aadan Abiikra, Malaaq Kheeroow Masoose iyo Xibno kale 
 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Boosaaso:Dad looga shakisan yahay in ay gubaan Guryaha Qoxootiga oo la qabqabtay:

July 8:waxaa markii 7-aad gubtay 3 Xero oo ay degan yihiin dadka ku soo bara-kacay gudaha dalka(IDPs) kaas oo aan geysan wax khasaare dad ah, dhimasho iyo dhaawactoona.

Haddaba , shaqaalaha dab-damiska ayaa shaki ka muujiyey dabkaan soo noqnoqanaya, kaas oo ah in uu dabku iskiis u kaco marka ay dhacayaan dabaylaha xagaaga iyo in dad ka ku nool xeryahaas qaarkood dabka qabadsiiyaan qayb ka tirsan xerada si uu u galaafto dhamaan degmada qoxootiga.

Waxaa jirta in aysan isku guryo iyo munaafacaad ku haysan xataa kuwa degan waayo, dadku meel kasta oo uu joogo isku awood maahan ama dhaqaale, iyadoo ay jirto in ay guud ahaan wada yihiin dad qaxooti ah, ayaa hadana waxaa jira kuwo ku nool, nolol ka hoosaysa tan kuwa kale ee la nool.

Hay'adaha ayaan wax la taaban karo oo muuqda ka qaban dabka, marka laga reebo xoogey raashin ah oo ay ugu deeqaan dadka.

Waxaa iyana shaki ka jiraa dabkaan oo galaafta in ka badan kumayaal guri oo aan haddana cidna wax ku noqon aadna looga digtoonyahay .

Mararka qaarkood ayaa dabkaan kacaa iyadoo aan dabaysha xagaagu dhacayn. Ciidanka Nabad-gelyada ee Booliiska ayaa ku tuhun san dabkaan in ay ka dameeyaan shaqsiyaad ka soo jeeda xeryaha qoxootiga ee gubta.

Maxamuud Cumar Bille

mcbille@gmail.com

Garoowe

Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
 

<