SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Wararkii: July 10, 2007

  • Ra’isul Wasaarha DFKMG Geedi oo kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga
  • Cali Mahdi “Haddii laga dhabeeyo qodobada shirka Beelaha Hawiye ka soo baxay waxaa la gaari lahaa nabad waarta”
  • Saddex qarax oo dad wax ku noqdeen oo ka dhacay Suuqa Bakaraha ee Muqdisho
  • Beesha Sade “Dhaqan la iskuma haysto laakiin waxaa la isku hayaa siyaasad, sidaa darteed waa in aan runta la iska indho tiring”

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi oo kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Cali Max’ed Geedi oo ku sugan dalka Sucuudi Carabiya ayaa kulan gaar ah waxa uu la qaatay Boqorka dalkaasi Boqor Cabdalla Bin C/casiis Al-Sucuudi.

Kulankaan oo ka dhacay Qasriga Boqortooyada Sacuudiga ee Al-salaam ee ku yaala Magaalada Jeddah ee Xeebta ah ayay labada mas’uul isla soo qaadeen arrimo badan oo ay ugu horeyso xaaladda dalka Soomaaliya iyo waliba sidii labada xiriir u dhexeeya loo xoojin lahaa.

Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi auaa boqorka Sucuudiga waxa uu ka codsaday in dowladdiisa laga taageero xagga dhaqaalaha iyo waliba dib u dhiska dalka oo uu ka muuqdo burbur aad u xoogan oo ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Wakaaladda wararka Sucuudiga oo arrintaani wax ka qortay ayaa sheegtay in Boqorka Sucuudiga uu Ra’isul Wasaaraha u sameeyey ballanqaadyo dhowr ah, sidoo kalana Ra’isul Wasaaraah DFKMG Cali Max’ed  Geedi ayaa waxa uu Boqorka ka codsaday in ay kala shaqeeyo sidii Jaamacadda Carabtu ay taageero xoogan u siin lahayd Dowladda Federaalka, isla markaana xitaa Soomaaliya loo geyn lahaa ciidamo ka socda Jaamacadda Carabta.

Cali Mahdi “Haddii laga dhabeeyo qodobada shirka Beelaha Hawiye ka soo baxay waxaa la gaari lahaa nabad waarta”

Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaran ee 15-ka bishan lagu wado in uu ka furmo Muqdisho ayaa sheegay in Beelaha Hawiye looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabadda isla markaana ay joojiyaan wax uu ugu yeeray quraafaad iyo waliba xaalad abuurnimada, waxa uuna Cali Mahdi oo ka hadlayey shirkii labada maalmood Lafweyn uga socday Beelaha ee shalay la soo gebagabeeyey sheegay in ay fiicnaan lahayd haddii sida ay yihiin looga dhabeeyo qodobada shirkaasi ka soo baxay.

Mudane Cali Mahdi Max’ed oo qudbad halkaasi ka jeediyay markii uu shirku xirmay ayaa waxa uu ku nuux nuuxsadayin shirka dib u heshiisiinta qaran waqtigii loogu talagalay furmi doono, isla markanaa Beelaha Hawiye looga baahan yahay inay khilafka meel iska dhigaan oo ay si wadajir ah uga qayb-qaataan shirkaasi, waxa uuna Cali Mahdi tilmaamay in mas’uuliyiinta ka biyo diidsan weli ka qaybgalka shirkaasi aan loo xayirnaan doonin, balse si khilaafka loo dhameeyo wax walba oo uu xalku ku jiro la sameeyn doono, waxa uuna Cali Mahdi sheegay in Soomaali oo dhan ay tahay hal qoys, balse aysan qoysas kala duwan aheyn, sidaa darteed meel la iska dhigo waa reer hebel iyo waxa la midka ah si dhibka looga baxo.  

Saddex qarax oo dad wax ku noqdeen oo ka dhacay Suuqa Bakaraha ee Muqdisho

Waxaa shalay saddex qarax oo is xigtay ka dhaceen suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaa ku dhintay 1 qof sida ay sheegeen dad halkaasi ka dhawaa, sidoo kalan waxaa ku dhaawacmay 10 qof oo kale.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay agagaarka qaybaha Dahablaha iyo Sarifka ee Suuqa Bakaaraha, waxaana la sheegay in ay jireen dad dhaawacyo halis ah ka soo gaareen qaraxyadaasi.

Markii ay qaraxyadu dhaceen kadib ayaa waxaa halkaasi soo gaaray ciidamada Dowladda Federaalka oo iyagu gebi ahaanba halkaasi isku gadaamay kana bilaabay baaritaan xoogan.

Xaaladda Suuqa Bakaaraha oo shalay kacsaneyd ayaa inta badan waxaa xirnaa goobihii ganacsiga, waxaana dhanka kale wadada Folorinsa ee Wardhiigley lagu dilay mid ka mid ah askartaga dhanka canshuur uruurinta ee Dowladda Federaalka.

Beesha Sade “Dhaqan la iskuma haysto laakiin waxaa la isku hayaa siyaasad, sidaa darteed waa in aan runta la iska indho tiring”

Beesha Sade oo haatan gacanta ku haysa maamulka Magaalada Kismaayo ee Gobalka J/hoose ayaa sheegtay in aysan jirin wax qaban-qaabo ah oo ay ugu jiraan ka qaybgalka shirka dib u heshiisinta qaran ee 15-ka bishan Muqidisho ka furmi doona.

Afhayeen u hadlay Beesha Sade oo lagu magacaabo ayaa sheegay in ay gebi ahaanba qaadaceen ka qaybgalka shirkaasi, waxa uuna sheegay afhayeenku in aysan jirin sabab beelo Soomaaliyeed dhaqan ahaan la isugu yeero, lana yiraahdo waan la idiin heshiisiinayaa, waxa uuna afhayeenku sheegay in taas aan waqti la isaga lumin, balse ay wanaagsanaan lahayd in runta la abaaro oo shirka laga dhigo mid siyaasadeed.

“Waxaa la isku haystaa siyaasad, arinta Soomaaliyana meesha ay ka degi la’dahay waa la wada ogsoon yahay, ee ma ahan in waqtiga lagu lumiyo arrimo aan jirin” ayuu yiri Afhayeenka oo sheegay in aysan jirin qabiil qabiil la dagaashan, balse dhamaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ay is dhex maraan meel kasta oo ay ku kala sugan yihiin.

Hadalka afhayeenka ayaa yimid xili mudo dhowr maalmood ah ka harsantahay furitaanka shirka dib u heshiisiinta, waxaana sidoo kale shirka u qaadacay qaar ka mid ah Beelaha Hawiye oo iyagu soo jeediyey in shirka laga dhigo mid siyaasadeed.

Dowladda Federaalka ayaa moodaa in ay ka dhegaha ka fureystay baaqyo uga imaaday qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed iyo waliba Caalamka, iyadoo Beesha qaarkeed ku baaqeen in shirka laga dhigo mid siyaasadeed, maadaama Soomaaliya siyaasad ahaan isku haystaan, isla markaana shirka laga qaybgalayo dhamaan dhinaca isku haya siyaasadda dalka. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

July 10, 2007

Wararkii SHalay hoos ka akhri


Kala Qaybsan Siyaasadeed Oo Soo Wajahay Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye .

Gudoomiyaha guurtida hawiye xaaji cabdi iimaan cumar ayaa si lama filaana u taageeray garabka odayaasha taageersanaa dowlada KMG ah islamrkaana sheegay in hadii dagaal la galay oo ay ku guulasyan waayeen ,aysan isku dhamaan doonin sidii basashii oo kale basasha ayaa sida loo fiiqayo dhamatee waa siduu hadalka u dhigaye.

Xaaji cabdi iimaan oo shalay shir jaraa,id ku qabtay hotel laf-weyn oo shir uga socday garab kamida garabyada odayaasha dhaqanka beesha hawiye ayaa sheegay inuu ka tanaasulay is-jiid is-jiidka siyaasadeed ee u dhexeeya odayaasha beesha hawiye iyo dowlada islamrkaana uu taageerayo waxii maanta ka dambeeya shirka dib u heshiisiinta .

Xaajiga oo mar la weydiiyey waxaa loo malaynyaa in ay gudoomiyaha gobolka banaadir iyo madaxweyne yusuf ay dhaqaalo badan kugu bixiyeen maxaa ka jira arintaan ,waxuuna ku jawaabay anigu ma jirtto dadkuna qofku marku mowqifkiisa cadaysto walax waa sheeg-sheegaan marka waxaan taageeray nabada iyo isu soo dhowaanshaha ayuu yiri xaaji cabdi iimaan .

Sidoo kale su,aal kale oo ay saxaafadu weydiisay ayaa ahayd miyaydaan isku mowqif ahayn odayaasha axmed diiriye iyo mr xaad ayuu waxuu ku jawaabay odsayaashaasu xiligii hore dagaal ayay u ololaynayeen taasina way dhamaatay waayo in laysku dhamaado sidii basal looma baahna waa in laysu tanaasulaa ayuu ku jawabay .

kala qaybsankan siyaasadeed ee iminka soo wajahay odayaasha dhaqanka beesha hawiye ayaa kusoo beegmaya xili ay shirka dib u heshiisiinta la sheegay inuu dhici doono bsihan 15-keeda ay ka harsan yihiin maalmo oo qura islamrkaana aysan jirin wax amaan ah oo ka xasilay casimada muqdisho iyadoo ay dilalka iyo qaraxyada isdaba jooga ahina ay kasii darayaan.

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmailk.com

Suuqa Weyn Oo Bakaraha Oo Aan Saaka Al-baabada Loo Furin .

Ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa xukumada Ethiopia ayaa dhowaanahanba howl-galo lagu macneeyey baaritaano hubeed ka wadey suuqa weyn ee bakaaraha islamarkaana la sheegay in lagu dhacay hantiyo dadweyne taasina ay ka dhalatay fowdo iyo qaraxyo ka dhacay suqaasi.

Nabad gelyo xumo iyo dhaca dadka shacabka ah ee ganacsatada ah darteed ayaa saaka Waxaa gabi ahaanba xiran oo haawanaya goobihii ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo dadweynaha loo diidayo in ay galaan Suuqa oo ay kasoo adeegtaan taasoo ay ku dhex jiraan oo keliya ciidamada huwanta ee dowlada KMG ah iyo kuwa ethiopia

Sidoo kale waxaa iridaha loo laabay saaka shirkadaha isgaarsiineed ee Hormuud iyo Telecom Somaliya oo ay ciidamo aad u fara badan isku gadaameen saaka waabarigii hore islamrkaana loo diiday in la furo shirkadahaasi .

Howlaglkan lagu sheegay in lagu baadi goobayo dadka qaraxyada gaysta iyo weliba hubka iyo walxaha qarxa ayaa ka soconaya mudo gaaraysa Afar maalmood oo aysan jirin cid loosoo qab-qabtay iyo weliba qaraxyada oo aan istaagin Hawlgalada oo socda .

Waxaa sii kordhaya qaraxyada bambaano ee lagu tuurayo ciidamada isku dhafka ah ee ka howlgelaya suuqa weyn ee bakaaraha taasoo amaanka caasimada muqdisho oo markiisii horeba aan cago badan ku taagnayn khal khal kusii riday waxaa cabsi iyo wel wel soo wajahay ganacsatada jeeblaha loo yaqaano oo dhowaanahanba dhac kala duwan ka cabanayey .

C/casiis barre oo kamida ganacsatada jeeblaha ah ee ka ganacsata suuqa bakaaraha ayaa saxaafada u sheegay inay cabdi labo daran kala dooro ay ku jiraan taasoo hadii ay dukaamadii ay lahaayeen hadii ay furaan la dhacayo oo lagu dhacayo shaarka ciidamada dowlada KMG ah ,halka hadii ay furi wayaana loo qadanayo in uu hub lagu qarinayo islamrkaana laga jebinayo .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com