SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

WAXAY NA BADEEN WAX NA BAREEN BAA NOOGA DARAN

Xassan mataan

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa QAR BURO LAGALAMA GUURO.  bal dib u milicso kacdoomadii qabaliga ahaa ee soomaray Somaliya mudadii sanadaha badan ahayd, kahor inta aanay maxaysatada Xabashida iyo saaxiibadeeda aan kor iyo hoos toona wax u fiirin ay soo galeen kuna baaheen gudaha dalka.

 
Marnaba mooryaantii soomaalidu kama aanay tegi jirin axsaanka maatida, walow ay dhibaato xadigeeda leh umada ku hayeen hadan waxbay lakala hari jireen, waxaaba laga heli jirey nin mooryaana oo yiraaha war aan iska siidayno, xataa qaarkood waxaa ay ka xishoon jireen umulaha inaan la kufsan, qaar kalana waxaa ay wax ku xeerin jireen qaab qabiil, reer hebel beri bay sidaas wanaagsan noola dhaqmeen ee bal aan maanta kuwaan u sii deyno ayaaba marmar loogu baxsan jirey.
 
Inkastoo Dab  saarku jirey, hadana waxaa ay wax ku layn jireen micne gaara ooy markaa mooryaanta iyo hor joogayaashoodu ay dan gaara bidayeen, marnaba xaalku ma gaari jirin waxa haatan ay nabareen maxaysatada xabashidu.
 
Hadii qarax hoobiye ama noocii doonoo madfaca ha ahaadee  lala beegsado koox mooryaana fariisinkood waxaa ay kaga aargoosan jireen fariisin kale oo ay leeyihiin kuwa soo beegsaday, marnaba madaafiicda sida maxaysatada xabashida lama aanay beegsan jirin maatida umana aanay qaybin jirin xaafadaha aan dadka waxba galabsani joogaan.
 
Bal u fiirso waxay nabareen. xabad hadii lagu rido kuwa maxaysatada Xabashida ama maryoolayda askar maroodiga ah ee ay adeegsadaan waxaa baas lala beegsadaa islaamo shaah miis la fidhiya oo agoon aabayaashood tageen waxuun nolol maalmeeda uga radinaya.
 
Markii aad booqatid baraha amaba Boggaga wararka waxaa markiiba kugu soo boodaya maqaalo dhiilo xambaarsan oo oranaya, qarax ayaa lala beegsaday Ciidanka DKMG ah inkastoo aan la xaqiijin qasaaraha uu geystey, qaraxan waxaa uu galaaftay nolosha tiro dada oo rayid ah kadib markii ay rasaas aan loo aaba yeelin ku jawaabeen ciidanka DKMG ah. ciidamadaasi waa kuwii hore u ahaan jirey miliishiyo beeleedyada, waxaana ay casharkan ka dhaxleen maxaysatada xabashida.
 
Dib ufiiri hab dhaqankii miliishiyo beeleedyada.  waxaa ay ahaayeen kuwo dadka ku waxyeeleeya baro iyaga u cayiman sida Baro koontarool iyo wax lamida , waxaa taasi bedelkeedii maxaysata laga bartay in Goobaha ganacsiga xoog lagu galo, si bareerana loogu geysto Dhac, Dil ,Xarig iyo handadaad, iyaga oo kuwa waxashi nimadaasi ku kacayaana yihiin kuwo gashan dirays ceebeedka maxaysatada xabshida iyo Askar maroodigooda.
 
Hal haysyada maliishiyaadka qabiilka waxaa kamid ahaa, naga reeba masaajid ayuu naga galaye, waxaana taasi bedelkeeda maanta laga dhaxlay maxaysatada Xabashida iyo caruurta la ciidameeyey in xurmadii masaajida iyo Goobaha cibaadadu ay noqdaan kuwa aan micnaba lahayn lana mida sida goobaha ganacsiga iyo guryaha caadiga ah gudahana loo galo lagana qafaasho culumaa'u dinkii ku cibaadaysanayey.
 
Waa nasiib daro in maanta markale caasimadii Somaliya uu ka dilaaco cago barar ay sabab u yihiin xaalado la abuuray, waa nasiib daro in maanta markale 3 milyan dad kabadan ee kusugnaa caasimada dalka ay xabsi guri ku qaataan noloshooda mudo aan la shaacin.
 
ugu danbayntiina DKMG ah ee xalkeeda siyaaso iyo keeda aqooneedba uu ku soo ururay dilka boobka iyo barakicinta shacabku  way ku guul daraysatay inay xakamayso caruurta la ciidameeyey in lagu ilaaliyo awaamiirta lafarayo.
 
Xassan mataan
sonnapress@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 11, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com