Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed
shakib_dhowre@hotmail.com
Shirka sharqanta yar ee dhawaan loo ballansan yahay in lagu qabto
15/07/07 magaaladda Xamar, ayaa waxaa lagu tilmaami-karayaa inuu yahay
kii ay shacabka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen inay ka soo baxaan
natiijooyin wax ku ool ah. Waxaanna sabab u ah rabitaankaas iyada oo
guud ahaan dadka iyo dalkuba marayaan marxalad aad u adag , midaas oo
saamayn weyn ku yeelatay dhamaan dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha,
arimaha bulsheed, xaalufin iyo qashin ku shubid.
Sidoo kale shirkaani waxuu ku soo beegmay xili ay dagaalo
maalinkasta ka dhacayaan magaalada Xamar ee ah goobta shirka lagu
ballansan yahay in lagu qabto. Sidaas daraadeed waxaa lagu tilmaami
karaa inuu yahay shirkii ugu amaanka xumaa markii la isu geeyo shirarkii
magac ahaanta ee dib-u heshiisnta Soomaaliyeed.
Si aan qiimeyn iyo saadaalin igu sameyno waxii ka soo bixikara
shirkaas, talana ku biirino, waxaa lama huraan ah in aan dib u fiirino
shirarkii faraha badnaa ee la maqaar-saaray magaca “ dib-u-heshiinsiinta
Soomaaliyeed” ee uu ugu horreeyay shirkii lagu qabtay dalka Jabouti
intii u dhexaysay 5-11 bishii Juun 1991, uuna u danbeeyay kii labada
sannadood qaatay ee lagu qabtay dalka Kenya ,laguna soo dhisay DFKS
2004. Shirarkaas oo dhan shacabka Soomaaliyeed waxay ka ahaayeen marti
dabacsan, maadaama ayan waxba ku laheyn dhaqaalaha ku baxayay. Sidoo
kalana aysan saameyn weyn ku laheyn go`aamada shirarkaas ka soo bixi
jiray. Dhamaantood shirarkii hore waxay ka mideysnaayeen:
- Qorshe la`aan iyo in aysan caddeyn ujeedooyinka dhabta ah ee
shirka,
- Ergooyin la soo uruuriyo,fasax ahaanna u qaata meesha la aadayo.
Sidaas waxaa kaalinta uga baxa waxgaradkii lafagurilahaa
dhibaatooyinka soomaalida heysta, saabina lahaa qaabkii lagu wada
xaajoon lahaa, unkina lahaa gaawihii lagu shubilahaa heshiis nabadda
waartya iyo caanaha lagu gaarayo.
- Ku tiirsanaanta dhaqaalaha ay bixiyaan shisheeyahu, oo ku xiran
shuruudo adag,
- midnimo la`aanta iyo tuhunka ah cidbaa sad bursaneysa ama cid
baa cid kale dabadhilif u ah.
Waxuu kaga duwan yahayse shirarkii hore
Shirku waxuu ku soo beegmay xili ay dacalada adduunka ay qeylo ka
yeerayso, gaar ahaana dalalka ay ku nool yihiin shucuubta heysata diinta
Islaanka.
- Waxaa lagu qabanayaa gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaala
madaxdii dalka.
Hase yeeshee shirka maalmahu ka harsan yihiin qabashadiisa, waxaa
jira arimo badan oo aan la dheyelsan Karin walina xasaasi ah ee ka soo
horjeeda qabashada shirkaan:
- koonfurta Soomaliya waxaa ka soo cusboonaaday dagaaladii
sokeeye, maalinkasta dhiig ku daadanayo, barakac iyo burburinta
hantidii ummadda, mid guud iyo mid gaar ahba,
- Iyada oo ay jiraan mucaarad diidan qabashada shirkaan,
- Xili ay dalka joogaan ciidamo shisheeye ah, gaar ahaan
Itoobiyaanka oo shacabka Soomaaliyeed aysan isku si u arag ujeedada
dhabta ah ee dawladu ka leedahay joogitaankooda,
- Waxgaradka Soomaaliyeed oo mugdi ka galay meesha ay u socdaan
arrimaha Soomaalia.
- Iyo culeys weyn oo ka imaanaya dibbada kaas oo dedejinaya bal in
shirku furmo wakhtigii la sheegay, hase yeeshee aan dan ka la heyn
natiijo fiican oo ka soo baxdo.
Duruufahaan oo jira haddana afhayeenka guddiga qaban qaabada shirku
waxuu sheegay in ergooyinkii shirka la bilaabay daabulaadoodii, ayna
diyaarsan yihiin goobtii iyo meelihii ay degilahaayeen. Hase yeeshee
gobollada dalka qaar bay ka socdaan isu diyaarin shirkaan. kulankaas
ayaa ergooyinkaasi masuuliyiinta gobolladasi u rajeynayaan inay noqdaan
kuwo ka soo baxa waajibaadka culus ee ah matalidda beelahooda.
Gunnaanadakii
Markii dhinac kasta laga istaago, miisaana la saaro qabashada
shirkaan waxay u muuqataa mid aan macquul aheyn. Sababna waxaa u ah
arimaha aan kor ku soo xusay. Haddiise meel aan xubin aheyn midida la
mariyo, markale waxaan suuragal noqanaheyn in shirkaas uu ka turjumo
baahida jirta, haddii ayen istaagin dagaaladu,lana wada garan baajinta
dhiiga maalinkasta daadanaya.
Waxaa looga baahan yahay shirka looga hadlayo dib-u-heshiisiinta
soomaalida,in si fiican looga soo baaraan dego, loona sameeyo qorshe
qeexaaya:
- Muddada shirku furmayo iyo markuu xirmaayo,
- Ergooyinkooda waayo-aragnimo siyaasadeed leh in la soo xulo,
maadaama khilaafaadka ummadda Soomaaliyeed shilalka saaray ay ku
saleysan yihiin siyaasiyiin hardamay oo beelahoodii si khaldan wax
ugu sheegay.
- In la qodobeeyo maxay yihiin dhibaatooyinka jiraa ee laga wada
hadlayaa,
- Xog uruurin ku saleysan siyaalihii xal loogu helilahaa
dhibaatooyinkii la soo sheegay, oo ay soo diyaarinyaan guddiga
qabanqaabadu maadaama ay kala matalayaan deegaamada wada xaajoonaya,
- Intaas oo dhan ka dib ayaa shirku furmikaraa.
Arini si kasta oo ay noqoto shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay
joogaan waxay baahi weyn u qabaan sharaftii qarannimo, midnimo,
nadabgelyo iyo in laga heshiiyo colaaddii sokeeye, ee kaalinta weyn ay
ka qaateen siyaasiyiin, dawlado iyo shirkaddo shisheeye ah oo danahooda
ilaashanaya.
Wabilaahi tawfiiq.
shakib |
shakib_dhowre@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan