XURAYNTA DALKA HAATAN KU JIRA GACANTA GUMEYSIGA.
Dhabbayaasha halganka Iyo Hababka howlgallada
Dr. Shariif Saalax Maxamed Cali.
Gogoldhig:
Gumeysiga Soomaaliya qabsaday marka haatan ah, waa isla
kii dalkeenna duullaanka ku soo ahaa, sida ku cad xusuusta
qoran, 7dii boqol sano ee la soo dhaafay. Waa markii lala
kowsiiyo boqortooyadii Reer Sulaymaan ee Xabashida,
heerkeedii cusbaa (New Solomonic Dynasty),kolkay baabba’day
boqortooyadii Zagwa,*1 ee Xabashida, dhulkaana uu qabsaday
boqorkii Amda-Siyon(1314 – 41). Laga billaabo taariikhdaa,
ilaa waqtigan la joogo, marna ma kala joogsan duullaanka
Xabashidu dalkeenna ku beegsanayso. Menelik, Haile
Sellasie,Mengustu Haile Mariam iyo Melles Zenawe waa
horseedeyaashii isticmaaarka madow, oo mar walba u
hanqaltaagayay inay qabsadaan badaha Soomaalida, gaar ahaan
gobollada Koonfureed, oo ku yaalla Bad- Waynta Hindiya. *2
20kii sano oo la soo dhaafay, Ethiopia waxay isu
diyaarinaysay siday Soomaliya, xeelad iyo xoogba, ugu qabsan
lahayd, wayna ku guuleysatay, weliba, iyadoo Reer Galbeedka
iyo dalalka Afrika u sacabtumayaan. Arrintan waa mid ugub ku
ah caalamka, iyo xiriirka dawladaha xorta ah, oo lagu
jideeyay qaanuunka caalamiga ah(International Public Law).
Dowladaha ka dambeeya qabsashada Ethiopia ee Soomaliya,
kuwa la og oo isqaafinaya, kuwa gunuunacaya aan qeexnayn
waxay rabaan, dhammaantood way wada oggolihiin inay
qabsashada Xabashidu raagto, si loo tijaabiyo nidaam cusub,
oo isticmaar ah, oo lagu maquunsho dalalka taagta daran(New
International Imperial Order).Mana aha ujeeddadaani mid lala
yaabo, iyadoo la bannaystay qabsashada iyo la dagaallanka
dalal badan, oo hore u madaxbannaanaan jirey.
Kuwa u hanqaltaagaya inay cudud militari ku muquunshaan
dalalkii xorta ahaa, waxay u socdaan in la duudsiyo xuquuqda
shucuubtaa, kheyraadkoodana la booboo jahliga iyo fuqriga ku
abaadaan, tuugsi ___________________________________________________________________
*1 Fiiri Mohamed Hassen – The Oromo of Ethiopia-
The Red Sea Press I ED. 1994,P5 and P.25- Boqorkan
waa midka aasaasay isticmaarka amxaarad,.waana kan
sii huriyey dagaalladii gaalada iyo muslinka u
dhexeeyay quruuntii dhexe(Middle Age).
-Fiiri short encyclopedia of Islam-Cornell
Universit, New York 1953.
Iyo gacan hoorsi la bado, iyadoo Ilaahay ku
mannaystay hodontooyada khayraadka dabiiciga ah iyo cudud
iyo caqligii aaddane, ay wax ku tabcan lahaayeen.*3
Danta Xabashida iyo tan Reer Galbeedka waa
midaysantahay,kamana maqna “casabiyad diineed “ siday qoreen
muxalliliinta Reer Galbeedka qudhoodu. *4
Hoosaasinta gardarrada ah,runta la af-duubay, tacaddiga
baaxada wayn ee Xabashidu u gaystay Soomaliya, gaar ahaan
Muqdisho, guddigii xiriirka caalamiga(ee arrimaha
Soomaaliya)wuxuu isku dayay inuu qariyo, siduu ku caddeeyey
fadhigii London ee 6dii bishan Juun.Dhaqankaa wuxuu tilmaan
u yahay gaboodfalka qotoda-dheer, iyo jabka lala
damacsanyahay Soomaaliya.
Hadalladii ka soo yeeray ergooyinkii shirkaa waxay u
badnaayeen ereyo maldahan, oo mudaahano loola jeedo, loolana
jeedo in lagu dhagro dadka intiisa aan foojignayn, ama si
qoto leh arrimaha Soomaaliya ula socon. Laakiin horseedka
imberyaaliyaddu waa inuu ogaado inuu dhammaaday waagii
dalalka ay damacsanyihiin inay gumaystaan, ay caaqilladooda
kaga iibsan jireen “kuulo birbirqaya” iyo “hilgado naxaas”
ah, dumarkoodu isku qurxiyo.
Qolada “xiriirku”(iyagoo fulinaya go’aannada
dowladahooda), mowqifkii, ay dalkeenna ku qabsadeen,
millimeter( 1 mm )kamay leexan,wax cusubna kumay kordhin.
Waxay beddeleen, oo qur ah, habka ay wax u soo jeediyeen oo
dibloomasi ah:”Soavitur in modo fortier in re “(ama sida
reer Baydhaboodku yiraahdaan: “doorada ”kiig” ha gurtee,
adigu baalasha ka rif”). Sida la wada ogyahay, inteenna
dalka iyo dadka u danaynaysa, waxaan Bulshada Caalamka u soo
jeedinnay fikrado wax ku ool ah, oo lagu xallin karo
dhibaatooyinka ka jira Dalkeenna,ayna ka mid yihiin :
______________________________________________________________________
Fiiri Salah Mohamed Ali – Huddur – Nahda
Publisher, 2005 - Cairo P.49 ; P.94 ;
P.432(Zaila-Ogaden exchange “project”1947).
*3Madaxweyne Issias Afwarki waa khudbadduu
akhriyey, munaasabaddii xuskii Istiqlaalka Eritrea
ee 16 aa,isagoo sheegay : inay raalli ka noqon Karin
arrinta ah : “let us bind the hands with which you
work and eat, and, let us spoon-feed you”(naga
oggolow) inaan shakaalno sacabbadaad ku
xoogsanaysay,waxna ku cunaysay,(nagana oggolow)
inaan cuntada afka kuugu gurno!
Sidoo kale, Soomaaliya waxay soo saari kartaa 10
milyan tan oo cunno ah, hadday hesho nabad iyo
dawlad waddani ah,mana u baahna cunno- dibadeed.
*4 The Economist- April 14th -20th ,2007.P.46
maamulka W.Bush ayaa gaar ahaan u cuskaday aragti
diineed, u hiillinta Xabashida, iyadoo la
qoray:”some in the Bush administration see”Christian
Ethiopia…..As a bulwark against Islamist expansion
in the Horn of Africa”(Xabashidu waa xaydaabkii
laysaga difaaci lahaa is-ballaarinta Islaamka ee
Geeska Afrika).
Dhinacyadii dagaallamay, inay isla gaaraan”xabbad
joojin”(is-aqoonsi ayaa ku jira meeshaa).Ciidammada
Xabashida Dalka laga saaro. Ka dib la soo dhammaystiro
ciidammada Amisom( ama tallaabadaa laga hormariyo ka
bixidda Xabashida Dalka).”Emergency” la qaado; inta
xabbisan la siiddaayo. Markaa ka dib, meel “habboon”
shir siyaasadeed lagu qabto, lagana arrinsado arrimaha
laysku hayoo dhan.
Waxaan caddaynay “shir bulshadeed” inuusan
dhibaatooyinka jira xallinayn, yahayna marin-habaabin,
loogaga gol leeyahay in bulshada caalamka “dambas
indhaha looga sayro”
Waxaan kor iyo hoos ugu sheegnay, dowladaha Reer
Galbeedka culayska leh, iyo kuwa annu is niri way ka
garaabayaan dooddiinna caaradda leh, caqligalkana ah,
inaan Soomaalida laga luminin fursad dib-u-heshiisiineed
siyaasi ah. Sidaa aawadeed, ujeeddooyinkaa aannu lahayn
Dalku ha ku nabdoobo,heshiisna ha lagaga gaaro, waxba
kama qabsoomin.
Dalalka Reer Gaalbeedka, oo adeegsaday ciidammada
Ethiopia, hadday Soomaaliya nabad la rabaan iyagay wax
walba ka falmaan. Ethiopia, iyo rejiimka maqaar-saarka
ah, amarkay Galbeedku bixiyaan bay fuliyaan. Hayeeshee,
waxaa muuqata inay dowladahan doonahayn in la bakhtiiyo
dabkay ku shideen Soomaaliya, sii holcintiisa mooyee.
Maxay yihiin dhabta hadalladaa qurxoon, iyo walaaca
aad mooddo inay muujinayaan Dowladaha Soomaaliya
daneeya.
EREYADA XARIIRTA HUWAN
DHABTOODA DIIR SAARNAYN
2. Si uusan firaaq(Vacuum) u iman,*6 2. Ciidammada
Itoobiya Soo-
Dalkooda inay ku laabtaan gaa u
xalaalaynay,oo intay
*5 “AMISOM was deployed to help stabilize Somalia’s
fledgling TFG”.P.Lynn Pascoe(Under Secretary-General for
political Affairs(ayaa yiri).
*6 Security Council Resolution 1744, 21 Feb.2007. 4
bilood baa ka soo wareegtay. Meeshay xabashidu dalkeeda kaga
laaban lahayd dagaal bay shacbiga Soomaaliyeed la gashay
,dhibaato la wada ogyahay bay gaysteen, wayna soo
kordhayaane,meelna uma socdaan.
billaabay,waxay ku simayaan rabaanna joogaan.
4. Aad baan uga walaacsannahay *9 4. Waxba
nagama gelin inta Soo-
xaaladaha Soomaaliya(liita)ee maaliya ku
baaba’aysa, dad iyo
aaddanenimo.
maal.
5. Dagaal laguma xallin karo xaa- 5. Dagaalka
Soomaaliya waa in
ladaha murugsan ee Soomaaliya.*10 la sii holciyaa,
wax walbana
dambas noqdaan.
6.Shir heshiisiineed, oo loo 6. Nabadda
Soomaaliya,waxba
dhanyahay waa in la qabtaa. nagama
gelin(Illeen waa kuwii
Shirkaa cidina kama reebboona,si
burburiyaye)Haddii shir Isimo
Soomaaliya nabad iyo deggenaansho loo qabtana ku
filan.”shir la
raaga loogu soo dabbaalo. qabto”unbaan
rabnaa, xitaa
haddii laga qaybgeliyo
askarta Xabashida,mar
haddaan sawiran Karno, dad
mad- madow,oo meel gabran,
una gudbin karno,warbaahinta
aanu
xukunno, ee
Dunida.
*7. Isla go’aankaGolaha Ammaanka ee kor ku xusan.
*8. Isla go’aanka 1744.Hhadduu calaacalkaa run
yahay maxay Xabashida uga qaban waayeen murugaday markaa
ka dib ay gaysata.y.
*9. Waa halhayska Reer Galbeedka, waxna kama
dharbana ,iyagaana dagaalka wada, iyo xasillooni darrada
ka jirta Soomaaliya.
*10. Qaraar1744, 21 Feb. 2007, xoog wax laguma
xasillin karo. Haddayba Amisom ku guulaysato inay
Xabashiday xilka kala wareegto,,kaalinta kuwan dambe ay
hadda ku jiraan unbay galayaan, oo ah dagaal. Amisom
waxaa loo dhisay in rajiimka la dhoobay ilaaliyaan
(fiiri qaraarka Golaha Amniga ee 1725 ee 07/12/2006).
Inay Bilowdo xasilinta Soomaaliya. loogu
talagalay waqtiga dhow.
kamana reebbana inuu xoog
8. Waxaan cambaaraynaynaa *11 kuwa 8.Waa ineeyan
jirin cid
Isku dayaya inay isticmaalaan diidda,tacaddigayada,
iyo
(Xeerka Caalamiga waxuu bannayna- karo,waxaana soo
saari doo-
yaa in layska caabbiyo,oo lala naa xeer aanu ku
ciqaabayno
dagaallamo, cadow dalkaada soo kuwa amarkayaga
ku caasiya.
Weeraray.)
*11.Fiiri bayaankuu soo saaray Guddoomiyaha Golaha
Ammanka John Verbeke (Belguim) S/PRST/2007/19.
Shirka Golaha Ammaanka lagaga hadlaayey Soomaaliya
wuxuu socday 7 daqiiqadood, qur ah (12:18 – 12:25,)
-Fiiri lambarkaan kor ku xusan.
BUURTA DIBINDAABYADA
FIIDDEEDA QUR IHI MUUQATO.
Soomaaliya iyo dalaka la bah-wadaagga ah, Reer
Galbeedku bartilmaameedsadeen, iyo kuwo kale oo xeredaa loo
soo taxaabidoonno, dagaal iyo fitqalallo ayeey ugu
talagaleen. Ujeeddada dowladaha quwadda wayn waxay tahay in
la beddelo, si qoto leh, “nidaamka dunida{haatan} ka
jira”.*12.
Dalalka la beegsanaayo lama muquunin karo haddaan wax
laga beddelin qiyamkooda(values); muctaqidaadkooda iyo
dhaqqammadooda(cultures). Lamana madiidin karo, dhaqaale
ahaan kuwa la beegsanaayo , (arrintaa oo ah qasdiga ay u
halgamayaan quwadaha waa-wayn,) haddaan maskaxda laga
beddelin kuwa la beegsanayo.*13.
Waxay yiraahdaan “xadaaradihii” ba isku dhacay. Isku-dhac
majiree waxay doonayaan inay iyagu ku dhacaan kuwa ducafada
ah, kuna aabyoodaan oo khayraakooda boobaan.*14.
Xarbigii qaboobaa, loollankii loo baxshay, markuu
dhammaaday, galbeedkii gacansaraynta sheegtay waxaa la
gudboonaa in kharajkii baaqday ee militiriga sanadkii gaari
jiray, wadar ahaan, dhowr tirilyan(dhowr kun bilyan), in loo
weeciyo xagga dowladaha saboolka ah, horumarka cilmiga iyo
teknooloojiyadda, hagaajinta bay’adda iyo arrimo nolosha
aaddanaha sare u qaadaya. Hayeeshee, go’aankii dowladahan
aan xusnay wuxuu nqoday inaan waxba laga dhimin
miisaaniyadihii militeriga, oo weli la sii kordhiyo,
xibnihii gaashaanbuurta la badiyo.*15
*12 Samuel P.Huntington-The clash of civilizations,
and remaking of world order – Simon & shuster
paperbacks,1st Edi. 2003,P.209 – 218.(tarjamo u dhow):
{Isku dhicidda xaddaaradaha iyo dib-u-habaynta dunida}.
Ujeeddada dhabta ah waa “ Ku dhicidda xaddaaradda
Islaamka iyo dib-u-habaynteeda”.
*13. Qudheennu waa na la ku harbiyay, dagaallo,
fitno, abtirsiinno-xifdiyid, hidde-bilaash ah raadistii,
qab dhalasho(ximmiyadii jahliyada oo kale) si
maskaxdeenna loo dhaqo, ilaa damiirkeenna qarannimo iyo
hankeennii Soomaalinnimo la bakhtiiyo 30 sano gudahood,
natiijadeeda waa tan keentay inaan cadowga dalkeenna ku
soo hoggaaminno.
*14. Waxaan xasuustaa sideetamaatkii mar aan shaqo u
joogay UK, in mudane ka tirsan Guriga Lordaadka
Ingiriiska, dhowr meelood oo fagaare ah ka yiri :
“Duulkaan mad-madow, fuqarada ah, khayraadkii dabiiciga
ahaa Ilaahay ku mannaystay ka gaajoon, kana qaawan, aynu
kala wareegno khayraadkaa, iyagana aan ka quuddinno”.
*15.Afghaanistaan oo dal sabool ah waxa ka
dagaalamaya gaashaanbuur Mareykanku hoggaamiyo, oo
37(Soddon iyo Toddobo)dal ka kooban.
Fiiri Economist 23-29 June,2007,P.13 “Fatal errors in
Afghanistaan”
Fiiri La Republica,No.24- June 25 ,2007.”Kabul e gli
errori dell’Occidente”.
Labada maqaalba waxay saadaalinayaan jabka Reer Galbeed
,iyo dhibka loo gaystay dadka rayidka ah,oo dayaarado,si
joogto ah loogu rusheeyo. Xikmo darradaas waxay keentay bey
leeyihiin ,labada jariiddo, in shacabka Afghaanistaan oo
dhan dagaal galo.Xxitaa Xaamid Karazai ayaa aabigaa ka
cawday isagoo yiri “ dadka rayidka ah ee la dilo iyo guryaha
dadka oo si sharci- darro ah loo fatisho waxay gaareen heer
aan loo dul-qaadan Karin”. Fiiri isla maqaalka, The
Economist iyo kan La Republica, oo yiri “waxay
laayeen”{dayaaradaha Maraykanka} qoys 16 xubin ka kooban,
iyagoo ku guuldarraystay inay gacanta ku dhigaan
dagaalyahanno ay raadinayeen.
Waxaa muuqata inuu fashilmi doono”dagaalka lagula jiro
argagaxisada. Intii Illahay garaad ku waxaday waa lagu
qancinwaayey.
Haddii laga raystay khatartii dunida qarka u saarnayd, in
laysu adeegsado hub nuklear ah, maxay tahay sababta loogu
laba-lixaadsanayo dagaal-oogidda iyo hub-urursiga..? sababtu
waxay tahay:
- Miisaaniyaddii militeriga waa inaan la dhimin, weli
la kordhiyaa, si tujaartii-dagaallada ay warshadahoodu u
shaqeeyaan, dhaqaalaha dalkuna u liicin.
- Markaa waa in la helaa dalal caasiyaal ah(rogue
states),kooxo argagixisa ah(terrorist groups)*16,
Dowlado awood soo koreysa lagu tuhunsanyahay, sirtoodana
la gaari Karin, oo loo hub-gurto, lalana dagaallamo.*17.
Imberyaaliyadda cusubi, oo haatan soo carrab-dhabanaysa,
qaanuun, ikhlaaq iyo diin tixgelin uma laha, qorshaheeduna
waa mid ku socda neefsasho dheer: 2,020; 2,050; 2,100, si ay
dib-ugu-habayso qaabka dhismaha dunida (remarking of world
order), iyadoo aad mooddo inay sheeganayaan awood ka
sarraysa tan addanaha lagu waxaday.*18. Si ujeddadaa loo
garoo, xoogagga la xusay wax kasto way bannaysteen, si dadka
dunida tabarta yari loo muquuniyo. Runtaada waa been.
Beentooda waa run. Xaqaada waa hudur; xaqdarradooda waa xaq,
ciddii diiddana waa laga jeebayaa. Diin ay sheeganayaan baa
u bannaysay inay dunida rogaan dadkana laayaan, inta lagugu
soo duulo, adiguna waxaad tahay mid diin,”fashiste” ah, ku
mintida, istaahilinna in gurigiisa lagu weeraro. Hadduu
maanta dagaalkii dunida ee seddexaad dillaaco, Ciraaq,
Soomaliya iyo Afghanistaan wax wayn oo iska beddeli lahaa ma
jiraan. Halaagga iyo holaca dagaalka hore bay ugu jireen.
Waxaa yaabka yaabkii ah ummadahan lagu aabyooday, iskaba daa
hanti iyo hodontooyo kale e, jiritaankooda la suulinayo,
cid dhibaatadooda ka dhiidhiyaysa ma jirto. Cid runta ka
sheegi karta, ama xaqa ku dhawaaqi karta ma jirto.
Sidii uu yiri Geeddi Abbaabow.*19. ; gar lahaansho
keligeed wax ma tarto, garab[fuliya] ayay u baahantahay.
Ducafaduna garab ma helayaan. Waxaa is waydiin mudan xaggay
aadday isu damqashadii aaddane, sarrayntii nafta
banii’aaddamka, oo la yiri iyadaa noolaha u sarraysa,
Ilaahna karaameeyey.
*16.Eqbal Ahmed – Confronting Empire- South end
press- Massachusette( 2000) P. 92-100 , on the topic of
“ Unilateralism after the cold war. Eqbal stresses: The
cold war is over, but the phenomenon
continues({Dagaalkii qaboobaa dhammaa. Xaaladihiisii se
way socdaan).
*17.The Economist, May 19th -25th ,2007, boggeeda
kore waxaa cinwaan u ah: “America’s Fear of
China”(cabsida Maaykanku ka qabo Shiinaha)
dhaqaaleyahannadu waxay filayaan in”tacabka gudaha
dalka” ee Shiinahu[GDP] gaaridoonno kan Maraykanka, 20
Sano gudahood. Miisaanka bixinta ee Shiinahu [Balance of
payment] wuu caafimaad qabaa, kan Maraykankuna aad buu u
qaamaysanyahay,dunidoo dhan baa lacag ku leh.
*18. Fiiri Imam Ismaaciil Ibn Kathiir – markuu ka
qisoonayo dooddii dhexmartay Nabi Ibraahim iyo
Gaalkii Nemruud, oo Ilaahnimo sheegtay(Qur.Sur.1
Aayadda 257).
*19. Geeddi wuxuu ahaa, sida aan ka hayno
sheekadiisa, Taliye- tiirriyaad (Tyrant), xukumi
jirey Buur Hakaba, Buurta korkeedana deggenaa.
Habeen iyo dharaar waxaan daawannaa Telefishanno
muujinaya dad la saxuuqay, sidii balka dhulka u daadsan,
iyadoo la cuntaynayo oo layska raamsanayo. In laga
diiqoodo bal daaye, aadan dareemayn neerf yar oo ku
dubaaxa.
Waqti gaaban ka dibna la hurdo, qarow la’aan.
Xaaladdaa waxay ku dhacday markii nalaku sandulleeyay
inaan xaqdarrada, aabiga iyo kibirka, kuwa xogga
sheeganaya “nacam,nacam” niraahno, ama intaan
gunuunacno, hanka laalaadinnoo aamusno. Ma aha keli ah
inay warfaafinta wax marin-habaabsha ina haleeshay, ee
damiirkeenna aaddane ayaa xiskiisii yeraaday, kabaabyo
awgeed.*20.
Waa duni saababka loo rogay.Imberyaaliyaddu iyadaa
sabab u ah haddi la waayo aaddane mid kale u
jir-naxa,iydaana dalalkii nabdoonaa dagaal ku holcisay,
weliba halaagga ay soo waddaa ka badan. Maanta waa
Somaaliya, Ciraaq, Afghanistaan, Shiishaan, Libnaan.
Beri waa Iiraan, Baakistan, Suuriya, Suudaan, Algeeria,
Nigeria, Mali, Mauritaaniya, Chad,Niger, Senegal,
Tunisia iyo Maqrib(Marocco),siday saadaalinayaan
khubaradu.*21.
Qorshahaa waa fitno dalalkaa gudohood laga
aloosayo,hub laysugu dhiibayo,argagixiso aan jirinna
lagu abuurayo, si”laysaga difaaco”.Naqshaddaa waynu
naqaan; waa tii Soomaaliya lagu qabsaday.Marar badan
Golaha Ammaanka,Ummadaha Midoobay ayaa laga
“xalaalaystaa” si dal nabdoon loo qabsado.*22.
Waa cagsigii waajibaadkii loo asteeyay Goluhu,siduu
qorayo cahdiga UM.
6 Bilood ka dib markii Soomaaliya la qabsaday;4
Bilood ka dib qaraarka GA ee UM,”banneeyay qabsashada
Soomaaliya” nabadii soo dhowaatay,qaybtii danbe 2006
dii, waxay haatan ku laalantahay meel ay gaarin
weligeed.*23
Sidaa awgeed,inay mucjiso dhacdo mooyee,intuu jiro
maamulka W.Bush, ma filan karno in Soomaaliya nabad lagu
soo dabbaalo.
Beenbaa laynoo sheegayaaye cid inoo hiillisaa,ama
inoo garowda, heli mayno, xukunkii laynagu gardaduubay
waxaa ku taalla shaabadda Golaha Ammaanka iyo tii
Midowga Afrika.
*20. Edward W.Said – forward in Eqbal Ahmed, OP.
Citata, Introduction, P.XXII. Ibid XXVI : “We live in
scoundrel time. This is the dark age of Muslim History,
the age of surrender and collaboration, punctuated by
madness”.(tarjamo dhowayn ah: waxaynu joognaa waqtigii
ardaasha. Waa xilligii ugu mugdiga badnaa, taariikhda
Islaamka, waa xilligii is-dhiibida iyo cumalada[dalka
iibsaday]. Waa xilli waalli dheehday”.
Waa duni saababka loo rogay, siduu oron jirey
sayidkii
*21.Fiiri the economist,June 16th-22nd 2007,P.45
Cinwaanka ah:”America`s war on terror in Africa”.Waxaa
jira qorshe- dagaaleed iyo tababarro ay Maraykanku ugu
talagaleen Afrikada Galbeed iyo Midda Woqooyi, kuwaasoo
la baxay: “Tran-Sahara Counter-Terrorism
Partnership.”.Xagga Aasiya waxaa suurta-gal ah in dagaal
lagu qaado dhowr Dowladood oo soohdin la wadaaga
Afghanistan, ee Aasiyada dhexe.
*22.Fiiri qoraalkayga “UN Sec.Council Ris. No. 1744
justifies Ethiopian occupation and aggression to
Somalia, March 2007”.
*23.Fiiri the Economist, June 2nd,2007 , P.41,
cinwaanka ah : “Somalia, No Peace More Terror”
Waxaana loo jeedaa in dalkeennu kala googg`o,
magaceennana suulo. Waa qorshe hore u jirey,haddana
hirgelintiisu ka socoto dalal dhowr ah, Ciraq ay ka mid
tahay.*24.
Ninka Xabashi u soo kiraystay in Soomaaliya lagu
qabsado,lama dhihi karo waa mid taariikhda war u haya.
Waxaase la dhihi karaa waa mid quursadey GARAADKEENNA,
dadnimadeenna iyo karaamadeenna.
HILINKA TOOSAN EE HALGANKA | HOWSHA XURAYNTA LABAAD
EE SOOMAALIYA
- waxaynu nahay shacbi la qabsaday,xurnimadiisana
laga qadaay,oo loo celiyay heerkii gumaysiga waa
gardaduub aynaan garan waxynu ku galabsannay,iyo
waxay nagu gelayaanba.Waa dhacdo lagu dhakafaaro,oo
lagu maqlo sheekooyinka khiyaaliga ah keli ah.*25.
Cid loola ciirsadaana ma jirto.”Qayladu misaajidkii
bay ka yeertay”.Sidaa awgeed, waa inaynu awooddeenna
iyo tan Eebbe keli ah ku tashannaa, sidaynu ula soo
noqon lahayn madaxbannanideenna. Dadkeenna yeeli
mayo, in qaybtiisii xurowday, ay Xabashi gumaysato,
wayna arkeen gumaysigu wuxuu yahay:Inuu yahay mid ku
takri-fala diinteenna,cirdigeenna,xoolaheena
iyo sharafteenna aaddane.
- Waa maangaabnimo in cadowga walaal loo
qaato,lana fahmi waayo hababkiisa gumaysiga
ah:”Divide et impera”,uu dadka ku kala qaybsho.Wuxuu
isku dayayaa in kooxba kooxda kale u adeegsado,si uu
u sheegto inuu”amni xasilinayo”,isagoo kii hore u
jirey burburshay,kana shaqaynaya in Soomaliya
weligeed amni iyo ammaan helin.Waa in dadka la
kiciyaa oo ay ka dhiidhiyaan gumaysiga.Qof waliba
qalabkuu ku dagaallami lahaa diyaarsadaa.Qalbka ugu
kartida badan waa niyaadda qofka,kana sare mari
karta hub kastoo casri ah.
__________________________________________________________________
Weli waa Economist,2nd june 2007, “most of recorded
1,600 dead are Civilians” Xabashidu waxay sheegtay inay
dileen 1,000 dagaalyahaniin ah. Jariiddadan waxay
beeninaysaa howraarta ah “Nabad iyo Guul baa ka jirta
Soomaaliya” iyadoo tiri: ”despite Ethiopia`s claims of
success, the country[Somalia] is in as perilous as
ever”. ( tarjamo u dhow: Inkastoo Xabashidu sheegato
guulo, haddana dalku khatar wayn buu weli ku sugan
yahay.)
*24.Hore “Kissinger Plan “ baa loo yiqiin,30 Sano ka
hor. Hadda se waxaad mooddaa inuu noqday “howl
maalmeed” caadi ah, aan qorsoodi ahayn, oo dalalka la
beegsanayo “malin-caddey” lagu fara-geliyo, laguna
qoqobo.
*25. Waa KAFKESQUE=ciqaab”caqligu diidayo”oo qof la
marsiiyo, inta isagoo nabad gurigiisa ku jooga, oo aabi
iyo maag loo taxaabo, ka dibna maxkamad la hor-joojiyo,
isagoon dembi galin, lana fahmayn waxa loo haysto; la
xukumo oo la dilo. Waa nuxurka buugga: “Il processo” uu
qoray Franz Kafka(1925).
Waa sheeko qofkii akhriyaaba caro iyo irkig ku
reebta,shixnadda gardarro ay siddo awgeed.
Dadka wax dhiirri-geliya dhegohooda waa inay ku
dhacaan, sidaa awgeed, shacbiga halgankiisu
socdo,iyo kan la doonayo inuu ku soo biro, waa in la
gaarsin karo:
- War idaacad laga siiddaayay oo joogto ah, gaarna
ah, fariisin ku leh dibadda,dalka gudihisana la
geeyo(meeshii suurta-gal ah);.
- Dadka waa in la gaarsiiyo farriimo oraah ah,iyo
kuwo qoraal ahba,sidii dhambaallada iyo”pamphletyo”
ama ”qardhasa” looga danleeeyahay gudbin talo,
shididda shucuurta, tilmaanta wax-qabadka iyo
howlgallada habboon.
- Dhaq-dhaqaaqa kifaaxa dibadda, oo noocyo kala
duwan ah (warfaafinta oo loo sheego xaladda Dalka,
howl-gallada halganka gudaha, qabashada shirar iyo
doodo dunida lagula socodsiinayo takrifalka loo
gaystay Dalka iyo dadka, bannaan-baxyada), kuwaasoo
lala socodsiinayo halganka gudaha dalka ka oogan.
- Dadaalka arrimaha siyaasadda :
- Waxaa dalalka dibadda lala socodsiinayaa
xaaladaha ba’an ee ka jira Dalka, faragelinta iyo
saamaynta qabsashada gumaysiga ee Dalka.
- Xiriirro “Dibloomaasi” oo hiillo-doon ah, oo
lala yeesho dalalka saaxiibbada ah, iyo kuwa la
kasban karo,(gaar ahaan Asmara ergooyin ku leh).
- Markay suurta-gal noqoto, qaddiyaddeennu waa
inaynu gayno fagaareyaasha caalamiga, lagana difaaco
(UN,EU,AU,LAS,ICO iyo meelihii kalee ee habbon).
- La darso wixii xuluul siyaasi noqon kara, lana
go`aansado afkaarta loo bandhigi karo dalalka
saaxiibbada ah,iyo bulshada caalamaka,qaddiyaddeenna
danaysa, iyo soomaalidaba.
- In la sugo lana ifiyo sharcidarrada uu ku
joogo,”nidaamka camiilka ah” iyo siduu ugu fashilmay
mamuulka dalka.
- In la howlgeliyo aqoonyahannada Soomaaliyeed,iyo
kuwa saaxiibbada ah,sidey u soo bandhigi lahaayeen
qoraallo,iyo doodo lagu ayidayo qaddiyadda.
Halganku waa inuu leeyahay, ama yeeshaa,ilihii
dhaqaale howsha lagu socodsiin lahaa, qof kastoo
Soomaali ah,ama ruuxii kale ee taageero la diyaar
ah, waa inuu qaaraankii ku soo aada baxshaa,inyay
awooddii noqoto, nool iyo moodba.
Howsha wacyi abuuridda, ama xoojinteeda, waa inay
ku guulaysataa sidii shacbiga Soomaliyeed, oo idil,
uga soo horjeesan lahaa gumaysiga, una qaa`ibi lahaa
waajibka halganka,iyo u huriddeeda wax kastoo qaali
ah.
DHISMAHA HOGGAANKA HALGANKA.
Halganka iska-caabbinta cadowga meel wanagsan ayuu
marayaa haatan. Xoogag cusub ayaa maalin walba ku soo
kordhaya.Hayeeshee, si shacbiga loo wada howlgeliyo,una
dhismo xayndaabkii adkaa ee cadowga dib u riixi lahaa, waa
in la abuuraa hoggaankii howlaha kor lagu tilmaamay isku
dubbaridi lahaa, dejin lahaana hindisaha militeri, iyo kan
siyaasadeed oo Dalka lagu xuraynayo.
Aragtidayada, marxaladda koobaad waa in qof kastoo
aamminsan xuraynta dalka,uu ka mid noqdo Ururka Muqaawamada
Soomaaliyeed, uuna guto howsaha uu halganka ka qaban karo,
iyadoon shuruud lagu xirin.
Hoggaanka Muqaawamada (magac kastoo loo bixiyo ururka) oo
baarkii tandiimka ah, waa in lagu doorto shirwayne, si
degdeg ah loo qabanayo. xulidda xibnaha hoggaanka, waa in
ugu yeraan, shuruudahan lagu saleeyo:
- Qof diyaar u ah qaddiyaadda inuu naf iyo maal u
huro;
- Siiraddiisu wanaagsantahay;
- Karti iyo aqoon u leh hawsha laga rabo;
- Daneysi iyo jago-raadis ahayn;
- Casabiyad, iyo anaaniyad, Ururka waxyeelleeya, looga
cabasanayn;
- Xajin kara sirta Ururka, dalka , diinta; dadkana
daacad u ah.
Hoggaanka markii la xulo waa la dhaarinayaa.
Xuska 1 da Luuliyo,2007,
Asmara,Eritrea.
La xiriir:
maxaakimtaislaamiga@gmail.com