SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

RABBI IDANKIIS HA HIRGALO SHIRWEYNAHA DIB-U-HESHIISIINTA, HANA KU FURMO NABAD, ISKU-KALSOONAAN, IS-AAMIN, SHAKI LA'AAN, HANA KU DHAMMAADO NABAD, FARXAD, ISCAFIN IYO HESHIIS LOO AAYO, INSHA ALLAAH

Muuse  Xaaji  (Abees)              
Tel. 703-606-9488
WABILLAAHI TAWFIIQ
abees11@yahoo.com
                                           
 
KOOX KASTA OO CURYAAMISA HANAQAADKA SHIRWEYNAHA WAA CADOOW DIIDDAN NOLOSHA IYO JIRITAANKA SOOMAALIYA
 
Ummadda Soomaaliyeed oo amar Alle dartiis burbur aad u darani ku dhacay, asaagoodna dib uga haray,  ayna aseebtay aafo weyn iyo ilhaano xun, waxay maalmahan u hanqal-taagayaan qabsoomidda shirweynaha dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed oo loo ballansan yahay 15ka July, insha Allaah.
 
Dadka Soomaaliyeed oo ah dad aad ugu baahi qaba nabad, dawlad iyo in dawo khayr loo helo cudurka xun ee ku raagay waxay werwer iyo walaac ka qabaan isna weydiinayaan qabsoomidda shirweynaha, iyo hadduu qabsoomo ma lagu gaarayaa heshiis loo wada hoggaansamo, meelmarna noqda si ay mar uun noloshu ugu macaanaato, ugana baxaan halaagga hareereeyey ee aan waxba u dhaafin dal, dad iyo maal adduun, aakhiradoodiinna qiilqiilka geliyey?
 
Dad badan ayaa shaki iyo su'aal ka qaba shir-sag-saagidda ka muuqata koox ku hadasha magaca Beesha hawiye (aana matali karin ! ) oo kusugan Gobolka Benaadir oo ah goobta shirka lagu qabanayo, waxaana ka mid ah su'aalahooda:
- ma loo maleeyaa in ay kooxdaas oo ka shiidaal qaadata kooxda joogta Asmara iyo dalal aan doonayn nabad ka aslaaxda Soomaaliya ay ku guuleysato in aan shirku qabsoomin?
- haddii ay arrintaasi dhacdo maxaa laga yeelayaa?
- iyo dalku ma koox yar oo si xun u fekereysa, wax wanaag ahina agtooda oollin, ayuu weligiis u qafaallaanayaa?
 
Guddiga Shirka Dib-u-heshiisiinta waa Guddi si daacadnimo iyo dad aqooni ku dheehantahay looga soo dhex-xulay bulshada Soomaaliyeed intooda aan beloobin ee caafimaadka qabta.
Guddigaas oo ay tiradoodu aad u yartahay waxaa si weyn kalsooni buuxda loogu qabaa tayadooda wanaagsan, maxaa yeelay waa xubno Ummadda Soomaaliyeed aad u wada garanayaan isuguna jira siyaasiyiin hore, halgamayaal xornimada u soo xarbiyey, aqoonyahanno iyo Ganacsato.                  
 
Xubnahaasi waxay nadiif ka yihiin dhibaatooyinkii Soomaaliya kala geeyey, wax godob ahina ma taaban, waana rag daacad iyo waddaninimo keli ah ku abtirsada, waxaana Alle looga baryayaa in uu ku gargaaro xilka culus ee tuurta loo saaray, ayna soo hoyaan guul mireheeda dhaqso loo gurto laguna xasilo, insha Allaah.
 
Guddiga Shirweynaha oo uu Guddoomiye u yahay mudane Cali Mahdi Maxamed waxaa hawlihiisa xasaasiga ah ka mid ah:
in ay Soomaaliya heshiiso, kuna heshiiso in ay run ahaan u heshiiso, ka hayaanto banka abaarta ah, ayna degto balli doog leh oo nabad ah, aadna u barwaaqo badan.
in uu si diirran iyo qalbi furan ku soo dhoweeyo Ergooyinka ka kala imanaya Gobollada Soomaaliya, uuna si wanaagsan u dejiyo.
 
in uu shirweynaha hago, hoggaamiyo, horseed ka noqdo hawl kasta oo la xiriirta shirka iyo baahida badan ee Ergooyinka, u qaybiyo ergooyinka wada hadalka iyo doodaha ay ku qaadaa dhigayaan maslaxadda ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay la gasho, si loo gaaro heshiis qotodheer oo nuxrur loo wada aayo leh iyo go'aammo xambaarsan farxad, shargudban, sheydaan xijaaban ah iyo Soomaalini-madii oo laga soo saaro ceelkii dheeraa ee ay ku daxalsatay.
 
Waxaa kaloo hawlaha culus ee Guddiga Shirweynaha qaran ka mid ah, ururinta talooyinka Ergooyinka oo uu ka samaynayo shirqoraal markii la kala haadiyo uu ka soo baxayo heshiiska kama dambaysta ah ee uu shirweynuhu isku raacayo haddii Alle idmo.
 
wuxuuna Guddigu ku faraxsan yahay kuna kalsoonyahay Ergooyinka gobollada oo iyaguna ah guurtidii weligood u gole iyo geed joogtay garqaybta iyo maslaxadda dadka, kana hortegi jiray ismaan-dhaafka markay la kaashadaan weynaha wax walba awooda Alle, wuxuuna arrintaas guddigu u arkaa nasiib-wanaagsan iyo in ergooyinku yihiin dad ay wada shaqayn karaan oo ay kheyr doonayaal isla yihiin.    
 
Waxaan Eebbe ka rajaynayaa in dhammaan  Ergooyinka Shirweynaha lagu martiqaaday uu u fududeeyo socdaalka nabaddoonnimada iyo niyadsamida ah, ayna caafimaadqab ku yimaadaan xarunta shirka waqtigii lagu ballamay, iyagoo u soo diyaargaroobay ka qaybgalka shirweyne muhiim ah oo taariikhi toban jibaaran ah oo ka wada mudan dhammaan shirarkii dibadaha loogu yaaci jiray, ayna harayn jireen siyaasado wada sirgaxan oo aan meel u wada jeedin, cid walibana sidii ay rabto u tarjuman jirtay.
 
Shirweynuhu waa mid guddigiisa iyo ergadiisa la xulay oo la turxaan bixiyey, damac gaar ahaaneedna aan cidina ka lahayn, balse rabbi hortiis Guddiga iyo Ergooyinku ugu adeegayaan dalkooda iyo dadkooda.
 
waxay ogsoonyihiin catowga, calaacalka,  jibaadka, oohinta, ciilka, carada, dilka iyo  dibindaabyada shacabkooda dullaystay ee la degay 17 sano.
Alloow raggaas riyadooda run uga dhig.
 
Ergooyinka sharafta badanoow, walaalayaal, mid mid innoogu duceeya in aan shirku innaga burburin iyo in Alle innaga dulqaado ceqaabtiisa aan innagu gacmaheenna ku doonannay, naxariis iyo nabad inna siiyo, inna waafajiyo talada toosan ee xaqa ah, innagana dhaqo uurxumada iyo yaan belaayo lagaa badin ee weerarka badi, dadka iska dil kuna nasiibso wixii ka daata. 
 
Kalsooni ku qaba in shirweynuhu sabab u noqdo in Soomaalidii la isku diray ee kala irdhowday Rabbi qalbigood burcad isu mariyo, ayna dib u soo noolaato walaaltinimadii, wada jirkii iyo midnimadii qaalliga ahayd ee aan weligeen kaga adkaan jirray cadowgeenna, innaguna isku aamini jirray, isku dhexmari jirray, isku soori jirray, xidid iyo xigaalona ku ahaan jirray, indhowaalena aan ceeyr ka ahayn.
Waxaa rajo weyn laga qabaa in ergay kastaa go'aansaday, raallina ka yahay in la heshiiyo, si daacadnimo ahna loogu heshiiyo in la heshiiyo, waxwalbana laga noqdo xalay dhalay , in la is cafiyo Alle dartiisna la isku cafiyo, xumihii la isu geysteyna la illoobo, lana soo hadal qaadin, amaanta Alle la badiyo, Alle aqoonsiga la badiyo, wixii dhacey wey dheceen mana soo noqonaayaan, ee cafiska badiya  iyo warxunoow lagu waa.
 
Cid kasta oo diidda ama cillado u yeesha in soomaaliya heshiiso, iskana saarto fidmada daba dheeraatay waa cadoow jiro xun oo aan dawo lahayn qaba Alle ha u sakhiree, waana in laga tashado oo loo taliyo dadka sidaas ku sifooba.
Alle aan cafis weydiisanno, innaguna is cafino, dhulkana aan iska dhigno hoogga (hubka) cadoowgu hoosta innoo geliyey ee aan kuweyney eheladeennii iyo aakhiradeennii, waxaana la wada dayeysannahay suntii aan ka dhaxallay iyo ciribxumada aan wiil wiilkiis la illaabi doonin.
 
Ergooy, fadlan, aan ku dadaallo dulqaad, deganaansho iyo in aan marna cid la durin,  hana laga fogaado waxkasta oo aan samaan ahayn.
Shirka aan la tagno hadal habaysan oo hufan oo aan turxaan lahayn si aan dhaqso ugu gaarro yoolka aan higsanayno oo ah nabad iyo caano.
 
Waqtigu yaanu innagu dhaafin xigasho murti hore, maahmaah, hal baan iri, hal baa ii raaca, hal kalena waa ii dabayaal iyo tixraac hadal qof kale hortaa yiri.
 
Qof kastaa ha hadlo, hadalkuna waa daawo, aan hadallona waa aan heshiinno, waxaase muhim ah in oraahdu urursanaato adiga oo ilaalinaya safka dheer ee loogu jiro hadalka, waana in aad loo ilaaliyo ajeendaha shirka iyo sida qodobbadu u kala horreeyaan. 
 
CODSI IYO FIIRO GAAR AH
 
Shirweynaheenna maanta waa mid taariikhi ah oo aan weligeen inna soo marin, waxaana wada jooga dadkii talada Soomaaliya ka go'i jirtay oo isugu jira dawladii, culimadii iyo guurtidii dalka, waxaana hareeraha ka  taagan, dhegahana u taagaya shacabweynihii ahaa laf-dhabarta dhabta ah ee dalka, kuwaas oo hiil, hoo iyo taageeroba shirka ugu filan, ahna dadka shirku u adeegayo.
Sidaas darteed, waxaa shacabku si xushmad leh shirweynaha uga  codsanayaan in shirku uu fiiro gaar ah siiyo in uu u hiiliyo xaqa oo ah in uu ku dhiirrado in la heshiiyo oo lagu heshiiyo in la go'aamiyo oo si buuxda loogu dhawaaqo ku dhanka Shareecada Islaamka, taasoo ah nidaamka keli ah ee  aan kaga bixi karro dhibaato kasta, isku xukumi karro, kuna gaari karro caddaalad iyo kheyr badan adduun iyo aakhiroba, insha Allaah. 
 
Qarniyaal badan ayey ummadda soomaaliyeed ahayd dad Islaam ah oo neceb cid kasta oo faragelin ku samaysa diinta Islaamka, sababtii 5 qaybood looga dhigay soomaaliyana waxay ahayd in la dhaawaco diinteenna xaqa ah, markii la innagu xasdey dal weyn oo haddana dadkiisu islaam wada yahay, nasiib-wanaaggaasina adduunka dhif iyo naadir ayuu ka yahay. 
 
 Ikhyaar, awood iyo talo uma aynaan lahayn muddooyinkii aan gumeystayaasha ku hoos noolayn in aan isku xukunno kitaabka, ha yeeshe gumeystayaashiina kuma ay guuleysan qorshahoodii ahaa qaybi oo xukun iyo in ay diinta inna illowsiiyaan, toodana innagu tallaalaan.
 
Nasiibdarro, 47dii sano ee aan 30 ka mida dal gob ah ahayn, 17 sanona aan soo marray gumeysi iyo gumaad midkii ugu xumaa oo dhexdeenna ah, Alle ma qaddarin in aan iska beddello beentii dastuurka la innoogu sheegay ee ahaa qoraallo la innooga soo daabacay Rome iyo London oo xambaarsanaa sidii ay iyagu wax u doonayeen, aad ayeynuna uga ilduufnay in aan iska akhrino kana digtoonaanno, balse hadda ayey weli buuxdaa talo oo bisishahay.
 
Su'aasha aan waayey cid iiga jawaabta ayaa ah:
maxaa innaga oo 100% islaam ah innagu kallifay in aan iskaga hornimaadno, dhiig badanna ku daadinno arrin aynaan u qalmin oo murugadii hore innoo raacisay qalbijab iyo quus oo ahayd in la innaga maqlo:
 
- qayb-heblaayo waa culimo rabta in dastuurka dalku noqdo Kitaabka qu'raanka kariimka ah, waxayna ku jahaadaysaa qayb kale oo xujoowday oo gaaloowday.
- iyo qaybtii kale oo ugu jawaabtay, kuwaasi ma aha culimo ee waa sheegato, xil gaar ahina kama saarra diinta islaamka oo dadka oo dhan u dhexeysa ee waa jifi-hoosaad xukun doon ah oo soo huwatay shaar diineed, waana la dagaallamaynaa.
Haddii aan ka cabsanayno hanjabaad, cagajuglayn, cunaqabatayn iyo in la innaga goosto sandareertada sasabashada iyo hooyo ku go'da ah waxba ma aha, waxaana ka mudan fulinta waajibaadka Alle, isagaana awoodiisa iyo iyo taageeradiisu weyntahay, kheyrkiisu badanyahay, ceqaabtiisu aad u kulushahay, ciddii aamintaana guuleysaneysaa, insha Allaah.
 
- ugu dambaystii Ergooyinka si joogto ah ha loo siiyo, iyaguna ha isasiyeen casharro wacdi iyo waano ah.
- ergooyinka ha loo fariisiyo gobol gobol, tirada ergo kasta iyo kuraastoodu ha isleekaadaan, ergey kasta qoorta ha ugu jiro baajkiisa sawirka leh, fadhi kastana ha la hubiyo arrintaas si looga fogaado waxyaabo badan.
- in hadalka ergooyinka lagu xafido duubis iyo qoraal.
- in muhimad la siiyo xasiloonida, is-dhegeysiga iyo isfahamka.
- in laga digtoonaado ereyada qofba si macnahiisa u yaqaan.
- in shirka laga ilaaliyo wax hub ah ama hub noqon kara sida ulaha, toorreyda iwm.
- in aad loo ilaaliyo caafimaadka deegaannada Ergooyinka sida meelaha hurdada, cuntada iyo shirweynaha, hana la badiyo muqsulaha iyo biyaha oo dawada colorinka lagu daray.
- in ay jiraan takhaatiir iyo kaaliyeyaal si joogto ah meel kasta uga hawlgala, dawo iyo gaadiid diyaar ah.
- in aad loo yareeyo booqashada ergada loogu imanayo iyo fasaxa magaalada lagu aadayo si looga taxadaro nabadgeyada ergada.
 
CUDURDAAR
 
Waxaan si xushmad iyo qaddarin leh uga cudurdaaranayaa akhristayaasha qoraalkan oraah iyo hadal kasta oo ah qalad iyo gaf aan munaasib ahayn oo iga fakaday ama aan ka ilduufay,
waxaana diyaar u ahay in aan raalligelin ka bixiyo markii la i soo gaarsiiyo, waxaana la igala soo xiriiri karaa:
 
                        Emailka ah:   
 
                                           
Muuse  Xaaji  (Abees)               Tel. 703-606-9488
WABILLAAHI TAWFIIQ  
 
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 14, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com