TIMIRTII HORABA DAB LOO WAA (shirka dib u
heshiisiinta)
Xassan Mataan
Mahad dhamaanteed Allaah SW ayay u sugnaatay
naxariis iyo nabad gelyana Korkiisa ha ahaato
Nebigeena suuban.
intaas kadib.
waxaan qormadan ku eegi doonaa Guuxa dad weynaha
ee ku salaysan Shirka Lagu wado inuu Dhawaan ka
furmo Magaala Madaxda Muqdisho, ee qabsoomidaasa
aragtiyaha badan ee iska daba imaanayaa kasoo
baxayaan.
Soomalidu waxaa ay asal ahaantii kasoo jeedaa
dad raacato ah oo dhaqanka magaaliga ah inbadan
oo kamida aanu u baxsanayn, nin reer guuraa ah
ayaa soo galay meel tuulaa oo macaash u yaalo
qolo reer tuulo ah, ninkan oo baadi doon ah,
qoladii macaashlayda ahayd ayaa waxaa ay u
gunteen Rodaol timira si uu baadi goobkiisa u
sii wato, ninkanina waxaa uu ahaa nin geel jire
ah oo dhaqnka magaaliga ah aanayba u bilownayn
sidaasi daraadeedna timirtii dalacka go'iisa
ayuuba isaga guntaday si uu dab iyo biyo uu ku
karsado ugu helo.
In-mudaa haduu miyi socday ayuu kusoo baxay qolo
kaloo Macaashlay ah kiiyoo gaajo la ildaran,
waxaa ay ku sooreen qadar kaloo timira,
markaasuu isaga oo nimankan macaash layda ah la
yaaban waxaa uu ku yiri war timirtii horaba dab
loo waaye waa idin sidee.
hadii aan qormada hoos ugu daadago, waxaa ay
inta badan soomaalidu waqti qaaliya ku dhumiyaan
hadal haynta shirka lagu wado inuu dhawaan ku
qabsoomo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisgu,
waxaa inta badan dadku ku caraatamaan qabsoomida
shirka, sidoo kalana waxaa isjiid -jiid badani
ka jiraa dadka arimaha siyaasada falanqeeya
aragtiyahooda kuwaasoo isku waayey mira dhal
ahaanta waxii shirkan kasoo baxaya ee guul iyo
guul daro ah.
Waxaase in wax la iska waydiiyo mudan. shirkii
Dib u heshiisiinta Qaran loogu magac daray ee ka
dhacay dalka kenya looguna talo galay in lagu
gorfeeyo xaalada qalafsan ee Dalku xiligaas
marayey, laguna soo casuumay dad badan oon run
ahaantii ehel u ahayn inay wax ka yiraahaan
xaalada Qalafsanayd ee Dalka kajirtey, inkastoo
hadan la huwuyey shaati ah inay ayaga xaalada
dalku ka go'do, kuwaasi oo mudo sanadaa isku
mari la'aa danaha iyaga u khaaska ah ee ninkii
doonta xiligaasi lasaaraa ka arki waaya miisaan
balaaran oo uu ku leeyahay uu markaa doonta
faaska ku boobayey, laguna dhumiyey maaliyadda
aan xisaabta lahayn, laguna soo dhisay DKMG ah
ee dhibaatadii dalka ka jirtay iska daa inay wax
ka qabatee sii boqol jibaartay dhibaato waliboo
dalka ka jirtay, isla markaasna kusoo siyaadiyey
dhibaato kaloo aanba loo fadhin.
Soomaalidu waxay tiraahaa HAL XAARAANA NIRIG
XALAALA MA DHASHO. oo hadii hogaanka shirka ay
hayaan dad iyagu masuul ka ah dhibaatada baaxada
leh ee ka jirta dalka guud ahaan, gaar ahaana
caasimada dalka maxaa micne ah oo laga filan
karaa hadiiba uu qabsoomo kulunkani inay kasoo
baxaan, jawaabtu waa HAL BACAAD LAGU LISAY.
Bal u fiirso xaladda Gobolka Banaadir ka jirta
ee la abuuray, Habeenkii waa Bandoo Xiligii ay u
qorsheysteen uu dhamaaday oo weli soconaya,
maantiina waa Amxaaro iyo Caruur la Ciidameeyey
oo Albaab waliba taagan, cago barar ayaa
maatidii la tiicayaan, guryahaa lagu xabaalaa
Caruurtii soomaaliyeed iyadoo laga hor istaagey
goobigii Ganacsiga oo qori lala hor fadhiyo,
wadooyinkii Geli jirey goobaha Caafinaadkana
dhamaan jid gooyaa la dhigay, Caruur La
ciidameeyey iyo Cadow Shisheeyaa Gaaf wareegaya,
Dhaqaatiirtii waxay ku jiraan Xabsi Guri, kuwii
shisheeye oo soo Gurmadeyna Garoonkaa dib looga
celiyey.
Shirka yaa lagu heshiisiinayaa, yaase
dagaalsan,soomaalidu waa wiil iyo walaal xad
iyo xuduud toona uma dhexeeyo, waa dhaqan iyo
dhiigba wadaag, soo kama haboonayn in maatida
loogu gurmado dhaqaalaha lagu luminayo
kumanaanka dada oo dalxiis ahaan iyo xili
luminta uga imaanaya gobolo xasiloon, soomalidu
waxay tiraahdaa, NINA INTUU KUU JIRO KUUMA SOO
DHAAFO.
Ugu danbayntii waxaan ugubaaqayaa Somalida meel
ay joogtaba inay hoos u fiiriyaan xaalada
qalafsan ee dadka aan danta ka lahayni ay ka
abuurayaan gobolada Dalka gaar ahaan Magaalo
madaxda Muqdishu, ayna walaalhooda dhibaataysan
u istaagaan samata bixin tooda ,DKMG ah ee
Somaliyana waxaan oran lahaa hoos ufiiri
dhibaatada Baaxada leh ee Cadowga iyo Caruurta
la ciidameeyey ka hayaan maatida, Qolada shirka
Horkacaysana waxaan ku oran lahaa, Cudur waxaa
daaweeya qof ehel u ah, ogaadana mar uun bay
xisaabi imaan doontaaye.
Xassan Mataan
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan