SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Wararkii: July 15, 2007

  • Qaraxyo dhowr ah oo Muqdisho ka dhacay

  • Nabadoonka Beesha Murusade oo sheegay in lagaga been abuurtay ka qaybgalka shirkii Lafweyn.

  • Ergooyinka Shirka Dib u heshiiinta oo qaarkood dib u dhac ku yimid halka qaar kalna ay ka biyo diidsan yihiin

  • Ciidamada Midowga Afrika oo sheegay in aysan shaqo ku laheyn ammaanka goobta shirka uu ka dhacayo

  • War-Saxaafadeed ka soo baxay Ururka Midnimada Xirfadleyda Soomaaliyeed


Qaraxyo dhowr ah oo Muqdisho ka dhacay

Shalay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo dhowr ah oo qaarkood si weyn looga maqlayey qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho, waxayna qaraxyadaasi gaysteen khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah. Qarax ayaa shalay waxa uu ka dhacay wadada koowaad ee Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Shirkadaha Isgaarsiinta Hormuud iyo Telecom Somalia, waxayna dad goob-joogayaal ahi sheegeen in uu qaraxaasi ahaa bam gacmeed lagu tuuray ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo iyagu halkaasi marayey, iyadoo ciidamaduna ay rasaas fureen, sidoo kale waxa isna qarax xoogani ka dhacay isgoyska Tarabuunka kaas oo ay isna dad ku dhinteen kuwo kalana ay ku dhaawacmeen, sidoo kale waxaa isna qarax lala beegsaday ciidamada Itoobiya oo ku sugnaa  agagaarka Carweydka, iyadoo halkaasi la sheegay inuu ku dhintay qof rayid ahaa oo ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada Itoobiyaanka.

Isku soo wada duuboo, waxaa shalay qaraxyadii dhacay ku dhintay ilaa iyo 2 qof, waxaana sidoo kale la sheegay inay ku dhaawacmeen 7 kale oo qaarkood xaaladooda laga dayriyey, kuwaas oo loola cararay Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan ayaa ku soo beegmaya xili Magaalada Muqdisho lagu soo daabulay ciidamo dheeraad ah oo la sheegay inay tababaro u soo dhamaaday, iyo waliba ciidamada Itoobiya oo si wadajir ah uga qayb-qaadanaya hawlgalo uu maamulka gobalka Banaadir sheegay in lagu sugayo Amniga Magaalada, maadaama maanta lagu wado in uu Shirkii dib u heshiisiinta qaran ka furmo Muqdisho.

Nabadoonka Beesha Murusade oo sheegay in lagaga been abuurtay ka qaybgalka shirkii Lafweyn.

Nabadoonka Beesha Murusade Nabadoon Joodax ayaa sheegay in laga been abuuray in uu ka qaybgalay shirkii Beelaha Hawiye ee kal hore ka dhacay Hoteelka Lafweyn ee Magaalada Muqdisho.

Nabadoonka ayaa sheegay in magiciisa lagu daray dadkii ka qaybgalay shirkaasi, waxa uuna nabadoonku si caro leh u beeniyey in uusantagin wax shir beelaha Hawiye isugu yimaadeen, isla markaana hadalka sheegaya in uu Lafweyn shirkii ka dhacay xaadiray uu yahay mid aan sal iyo raad toona laheyn.

Nabadoon Joodax ayaa sidoo kale sheegay in xitaa kan maanta ka furmaya Muqdisho uu isagu u socon, isla markaana aysan qorshaha ugu jirin in uu ka qaybgalo, waxa uuna shirka dib u heshiisiinta ku tilmaamay mid laga marin habaabiyey wadadii loogu talagalay, nabadoonka waxaa uu sidoo kale ugu baaqay Beelaha Hawiye in ay marka hore dhedooda iyagu heshiiyaan oo ay khilaafka dhexdooda ah meesha ka saaraan, dhanka kalana waxa u nabadoonku u soo jeediyey Dowladda Federaalka in aysan xaqiiqda jirta iska indho tirin oo ay shirka dib u heshiisiinta ku wado wada saxda ah ee uu ku najixi karo.

Ergooyinka Shirka Dib u heshiiinta oo qaarkood dib u dhac ku yimid halka qaar kalna ay ka biyo diidsan yihiin

Maanta oo ay Bishu ku began tahay 15-ka Bisha Luulyo oo ah xiligii ay Dowladda Federaalka iclaamisay in uu furmayo shirka dib u heshiisiinta qaran ee la isugu keenayo dhamaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in uu maanta si rasmi ah uga furmayo Magaalada Muqdisho.

Dowladda Fedeaalka ayaa sheegtay in amniga Magaalada Muqdisho uu markaan ku haboon yahay in shirka la furo, iyadoo dhawaanna uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf sheegay in xitaa haddii Nuclear la soo tuuro uu shirku qabsoomayo, waxaana dhanka kale jirta in dhamaan ergooyinkii loogu talagalay inay shirka ka qaybgalayaan aysan soo dhameystirmin oo qaarkood ay dib u dhaceen, halka kuwo kalana warar soo baxaya ay sheegayaan in ay ka biyo diidsan yihiin ka qaybgalka shirka.

Qaar ka mid ah Qabaa’ilada Soomaaliyeed ee Gobalada dalka ayaa sheegay in aan lagu casuumin shirka dib u heshiisiinta, islamarkaana aysan u socon, waxay kaloo qaarkood sheegeen in Dowladdu ay ku dhaqatay qaab aan iyaga u cuntamin isla markaana aan u wanaagsaneyn in shirka lagu saleeyo, waxayna Dowladda ku eedeeyeen in ay Qabaa’ilka gudihiisa qaarna la waday qaarna laga tagay, waxaa ka mid ah Beelaha Digil iyo Mirifle oo xubno ka tirsani sheegeen in kala sooc lagu sameeyey Beelaha Digil iyo Mirifle, halka gobalada Jubooyinka iyo Sh/hoose ergooyinkii ka imaanlahaa weli Muqdisho soo gaarin oo ay baaqdeen inkastoola sheegay in ay soo ambabixi doonaan saacadaha soo socda.

Ciidamada Midowga Afrika oo sheegay in aysan shaqo ku laheyn ammaanka goobta shirka uu ka dhacayo

 Ciidamada Midowga Afrika gaar ahaan kuwa Uganda oo iyagu ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan gebi ahaanba ka qaybgali doonin hawlaha lagu sugayo Amniga goobta shirka uu ka furmayo, waxa uuna afhayeenka ciidamadaani sheegay in aysan iyagu shaqadooda aheyn taasi, balse ay dalka u yimaadeen sidii ay u ilaalin lahaa goobaha muhiimka ah ee qaranka Soomaaliyeed, sida Dekedda, Garoonka Diyaaradaha iyo xarunta Madaxtoonyada.

Kabtanka ciidamada Uganda ayaa sheegay in ay Ciidamada Uganda ee dalka ku sugan aysan awood u laheyn inay dhow goobood amnigeeda sugaan, maadaama buu yiri ay tiradeenu yar tahay, oo aysan ciidamada Uganda ka hawlgali Karin gobo badan, waxa uu sheegay in ciidamada Uganda aysaxn xitaa meelo dhaadheer tagin oo ay ku siman agagaarka meelaha ay ilaalinayaan keliya.

Kabtanka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay xiriir la soo sameysay isla markaana ay ka codsatay inay ka qayb-qaataan hawlaha nabad sugida goobta shirka dib u heshiisiinta ka furmayo maanta, waxa uuna sheegay Kabtanku inay Dowladda u sheegeen in aysan taasi dhicin Karin, balse ay xaaladda guud kor kala socon doonaan.

Hadalka ka soo yeeray Kabtanka ciidamada Uganda ayaa dad badani waxa ay tilmaamayaan in ay laga garan karo ciidamada cusub oo ay Dowladda Federaalka soo dhoobtay Muqdisho si ay u adkeeyaan ammaanka Magaalada Muqdisho.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Ururka Midnimada Xirfadleyda Soomaaliyeed

Waxaa war-saxafadeed soo saaray Ururka Midnimada Xirfadleyda Soomaaliyeed oo ka hadlay arrimo dhowr ah, waxayna warsaxafadoodkooda ku bilaabeen sidaan.

“17-sano kadib ayaa shacabka Soomaaliyeed  marti u noqday dil joogto ah iyo darxumo, siiba Beelaha aan hubeysaneyn ama laga tirada badan yahay, oo loo dilo qaab ganacsi ah, maanta aad ayaan uga rajo xunahay qaabka beeleed iyo kala sooca lagu saleeyey shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee lagu wado in furmo Berito, oo aragtideena lagu sii kala fogeynayo nabadda Soomaaliya iyo marin habaahinta qaabka saami qaybsiga siyaasadeed, haddii aan golaha ammaanka ee qaramada Midoobey si deg deg ah u soo faragelin qaabka dib u heshiisiinta soomaaliya iyo saamiga qaybsiga siyaasadeed.

Dhianca kale iyadoo la tixgelinayo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha, waxaana golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey mar kale ka codsaneynaa in la badbaadiyo noloshada danyarta Soomaali-yeed, oo ay isugu darantay dil, gaajo, caafimaad daro, dhac, kufsi, barakac iyo rajo xumo siyaasadeed oo  gaartay heer ay naftooda qaaliga ahayd ay ka door bidaaan tahriib iyo in badda lagu daadiy.

Waxaan war-saxaafadeedkaani ku saxiixnaa guddoomiyaha Ururka Midnimada Xirfadleysa Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha Beelah Dulman Ibraahim Geedi Jimcaale (Shookaali)

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 15, 2007

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya

Haweeney Ingiriis ah oo sheegtay iney guursatay wiilkii uu dhalay Usaama Bin Laadin 

Mu'tamarka Xagaaga Birmingham-UK: Goorma... AKhri

Wasiirka Ganacsiga Britian: "Haatan waxaa la joogaa xilligii wax la dhisi lahaa ee lama joogo waqtigii wax la bur burin lahaa".. Akhri... July 14

Gaadh-haye : Shirka Dib U Heshiisiinta Maaha Mid U Muuqda Mid Qabsoomaya .
.Yuusuf: Shirku wuu Dhici Doono Xiligii Loogu Loo Balamay
.Weeraro Loo Adeegsaday Qoryaha Hoobiyaha Oo Habeenkii
Wararka oo dhan ka akhri halkan... July 13

Banaanbax shalay ka dhacay Switzerland

Sen. Coleman oo warqad ku saabsan xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee ku nool Ogaden u diray PM Meles Zenawi (English)

Bush: "Weli waan ku guuleysan karnaa dagaalka Ciraaq"

Jaamacada Gedo oo Loogu Yaboohay $179,000
Warbixin: Kulankii Jaamacadda Gedo oo Ka dhacay London.

Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo 1/9/2007 ku baaqay shirweyne lagu sameynayo urur.
.Ugaas Cabdi Daahir oo shaki ka muujiyey ka qaybgalka shirka
.Ban-Kii-Moon "Ciidamada Afrika waxay imaanayaan marka..
.Wafdi ka socday Contac Group oo Muqdisho kulan kula..
.Caleemo Saarka Boqorka Daarood oo Dib loo dhigay...
.Xarfo oo ka tirsan G/Mudug oo degmo aahaan loo ansixiyay
Wararka oo dhan ka akhri halkan... July 12

Gabagabadii Kubadda Kolayga Somali Week iyo Gobolka Minnesota

Xukuumadda Liibiya oo weli ku adkeysaneysa dilka ay ku xukuntay Kalkaaliyaashii reer Bulgaariya 

Dadweynaha Muqdisho "Marnaba Dowladda kama fileyn in ay noola dhameyso sidaan…"
.
Gudoomiyaha Boondheere oo koox hubeysani dhaawaceen
.Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo laga dayrinayo
Wararka oo dhan ka akhri halkan... July 11

Itoobiya: Madaxdii mucaaradka oo la codsaday in toogasho lagu xukumo.

Ra’isul Wasaarha DFKMG Geedi oo kulan la qaatay Boqorka Sucuudiga
.
Cali Mahdi “Haddii laga dhabeeyo qodobada shirka Beelaha
.Saddex qarax oo ka dhacay Suuqa Bakaraha ee Muqdisho
.Beesha Sade “Dhaqan la iskuma haysto laakiin waxaa la isku
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... July 10

Kulan Nabadeed oo Ka Furmay Magaalada Qardho
shir nabadeeyn ah oo lagu dhexdhexaadinayo beelo... Akhri

Ganacsatada Gobolka Banaadir oo sheegay in ay gebi ahaana Suuqa uga guurayaan Dowladda Federaalka
.Guddoomiye ku xigeenkii Yaqshiid oo la dilay
.
Xaaji Cabdi “waxaan u tanaasulay si loo dhameeyo is jiid...
.Salaad Jeele oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta G/Mudug
.Beelaha Hawiye oo uu khilaaf hor leh soo kala dhex galay
Wararka oo dhan ka akhri halkan... July 9

Baaq: Dagaalka Gumeystuhu ku hayo Diinta Ummadda Soomaaliyeed.
Dhambaalkii Sh. Shariif Sh Axmed, Gudoomiyaha GMIS.. Akhri

RaabehDigniin Culus oo Ka Timid Dr. Cumar Cusmaan Raabe

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com