SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Dibdhac ku yimaada Doorashooyinka Somaliland Dan uma aha Dalka Iyo Dadka

Saeed abdillahi duale
Islamabad, Pakistan
Duale_june@hotmail.com

Magac Allaah ayaan ku bilaabayaa mahad oo idil eebe ayay u sugnaatay naxariis iyo nabad galiyo rasuulkeen SCW kor kiisa ha ahaato, Aslaamu Calaykum warxmatullilaah wabarkaatu. Inta ka dib,

Hanaankii geedi socodka dimuqraadiyada ee ay soo martay Somaliland ayaa ah mid si weyn wax uga bedelay habkii ay dunidu ku waajihi jirtay Somaliland oo ah in ay Somaliland ka jirin qaab ay ku soo dooran karto madaxeeda iyada oo raacaysa habka doorashooyinka axsaabta badan. waxyaabihii aan runtii ka xasuusto Somaliland xiliyadii kale duwanaa doorashooyinkii sida degaanka iyo tii madaxtooyada ayaa ahaa mid si weyn ay Somaliland ugu kasbtay caalamka iyo mandaqadba sumcad weyn iyo hufnaan ay la timid Somaliland doorashooyinkii oo lagu kala guuleystay tiro aan sida u buurnayn.

Bal akhristow inta aynaan gudo gelin dulucda maqaalka bal aynu yar milicsano faaiidooyinka Somaliland u lahayd doorashooyinkii Degaanka, Madaxtooyada iyo Barlamanka : 

  1. Somaliland oo markii ugu horeysay ka soo gudbtay marxaladii ahayd qaabka beelaha ee lagu soo dhisay labadii maamul ee ay kale hogaamin jireen abdirxaman ahmed cali iyo mahmed xaji ibrahim cigaal ( Alle ha u naxriisto labadoodaba). Una soo gudbtay qaabka axsaabta badan oo shacbiga u siinaysa awooda ah in ay doortaan hogaamiyahooda ay doonayaan.
  2. Shacbiga Somaliland oo fursad u helin in ka badan 30 sano oo  doortay  golayaasha degaanka magaalooyinka Somaliland heer tuulo, degmo, ilaa heer gobol.
  3. Doorashadii madaxtooyada ee shabciga Somaliland u dareereen in ay doortaan hogaanka wadankooda ayaa  iyaduna ahayd mid muujinaysa biseylka ay dadka Somaliland u qabaan in ay doortaan heer madaxtooyo taas oo runtii ah waxa si weyn dadka gobolka dega iyo beesha caalamkaba ula yaabeen, oo xitaa ka dhicin wadamada aynu jaarka nahay iyo dunida inteeda badan in lagu kale badiyo tiro yar oo aan badneyn. Waxa ay taasi markaa bedeshay fikirkii gurcanaa ee lagu jaro habaabin jiray bulshada caalamka, waxayna Somaliland siisay maqaam sare oo ay qireen xitaa wadamada aynu jaarka nahay iyo kuwa dunida horumartayba.
  4. Doorashadii baarlamanka Somaliland ayaa iyaduna ahayd talaabo fiican oo hore loo qaaday, Doorashadani waxay ahayd dhidibka u sii aasida somaliland iyo soo xulasho bulshada laga soo xusho dad tayo fiican leh oo dadka iyo dalkaba wax u qaban kara.
  5. waxa ay dadka Somaliland bareen doorashooyinkaasi qaabka positive ka ah ee dadku ay u dooran karaan cida ay rabaan iyada oo la maraynin  in wax lagu bedelo fawdo iyo gacan ka hadal midna.
  6. waxa ay saldhig u noqdeen doorashooyinkaasi in shacbiga Somaliland kale tageeraan axsaab kale duwan oo mid kasta leeyahay ajendihiisa gaarka ah ee siyaasadeeda iyada oo la raacayo qawaaniinta u degsan wadanka, halka xiliyadii hore dadku ay u qeybsanaayeen afkaar reereed oo jiho lahayn.
  7. waxa ay doorashooyinkaasi bedeleen qaab nololeedkii bulsheed ee dadkeena waxayna gaar inooga saareen koonfurtii somalia ee had iyo jeer la inagu mili jiray, sidoo kale waxay muujisay shucuurta dadka somaliland sida ay uga go'an tahay in ay noqdaan dawlad madaxbanaan oo cagaheeda isku taagi karta oo marna gorgortan geli karin madaxbanaanideedu.

Haddba, doorashooyinka Somaliland siiba doorashada golaha deegaanka ayaa waxa ka hadhsan imika muddo ka yar 5 bilood oo ku siman aakhirka bisha December 2007, ayaa waxa dad badan oo reer Somaliland ahi ay Is weydiinayaan su’aalaha ah doorashooyin ma dhici doonaan xiliga dhow ee fooda inagu soo haya? Haddii ay dhici waayaan maxaa xigi doona? Sidee u qabsoomi karaan doorashooyin haddii siidhwalayaalkii garoonka ka garsoori lahayd dhameystirnayn? 

Beryahan danbe waxaan shaashadaha wararka ka akhrisanayey khilaaf weyn oo u dhexeeya goleyaasha  qaranka kaas oo si weyn u ragaadiyey hawlihii ay u hayeen bulshada reer somaliland, haddba, waxa la yaab leh sida aaney goleyaasha somaliland ee la soo doortay aanay u wada shaqeyn taas oo runtii ah wax foolxun oo niyad jab ku keenaysa shacbka somaliland ee u soo samiray dhibkii kala duwanaa ee ay u soo mareen maarxishii kale duwanaa ee ay soo martay somaliland tan iyo xiligii lagaga dhawaaqay jiritaanka somaliland magaalada burco 18 may 1991. 

Runtii sida ay ila eeg tahay haddii loo helin khilaafyada ka dhex jira goleyaasha dawlada  siiba komishanka qaranka xal deg deg ah , oo u muuqta hadda I jiid aan ku jiidee ayaa waxay arrintu noqon kartaa mid baajisa in doorashooyin guud ka dhacaan Somaliland , taas oo dhabar jab iyo tacab khasaar ku noqonaysa Somaliland dhinacii hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada  Somaliland ee curdinka ahaa, waxayna arrintaasi keeni karta in Somaliland u ku yimaado dib u dhac weyn oo dhinac siyaasada ah oo keeni kara fawdo iyo khalkhal ay ka faaiideystaan cadow badan oo Somaliland leedahay oo manadaqadeena ku gadaaman. Waxayna daaqada ka saaraysaa wixii aynu dunida u sheegaynay ee ahayd in wadanku dumuqraadiyad ka jirto. 

Talo ahaan, waxa loo baahan yahay in Somaliland oo ku soo caano maashay isu tanaasul iyo wada hadal lagu dhameeyo arrimaha intooda badan cakiran sida labada xubnoode guddiga doorashooyinka ah ee golaha barlamanku soo celiyeen ee weli arrintoodii u dabran yihiin shantii xubnood kale. Inkasta oo sadexda xubnood ee ka been sheegay da’dooda ay fiicanaan lahayd in aanu barlamanku aqbalin ayaa haddna nasiib xumo mid ka mid ahi uu najaxay taas oo runtii shaki weyn gelin karta dadka qaar macquulnimada ( credibility) guddiga doorashooyinka. 

Si loo helo fursad looga gudbo marxaladan, waxa la gudboon golaha guurtida Somaliland oo kulan aan caadi ahayn leh 18 bishan july oo markii hore soo magaacbay labadan xubnood in ay soo bedelaan si loo hawlgeliyo guddida doorashooyinka Somaliland si ay u gutaan wajibaadkooda qaran ee ku aadan doorashooyinka soo dhow. Taasi ayaa noqon karta mid wadada u xaadha in ismaandhafka ka dhex jira goleyaasha qaranka xal loo helo, haddii ay golaha guurtidu ay arrintaas si hoose u eegi waayaan waxay keeni karta in arrintu ay noqon doonto mid cirka ku sii laalanta oo meesha ka saarta rajadii ay Somaliland caalamka ka qabtay in ay hesho ictiraaf iyo in doorashooyin ka dhacaan guud ahaan wadankeena. 

Waxaan ku soo gunaanadayaa dib u dhac ku yimaada doorashooyinka soo socoda dan uma aha dalka iyo dadka somalilandba. 

SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO 

Saeed abdillahi duale

Islamabad, Pakistan

Duale_june@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 16, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com