SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Sheekh Shariif Rajada Soomali Waa Adiga

Dr.Ali.A.Hirabe   
Hirabe_a@hotmail.com

Waxaan ku bilaabaya magaca Ilaaha wakiilka ka ah aduunka loona noqon doono xiliga danbe,waxaan aan jeclahay in aan maqaalkaan ku taageero halganka cusub ee ku wajahan sidii dalka looga saari lahaa cadowga Ethiopia iyo xulufada dalka keenay iyo sida uu howsha u wado Sheekh Shariif ineey tahay mid xaq ah una baahan sabar ama dulqaad faro badan,waxaan ka xumahay in taladii uu soo jeediyay Eng. Yarisow ee ahaa in uu siyaasada ka fadhiisto ama ka nasto,waxaa eey aniga iyo in faro badan nala tahay in Sheekh Shariif uu sii wado halganka xaqa ah,uuna muujiyo sabar,dulqaad,adkeeysi Ilaah u noqo Ilaahey waxaa uu dhahay:86 surad Aali-Cimraan

لَتُبْلَوُنَّ فِي أَمْوَالِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ وَلَتَسْمَعُنَّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُواْ الْكِتَابَ مِن قَبْلِكُمْ وَمِنَ الَّذِينَ أَشْرَكُواْ أَذًى كَثِيراً وَإِن تَصْبِرُواْ وَتَتَّقُواْ فَإِنَّ ذَلِكَ

مِنْ عَزْمِ الأُمُور

waxaa lagu imtixaana xoolaha iyo nafta,gaaladana had iyo jeer dhibaa laga maqlaa waxeeyse u baahan tahay adkeeysi iyo dhwrsanaasho,dagaalkii sokeeye waxa kaliya oo eey umada ka dhaxashay oo faaiido ah waxaa eey tahay in umada soomaliyeed eey ku baraarugeen in shareecada Islaamka eey tahay tan kaliya ee keeni karta nabada,cadaalada,iyo wadanoolaanshaha umada soomaaliyeed,waxaan leeyahay wallaalkeey Dulqaado,Sabir adkeeyso ogowna in aad hugan tahay mabdá aad qali ugu ah umada soomaaliyeed runtiina eey haboon tahay in loo taagnaado,loona sabro,haddii aad meesha ka baxdo ogow in dhaawaca uu soo gaarayo mabdaáa aad hogaanka u qabaty xligii uu Ing Yariisow ku tilmaamay the Golden Age ama xiligii dahabiga,waxaan kale oo aan aad ugu diidanahay wallaalkeey Ing Yariisow in danbiga MMI uu dusha ugu tuuray eey tahay mid aan waxba ka jirin waxaana ku sabbabeeynayaa in Ethiopia eey hore u qabsatay dhamaan dalka halka u harsaneeydna eey aheeyd Muqdisho,waxaan la inkiri karin in G/Bay,G/gedo,Gobolada Puntland G/hiiraan eey hore u joogeen Ethiopia halka u dhineeydna eey aheeyd magaalada xamar,waxaanba qabaa haddii eeyan MMI soo bixi laheeyn Ethiopia xamar waxaa eey qabsan laheeyd xiligii Maquuste uu noqday madx kusheega imbagaati ee 2004 balse waxaa Ethiopia eey timid xamar 2006 bishii ugu danbeeysay.    

Ing.Yariisow waxaa hadaladiisa ka midka ahaa:Waxaana kula talin lahaa inuu ka soo tago Asmara oo uu yimaado waddamada kale, sida Doha, Dubai, Cairo iyo Yemen.

Suaasha jirtaa waxaa eey tahay Carab iyo afrika xiliga lagu jiro in laga soo dhex halgamo tee roon,dib u fiiri dowladaha carabta dhamaan weli taariikhda laguma hayo jabhad laga soo taakuleeyay oo wax noqotay,Palastiin ayeey u diideen dhulkooda,bal fiiri qoxootiga Palastiin ee xiligaann lagu gumaadayo Lubanan,dowladaha carabta anaga oo ka mid ah ayeey awoodi waayeen in eey af dheer ku dhahaan Ethiopia ha ka baxdo soomalia,Saiydka ayaa waxaa uu dhahay: maandhow calaacalka iga daa carabi waa naage,maaha qarnigaan aan ku jirno waxa uu Sayidka ka dhahay Carab,Eritareia waa dalka xaqiiqdii sida weeyn ugu gilgishay foolxumada gumaadka iyo qabsashada Ethiopia welina afdheer kaga dhawaaqday in USA eey tahay mida garabka ku siineeysa Ethiopia qabsashada soomalia. 

Dalkaan waxaa uu soo maray xili la dhihi jiray:Angoola iyo Muzanbik indooshayna sharqul awsad irdahaa jabuuti abidkoodba ha xorowaan abidkoodba ha xorwaan,soomalia waxaa eey ka midka aheeyd dowladihii faro ku tiriska ahaa ee ka soo qeeybqaatay xoreeynta dowladado faro badan oo aduunka xiligaan xor ku ah,koonfur afrika,Angoola Muzanbik,Eritareia,Jabuuti Plastaan ayeey ka midka ahaayeen dowladihii aan u qeeyli  jirnay xornimadooda,sidaas awgeed ayaa cadowlaga USA iyo Ethiopia ayaana weli  caalamka uu ka aamunsan yahay  

Waxa maanta dunidaan ka socdaa ayaa ah in aanan marnaba raali laga aheeyn in Shareecada Islaamka leeysku xukumo, waxeeyse gaareen MMI in umada soomaaliyeed eey u soo bandhigaan wax xaqa ah iyo in umada eey ku baraarugto xukunka Ilaah, lix bilood waxa eey qabteen MMI maaha wax lagu soo koobikaro maqaal balse ninwalbaa waa eey taabatay sharafta iyo cisiga diinta eey leedahay, shareecada oo la qaatay waxaa eey dhaxal siisay shacabka Muqdisho nabada,cadaalada iyo wada noolaansho, koleey ilama aha in Calmaaniyiinta Maquuste eey awoodaan 10% waxa MMI eey u sameeyeen umada soomaaliyeed,inta dhimatay Ilaah naxariis ha siiyo inta noolna koleey waxaa na horyaal imtixaan adag oo loo baahan yahay in lagu sabro loo dulqaato,Diinta ma dhiman iyadaaana baaqi noqoneeysa, kuwa u dhintayne waa shuhado balhum waa axyaa xaga Ilaah,inta taageerada u haysay MMI waxaa eey taageerayeen hirgelinta shareecada Islaamka ee ma taageereeyn qabiil iyo shaqsi taana waxaa ka marqaati kacaya in soomaali oo dhan eey u istaagtay qaadashada shareecada Islaamka, welina waxaan aaminsanahay in shareecada oo la qaataa eey wax badan ka bedeleeyso soo celinta nabada,cadaalada iyo wada noolaansha umada soomaaliyeed.Ilaah nagu filan oo akliya ee talada Ilaah saarta. 

فَإِن تَوَلَّوْاْ فَقُلْ حَسْبِيَ اللّهُ لا إِلَـهَ إِلاَّ هُوَ عَلَيْهِ تَوَكَّلْتُ وَهُوَ رَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ 
Waxaan aad ugu xumahay in Xaaji Cabdi Imaan iyo C/aahi sheekh xassan hortooda uu  Maquuste ugu sheego  in Ethiopia eeyan ka baxeeyn dalka inta eey ka nabadeeyneeyso suaashuse waxaa eey tahay nabada soomaliya ma waxaa laga rabaa Ethiopia mise soomali,ninwalba diintiisa ayuu waxaa uu dhaafsaday xogaa Ilaahaana sheegay kuwa noocaas ah waa Suurada An-naxl aayada 94 aad oo leh: ha ku gadanina balanka ama cahdiga ilaah qiimo yar  وَلاَ تَشْتَرُواْ بِعَهْدِ اللّهِ ثَمَنًا قَلِيلاً إِنَّمَا عِندَ اللّهِ هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ Ilaah waxaa agtiisa ah ayaa idiin qeeyr roon haddii dadow aad wax ogtihiin. 
إِنَّا أَنزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ اللّهُ وَلاَ تَكُن لِّلْخَآئِنِينَ خَصِيمً

Dr.Ali.A.Hirabe   
Hirabe_a@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 16, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com