SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Garowe: Hanaankii Dimuquraadiyadeed ee lagu waday Puntland in ay ku dhaqanto oo bur buray.

Dhawaan ayay ahayd markii uu madaxwayn Cade Muuse kala diray golayaashii degmada Bosaso kuwaasi oo in dhawaalaba uu ku kala dhexjiray muran iyaga iyo xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Cade Muuse kagadaal markii ay cod aqlabiyad ah ay xilkii Gudoomiye nimo uga qaadeen Duqii Degmada Bosaso Khadar Xaaji Mire kaasi oo ay ku eedeeyeen in uu lunsaday Handi dadwayne iyo in uu laaluushay dhulka dadwayna sidaas la ajligeedna uu mutaysatay in xilka laga qaado waa sida ay hadalka u dhigeene.

Khadar Xaaji Mire ayaa xilkiisii Gudoomiyenimo ku waayay codkaasi aqlabiyada ah ee ay u qaadeen Golaha degaanka Degmada Bosaso kaasi oo sababay in iyakana lakala diro ka gadaal markii uu batan khilaafka xaga xilkaqaadista la xiriira.

Madxwayne Cade Muuse iyo wasiirkiisa Dawladaha hoose Cali Cabdi Awaare ayaa si xoog leh uga horyimid xilkaqaadistaasi lagu sameeyay Khadar Xaaji Mire kuna sheegay in xilka qaadistaasi ay tahay mid sharci daro ah iyaga oo sabab uga dhigay in meesha xilka looga qaaday Gudoomiyaha aysan joogin Masuuliyiinta dawladaha hoose iyo gudoomiyaha qudhadiisa.

Si kastaba ha ahaatee qoraal wareegto ah oo ka soo baxay Madaxwaynaha Puntland Cade Muuse ayaa lagu magacaabay Masuuliyiin ku meel gaar ahaan loo shaaciyay oo lagumagacaabay in ay yihiin gudoomiyada degmada Bosaso iyo kuxigeenkiisa kuwaasi oo lagu kala magacaabo Yuusuf Muumin Bidde iyo kuxigeenkiisa oo lagumagacaabo Yuusuf Maxamed Faarax.

Maamulkan Cusub ee loo magacaabay degmada Bosaso ayaa lagu sheegay qoraalka madaxwaynaha in ay leeyihiin awoodooda shaqo islamarakaasina ay wax ka qaban karaan hawlaha shaqo ee degmada [sida amaanka waxbarashada, caafimaadka IWM.]

Magacaabista masuuliyiinta cusub ee degmada Bosaso ayaa ka danbaysay kagadaal markii uu madaxwaynuhu kala diray xubinihii golaha degmada Bosaso.

Hanaankii dimuquraadiyadeed ee lagu waday in ay puntland ku dhaqanto islamarkaasina ay kagudubto heerka maanta lagu jiro ee ah in xil loo magacaabo shaqsi loona gudbo in ay bulshada dhexdooda iska magacawdo ayaan fari ka qodnayn waxaana moodaa in dimuqraadiyadii ay ku dhimatay Puntland maadaama aysan jirin tixgalin ka imaanaysa rabitaanka shacabka.

Dadwanaha Puntland ayaa u wada riyaaqay xilkaqaadistii lagu sameeyay Khadar Xaaji Mire hase ahaatee waxaan loo noqon doonin in xilka si fudud la isaga qaado maadaama uu cade musue golihii degaanka degmada Bosaso uu xoog ina adeernimo leh hanjabaadina ku jirto u adeegsaday isna hor istaagay xilkaqaadistaasi waa sida ay dadbadani qabaane. 

Garowe: Khilaaf xoogan ayaa ku kala dhexjira gudoomiyaha baarlamanka Puntland iyo Cade Muuse.

Khilaaf gaaray heer sare ayaa u kala dhexeeya Madaxwaynaha Puntland Cade Musue iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

Sida laga wada warqabana Khilaafkaan ayaa ka danbeeyay markii uu gudoomiyaha Baarlanmaanku uu aqbali waayay ama uu qoonsaday qaabka ay u baxday miisaaniyadii sanadkii hore taasi oo ay waxbadan ka khaldameen islamarkaasina uu gudoomiyuhu ku celiyay golaha xukuumada isaga oo wax sarxan ka raadinaya.

Si kastaba Khilaakan ayaa gaaray meels are waxaana murankaasi uu u gudbay in ay soo kala dhexgasho maxkamada sare taasi oo uu Madaxwayne Cade Muuse magacaabay dhawaan.

Si kastaba ha ahaatee khilaafkaan ayaa ah mid si wayn la iskula dhexmarayo suuqyada iyo goobaha shaaha iyo qaxwaha lagu cabo ee magaalada garowe kaasi oo loogu riyaaqsan yahay gudoomiyaha Baarlamaanka sida uu ula dhaqmay Golaha xukuumada oo ay dadbadani ku sheegeen in ay yihiin gole aan u fadhiyin wax waxqabad ah xatooye mahane.

A/rizak koronto
Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2007

Wareegtooyinkii Cadde Muuse:

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com