SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Wararkii: July 19, 2007

  • Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya oo shaaciyay in uu xiriir la sameeyey madaxda sare ee Midowga Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka..

  • Ra段sul Wasaare Geedi oo Mareykanka  iyo Midowga Yurub ku eedeeyey in ay ka gaabiyeen taageerista shirka dib u heshiisiinta qaran

  • C/raxmaan Shifti oo wax kama jiraan ku tilmaamay in Guddiga Shirku uu iibsaday waraaqihii caasuumaadda

  • Mas置uliyiinta ugu sareysa Dowladda oo kulan wada yeeshay

  • Suuqa Bakaaraha oo maalintii 15-aad uusan dhaqdhaqaaq ganacsi ka jirin

  • Degmooyiinka C/casiis, Shibis iyo Shangaani oo la soo dhoobay ciidamo dheeraad ah

  • Dhul gariir mudu 3 maalmood ah laga dareemayay xaafada Islii ee ay soomaalidu dagan tahay.


Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya oo shaaciyay in uu xiriir la sameeyey madaxda sare ee Midowga Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka..

            Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. George Marc-Andre oo war siiyey Wargeyska Al-Sharqal-Awsat ayaa sheegay in uu xiriir la sameeyey Guddoomiyaha Golahii Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Axmed iyo waliba Guddoomiyihii Golaha Shuurada Maxaakiimta Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxa uuna ergaygu sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo waliba shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho ka furmay, waxa uuna Mr. Andre sheegay  in dhanka kale uu xiriir la sameeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha shirka qaran Cali Mahdi Max弾d. Andre ayaa tilmaamay inay wada hadalada u dhexeeya isaga oo ka socda Midowga Yurub iyo xubnaha sare ee Golihii Maxaakiimta Islaamiga uu filayo in uu miro dhal noqon doono, inkastoo uusan faahfaahin intaa dhaafsan ka bixin waxyaabihii ay isla soo qaadeen iyo haddii ay Golaha Maxaakiimtu ka aqbaleen arrimaha uu soo bandhigay Andre. Ergayga Midowga Yurub ayaa sheegay in C/llaahi Yuusuf iyo Cali Mahdi soo dhaweeyeen dhankooda inay qaybweyn ka qaataan sidii shirka dib u heshisiinta ee Muqdisho ka furmay la isugu keeni lahaa dhamaan dhinacyada Soomaaliyeed ee doonaya in dalka Soomaaliya nabad iyo kala dambeyn lagu soo dabaalo. Warbixinta ergayga Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya ayaa soo baxday xili ay Golaha Maxaakiimta madaxdooda sarsare sheegeen inay  aysan ka qaybgali doonin shirka Muqdisho ka furmay, iyagoo shuruud ka dhigay in marka hore dalka laga saaro ciidamada Itoobiya.

Ra段sul Wasaare Geedi oo Mareykanka  iyo Midowga Yurub ku eedeeyey in ay ka gaabiyeen taageerista shirka dib u heshiisiinta qaran

Ra段sul Wasaaraha dalka Soomaaliyeed Cali Max弾d Geedi ayaa eedeeyn u jeediyey Doladda Mareykanka iyo waliba Midowga Yurub, waxa uuna sheegay in Ra段sul Wasaaruhu in Mareykanka iyo Midowga ka gaabiyeen in ay taageeraan shirka dib u heshisiinta qaran ee ka furmay Muqdisho.

Geedi ayaa tilmaamay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay horey u ballanqaadeen inay bixinayaan qarashaadka ku baxayta shirka dib u heshiisiinta, balse ballanqaadkoodii aysan waxba ka fulin, taas oo uu Geedi ku tilmaamay mid laga xumaado oo sharaf dhac ku ah Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Warbixintaan oo uu qoray Wargeyska Sharqul Awsat ayaa sidoo kale Geedi waxa uu ku sheegay in ergadii Imaan lahayd shirka qaarkood weli soo gaarin, sababao la xiriira dhanka qarashaadkii ay ku soo bixi lahaayeen, waxa uuna Geedi carabka ku dhiftay in haatan 900 oo ergo joogto shirka.

C/raxmaan Shifti oo wax kama jiraan ku tilmaamay in Guddiga Shirku uu iibsaday waraaqihii caasuumaadda

C/raxmaan Maxamuud Shifti oo ah afhayeenka Shirka dib u heshiisiinta qaran ee axaddii ka furmay Muqdisho maanta dib loo furayo markale ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay hadalo dhawaan soo baxay oo sheegayey in guddiga shirka uu iibsaday waraaqaha ergada ka soo qaybgaleysa shirka.

C/raxmaan Shifti ayaa war aan sal iyo raad toona laheyn ku tilmaamay hadalkaasi, isagoo sheegay in gudiga waraaqaha caasuumaadda ee ergada shirka ka qaybgaleysa u geeyeen beelaha Soomaaliyeed, ayna hawshaasi u fuliyeen sidii loogu talagalay.

C/raxmaan shifti ayaa sidool kale wax kama jiraan ku tilmaamay in Guddiga Shirka dib u heshiisiinta uu lug ku leeyahay xulitaanka ergada beelaha Soomaaliyeed uga qaybgaleysa shirka, balse waxa uu sheegay Shifti in iyagu la socodsiin leeyihiin oo keliya, laakiin xulushada wufuuda ay shaqo ku leeyihiin Beesha markaasi waraaqaha casuumaadda loo geeyo. Hadalka Shift ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili ay weli isa soo tarayaan cabashooyin ka imaanaya qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo iyagu ku eedeeyey Guddiga shirka in ay wax isdaba mariyeen oo ay kala sooceen beelo Soomaaliyeed, isla markaana ay shanta la galeen wax aysan shaqo ku laheyn.

Mas置uliyiinta ugu sareysa Dowladda oo kulan wada yeeshay

Saddexda Mas置ul ee ugu sareysa Dowladda Federaalkaoo kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra段sul Wasaare Cali Max弾d Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlaaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan kuwa yeeshay xarunta madaxtoonyada ee Villa Somalia.

Kulanka ay saddexda mas置ul yeesheen oo ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen isla markaana aan saxaafadda loo ogolaan looga wada hadlay qodobo dhowr ah sida ay sheegeen xubno ku dhow dhow saddexda mas置ul waxana qodobada ka mid ahaa Shirka dib u heshisiinta qaran oo maanta lagu wado in uu dib uga furamaya Muqdisho, amaanka dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho iyo waliba sidii mushaaraad loo siin lahaa xildibaanada Baarlamaanka.

Ra段sul Wasaare Geedi oo isagu doraad dalka dib ugu soo laabtay ayaa la sheegay in uu soo jeediyey in ammaanka Muqdisho la adkeeyo, isla markaana ciidamo dheeraad ah lagu daadiyo gebi ahaanba caasimadda Muqdisho, waxa uuna Ra段sul Wasaaruhu tilmaamay in ammaanka oo la adkeeyo ay keeni karto in shirku uu guuleysto. Guddoomiyaha Baarla-maanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu waramayaa in isna uu Madaxweynaha iyo Ra段sul Wasaaraha hor dhigay arrinta mushaaraadka golaha Baarla-maanka oo aan mudo dheer wax mushaar ah la siinin, waxayan wararku sheegayaan in saddex mas置ul ay isku afgarteen in Xidhibaanada sida ugu dhaqsiyaha badan mushaaraadkooda loo siiyo, waxayna ugu dambeyn saddex mas置ul la sheegay inay isku afgarteen in si culus loo adkeeyo amaanka caasimadda, si uusan shirka fashil ugu imaan.

Suuqa Bakaaraha oo maalintii 15-aad uusan dhaqdhaqaaq ganacsi ka jirin

Suuqa weyn ee Bakaaraha ee caasimadda Muqdisho ayaa maalintii 15-aad uusan wax dhaq-dhaqaaq ganacsi ah ka socon, iyadoo ay suuqa ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka oo halkaasi ka wada hawlgalo ay sheegeen in ay amniga suuqa ku adkeynayaan.

Maalintii shalay ahayd ayaa waxaa suuqa ka dhacday tacshiirado ay rideen ciidamada Dowladda kadib markii Babooyin lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen, waxaana tacshiirad-daasi wax ku noqday dad rayid ah, iyadoo labo ka tirsan askartana ay ku dhinteen Bambooyinkii dhacay, waxaana markaa kadib ciidamo amar ku bixiyaan in gebi ahaanaba suuqa la xiro, waxayna ganacsatada meherada yar yar ku leh suuqa albaabada u laabeen goobahoodii ganacsi, waxayna ganacsatadu cabashooyin ka muujiyeen arinta cakiran ee ka taagan suuqa, iyagoo Dowladda Federaalka u soo jeediyey inay ka dulqaado ciidamada si ay dib ugu furtaan meheradahooda oo ay sheegeen in aysan mudo furin. 

Degmooyiinka C/casiis, Shibis iyo Shangaani oo la soo dhoobay ciidamo dheeraad ah

Waxaa ciidamo tiro badan oo dheeraad ah la soo dhoobay deegaanada C/casiis, Shibis iyo Shagaani, waxaana ciidamadaani lagu sheegay in sugayaan ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo iyo waliba agagaarkeeda.

Keenistaan ciidamadan fara badan ayaa la sheegay inay ka dambeysay kadib markii shalay kulan isugu yimaadeen saddexda mas置ul ee ugu sareysa Dolwadda Federaalka, kuwaas oo la sheegay in kulankooda uu ka soo baxay amarkaan ciidamada dheeraadka ah lagu soo dhoobay deegaanadaasi.

Waxa uuna Ra段sul wasaare Cali Max弾d Geedi soo jeediyey in guud ahaan ammaanka Magaalada Muqdisho la adkeeyo si amniga loo xaqiijiyo isla markaana looga digtoonaado in uu shirku fashil ku yimaado.

Dadka deegaankaasi degan ayaa dhanka kale cabasho ka muujinaya ciidamada deegaankasi la keenay, iyagoo sheegay in guryaha aysan ka soo bixin kari, isla markaana aysan suuqyada ka soo adeegan Karin.

Shirka dib u heshiisiinta oo axaddii la furay ayaa maanta mar kale lagu ballansan yahay in dib loo furo, iyadoo ergadii shirka ka qaybgali lahayd Magaalada Muqdisho soo gaarayaan, inkastoo qaar kalana aysan weli soo gaarin, wallow ay jiraan beelaha qaar oo ka biyo diidasan shirka dib u heshiisiinta iyagoo tilmaamay inay jiraan wax is dabamarin ay ku eedeeyeen in uu galay guddiga shirka dib u heshiisiinta qaran ee Beelaha Soomaaliyeed. 

Amiin Yuusuf Khasaaro.

amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 19, 2007

Dhul gariir mudu 3 maalmood ah laga dareemayay xaafada Islii ee ay soomaalidu dagan tahay. 

Magaalada Nairobi ee caasimada kenya ayaa laga soo bilaabo maalintii Axada ahayd abaarihii 02:30 ilaa maalintii shalay ahayd ee Talaada ahayd ayaa siyaabo kala duwan looga dareemayay dhul gariir luxay dhismayaasha xaafada islii iyo waliba qayb ka mid ah magaalada dhexe ee Nairobi.
 
Guryaha dhaar dheer ee xaafada islii ayaa inta badan dadkii daganaa dhulka ay wada yimimaadeen ka dib markii ay cabsi xoogan dareemeen oo ku aadan in dhismyaashu bur buraan.
 
Haayada US Geologica Survey ayaa waxay sheegtay in dhul gariir xoogan oo ka dhacay bariga Africa waxaana si xoogan looga dareemay wadanka Tanzania 6.1  Richter qalabka lagu cabiro dhul gariirka.
 
Dabayaaqadii Sanadkii hore December 2005 ayaa waxaa ay ahayd markii ugu danbsay ee dhul gariir lagu qiysaasay 6.8  Richter uu ka dhacay magaalada Nairobi balse aysan cidna waxba ku noqon.
 
Jaamacadda Nairobi,waaxada u qaabilsan Geologica ayaa war ay xalay soo saartay waxay ku sheegtay in dhul gariirka laga dareemayo magaalada Nairobi uusan ahayn mid wax yaalo wayn gaysanayn.
 
Maxaa laga yiri Masaajiyadda Nairobi
 
Maasjiyada Magaalada Nairobi gaar ahaana kuwa xaafada islii ayaa culumada soomaalida ee mashaa'ikhada ka ah waxay dadka ku wacdiyeen in dhibka danbiyada ay gaystaan dadku ay ka danbayso musiibooyinka [ Waxa dhib idin ku dhaca oo dhibaato ah waa waxa ay gacmihiina sameeyaan eebe wax badana waa cafiyaa] .
 
Masaajidka 3 street ee xaafada islii ayaa xalay saq dhexe waxaa ay culumada masaajidkaasii dadka ku wacdiyeen in eebe mar walba la xasuusto oo aanan la ilaawin towxiidkana ay dadku afka ku hayaan iyadoo ay masaajidka dad aad u badan ay ka buuxeen oo ka soo hayaamay guryahadooda cabsi ay ka qabeen dhul gariir cusub.
 
Sidoo kale Masaajidka 6 steert ee Abuu Bakar Sadiiq waxaa ay culumada masaajidkaasi salaadii subax dadka ku dhiiri galiyeen u laabashada eebe mar kasta waxaana ay sheegeen culumada masaajidkaasi in dhibka iyo qaxarka ka taagan dunida ay sabab u tahay wax kasta oo ciqaab ah.
 
Faafin: SomaliTalk.com | July 18, 2007

Geedi "Wax aan kala socdo ma jirto heshiiska la sheegayo in DFKMG la gashay Shirkado Shidaalka Baara"
.Taliska Booliiska: hawlgalada Suuqa Bakaaraha waa socon..
.Ganacsatada Bakaaraha oo beesha Caalamka ka codsaday..
.Cali Geedi oo dib ugu soo laabtay Muqdisho...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... July 18

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com