PUNTLAND nasiib daranaa! Diktatoor-Damiin-Dhabadhilif
H. M. Samatar.
Hashis@vtmail.com
Dadka ku nool gobollada hadda loo yaqaan Puntland ayaa isla soo
qaadeen inay aayahooda ka tashadaan sannadihii 1994-98. Ayada oo arrintu
soo dhawdahay in la sameeyo maamul haga arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha
ee gobollo dhowr ah ayaa waxaa dhacay shirkii qab-qablayaasha ee Qaahira
1997. Waa tii ay shirka ka caroodeen Cabdullahi Yusuf iyo Adan Gabiyow.
Ayadoo oo ay markaas soo dhowdahay unkidda maamul goboleed ayaa
Cabdullahi oo ka caraysan wixii rag reer Muqdisho ah, oo ay hadda xulifo
yihiin, ku sameeyeen qaylo dhaan la yimid gobollada iyo to'llayeey
meesha ha laga kaco.
Wada tashigii in maamul la sameeyo waxaa afduubay Cabdullahi Yusuf oo
wata taageerayaal badan oo uu si caaddifad ah uga kasbaday ka bixiddii
shirkii Qaahira. "Cabdullahi waa ninka kaliya ee ka dhiidhiyey
shirqoolkii Qaahira", ayey ahayd waxa markaas dibnaha lagu hayey. Ciduna
ma ogolayn in la is-weydiiyo Cabdullahi ma nin dantisa faas u sitaa mise
waa mid danta dadkiisa u taagan. Waxaan la ogolayn in la soo qaado in
Cabdullahi isagoo darajo doon ah uu dadkiisa ku talo diiday, Caydiidna
hoos fariistay 1994.
Waxaa Cabdullahi Puntland u afduubay inay u noqoto jaran-jaro uu ugu
tillabo Xamar iyo Villa Somaliya oo uu ahaa hammigiisa 1aad ilaa
lixdamaadkii. Ilaa hadda arrimaha Cabdullahi Puntland ka samaynayo waxay
maalinba maalinta ka dambaysa sii xoojinayaa doodda ah Cabdullahi
Puntland inay maamul taabbagalo noqoto ma doonayne wuxuu doonayey in
Xamar durbaan iyo bigil loogaga garaaco. In badan baa ku oran
gabadhayadu guur ma yeelateen haddii aan Cabdullahi masraxa siyaasada
soo gelin. Waan garan waayey waxa guurka gabadhaha iyo mingiska
Cabdullahi ka dhexeeya. Waxaan isaga qaatay inay qayb ka tahay sababha
Somaliya mushkiladdan raagtay uga bixi la'dahay – caaddifad aan meel
jirin iyo dantii qaran oo la isku laray.
Intii Cabdullahi joogay Puntland wuxuu ku waday diktatooriyad qayaxan
waxaana lagu qiyaasay in ilaa kun qofi Puntland ugu dhimatay loollan
xukun raadis ah laga soo bilaabo 1991 iyo markii Cabdullahi Xamar u
huleelay. Diktatooriyaddii Cabdullahi waxaa beddelay Cadde Muuse oo la
isku wada raacsanyahay inuu yahay nin magaciisa iyo dhaqankiisu ay u
kala duwan yihiin sida magaciisa iyo muuqaalkiis u kala duwan yihiin.
Cadde waa nin maskiin ah aysanna ahayn inuu siyaasad galo. Waa nin aan
garan karin sida wax u socdaan ilaa xeero iyo fandhaal kala dhacaan. Waa
nin "wax la arko" ee loo sheego run u qaata, markaasna asagoo
tilaabooyin badan qaaday garta inaysan wax ka jirin wixii loo sheegay.
Cadde wuxuu dhaxlay maamul kharriban oo uu yeelay in awoodda
madaxweyne ay weli ku sii dambayso Cabdullahi Yusuf oo lacagta iyo
ciidanka Puntlland toos u maamula. Waxaa muuqata inay ku habbon tahay
hadalka ah ninkaad ka qaadan kartid baa ushaada loo dhiibtaa. Waxa
kaliya ee Cadde fahmay waa in Cabdullahi meesha qabyaalad ku haystay.
Waxaa muuqata in si xad-dhaaf ah ay u buux-dhaatay naas-nuujinta Cadde
ee beesha uu ka dhashay. Waa dhici kartaa inaysan ka badnayn tii
Cabdullahi ee waxaa Cadde soo bandhigaya malaha waan laga filayn arrin
noocaan oo kale ah inuu sameeyo shakhsi aad loogu hanweynaa –waanse la
aqoon..
Aan soo koobee Cadde waa ka dhib yaryahay Cabdullahi Yusuf oo wax
dhici doona ma aynu naqaane, ilaa hadda arrimo siyaasadeed cidu uguma
dhiman Puntland. Waxaase muuqata in Cadde yahay nin garaad yar, ama ay
awooddisa maskaxeed (Intelligence) ay aad u yartahay – waxaa la oran
karaa waxaa Puntland hadda ku jirtaa xilligii daminiinta. Hadalkaasi
Cadde kaliya ma aha ee Madaxweyne ku xigeenka markuu yaraa waxaa la oran
jiray Xasan-dibi. Cadde iyo Dibi, labaduba waa ku liiteen waxbarshada.
Taasaa keentay in Cadde ciidanka galo Dibina Ruush aado.
Sidii ummadda Puntland ay tahay meel ilaah nacay, waxaa haddu u soo
tafaxaydanaya inuu Cadde meesha ka riixdo Xassan Abshir Faarax. Xassan
wuxuu ka soo jeedaa caa'iilo reer Garoowe ah ee aad loo ixtiraamo,
asaguse waa nin meel walba u galo siduu mansab sare u heli lahaa. Waxaad
dhici karta inay dareenkiisa kharibtay markii asagoo aad u da' yar uu
Xamar ka noqday Maayar. Sida dadka badankiisu sheegayaan Xassan waa nin
aan mabda' lahayn oo wax walba u sameyn karo siduu darajo ku gaari
lahaa. Ma aha siyaasaddu inaad noqtid duqsi meel walba ee qoyaan leh daf
yiraahda. Bal eeg kartuunka Amiin Amiir ee soo baxay bishan July
dhexdeeda. Wuxuu Xassan ku tilmaamayaa labo-wajiile. Aniga waxaan oran
lahaa Xassan waa Daba-dhilif, inkastoonan jeclayn isticmaalka ereyga oo
dhul-yaal ka noqday saxaafadda Somaliya..
Miyaan Puntland la oran karin waxay soo martay Diktatornimo, waxay ku
jirtaa Damiinimo, waxaa u soo socota Dabadhilifnimo. Waxaa kale oo
Puntland looga sheekaystaa in canshuurta masaakiinta beerka Cabdullahi
lagu daweyn jiray, kaddibna kalyaha Cadde meesha soo galeen, waxaa hadda
laga yaabbanyahay in Xassan oo la liita macaan (diabete) uu u arko
Puntland meesha kaliya ee uu ka heli karo cadkii jirkiisa ka fariista
(spareparts).
Afeef – qoraalkan waxaan qabaa inay ku xumaanayaan dadka aan
taa-taabtay, hase ogaadeen ayagaa siyaaso galay, nin durbaan tuntana
cilaaq dalbay weeye xaalkoodu ee sidaas ha isku qanciyeen.
H. M. Samatar.
Hashis@vtmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan