SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Xaqdaradii Xadhigeyga,Xasaradii Maamulkii Xiligaa iyo Maalmihii Xabsiga. 

Qalinkii: Jowhar Cabdisamad Qalinle (korwaayeel)
korwaayeel@hotmail.com

Bisinkaan ku bilaabay:Xadhigayga oo amarka fulintiisa uu lahaa Maayarkii xiligaa ee Boorama Ex:Mayor Max'ed deheeye oo ku andacoonayey inaan soo abaabulay mudaharaad lagu diidanaa aftida dastuurka somaliland oo ku beegnayd 31-05-2001,kaasoo ka  dhacay magaalada Borama horaantii isla bisha may.Mayorku wuxu geed dheer iyo geedgaabanba ufuulay sidii xabsiga la iidhigi lahaa gar iyo gardaraba.Waxan xadhig bilaa xukun ah Xabsi jiif u ahaa muddo bil ah,anigoon haba yaraatee wax danbi ah galin,balse dareenkeyga ku muujiyey banaanbax nabadgalyo ah.

 
Mudaharaadkaasi waxa uu ahaa xiligii marxuun cigaal ku fadhiisiyaysaamigii kuraasta wakiilada lixda gobol oo min laba iyo toban xubnood ah,arintaa oo aan aad uga biya diiday awgeed waxan soo abaabulay mudaharaad silmi ah si aan ugu muujinno dareenkeyaga iyo sida aan uga soo horjeedno go'aanka xukuumaddii M.I.Cigaal, bulshadana ugu baraarujinno micnaha dastuurka loo codaynayaa xambaarsanyhay,balse arintaasi waxay u cuntamiwayday madaxdii dawladda iyo maamulkii gobolka oo iyagu mustaqbalka umadda ay metelaan ku bedelanayey nololmaalmeedkooda.
Waxan 580 saac inka badan xorriyadayda aasaasiga ah ku waayey waxay ahayd,maxaad udamqanaysaa!!!.Waayo Sharci kuma xadgudbin,Shoobaro ma  samayn,Shaqaaqo kale ma abuurin Shucuurtayda uunbaan muujiyey.
 
Xadhigan oon kala kulmay tacadiyo iyo meelkadhacyo ka dhan xuquuqul insaanka oo qeyrul sharci ahaa laguna tuntay xuquuqdaydii maxbuusnimo. Todoba sano ka dib dhacdadan inaan  qalinka uqaato waxa igu kallifey markii aan arkey in wali tii aan ogaa uuni ka taagantahay gobolkii,oo lala dagaalamayo xorriyatu qawlkii.Sidaas darteed
 
Qoraalkeygan waxan u hibeeyey Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Habane oo xabsiga dhexe ee Boorama ugu xidhan xaqdaro, .Habane wuxu ka mid ahaa dhalinyaradii boolisku qab qabtay maalintii mudaharaadka oo ku beegnayd 12 May 2001dii,wakhtigaas oo uu wariyuhu gudanayey shaqadiisa,inkastuunan Habane wakhtiagaa ahayn wariye buuxa balse  hadana wuxu ka hawl galli jiray xafiiska uu wargeyska Jamhuuriya ku lahaa Boorama oo uu madax ka ahaa wariye A.A.Dhameeye.Waxan iyagana si guud u xusayaa dhalinyara badan oo maalintaa la iska qab qabtay si loo cabsi galiyo intaan aniga la isoo xidhin kuwaas oo loogu gooddiyey haddii ay sheegi waayaan ciddii mudaharaadkan ka danbaysay in xabsiga wayn ee  mandheere loo gudbin doono.
 
Ma wada daabici  karo wakhtigan xaadirka ah  duruufihii ku xeernaa xadhigeyga iyo Xaaladdii cakirayd ee xabsiga dabo illaa dacal,balse waxan isku dayayaa inaan waxyar ka taa taabto.
 
Waxay ahayd subax hore oo Khamiiseed 17-05-2001,markii aan usoo daadegay suuqa magaalada Boorama anoo safar dheer udoonyeystay,markii koox ku hubaysan qoryaha gacanta oo wata halgaadhi oo ah nuuca loo yaqaan Toyata ay sida maafiyada iiga qafaasheen makhaayad laga cunteeyo oo ku taal farasmagaalaha.Nimankii hubaysnaa oo aan wadan haba yaraatee wax astaan Booliis ah,xadhigaygana aan usoo marin wadada sharciga waxan ka codsaday inay isugaan inta aan qureecanayo,balse taa dheg-jalaq umay siin.Iyagoo iigu hanjabey haddii aan deg deg udhaqaaqi waayo inay qori dabadii ila dhacayaan.Dadwaynihii huteelka ka cuntaynayey oo ay ku jireen rag badan oo an asxaabnahay ayaa isku dayey inay nimanka hubaysan ku qanciyaan in la isugo inta aan wax cunayo,iyagoo kor ugu dhawaaqaya "Mawla-kulmeedkuba wuu sugaa inta qofku wax cunayo.
 
Daqiiqado yar ka dib waxa la igeeyey saldhiga dhexe halkaas oo la igu wargaliyey inaan xidhanahay.Inkasta oon dareensahay in la igu haysto arrimo siyaasad ku lug leh hadana si cad uma ogi sababta la iixidhay.Run ahaantii markii saldhiga la igeeyey ee aan aqoonsaday in nimankan isoo afduubay boolis ahaayeen,waxa maskaxdayda kasoo burqanayey su'aala badan oo aanan jawaab uhayn.Ma muddaharaadkii nabadgalyada ku dhamaadaybaa lagugu sabobsaday,Ma maqaaladii aad saxaafadda ku soo qortaybaa lagugu haystaa. Isla subaxdaa waxan gacanta ku sitay qoraal dheer oo aan ugu tala galay wargeyska,kaas oo aan kaga hadlayey khiyaamada xukuumada M.I.Cigaal iyo khuurada M/weyne xigeenkiisa Daahir rayaale(M/weynaha Somaliland)oo xiligaa fadhiyey xafiiska ku xigeenka,kana soo jeeday gobolka dulman.
 
     SALDHIGA DHEXE IYO SIDII LA IILA DHAQMAY
 
Saldhiga dhexe waa dhisme da'wayn oo uu ka tegay gumaysigii Ingriisku,xukuumadihii kala danbeyeyna aanay waxba ku kordhin marka laga reebo deyr sagaashameeyihihii ay ku wareejisay Hay'adda UNDP.Saldhiga dhexe wuxu ka koobanyahay dhawr xafiis iyo afar qol oo yar yar oo dadka lagu ciqaabo.
 
Intaa kadib waxa la igu xereeyey qolyar oo dhan walba 3mitir ah,oo ay ku jiraan 7maxbuus,iyadoon la iisheegin sababta la igu xidhayo,halkaas oo aan ku xidhnaa 120 saacadood.Qolka magaciisa waxa layiraa Cadarre udgoonka iyo naacawda dhexdiisa waxad mooddaa in dhawr Litir oo Barafuun ah lagu jabiyey.Waxa dhexyaal baaldi wayn oo kaadi ah iyo qashin haashka sigaarka ubadan,daaqad male oo loogumaba talagalin,habeenkiina waa mugdi.Waxa kuyuu aan dhamaan loo galaa dal-daloolka yar ee albaabka.Qofku wuxu hawada arkaa inta uu afka waxsaarayo,daqiiqadahaana waxa qori amaanku furanyahay ila dultaagnaa kolba  mid aad moodo inuu sakhraansanyahay,oo aan habayaraatee la barin xeerka booliska iyo xuquuqda maxbuuska.
 
Markii aan codsaday in marmar hawada la iisaaro waxa la igu wargaliyey in hawadu iibtahay,waliba qiimuhu kala sareeyo.Laba aqaarood,Nuskiiloo jaad ah,kolba inta aad bixiso uunbaad hawadeeda helaysaa.Waxa la yiri dawo la helayaa qaali maaha,waxan ku khasbanaa inaan maalin walba askariga gaadhka la gorgortamo inkasta oo maalinba maalinta ka danbaysa qiimuhu kor usii kacayey.Taasi waxay ahayd si aan uhelo waxogay hawo ah iyo waliba si aan jaanis ugu helo eheladayda,asxaabtayda iyo umadda faraha badan ee isoo booqanaysa.Halkaa waxa kaaga cad in meeshu tahay saylad dadka lagaga ganacsado,waana sababaha uu shicibku Boliska ula shaqayn la'yahay.Hawraarsan
 
Kiiskayga oo aan lahayn gal-dacwadeed balse ahaa mid telefoonka gacanta lagukala warqaadanayey waxa gacanta ku haysay hay'adda danbi baadhista ee loo soo gaabiyo CID-da.Marka la iisii wado qolka dambi baadhaha iyo marka la iga soo wado waxa la ii xidhayey garbaduub ama laba duble.Shan maalmood iyo shan habeen markii aan ku jiray xaaladdaa cakiran,waxa maalintii shanaad oo ku beegnayd 21-05-2001 CID-du igu wargalisay in danbi la igu waayey,isla markaana sargaalkii kiiskeyga gacanta ku hayey wuxu teebgareeyey waraaqdii uu ku caddaynayey in wax danbi ah la igu waayey ka dib markii uu kala tashaday madaxdii ka saraysay,waxa qalinka ku duugay Taliyihii CID-da Cabdi Xasan,sarkaalkii kiiskeyga gacanta ku hayey Cabdi Qase wuxu bilaabay inuu xafiisyada uqaybiyo og ama ku wargaliyo in xorriyadayda la iisoo celiyo.Hawraarsan
 
XASARADDII MAAMULKII XILLIGAA
 
Waxa maalintaa xilka kala tirsanayey Kornayl Xaddi oo kala wareegayey Cabdilaahi dhegoole.Taasi waxay dib udhac ku keentay qabashada waraaqahaygii sii daynta.Aniga oo diyaar u ah inaan baxo gogoshaydiina askartu banaanka iigu soo saartay ka dib markay saraakiisha CID-du ku wargalisay ilaaladii balse wali aan kabahaygii la isiin.
 
Dhanka kale Eheladayda  iyo asxaabbadan oo isoo booqday ayaa saldhiga tuban,iyagoo sugaya sidii ay iisii galbinlahaayeen ka dib markii ay maqleen sii dayntayda.Waxyar uun ka dib mar uu ii yimid sarkaal kale oo ka tirsan CID-a oo igu hambalyeynaya sii dayntayda, waxa skarigii gaadhka hayey uyimid sarkaal kale oo boolis ah oo umuuqday inuu sido fariin dhinaca mobilka ah,askarigii gaadhku wuxu si degan iigu yidhi iska yar joog mardhaw waad iska bixiye.
 
Waa galin danbe waxa albaabka dibadda ee saldhiga dhexe kasoo galay gaadhigii dawladda hoose.Waxa ka soo degay Ex.mayor Max'ed deheeye oo Tay ku taagan,wuxu galay xafiiskii taliyaha qaybta,aalaaba inta badan xafiisyada dawladda waa la cidleeyaa galinka danbe ,balse maalintaa kala guurka darteed waxa joogay saldhiga  madaxdii Booliska ee gobolka  oo dhan.Waxa iyaguna gobolka ku sugnaa Wasiiradii iyo madaxdii kale ee gobolka kasoo jeeday oo galbinayey waraaqaha aftida dastuurka.
 
Maayarkii wuxu shir albaabadu uxidhanyihiin la galay madaxdii nabadgalyada ee gobolka 15daqiiqo ka bacdi waxa albaabka wayn ee saldhiga ka baxay taliyihii CID-da oo ay ka muuqato cadho fara badan.Nus-saac ka dibna waxa kala dareeray madaxdii sare ee booliska,maayarkiina wuxu ku dhacay gaadhigiisii caddaa.Wax yar ka dib waxa askarigii gaadhka hayey markale kusoo noqday sarkaalkii fariinta hore keenay,askarigiina wuxu igu amray inaan qolkii caddarre dib ugu laabto,markaan idhi maxaa isbedelay,wuxu iigu jawaabay wakhtigiibaa dhacay,markaa berribay sii dayntaadii udhacday.Run ahaantii iima cuntamin askariga warkiisu waayo Nin wayni wadkiisa waa yaqaan.Waxan dareemay in wadadii toosnayd ee ay wax ku socdeen laga leexiyey oo xadhigayga darajo iyo magac lagu raadinayo.Halkii aan caroos iyo ka filaayey cayn cayn miyaa ceel la iiqoday".
 
Afduubkeygu wuxu dhacay shanmaalmood ka dib maalintii aan mudaharaadka silmiga ah soo abaabulay,anigoo u ambabaxay safar xagga cirka iyo dhulkaba isugu jira oo ka bilaabmayey Boorama kuna dhamaanayey Los Angales carriga maraykanka.Su'aalaha dambibaadhayaasha CID-du igu soo celcelinayeen waxa ugu badnaa"Xidhiidhka aad la samayso madaxda dawladda Carta xillimuu bilaabmay?Lacag intee le'eg ayaad ka heshay Ismaaciil cumar geelle? Lacagta aad hawshan ballaadhan kusoo abaabushay xageed ka keentay iyo wax aan macno buuran lahayn,iyagoo markasta carrabka ku adkeynaya inay hayaan caddaymo.Sida faktuurradii aan lacagta xawaaladaha kaga gurtay iyo ciddii noo dhexaysay aniga iyo xukuumadda Jabuuti.Eedaymahaas  oo dhamaantood ahaa qaar bug ah oo aanay waxba ka jirin,iyo ciddii soo aluftayba waxay caddaadeen maalintii maxkamadda la ihorkeenay.Waayo horaa loo yidhi "Beeni raadmale.
Hawraarsan.
 
MAALMIHII XABSIGA IYO XAALADIHII ADKAA.
 
Waa subax hore oo Talaada ah bisha May-na tahay 22 Inkastoon habeenkaa maanka ku hayey in la ii qayilay,oo Odeybiiqe muska iigu jiro,hadana waxan meesha ka maqnayn rajada aan ka qabay in subaxdaa la isii daayo,si aan usii wato safarkeygii dhoofka oo aniga ii ahaa fursad dahabi ah.
 
Barxadda wayn ee saldhiga waxa la soo tubay ciidan hubaysan oo ku gaashaaman gaadhi Toyata ah oo uu saaranyahay qori dhashiika ah.Waxa la idhigay sagxadda gaadhi kale oo xaajiyad ah anigoo garba duub uxidhan.Waxa xusid mudan Taliyihii CID-da iyo Sarkaalkii kiiskeyga gacanta ku hayey oon soo xaadirin maalintii siday udhanayd.Caalaa iyo xaal waxa subaxdaa la iidhaadhiciyey Jeelka wayn ee magaalada Boorama kaga yaal dhanka waqooyi.
 
WAA NUUCEE NOLOSHA XABSIGU?
 
Ereyga xabsi ama maxbuus marka qofku maqlo wuxu markaaba dareemayaa in xorriyadii shakhsiga la laalay,balse ma garankaro waaqica dhabta ah illaa uu dhadhamiyo macaan iyo qadhaadh waxa ay leedahay ee halkaa ka jira siiba xabsiyada dalkeenna.Xabsi marka uu qofku galo horta waxay isdaayeen dhamaan wixii aad adigu awoodda u lahayd inaad qorshaysato.Sidii aad jeclayd iyo wixii aad jeclayd waxa kuugu danbeysa marka aad kasoo gasho albaabka wayn ee xadiidka ah.Sidii aad u seexanlahayd ,wixii aad ku seexanlahayd,mileygii aad seexanlahayd,Meeshii aad seexanlahayd,Wixii aad cuni lahayd,Xilligii aad cuni lahayd,wax kasta oo aad adigu go'aankeeda iska lahayd wuu kaa wareegay,adoo qof wayn ah naftaada halagula maamulo waa masiibo.
Maxbuuska ciqaab waxa ugu filan xorriyadiisii oo uu waayey.Laakiin Jeelka Boorama waxa ka jirta duruuf adag oo nololeed,Cunto xumo, Caafimaad darro, Cabsi,Caga juglayn iyo Ciqaab joogta ah ay maxaabiista ugaystaan ilaalada jeelku.
 
Maxbuuska waxa la siiyaa subaxdii Jab rooti ah iyo koob shaaha oo bigays ah,casarkiina koombo qamadi ah,oo bilaa cusbo ah.Maxaabiista qaarkeed way macal-barareen.Inkasta oo maxaabiista  jeelka ku xidhan qaarkood ay cuntada ka helaan qoysaskooda magaalada degan hadana waxa jira qaar badan oo aan magaalada qaraabo kulahayn.Waxa xusuus mudan cuntada loo keeno maxbuuska oo ay ka cunaan ilaalada Jeelku.Laakiin ninkii Jaad bixiya waa loo soo gudbiyaa cuntadiisa.Hawraarsan
 
Xabsigu waa dhisme kooban oo magaalada Boorama kaga yaal dhanka waqooyi, marka aad dusha sare ka joogto waxad moodo Dundumo aboordhistay bari hore,Jeelka waxa  ku dhexyaalla afar qol oo yar yar ood mooddo Kontiinarro daxalaystay.Maxaabiista meeshaa ku jirtana diifta iyo darxumada ka muuqata waxad mooddaa in mar la soo cadaabay.
 
Markii aan jeelka dayacan kasoo galay albaabka hore ee birta ah waxa khudbad dheer halkaa nooga jeediyey aniga iyo dhalinyara tobaneeya ah oo uu ka midyahay wariyaha Jamhuuriya ee xabsi jiifka ah,  Masuulka ugu sareeya jeelka oo la odhan jiray Cumar siciid,isagoo ilaalada jeelka dhegta ugu ridaya in dhiigayagu xalaal yahay,Hadaladiisiina waxa ka mid ahaa"Halkan xiniinyo lalama soo galo,haddii aad  rag ahaydeen markaad guryihiinna joogteen halkan rootibaa la idinka dhiganayaa".
 
Waxa halkaa iiga bilaabantay Nolol cusub oo ka duwan tan caadiga ah.Waxa durba lanala boobay silsilado dhaadheer iyo qufullo culculus sidii dad gacan ku dhiiglayaal ah.Waxa la isugu kaaya xidhxidhay darsin darsin,waxan xasuustay filim laga meteley waagii dadka madow laga taxaabi jiray qaaradda afrika xiligii adoonsiga (slave trade).
 
Xorriyadaydii guud ee aan xaqa ulahaa markii aan waayey ee xabsiga la idhigay sidaa la igagama hadhin ee waxa la ii maleegay shirqool si la iigu ciqaabo jeelka gudihiisa,aalaaba arintaasi waa mid ka dhacda xabsiga Boorama,waana tacadiyada lagula kaco maskiinka maxbuuska ah oo aan lahayn awood uu isku dufaaco Af iyo addintoona.
 
Waa xeeladaha ay adeegsadaan madaxda dawlada ama shakhsiyaadka maalka leh marka ay doonayaan inay karbaashaan qof ay maalin wax isku qabteen marka xabsiga la dhigo,arintaana waxa fuliya qaar ka mid ah askarta jeelka oo lacag qaata.Waa arin macruuf ah oo qof kasta oo xabsiga soo maray ka warqabo,Waxay ka midtahay nolol maalmeedka maxaabiista.Askarigu ciqaabtaa wuxu fuliyaa maalinta uu shaqada uleeyahay,isagoo askarta kale ka dhaadhicinaya inuu maxbuuskani xalay maleegayey qorshe liddi ku ah arimaha xabsiga.
 
Maxbuuska inta lala baxo ayaa la jidh dilaa.Waxa lala dhacaa xaabada dharyaha lagu kariyo iyo geed xajiin kulul oo dhegwayn la yiraa,markaasaa qayladiisa Maxaabiistu dhegaha faraha gashadaan,marka kabaha lala dulmaro ee laf-dhaqaaqda loo diido ayaa goordanbe raqdiisa  lagu soo dhextuuraa qolkii lagala baxay.Si kastaba ha ahaatee anigu shirqoolkaa waan ka badbaaday.
 
Naftii kaligeed seexan jirtey,kaligeedna soo kici jirtay kadeedbaa udhamaaday.Waxan la darsay nolol aan caadi ahayn,afar wiil iyo anigaa la isku kaaya katiinadeeyey,ninna kaligii ma gudan karo xaajadiisa,haddii mid musqusha ubaahdo waa in la wada galaa,inkastoo kuwa dhexda ku jiraa ugu sii daraayeen.Haddii ay hurdo tahay iyo haddii ay hawl kale tahayba halaag uun iga dheh.
Waxa xusuus mudan markii laba wiil oo aan xayndaabka kuwada jirrey mid dhasantari haleeshay midna si kale uxanuunsaday,bal qiimee xaaladaa.Kii calooshu xanuunaysay markasta wuxu ubaahanyahay musqul kii xumadaysnaana  wuxu ubaahanyahay in la xaqdhawro,bal qiimee xaaladaa."iyaduba kadeed noo hadhay ahayd oo kabadh ku oodnaa"Haddii xorriyada uunlagaa qaado ood xabsiga aayar iska jiifto waad ku xamdiyeysaa.
 
Gaba gabadii xadhigeyga iyo garowshihii Maxkamadda gobolka.
 
Waxay ahayd goor barqo ah 10-06-2001dii markii la ihorkeenay maxkamadda gobolka.Layaabkeyga Maxkamadu markii ay isku dayday inay kiiskeyga guda gasho ayuu xeer ilaaliyihii iwaydiiyey danbiga aan ku eedaysanahay,anna waxan ugu jawaabay anigu cid aan u xidhanahay iyo wax aan ku xidhanahay ma aqaan adigaaba xeer ilaaliyihii maxkamadda ah ee bal adigu iisheeg.
 
Waxa maxkamaddu fariin udirtay sarkaalkii CID-da ee kiiskeyga gacanta ku hayey.Waxa yimid dambibaadhihii Cabdi qase, xeer ilaaliyihii maxkamadda ee xilligaa Cumar madoobe wuxu sarkaalkii waydiiyey danbiga xabsiga dhexe la iigu gudbiyey.Halkii aniga iyo maxkamaddu aan ka wada doodi lahayn waxay noqotay in maxkamadii iyo CID-dii wada doodo.Cabdi qase wuxu  maxkamadda horteeda ka qirey in wax danbi ah la igu waayey,laakiin awood iyaga ka baxsan xabsiga la igu dhigay.
 
Wuxu yiri:Wax danbi ah ninkan waanu ku waynay ka dib markii ciddii soo dacweysay ay ku guuldareysatey inay keento caddeyn buuxda,sidaasaanan anagu ku sii daynay,ogtiina  maxkamadda waan usoo gudbinay ka xafiis ahaan,waanad haysataan warqaddaa.Laakiin ragbaa ishortaagay,maalintii xabsiga loo gudbinayeyna anigu waan ka xumaaday xafiiskana kama soo xaadirin.
Xeer ilaaliyuhu wuxu waydiiyey su'aalkale oo ahayd yaa amarka gudbintiisa bixiyey,waraaqdii amarkaa lagu bixiyeyse ma haysaa? Dambibaadhihii wuxu cod-dheer oo aan gabasho lahayn ku yidhi: "Cumar madoobe waad iska ogtahay  meeshu dawlad maaha waa jabhad" wax waraaq ah oo lanagu amray ma jirin,masuulkii  markii hore ninkan dacwaddiisa saldhiga keenay waydii, aniga ma shaqadaydaad igaga ciyaaraysaa.Hadal waa run kama rayste.Hawraarsan
 
Halkaa markay marayso ayuu gudoomiyihii maxkamaddu dubaha miiska ku dhuftay.Sidaana waxa la iigu soo celiyey xorriyadaydii sharci darada la igaga laalay.Ugu danbeyntii Madaxda gobolka waxan ka codsanayaa inay shuruud la'aan kusii daayaan wariye Cabdiraxmaan Maxamed Habane si uu waajibaadkiisa shaqo ee uu umadda uhayey uguto.
 
Qalinkii: Jowhar Cabdisamad Qalinle (korwaayeel)
korwaayeel@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 21, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com