SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
 

Mirtaj maxamed wiilkiisa shahrukhan waxa uu baray xigmado

Mahmoud mahmed yusuf
EMAIL: xuuto_2005@hotmail.com  

Delhi(w.wararka): Dalka india mirtaj maxamed wiilkiisa Shahrukhan waxa uu dhaxalsiiyay xigmado badan oo kujira quraanka kariimka ah oo gaadhsiiyay xidagaha kana mid dadka loogu jecel yahay dalka india.ddd

laakiin waxaanu barin kuwoodii ugu muhiimsanaa sida salaada,iyo soonka. 2 december 1965 isbitaalka Talwar Nursing Home waxaa ka dhacday dhacdo caadi ah waxaa dhashay ilmo ay ku laalaaban tahay xuduntii dheerayd, waxaana loo bixyay shahrukhan.

Aabahay waxaa la odhan jiray mirtaaj maxamed, waxa uu ku dhashay magaalda peshawar oo dabcan hada ka mid ah dalka pakistan wuxuu yimi new-delhi isaga oo nin yar ah waxaanu ka qayb-qaatay xornimo doonkii hindiya, waxa uu ka mid ahaa ragii ugu yar-yaraa ee ka qayb-qaatay xornimo doonka, waayadaas nina ma aaminsanayn in hindiya ay u kala go'ayso labo wadan, Aabahay waxay aad isug dhawaayeen qoska reer Gandhi. Saaxiibadiis oo dhan waxa laga dhigay wasiiro, laakiin aabahay waa diiday in uu halyaynimadiisa ku raadiyo kursi siyaasadeed. Wuxuu ka door-biday inuu samaysoto ganacsi yar oo ah baabuurta xamuulka qaada, waxaanu kiraystay dhawr-baabuur oo ah kuwa xamuulka qaada. Wax walba oo aan maanta ahay waxa iga dhigay aabahay sida uu ii soo bar-baariyay ayaa ahayd si wanaagsan, aniga oo ilmo yar ah ayuu iila dhaqmi jiray sidii saaxiib oo kale, marka aan murugsanahay inta uu isoo ag fariisto ayuu i waydiin jiray waxa i haya, ka dibna talo ayuu isiin jiray, aniga oo ilmo ah ayuu ku dadaali jiray inuu i baro muqtadarnimada iyo masuuliyada, aniga oo jira afar sano ayuu i siin jiray casharo practical ah oo uu iigu muujinayo in aanan cidna wax ka sugin oo waxwalba aan anigu qabsado iyo in hadii aan dambi galo ama aan khaldamo aan cid iga saari kartaa jirin xitaa isaga oo aabahay ah, in aan anigu isasaxo mooyee, aniga oo afar jir ah ayaan maalin dhagax ku dhuftay wiil aan daris ahayn nasiib darana ilig ayaa ka dhacay wiilkii. markaas ayaa habeenkii waxa alaabka nagu soo garaacay aabihiis oo sakhraansan oo mindi gacanta ku wata, aabahay inta uu albaabkii furay ayuu anigana dibada ii soo saaray oo ula hadlay ninkii sakhraansanaa si dagan wuxuuna kula hadlay hadal aan markaas u arkayay xaasidnimo balse aan dib ka ogaaday in uu macne ku jiray, ninkii sakhraansanaa ayuu ku yidhi qofka wiilkaaga iliga ka riday aniga maahee waa wiilkan ee dil anigu kaa celin maayee, markaas ayaan ooyay oo baroortay oo ninkii ku idhi adeeroow aniga ayaa wiilkaaga dhagaxa ku dhuftay laakiin kas uguma wadin, i cafi, markaas ayuu ninkii iska tagay isaga oo raali ah, maalintaa ka dib aabahay la iigama soo dacwoon, waxa had iyo jeer aabahay iiga soo dacwoon jiray gabdhaha xaafada maraya oo aan inta aan darbi fariisto nagu dhawaa aan shumis hawada u marin jiray. Aabahay waxyaalaha uu i baray waxaa ka mid ahaa in aanan dadka tooda raacin oo aan wax walba anigu ka sal gaadho. Maalin ayaan aabahay waydiiyay in baaskiil lagu mari karo 20km markaas ayuu igu yidhi haa iyo maya midna ku odhan maayo ee baaskiil ayaan kuu soo iibinayaa ee bal adigu ku mar, maanta oo aan ahay atoore 42 jir ah dad badan ayaa igu xanta in aan hadalka boobsiiyo marka aan filimada matalayo, halka atoorayaal aanan magacaabayna ay guriga iigu yimaadeen iguna yidhaahdeen nabar hadal boob_siiska waa waxa ay dadku kugu jecel yihiine.

Aabahay iyo hooyaday waligood midna gacan iima qaadin, xigmada aan aabahay ka bartay waxa ka mid ah sida dadka loo qanciyo, gabadh yar oo ahayd reer koonfurta hindiya ayaan dhibi jiray waagaan yaraa, markaas ayaaa hooyadeed iiga soo dacwootay aabahay, inta uu sifiican u eegay habartii ayuu ku yidhi gabadhaadu ma sidaada ayay u qurux badan tahay? anba hadaan adoo yar ku arki lahaa waan ku dhibi lahaa, dacwadiina waxay isku badashay kaftan, xigmadaha aan aabahay ka bartay waxa ka mid ah ayaada isliimka ah ee oronaysa ha qaadan ribada ama dulsaarka , waxaan aaminsanahay in uu qof walbaaba uu cuno waxa uu mutaystay, anigu ma cuno wax aanan u lagdamin, u feedhtamin ama aanan u faro go'in.

Aaabahay waxa uu akhrisan jiray kitaabka quraanka iyo gabayada urduga ah, laakiin aniga waxa uu igu yidhi akhriso quraanka marka aad jeclaysato sidoo kale

akhriso ayuu igu yidhi giitaaga hinduuga iyo baybalka kiristaanka,.

Gurigayaga si fiican ayaa looga ciidi jiray ciidul fidriga laakiin aabahay waxa uu igu yidhi" ka qayb qaado ciido oo dhan, hadii ay ahaan lahaayeen kuwo muslim, hinduu iyo kiristaanba, farxad oo dhan kala qayb qaado bini aadamku marka ay faraxsan yihiin.

Markii uu dhimanayay aabahay ma ooyin maxaa yeelay isaga ayaa diyaariyay saan ka yeeli lahaa geeridiisa, laakiin markii ay hooyaday ku dhimatay dhabtayda waan ooyay inta aan isbitaalka ka soo cararay ayaan tukaday salaad.

Waligay ma tukan ka hor iyo ka diba waayo aabahay iyo hooyadayba ima odhan tuko, maalintaasi si daacad ah ayaan u tukaday waxaanan ilaahay ka bar-yay in uu hooyaday jano ii geeyo. Aabahay wax ayuu ii sheegi jiray, laakiin hooyaday waxaan jecelahay ayay i siin jirtay, tusaale ahaan, baabuurkii ugu horeeyay hooyaday ayaa ii iibisay.

Hooyaday waxaa la odhan jiray Fatima waxay u qurux-badnayd sidii Waxiida Raxmaan oo waayadaas ahay aktaradii hindiya loogu jeclaa, hooyaday iyo aabahay waxay ku dhasheen hydropat.

Hadaan idiinka sheekeeyo sida aabahay iyo hooyaday isku guursadeen waxaad u qaadanaysaan inaan filin idiin matalayo.

cusbitaalka new-delhi maalin ayaa waxa la keenay gabadh qurux-badan oo ku soo dhimanaysa, waxaa la waayay qof la dhiig ah oo aan ka ahayn nin qurux badan oo uu dhererkiisu yahay 6'2" hadaan shilaasi dhaceen aabahay iyo hooyaday ma kulmeen, labadaas qof ee quruxda badan ayaan nasiib u yeeshay in ay aabahay iyo hooyaday noqdaan.

labaduba aad ayay u qurux-badnaayeen, laakiin anigu ma qurux badni, dadka filimadayda daawadaa waxay jecel yihiin quruxdayda gudaha waxaanan xasuustaa markii la igeeyay dugsiga st columbas high school waxaa lahaa labo nin oo irish ah oo aaminsan aqoonta iyo asluubta wanaagsan, maadada aan ugu liitay waxay ahayd xisaabta oo aan ilaa hada lambarada dhib ku qabo, marka uu qof ii sheegayo lambar telefoon waxaan ka codsadaa in uu dhawr goor iigu soo cel-celiyo, sidoo kale markaan ku jiray dugsiga hoose waxaan ku liitay luuqada hindiga maadaama aan ka imi qoys muslim ah, gurigayaga waxaa lagaga hadli jiray urdu.

Markaan guursanayay xaaskayga GAURI waxa noolayd hooyaday imay odhan gabadhu ma muslimbaa mise waa shisheeye laakiin qoyska gauri oo hinduu ahaa aad ayay uga ashkatoodeen ilaa hooyadeed ku sigatay in ay is disho, markii danbe waxaan galnay aroos qayb ahaana hinduu ah qayb- ahaana maxkamad.

Laakiin habeenkaas waxaan diiday in ay gauri cagaha uu dhaqdo waayo sida aabahay ayaan u qadariyaa dumarka.

Bombay waxaan tagay aniga oo aan la iga aqoon hase yeeshee dhawr musalsal ku soo matalay delhi waxaa igu soo dhaweeyay casiiz mirsa oo aabe oo kale ii noqday, maantana waxa aan ku faraxsanahay in shirkada Dreamz Unlimited oo aan wadaag ku nahay aniga iyo isaga iyo aktarada aanu saaxiibka nahay ee

ay guul wayn gaadhay, waxaan xayaysiiyaa wax-walba sida baabuurta hyundai ilaa iyo saabuunta lagu maydho, hase yeeshee ma xayaysiiyo sigaarka iyo khamriga waayo waxaan ka baqaa in waalidkay ay qabriga iga soo habaaraan.

Walaashay shehnaz waxay waligay ii ahayd tusaale wanaagsan oo aan raaco, aad ayaan ugu nasiib badanahay shehnaz oo ii noqotay walaal gabadh wayn ah, waa gabadh caqli badan, oo teeda adag, cidna ma afaaro gashato, waxay haysataa dhawr shahaado oo ay ka mid tahay mba psychology an markay yarayd wax-barashada ma xiisayn jirin, waxay jeclayd novelada jacaylka ah, waxaan xasuustaa maalin aabahay oo intuu arkay Shehnaz oo qolkeeda ku akhrinaysa novel, wuxuu igu yidhi" aabe walaashaa waxa la gaadhay xiligay wax baran lahayd waxaanay ku mashquulsan tahay novel ee deeqada ayaan ka tuurayaa inta aan isxanaajiyee ee inta aad hoos u dagto u soo qaad".

maanta waxay noqotay naag aqoon leh sidii aabaheed ka rabay. Heerkaas ayuu aabahay ka gaadhay bar-baarinta wanaagsan ee caruurtiisa, ana waxaan rabaa in aan wiilkayga Aryan u bar-baariyo sidii aabahay ii bar-baariyay oo kale

WQ:Mahmoud Mahamed Yusuf : email:xuuto_2005@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com