SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
 

DHAMBAAL FURAN OO KU SOCDA MUCAARADKA SOOMAALIDA.

Qore:CABDIRAXMAAN CILMI XAASHI
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no

Bismillaahi Alraxmaani Alraxiim. 

Mucaarad waxaan uga jeedaa dadka kasoo horjeeda dawladda ku-meelgaarka soomaaliyeed(DKGS),rabana inay burburto.Waxaan qabaa inaad qayb muhiim ah ka tihiin maaraynta dhibaatada dalkeenna,waajibna idinka saaran yahay sidii dadka soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatada uu ku jiro.Waxaan kale oo qabaa in sida aad wax ku waddaani qalloocan tahay,wax dan ahina aysan dadka iyo dalka midna ugu jirin.Inta aanan u gudbin gunta hadalka,waxaa caddaaladdu i faraysaa inaanan isku xoorin mucaaradka sidii ay yihiin hal koox ah oo isku u jeeddo ah.Guud ahaan mucaaradka waxaa la oran karaa waxay ka kooban yihiin qaar aan doonayn in dalka wax dawlad ahi ka curato,iyo kuwo dawlad raba laakiin aan aqbalayn midda hadda jirta.Qolada hore waxay isugu jiraan kuwo xoog ku haysta hanti aysan lahayn,kuwo ganacsato ah oo waxay doonaan dhoofiya waxay doonaanna soo gesha dalka iyo qolyo bartay sida loo nuugo hay,adaha isku sheega inay samafal ka shaqeeyaan.Xaaraan ku naaxyadani waxay u barteen inay jaqaan dhiigga dadka,mana doonayaan dawlad la xisaabtanta,wax dan ahna kama leh dadka intiisa kale iyo dalka toona.

Qaarkood waxay isku xiran yihiin dagaal-oogeyaal ay la wadaagaan qabiil ama burcadnimada.Door aad u weyn ayey ku leeyihiin qaska dalka ka jira,waxayna had iyo jeer garab istaagaan ciddii mucaarad ku ah dawlad kastoo la dhiso,iyagoo la gashada shaarka ay qabaan.Maalin ayaa dadka soomaaliyeed kuwaas la xisaabtami doonaa InshaAllah,tii Ilaahna meesheeda. 

Qolada labaad oo mucaaradnimadoodu mabda,a ku dhisan tahay,dhambaalkanina ku socdo,waxay isugu jiraan kuwo taageerayaal u ah maxkamadihii,kuwo diidan joogitaanka ciidammada Itoobiyaanka oo mabda,oodu waddaninnimo ku salaysan yahay iyo qolyo u badan aqoonyahanno oo qaba in dadka dawladda hoggaaminayaa aysan u qalmin talada dalka.

Dhammaantood,iyagoo midba mabda,iisa ka ambaqaadayo,waxay isku raacsan yihiin inaan dawladdu ahayn mid sharci ah. 

             Sharcinnimada Dawladda 

Sharcinnimada dawladeedi waxay ku timaadaa doorasho dadku si toos ah ama dadban u doorto madaxdiisa.Sida tooska ahi waa marka qof kasta ay suuragal u tahay inuu codkiisa dhiibto isagoo xor ah.Sida aan tooska ahayni waxay noqon kartaa marka ay dawladda doortaan dad talo ka go,do oo  wakiil u ah qaybaha kala duwan ee bulshada. Dadkaas taladu ka go,do(Ahlul xal wal caqd) waxay noqon karaan, iyadoo la waafajinayo hab-dhismeedka bulsho, hoggaamiyeyaal dhaqan,siyaasadeed ama milateri.Hab-dhismeedka bulsho ee soomaalidu waa mid ku salaysan qabiil,hoggaan dhaqameedyada ayaana looga dambeyn jirey ilaalinta danta qabiilka.Dagaalkii sokeeye ee qarxay 1991-kii waxaa soo baxay hoggaamiyeyaal cusub oo dhinac u riixay hoggaamiye dhaqameedyadii hore,si toos ahna ula wareegay awooddii qabiilka.Hoggaamiyeyaalkani waxay horboodayeen kooxihii hubaysnaa ee qabiillada.Awooddooda ciidan waxay ku raadinayeen awood siyaasadeed,waayo dagaalka sokeeye ayaa ahaa mid salka ku haya siyaasad.Shirarkii siyaasadeed ee soomaalida loo qabtay waxaa lagu casuumi jiray nimankan,iyagaana goobjoog u ahaa qabiilkooda.Shirkii ugu dambeeyey ee lagu soo dhisay dawladda  kumeelgaarka ah waxaa lagu casuumay hoggaamiye

kooxeedyadii hubeysnaa,mid kastana qabiilkiisu raalli ayuu ka ahaa.In kastoo nimankani masuul ka ahaayeen burburkii ballaarnaa ee ku dhacay dalka,haddana waxaa hubaal ah in mid kasta oo iyaga ka mid ah qabiilkiisu u arkayey halyey.Xubnihii loo magacaabay Baarlamaanka waxay u badnaayeen nimankan,madaxweynahana ayagaa doortay.Hadday nimankani idinla xun yihiin waxaad ogaataan inay yihiin kuwaan annagu haddaan soomaali nahay talada u dhiibannay.Bal soo qaado midka aad ugu neceb tahay oo iyaga ka mid ah.

Waxaad ogaanaysaa in qabiilkiisu nin oday ah u arko!Waad I garatay baan u malaynayaa.

Haddaan markii hore nimankan dabajoogney iyagoo mid kastaa tuulo ama xaafad madax u yahay,maxaynnu u raaci weyney markay isu yimaadeen oo si wadajir ah dawlad u dhisteen?

Haddaysan dawladdani sharci ahayn,ii sheega sida dawladda aad sharcinnimadeeda oggoshihiin loo hirgelin karo,dhabtana yeynnaan ka tegin. 
 

Maxkamadaha iyo taageeryaashooda 
 

Aad baan idiinku riyaaqnay markaad Muqdisho la wareegteen oo magaaladani muddo 16 sano markii ugu horreysey yeelatay hal maamul.Nabadgelyadii aad soo celiseenna dadku illoobi maayo.Siday aniga ila tahay khaladkii ugu weynaa waxaad gasheen markaad Jowhar dhaafteen.Anigu qof ahaan markaas baan sacabka joojiyey,rajadii aad na geliseenna iga baxday.Taasi waxay ahayd fursaddii ugu weyneyd ee soomaali soo marta 16 sano.Bal ka warrama haddaad markaad Muqdisho qabateen wafdi ballaaran u diri lahaydeen Baydhabo.

Dawladda waxaad ka heli lahaydeen shardi kasta ood ku xirtaan. Waxaan weli la yaabbanahay sidaad isu waafajiseen aqoonsigiinna Dawladda iyo inaad weerartaan,adinkoo sheeganaya xukun Islaami ah.Waa xaaraan in laga horyimaado dawlad aad aqoonsan tahay,waanad ogtihiin.Masuuliyad weyn baa idinka saaran soo gelitaanka ciidammada shisheeye ee Itoobiya ugu horreyso,sababtana waad garanaysaan.Haddaba khalad waa la galaa,laakiin waa doqonnimo inaan wax laga baran.Weli dad badan ayaa idin taageersan,dawladduna xoog badan oo ay wadahadallada ku diiddo ma laha.Waddadii wadahadalku waa furan tahay,waana sida keliya ee dalka looga saari karo ciidammada shisheeye,dibna loogu dhisi karo.

Walaalayaalow la gala dawladda wadahadal aad kaga dhammeyneysaan inaad dalka tagtaan,ka bilowdaan dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aad mustaqbalka ku asaastaan xisbi weyn oo islaami ah.Siiya dawladda fursad ay labada sano ee u hartay ku shaqeyso,adinkuna ka faa,iideysta waqtigaas oo soo diyaariya barnaamij habaysan oo aad dalka ku maamushaan.Markii isugu keen dambeysey waxbaa isaga kiin dhexdaadsanaa,oo wadaad kasta oo kitaab gaab ahi loox isaga u gooni ah ayuu la ordayey,saasna dal laguma maamulo.Noo soo caddeeya,tusaale ahaan waxa aad uga jeeddaan xukun islaami ah,mad-habta aad fiqhiga ka qaadaneysaan,iyo sida aad yeeli doontaan haddii doorasho dhacdo oo aad heshaan 25% kuraasta golaha shacbiga.Sidee u maareyneysaan ururrada kala duwan ee dhammaantood ku abtirsada “islaami”.Qorshe cad baa loo baahan yahay,dadkuna waa rabaa wax diin lihi inay maamulaan.Dawladda dad badan baa raacsan,dagaalka hadda socdana dhiig mooyee wax kale siyaadin maayo.Qofka dhimanaya ama dhaawacmaya,guriga dumaya iyo dhulka gubanayaa waa keenna.

Xaaladda Afgaanistaan iyo Ciraaq wax la higsado maaha.Ka shidaal qaata xisbiga AKP ee hadda la ku guulaystay 47% doorashooyinka Turkiga,fiiriyana intay soo dulqaateen iyo tanaasulaadka ay dhiibeen.Nacayb iyo aargoosi qof uu wadana xal ma gaaro.In la isku baaba,o waxaa dani ugu jirtaa cadowga dadkeenna iyo dalkeenna.Iskana jira waxaa badan kuwo iska dhigaya inay idinla socdaan,laakiin ka tirsan qolyihii aan kor ku soo tilmaamay. 

Qolyihiinna hadda ku sasay ciidanka itoobiya ee Xamar soo galay;waxaad dambeysaan 16 sano!Lagasoo bilaabo 1991kii Itoobiyaanku dalka iyagaa ka talinayey,hub isugu keen dhiibayey.Kaaraha Itoobiyaanku magaalooyin badan oo dalka ka mid ah ayuu horay usoo galay ,xasuuqna ka sameeyey.Anigu waxaan qabaa maanta ayey inoogu dhawdahay inaan Itoobiya ka xorowno.Xal kalena anigu ma arko in dawladda la taageero mooyee. 
 

Shir ayaa lagu baaqay ka dhici doona Eriteriya,waxaana isugu imaanaya mucaaradka.

Dadka soomaaliyeed wuu idin eegayaa,talo ayaana la idinka sugayaa.Rabbi waxaan idiinka rajeynayaa kheyr,iyo in shirku noqdo mid soomaaliyi dib isugu timaaddo oo gacmaha isku qabsato. 
 

WA BILLAAHI TAWFIIQ 
 

Qore:CABDIRAXMAAN CILMI XAASHI
Abdirahman.Elmi.Hashi@sshf.no

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com