SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 
 
 
Barnaamijkii Radio Xoriyo
28 July 2007.
 
 
Dagaallo ciidammada cadowga lagu waxyeelleeyay.
 
Xasuuq ay ciidammada gumaysigu ka gaysteen meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
 
Dadwayne uu gumaysigu xidhxidhay.
 
Magaalooyin kale oo ciidammada gumaysigu gubeen.
 
Waraysiyo banaanbixii Sweden (Q2aad).
 
Wargaysyada iyo Ogadenya(Al-Jazeera)
 
======================            
 
 
Dagaallo ciidammada cadowga lagu waxyeelleeyay.
 
Wariyaha RX uga soo warrama furinta dagaalka ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maraya CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo waxyeello ba'an logu gaystay ciidammada maxaysatada ah ee la soo dhoobay dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
24/07/07 CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammo gumaysiga ka tirsan oo ku sugnaa Dusmo, waxayna weerarkaas kaga dileen 10 askari, 5 kalana way kaga dhaawaceen.
Isla 24/07/07 waxay CWXO sidoo kale weerar mir ah ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Wardheer, waxayna u gaysteen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
21/07/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray Caleen, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.
18/07/07 Dharkenley, oo dhagaxbuur ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumsysiga lagaga dilay 9 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
17/07/07 Karinka Soolle, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 1 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
Xasuuq ay ciidammada gumaysigu ka gaysteen meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
 
Ciidammada maata-layska ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa dadwayne rayad ah ku xasuuqay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, iyagoo si arxan la'aan ah u laayay dadwayne shacab ah, isla markaana jidhdil bani'aadamnimada ka baxsan u gaystay, ka hor intii ayna daldalin.
Markii ay taariikhdu ahayd 24/07/07 waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya si waxshinimo ah tuulada Babaase, oo 15 km woqooyi galbeed ka xigta magaalada Qorile, ugu laayeen dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin. Dadkan la laayay iyo kuwa kale oo badan ayaa magaalada Qorile la qaqabtay markii ay taariikhdu ahayd 22/07/07. Sida uu ku soo warramayo wariyaha RX ee gobolka Doollo, waxay ciidammada gumaysigu wateen markii ay Qorile imanayeen liis ay ku taxan yihiin magacyada dadka la laayay iyo kuwa kale oo hadda la raadinayo. Dadkan ayay ciidammada gumaysigu markii denbe ku laayeen duleedka tuulada Babaase, iyagoo Xaskul la soohay ku daldalay. Dadkan ayay ciidammada gumaysigu jidhdil ba'an u gaysteen, ka hor intii ayna daldalin, iyadoo jidhkooda uu jidhdilkaasi aad uga muuqdo.
Dadka ay ciidammada nacabka ah ee guamysiga Itoobiya halkaas ku daldaleen waxay kala yihiin;
1- Xasan Cabdi C/llaahi
2- Ciilmooge Baddal Cabdi C/llaahi
3- Xasan Buraale Cilmi-yare
4- Cali Buraale Cilmi-yare
5- Axmed-gaanni Guuleed Cali
6- Faarax Xasan Haloonfi
7- Ayaan Aw Cali Good
8- C/rashiid Sh Maxamuud, oo naf loogu yimid, laakiin dhaawicii u dhintay
9- Ridwaan Xasan Raage, oo iyadana ay wali nafi ku jirto, laakiin xaaladeeda laga dayrinayo. Gabadhan iyo wiilka ka horreeyaba waxay uga tageen mayd ahaan, laakiin waxaa iyagoo daldalan u yimid dadkii deegaanka.
Waxaa iyaguna dadkan ka mid ahaa oo raqdoodii iyo ruuxoodii midna la la'yahay laba nin oo lagu kala magacaabo;
1- Qarjaf Sayid Cismaan iyo
2- Ina Carab Ismaaciil, oo magaciisa hore aanaan haynin.
24/07/07 waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu Nusdariiqa ku dileen labo nin lagu kala magacaabo
1- C/risaaq Cali Caabi iyo
2- nin lagu naanayso Gobos oo magaciisa saxda ah aanaan haynin.
22/07/07 waxay ciidammada gumaysigu sidoo kale ku dileen magaalada Qabridaharre 4 qof oo rayad ah, waxaanan magacyadooda helnay;
1- Geeljire Cabdi Guul iyo
2- Axmed Nuur Dhicis Xaashi, oo ay ka dhaceen hanti gaadhaysa 10.000 oo Bir.
Isla 22/07/07 waxay ciidammada gumaysigu ku dileen magaalada Caleen nin lagu magacaabo C/llaahi Faarax Good, oo isagana ka dhaceen lacag gaadhaysa 35.000 oo Bir.
13/07/07 Qabridaharre waxay sidoo kale ku dileen ninka lagu magacaabo C/fataax Axmed Barkhadle.
 
Dadwayne uu gumaysigu xidhxidhay.
 
Ciidammada gumaysiga ee ku hawllan xasuuqa iyo dhibaataynta dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya ayaa meelo akla duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku xidhxidhay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin.
17/07/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada iimey ku xidhxidheen dadwayne rayad ah oo tariadoodu ay boqol kor u dhaafayso, kuwaasoo Iimey iyo nawaaxigeeda laga soo uruuriyay, isla markaana loo gaystay jidhdil iyo dhibaatooyin kale oo bani'aadaminmada ka baxsan. Dadkaa halkaas lagu xidhxidhay ayaa qaarkood la soo daayay, ka dib markii si qasab ah looga qaaday lacago ganaax ah oo aad u badan. Dadka ganaaxa laga qaaday waxaa ka mid ah;
1- Ubax Deeq Maxamed oo lagu ganaaxay 500 oo Bir
2- Fardowsa Sh Ibraahim oo iyada ay ciidammada gumaysigu kufsadeen, ka dibna ka qaadeen lacag gaasdhaysa 4000 oo Bir oo ganaax ah
3- Xamdiya Maxamed Daahir oo iyadana 3000 oo Bir lagu ganaaxay
4- Ifraax Xaaji Balballayti oo 3000 oo Bir lagu ganaaxay
5- Rashiid Cabdi Maki oo isagana 3000 oo Bir laga qaaday
6- Xaali oo magaceeda oo buuxa aanaan haynin waxaa iyadana laga qaaday 2500 oo Bir
7- Farxiya C/llaahi Seerre oo laga qaaday 3500 oo Bir
8- Abraas Xasan oo laga qaaday 2000 oo Bir
9- Maxamed Cabdi Carab oo 3500 oo Bir laga qaaday
10- Xafsa Aaden oo iyadana laga qaaday 3500 oo Bir iyo
11- Bashiir oo isagana laga qaatay 3500 oo Bir.
17/07/07 Xaraarey, oo Garbo ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu jidhdil ugu gaysteen, ka dibna ku xidhxidheen dad dhawr ah, oo ay sidoo kale hanti kala duewan ka boobeen, waxayna kala yihiin;
1- Sawda Ibraahim
2- Sahra Maxamuud Maax
3- Maxamed Sh Cali Sayid Nuur
4- Kadaawi Sayid Nuur iyo
5- Saxane sayid Nuur. Seddexdan nin ee denbe waxay ka dhacday seddex Qori.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu magaalada Dhuxun ku xidhxidheen dad reer Sayid Nuur ah oo ka daba-tagay qaraabadooda laga soo xidhay xarunti Sayid Nuur. Dadkanina waxay kala yihiin;
1- Shifo Sh Cali Sayid Nuur iyo
2- Maxamed Sh Axmed mahdi Sayid Nuur
22/07/07 Waxay ciidammada gumaysigu Wayla-lagu-xidh ku dhaceen labo baabuur oo badeecado kala duwan waday. Badeecadahan waxaa kala lahaa gabdhaha lagu magacaabo;
1- Shuun Cali Cigaal iyo
2- Cawo Sh Cumar Nuur, oo iyada ay sidoo kale ka dhaceen 10 Neef oo Adhi ah oo ay meeshii ku qasheen.
22/07/07 waxay ciidammada gumaysigu boobeen dadwayne ay si qasab ah ugu shiriyeen tuulada Babaase, waxayna dadka ka urursadeen maryo iyo saacado. waxay sidoo kale maalintaas ku qasheen tuulada Babaase 20 Neef oo Adhi ah, waxaana kala lahaa;
1- Kaamil Gaambiye iyo
2- Maxamed Kub-yar
Waxay sidoo kale isla maalintaas lacag 1000 Bir ka dhaceen gabadh lagu magacaabo Khadra Axmed Cabdi Dhabbac.
 
Magaalooyin kale oo ciidammada gumaysigu gubeen.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya, oo xasuuq ba'an iyo ciqaab wadareed muddooyinkii denbaba ka waday guud ahaanba dalka Ogaadeenya, ayaa gubay magaalooyin kale oo ku yaalle oo ku yaalla gobollo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah. Magaalooyinkaasi waxay kala yihiin;
19/07/07 waxay gubeen Ku-naso, oo koonfur ka xigta magaalada Haar-cad.
13/07/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen Warandhaab, 10 km galbeedka ka xigta magaalada Galadiid ee gobolka Qorraxey.
10/07/07 waxay iyadana dab qabadsiiyeen Dharkenley, oo woqooyi bari ka xigta magaalada Qallaafe.
Isla 10/07/07 waxay mar kale gubeen Fool-jeex, oo 36 km dhinaca koonfureed ka xiga magaalada Qabridaharre.
08/07/07 waxay gubeen Wabi-yar, oo 42 km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada qabridaharre. Waxay ciidammada gumaysigu halkaas sidoo kale ku gubeen 480 Kiintaal oo raashiin ah oo dadwaynuhu lahaayeen.
06/07/07 waxay ciidammada gumaysigu gubeen Xabaal-tiirri, oo dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Haar-cad.
02/07/07 waxay iyadana gubeen Balli-sareedo, oo 52 km koonfur bari ka xiga magaalada Qabridaharre.
18/06/07 ciidammada cadowgu waxay gubeen Ugle, oo iyaduna 42 km woqooyi ka xigta magaalada Dhanaan.
Dhinaca kale 25/07/07 waxay ciidammada gumaysigu qasab uga rareen Ganfaale, oo Barmiilka u dhaw, reer lagu magacaabo Reer Qorane, kuwaasoo la geeyay magaalada Dhuxun.
 
 
Itoobiya  oo hor istaagtay  in gargaar cunto la gaadhsiiyo Ogadenya:
 
Barnaajika Wargaysyada(Al-Jazeera)
 
Telefishinka caalamiga ah ee Aljazeera ee ku baxa afafka carabiga iyo ingiriska ayaa isagoo soo xiganaya wargayska caalamiga ah ee Nyyork Times yidhi.
 
Wargayska NYT oo soo xiganaya doblamaasiyiin ree galbeed ah iyo masuuliyiin u shaqeeya hay,adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa sheegay in xukuumada Itoobiya ay hor istaagtay in la gaadhsiiyo gargaar cunto oo dagdag ah gobolka Ogaden,ayna xidhay dhammaanba wadooyinkii soo galayay gobolka ee uu beecmushtarku usoo marayay.
 
Wargaysku wuxu kaloo yidhi:Ciidamada itoobiya iyo maleyshiyaadka u dagaalama ee wakiilka  ka ah waxay xadeen gargaar caalami ah oo ay JQK ugu talagashay barnaamijka dabargoynta qalalka ee gobolka Ogaden waxayna ujiheeyeen dhinaca ciidamadooda waa sida ay soo xaqiijiyeen mas,uuliyiin u shaqeeya hay,adaha gargaarka ee caalamiga ah,gargaarkaas ayuu qiimihiisu dhannaa malaayiin doolarka maraykanka ah.
 
Cunaqabatayntu waxay saaran tahay gobolka Ogaden ee dariska la ah wadanka Somaliya,iyadoo ciidamada itoobiya ay gobolka kala kulmaan mucaarad hubaysan oo oo aad isusoo taraya,hay,adaha u dooda xuquuqul insaankuna waxay ku eedeeyeen ciidamada itoobiya inay gaysteen xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah bini-adanimada oo aad u baahsan sidaana waxaa sheegay tv aljazeera oo soo xiganayay wargayska nyt.
 
Masuuliyiinta u shaqeeya ha,adaha gargaarka ayaa sheegay in mamnuucida ay xukuumada itoobiya mamnuucday gaadhsiinta gargaarka iyo isu kala socodka beecmusharku ay keentay waali sicir barar,dadka ree baadiyaha ahna loo diiday xataa inay suuq gaystan xoolahooda nool oo ahaa lafdhabarta noloshooda.
 
Maxamed Diyaab oo ah madaxa barnaamijka cuntada ee qaramada midoobay ee itoobiya ayaa nyt u sheegay inay suuragali weyday in musaacadooyinka la gaadhsiiyo meelaha dhibaataysan.
 
Xukuumada itoobiyana waxay eedaymahaas oo dhan kaga jawaabtay in cunqabataynta la saaray oo kaliya gobolo kooban oo mucayan ah taas oo looga gol leeyahay waa sida ay xukuumadu tidhiyi in la hakiyo hubka iyo rasaasta gaadhaya jabhada mucaaradka ah ee ONLF.
 
Laakiin masuuliyiin maraykan ah ayaa sheegaya inay soo gaadhayaan warbixino is daba jog ah oo sheegaya in ciidamada itoobiya ay gubayaan tuulooyinka iyo maagooliyinka gabi ahanatoodba.
 
Dadka ree baadiyaha ah ee isku daya inay cambaareeyaan xukuumada itoobiya amase ayba wax ka sheegaan waxay ka dhigan tahay iyagoo naftooda ku khamaaraya,taasna waxaa daliil u ah ayuu wargaysku yidhi:afar wiil oo dhalinyaro ah oo la dilay kadib markii jidh-dil ba,an lagu sameeyey meel fagaare ah oo dadka hortiisa ah.
20 ama 30 % gargaarka loogu  talagalay gobolka Ogaden waa la waayaa,xukuumada iyo ciidanka itoobiyana waxay Ku andocoodaan in cuntadaas gargaarka ahi waqtigeedii dhacay ama ururka mucaaradka ahi dhexda ooga baxay.
 
Ugu dambayntiina waxay kusoo gabagabaysay :Hadii uusan gargaarku si dagdag ah ugaadhin gobolka Ogaden waxaa halkaas ka dilaaci doona gaajo iyo musiiyoobin daran.
 
 
 
28 July 2007
Axmed Gaal-Eri
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM – 7:30  waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | July 26, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com