SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Buundada u dhaxeysa Muqaawamada & Shirka Asamara

Yassin Baynax 
salaama_travel@hotmail.com

Sidaan la socono waxaa si xawli ah u socda u diyaar garowga shirka Casmara, isla sidaas oo kale waxaan ognahay inuu shirkan ka duwan yahay haduu hirgalo shirarkii hore, waxuuna naqon doonaa shirkii ugu horeeyay ee soomara Somali oo ay ka qeyb galaan dad wasni weyn ku leh arimaha Somalia, markaad eegto dadka ku casuuman ee ka qeybgalaya shirka. Sida hadey ahaan laheyd diin, dadnimo, aqoon, waayo aragnimo iyo iney kasoo wada qeybgalayaan xubnaha ay ka kooban tahay bulshada. Waxaan aad uga dareeney daafaha Yurub iyo America iyo wadamada carabtaba sida uu ugu socdo u diyaargarowga iyo hadal heynta shirka Casmara. 

Isla sidaas oo kale waa gogoshii ugu horeysey ee la dhigo intii uu qabsadey Somalia gumeysiga, waana gogol ka dhalatey somalida dhaxdeeda oo uusan jirin cid u taraxda iyaga. Ama dowlad tiri anagaa lug ku leh. 

Hadaba shirka intaas baaxad le eg ee taariikhda gali doona, waxaa ay soo dhaweyneysaa haduu uu guuleysto, in ay soo dhaweyso rajada Somalia laga qabo in ay xornimo hesho oo ay iska dulqaado gumeysiga iyo midka shaatigiisa gashanba. 

Hadaba waxaa laga maarmaan ah in dagaalka Somalia ee dhinaca siyaasiga iyo dhinaca jihaadka ee caskariga ay wada socdaan oo ay jirto buundo isku xiri karta labadaas dhaqdhaqaaq.  

Waxaan ognahay oo aragney ka horna Allena noo sheegey inaan xornimadu lagu helin inaad geedka hoos jiifato ama aad danahaada khaaska ku mushquusho, balse ay u baahan tahay in maal iyo nafba loo huro.  

Sheyga gobonimada la yiraa maahan helisteeda wax si fudud lagu helo markaad taariikhad dhow iyo mida dheerba aad eegto, laakin dhinaca kale waa shey si fudud lagu waayi karo.  

Somalia marka laga reebo dhowrkii dhaqdhaqaayadii xornimo doonka ee ay kamidka yihiin dhaqdhaqaaqii uu calanka u sidey Alaha  u naxariistee Sayid Muxamad Cabdulle Xassan , waxay Somalia ku heshey xornimadeeda si fudud marka loo eego wadamada aduunyada.  

Waxaan ognahay wadanka Aljeeriya markuu raadsanayay inuu xoroobo iskana dulqaado gumeysiga iney ku qaadatey mudo dheer dad ka badana  malayin ay kaga dhimatey, taasi waxay na tusineysaa inaan dhahno Somalia waxay xornimadu ku heshey si fudud, tasoo keentey iney si fududna ku tagtey, oo difaaci waayeen.  

Hadaba shirkan casmaro oo ay lafdhabar u yihiin labada garab ee aan soo sheegney kuna xirantahay rajada Somalia bacdal Rabi waxaan oran karnaa sidee lagu heli karaa iney isla jaan qaadaan?  

Sh Shariif Sh Axmed iyo Sh Xasan Daahir Aweys oo ah hogaanka labada qof ee ugu muhiimsan xaga siyaasada difaaca dalka, iyagana ay haatan ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn madasha shirka.  

Waa labada shaqsi ee abuuri karaa iney abuuraan buundada dheere isku xirta qaaabka siyaasiga ee lagu wado Casmaro inuu ka unkamo iyo jihaadka ka socdaa Somalia.  

Labadaas shaqsi waxay si fudud ku hanteen iney Somalida ku qanciyaan wax qabadka ururka maxkamadihii lagu diirsadey ee baaxada waynaa ee taariikhda Somalia galey tasoo keentey in beesha caalamka ay si degdeg ah ku aqoonsatey waxqabadkooda inuu yahay mid aan la inkiri karin. 

Sh Xassan Daahir iyo Sh Shariif Axmed intii ay Casmara joogeena waxay isu badashey howshooda caskari kasakow iney siyaasada ay door weyn ka ciyaari karaan hadaba qofka isku helaa labadaas door inuu ka ciyaaro barnaamijka xornimo doonka ayaa noqon kara qofka  abuuri karaa inuu abuuro buundadaas dheer. 

Sameynta buundadaas waxaa ognahay iney tahay mid si sahal ku imaan karin waxaa loo baahan yahay in wakhti dheer lagu bixiyo oo ku dheehan samir iyo dulqaad badan taas oo markuu ugu soo degdego keeni karta iney ku qadato mudo ku dhow bilooyin. Waxaana ognahay inuu shirka ka hartey mudo bil gudaheeda.   

Hadaba arintu waa mid aad u adag. Dibna looma dhigi karo, inuu fashilmana waxay sii dheereyneysaa heeryada gumeysiga. Labada garabna waa iney buundadeeda dhisan tahay intaan shirka la furin si waxii shirka kasoo baxaa ay u hirgalaan.  

Hadaba inkastoo xalka uu hayo Rabi hadana waxaa la gudboon Sh Sharif iyo Sh Xasan Dahir iney gacan ka helaan walaalahood qurbo joogta ee xiriirka sokeeye la leh muqaawamada ay hogaaminayaan iyaga, kuna nool daafaha dunida gaar ahaan Yurub. Kuwaas oo soo dedejin kara iney la dhisaan buundada loo marayo Shirka Asamara iyo difaaca dalka, ee lagu doonayo in lagu xoroobo. 

Dhinaca kale waxaa iyagana u baahan in la eego in aan laga tagin cidkasta oo daneyneysa xornimo doonka Somalia.

Teeda kale waxaa iyana u baahan gudiga farsamo inuu ahado gudi akhrisankara baaxada shirka, culeyska shirka, muhiimada iyo cadowga shirka. Iney fahmaan in shirkan markuu u bato uu gaari karo inuu socon karo 2-6 cisho. 

Hadii kale ay ka tagi doonaan dad muhiim ah mashquul ay yihiin owgiis, lana doonayo inuu shirku wax la taaban karo kasoo baxaan oo goobjoog loo wada yahay oo ah soo dhaweynta xornimda Somalia. 

Hadii labadaas la waayo ee ah gudiga farsamo oo hufan iyo qurbo joogta si degdeg ah iney ka qeybqaatan dhisida bundadaba iney keeni karto inuu shirku noqdo qabyo.

Ama waxa kasoo baxaa ay adkaato hergelinteeda. 

Aduunyadu isbuucayadan waxay soo eegeysaa Asmara iyo sida loogu hagarbaxo shirka soomaalida. 

Waxaa qorey

Yassin Baynax 
salaama_travel@hotmail.com

Sweden, Stockholm

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com