SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


AQOONISWEYDAARSIYO IYO DOODO ISBOORTI iyo Ciyaaraha EuroSom

cadde muuseCadde Muuse oo ka hadlay mudaharadaadkii ka dhacay Garoowe dhegeyso halkan.

Daawo: Video-Bannaanbaxii  Garoowe DAAWO...



Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Daarood Ismaaciil iyo Tigree Ismaaciil

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Soomaalidu waxay aad u qiimaysaa xiriirrada bulshada. Cidda la jecelyahay ama la soo dhawaynayo waxaa lagala ambaqaadaa meesha ugu dhaw ee xiriirka lagala leeyahay, sida: tolnimada, reer abtinimada, xididnimada, darisnimada, isbahaysiga, saaxiibnimada iwm. Xiriirka ugu weyn ee ay qadariyaan waa abtirsiga haddii uu doono haba dheeraadee. Cidda ay muujinayaan xiriirka adag ee kala dhexeeya waxay ugu abtiriyaan awoowayaashood. Waxay sidaa ku noqdaan dad isku hayb ah oo si siman uga wada faa’iidaysta isbahaysigaas oo magta wada bixiya, hiil iyo hoo-na ka dhexeeyo, quud iyo qaaraana wadaaga.

Xiriirka noocaan ah wuxuu dhexmari jiray Soomaalida uun, taariikhdana laguma hayo in isbahaysi noocaan ah oo dhexmaray Soomaalida iyo qolo gaalo ah. Ka dib markii gumaysigu ka adkaaday kacdoonadii lagaga soo horjeeday, dalkana uu si buuxda gacanta ugu dhigay ayaa waxaa bilowday hunu hunu sheegaysa in ay jiraan qabaa’il iyo afraad xiriir hoose la leh gumaysiga, waxaana soo shaac baxay halkudhigyo ay ka mid ahaayeen: Pro Talyan oo lagu magacaabi jiray kooxo ka soo horjeeday xorriyadda, mase jirin cid si bareer ah hayb ula sheegata gumaysiga. Xilliyadii dambe ee jabhadaha mucaaradka Soomalidu u galeen Xabashida ayay dadka qaar bilaabeen in ay gaalada ugu abtiriyaan awoowayaashood; si ay u muujiyaan xiriirka dhaw ee kala dhexeeya, ka dibna waxay noqotay wax la isaga daydo oo qoladii qabqableheedu Xabashida u galaba ay ku tillaabsato. Waxaynu maqalnay Tigreegu waa Jabarti,  Facaye Sade, Xarle Koombe …iwm. Haddaba aynu is weydiinee maxaa ka dhab ah isbahaysiyadaan?, maxaase ka dhalanaya oo dhib iyo dheef ah?.

Ugu horrayn isbahaysiga Soomaalidu wada gali jirtay wuxuu ahaa mid dhab ah oo daacad laga wada yahay, kan Xabashida lala galayse waa is moodsiise ma aha wax dhab ahaan jira. Xagga nafciga isbahaysiga Soomaalidu wuxuu ahaa mid labada dhinacba ka wada faa’iidaystaan, kanse waa mid 100% u adeegaya Xabashida oo qur ah, qabiilka la socdana aysan waxba ka faa’iidayn haba yaraatee, marka laga reebo in ay reer hebel kale ku xumaynayaan. Mar kasta oo duulaan la qaadayo waxaa afka la soo saaraa xagga Soomaaliya, cid kasta oo la dilayo ama xoolo kasta oo la qaadayana waa kuwa Soomaaliyeed ee marna ma dhacdo in xagga Itoobiya weerar loo wada qaado, mana jirto mar la wada laayo Xabashi ama la wada dhoco xoolo Xabashiyeed. Marka dhinac kale laga eego xilfigaan wuxuu u dhisan yahay in lagu waxyeeleeyo gaar ahaan dadka iyo deegaanka qabiilka la socda Xabashida; maxaa yeelay jabhad walba waxay Xabashida ku soo hogaamisaa deegaanka qabiilkeeda. Xabbaddii dhacdana waxay haleelaysaa dadkooda ama duunyadooda. Tan kale inta halganku socdo waxaa Xabashida fursad loo siiyaa in ay si buuxda u dhexgasho qabiilkaas, qaybihiisa iyo deegaankiisa, waxayna xiriir adag la yeelataa dad badan oo muhiim ah. Ugu dambayntana kuwii keenay ayay kuwo kale ka hoos samaysaa oo iyagii kaga takhalustaa. Intaa waxaa dheer dhibaatooyin isugu jira kuwo diineed,  nabadgalyo, miskexeed, dhaqan iyo dhaqaale oo laga dhaxlayo isbahaysiga Xabashida.

Xagga abtirsiga: Odayaasha loogu abtiriyay Xabashida iyo dadka ku abtirsada odayaashaas badankoodu wax xiriir ah lama laha Xabshida ee xiriirkaani wuxuu ku kooban yahay kuwa la shaqaysta uun, sidaa darteed waa in aysan abtirkeena siin gaalada ee ay iyagu ku abtirsadaan awoowayaal Xabashi ah, tusaale ahaan: hebel Tigree ama hebel Amxaar iwm.

Xagga diinta: Dhibaatooyinka ka dhashay isbahaysigaan way wada taabanayaan diinta, intii aynu soo sheegnayse waxaynu ku kordhinaynaa arrimahaan:

1.    Waa wax lagu kala fogaynayo muslimiinta, gaaladana lagu soo dhaweysanayo, muslimiintuna dhab ahaan iyagaa walaalo ah, gaaladuna cadaw ayay u wada tahay.

2.    Waxay qaadaysaa teedka nacayb iyo colaadeed ee u dhexeeya muslimiinta iyo cadawgooda.

3.    Waxay tirtiraysaa caqiidada ka bari noqoshada gaalada iyo wali ka dhigashada muslimiinta, waxayna dhimaysaa ka didista gaalnimada.

4.    Waxaa lagu xadgudbayaa awoowayaasha muslimiinta ah oo loogu abtiriyay ama lala walaaleeyay gaalada.

5.    Waa been abuur cad oo lala jahrayo.

Maxaa lagu xallin karaa musiibadaan:

Inta aynaan xalka ka hadlin aynu is weydiino asbaabta keentay in dadkeena qaarki ku qamaamaan Xabashida ilaa qaarkood jacaylkeeda ku kawkabaan. Waxaa ka mid ah asbaabta mushkiladaan keentay: jahliga oo si ba’an ugu faafay bulshada. Iyada oo muddo dheer si qorshaysan dadka looga fogeeyay diintooda. Wacyiga bulshada oo aad iyo aad u hooseeya. Dadkii xulka ahaa oo loo jarabaray nacamle-nimo, taas oo keentay in ay hadba kii hoggaanka u qabta daba kacaan. Dulmiga qabiilooyinku isu gaysteen  oo qaarkood gaarsiiyay: (rag ciil cadaab ka dooray) iyo (Rabbi ka baq iyo rag iska dhici meel ma wada galaan).

Maxaa xal ah?:

 Ma jirto mushkilad aan xal lahayn, tanina ma aha mid ugub ee waa musiibo meelo badan iyo waqtiyo kala duwan ka dhacday caalam Al-islaami. Dhawr qodob ayaynu soo qaadaynaa oo qayb ka noqon kara xalka mushkiladaan:

1.    In lala dagaalamo jahliga, lana faafiyo cilmiga, gaar ahaan caqiidada islaamka.

2.    In bulshada si wacan loo wacyigaliyo, lana kala baro cadawgeeda iyo sokeeyeheeda.

3.    In la joojiyo, lalana dagaalamo dulmiga iyo xadgudubyada la isu gaysanayo, gaar ahaan dadka laga taagta roonyahay ama laga tiro badanyahay.

4.    In kooxdii gaalada raacda loogu abtiriyo kuwa ay raaceen ee aan la oran reer hebel ayaa gaalada la safan; maxaa yeelay dambi dad gaar ah faleen ayaa qabiil dhan oo muslim ah la saarayaa. Tan kale ceeb ay kaligood la madoobaan lahaayeen ayaa laga fududaynayaa.

5.    In la gumeeyo oo la weel duwo kuwa gaalada raacay ilaa ay ka toobad keenaan.

6.    In dadkeenu garwaaqsado in dadka u gacan haadinaya aysan dantooda wadin ee ay dan u gaar ah ku gaarayaan.

7.    In hoggaanka qabaa’ilka gacanta loo galiyo dad u danqanaya bulshada, isla markaana leh dadnimo ay maya ku dhahaana kuwa marin habaabinta wada.

8.    In xoog la saaro heshiisiinta qabiilooyinka is qabta.

Gabagabadii shaki kuma jiro in aysan ka dhaxayn Daarood iyo Tigree wax xiriir dhalasho ah oo Nabi Nuux ka sokeeya. Xagga diintana midna Nabi Muxammad (scw) ayuu tawxiidka ku raacay, midna Pulse ayuu shirkiga ku dabagalay. Waxa aan cinwaanka sidan ugu doortay in aan loo fahmin in aan dad gaar ah u jeedo, taas oo keeni karta in ay dadka qaar ka qadaan nuxurka qormada.

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com