SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


AQOONISWEYDAARSIYO IYO DOODO ISBOORTI iyo Ciyaaraha EuroSom

cadde muuseCadde Muuse oo ka hadlay mudaharadaadkii ka dhacay Garoowe dhegeyso halkan.

Daawo: Video-Bannaanbaxii  Garoowe DAAWO...



Xubno ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta oo ka qaybgalay Siminaarkii Futsalka iyo Beach Soccer-ka ee dalka Marooko. 


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington DC oo deeqdii ugu balaarneyd soo gaarsiiyey dadkii ku waxyeeloobay dagaalada



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Wararkii: July 31, 2007

  • Cali  Max’ed Geedi oo muujiyey in uu kalsooni weyn ku qabo Xidhibanaada Baarlamaanka

  • Iska hor imaad ciidamada Dowladda ku dhex maray Laanta Buuro

  • Magacyada xulka qaranka 17-ka jirka Soomaaliyeed

  • Wabar C/llaahi Orey “Beesha Cayr kama qaybgalin shirka dib u heshisiinta qaranka”

  • Siminaar saxafiyiin ka kala socotay gobalada dalka uga furmay Naasa hablood


Cali  Max’ed Geedi oo muujiyey in uu kalsooni weyn ku qabo Xidhibanaada Baarlamaanka

            Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi uu kalsooni ka heli doono kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ee haatan ka socda Magaalada Baydhabo. Saacadihii ugu dambeeyey ayaa Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi sameeyey dadaalkii ugu badnaa isagoo kulamo la yeeshay inta badan xildhibaanada Baarlamaanka oo qaarkood u ballanqaaday in ay codsiga kalsoonida siin doonaan. Geedi waxa kale oo uu kulan la qaatay Gdudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), waxa uuna kulankaasi qaatay mudo dhowr saacadood ah, waxaana Geedi la arkayey isaga oo ay ka muuqato farxad iyo reynreyn.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi uu taageero badan ka helayo Xildhibaanada Baarlamaanka, hase yeeshee warar ka imaanaya Baydhabo waxay sheegayaan in laga yaabo in wax xoogaa ciriir ah kala kulmo dhinaca tirada xildhibaanada gaar ahaan codka loo baahan yahay. Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi oo shalay kulamo isdaba joog ah ka dhacayeen hoyga uu ka degan yahay Magaalada Baydhab ayaa waxaa la filayaa in maanta Ra’isul Wasaaruhu hor tago kulanka Baarlamaanka si uu halkaasi uga jeediyo waxqabadkii Dowladda Federaalka.

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa mar uu ka hadlay Baarlamaanka waxa uu sheegay in waqtigaan aan loo baahneyn in lala xisaabtamo Xukuumadda, hase yeeshee Cabdi Cabdulle Siciid Jini Boqor ayaa qaba in haatan ay tahay waqtigii ugu fiicnaaa ee loo baahan yahay in si cad loola xisaabtamo Dowladda uu madaxda ka yahay Ra’isul Wasaaraha DFKMG Geedi. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la sheegay in midkiiba la siiyey lacag dhan 4-kun oo Doolar, lacagtaas oo la sheegay in ay tahay mid mudo badan ka maqneyd Baarlamaanka, waxaana la arkayey Xildhibaanada Baarlamaanka oo iska bixinaya daymankii lagu lahaa intii ay joogeen Baydhabo.

Ra’isul Wasaarre Geedi ayaa dhowr jeer ka badbaaday in  Xukuumaddiisu kalsooni weyso, balse haatan ayaa dad badani saadaalinayaan in Xukuumadda Geedi ay kalsooni ka heli karto Baarlamaanka, iyadoo uusan meesha ka marneyn dadaalka ay Dowladda Itoobiya taageerada ugu fidinayaan Dowladda, kadib markii Geedi iyo Melez Zenawi isla qaadeen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya  xukuumaddiisa iyo Baarlamaanka. 

Iska hor imaad ciidamada Dowladda ku dhex maray Laanta Buuro

Wararka naga soo Gaaraya Laanta Buuro ee Gobalka Sh/hosoe waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwa, waxa uuna iska hor imaadkaasi u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka oo ku wada xareysnaa xeradaasi.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi uu ku geeriyooday askari ka tirsan Dowladda Federaalka , halka ay lix kalana ku dhaawacmeen.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay waxa dhaliyey iska hor imaadkaasi, qaar waxay sheegayaan in uu ka dhashay askari lagu dilay habeen hore xeradaasi, warar kale ayaa waxay sheegayaan in iska hor imaadkaasi uu ka dhashay markii ay ciidamadu u kala qaybsameen kuwii horey ugu suganaa xeradaasi iyo kuwo laga keenay Garoonka Balidoogle.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka uu iska hor imaad dhex maro, dhawaan ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho iska hor imaad dhex maray ciidanka Booliiska iyo kuwa Milatariga markii ay isqoomeen.

Dhinaca kale ciidamo ku jiray xerada Carmo oo ka tirsan maamul Gobaleedka Puntland ayaa iyana halkaasi ka sameeyey gadood, kadib markii ay ka cabdeen daryeel la’aan iyo mushaar la’aan.

Magacyada xulka qaranka 17-ka jirka Soomaaliyeed

Iyadoo xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka bisha soo socota uu ka qaybgalayo tartanka xulalka qaranka ee bariga iyo bartamaha Afrika ee da’doodu ka hooseyso 17-ka ayaa waxaa xulkaasi maalmahan u socday tababar xoog leh, waxaana tababarkaasi siinayey tababare Max’ed Cabdulle Faraye, waxa uuna aakhiritaankii soo xulay ilaa iyo 27 cayaartooy, iyadoo markii hore ka koobnaa ilaa iyo 35 cayaartooy, waxaana la filayaa in 27-kaan laga sii xulo ilaa iyo 20 cayaartooy oo si rasmi ah uga qaybgaleysa tartankaasi, cayaartooyda la xuleyna waxay magacyadooda kala yihiin.

Tahliil Maxamuud Max’ed, siciid Max’ed Sheekh Bootaale, Khaalid Cali Mursal, Xasan Cabdi Max’ed, C/maalik Shariif Cali, Muxiyadiin  Axmed Max’ed, Max’ed Xaashi Siyaad (Duufaan), Qaasim Siidow Xuseen (Baaruud), Ibraahim Axmed Jamadaar, Bardi Axmed Macallin, C/raxmaan Max’ed Maleele, Anwar Saadaal Ibraahim Max’ed Cabdi Cayr, Nuune Cabdi Abtidoone, Max’ed Xasan Kaahin (Wardi),  C/wali C/qaadir Barre (Jakay), Saacid Jilicow Xuseen, C/casiis Max’ed Cali, Anwar Macallin Aadan, C/waaxid Max’ed Mahad, C/llaahi Yuusuf Cusmaan, Saadaq Caraaye Siyaad, C/raxmaan Muuse Weheliye, Tahliil Xasan Cali, C/kariin Abuukar Nuur, C/raxamaan Cali C/raxmaan. 

Wabar C/llaahi Orey “Beesha Cayr kama qaybgalin shirka dib u heshisiinta qaranka”

Qoraal uu na soo gaarsiiyey Wabarka Beesha Cayr Wabar C/llaahi Orey Caraale ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in shirka dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed aysan beesha Cayr ergo u dirsan, isla markaana kuwa ka qaybgalaya ay ka qaybgalaya ay yihiin kuwo isgood u tagay, isagoo sheegay in wixii ka soo baxay aysan quseyn Beesha Cayr sax iyo qalad midna.

“waxaan maqalnaa iyadoo dad shirka jooga leeyihiin waxaana la xiriirnay Ugaas Xasan Ugaas Max’ed ‘Ugaaska Beesha Cayar’, waxaana soo ogaaday in warkaasi uu yahay waxba kama jiraan” ayuu yiri Wabar  C/llaahi Orey oo ku soo gebagabeeyey qoraalkiisa “Beeshu shirkaasi waxay u aragtaa 20-shilin oo loo niyeestay 2-kun”

Qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ayaan ku qanacsaneyn qaabka uu u socdo shirka dib u heshiisiinta Soomaliyeed, waxayna qaarkood sheegeen in shirkaasi aan loo dhameyn, hase yeeshee Guddoomiyaha Shirka Cali Mahdi Max’ed ayaa waxa uu sheegay in ergeyda ka qaybgaleysa shirka tiradoodu ay ku gordhiyeen isagoo sheegay in taasi ugu wacan tahay sidii loo qancin lahaa beelaha Soomaaliyeed

Siminaar saxafiyiin ka kala socotay gobalada dalka uga furmay Naasa hablood

Waxaa shalay Hoteelka Naasa-Hablood ee Magaalada Muqdisho saxafiyiin ka kala socotay qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Gobalada Soomaaliya uga furmay simaar loogu magac daray ‘Saxaafadda dareesan Shaqooyinka” iyo waliba sidii loo xalin lahaa Jawareerka dhanka saxaafadda.

Siminaarkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Hay’adda Eastern Africa Media Institute (EAMi- Somali Chapter), waxaana maalgelinayey Hay’adaha USAID iyo CARE, waxaana cashiro ku aadan maareynta shaqaaqoyinka halkaasi ka bixiyey Macallin C/qaadir Maxamuud Walaayo oo ah guddoomiyaha Hay’adda EAMIs, waxa uuna si aad ah ugu dheeraaday waxyaabaha keena shaqaaqooyinka, doorka ay saxaafaddu ku yeelan karto shaqaaqo meel ka dhacday iyo waliba qaybta saxaafadda kaga aadan xalinta khilaafaadkaasi, waxa uuna sheegay Macallin Walaayo in looga baahan yahay Weriyaha in qalabkiis warbaahineeda u isticmaalo heer nabadeed iyo waliba ka talinta horumarka dhan kasta, waxa uuna sheegay in weriyaha looga baahana yahay in uu noqdo mid aan cabsan xaqiiqda runta ahna gudbin kara, isagoo yiri “haddii aad ubax dooneysid in aad ka dhex goosato meel qodxo badan, ha kaga baqanin qodoxda ee ubaxa gooso”. Siminaarkaan ayaa waxa uu soconayaa mudo shan maalmood ah, waxa uuna shalay halheyska siminaarku ahaa (Intii aad noqon lahayd qofka ugu horeeya ee qaldan, noqo midka labaad ee saxsan”

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro.

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com