SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Qaabka Loo Qoro warka, Faallada iyo Ra'yiga Guji



May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
 

:::GEEDDI & TERRA NUOVA :::
geeddiGeeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri
:::GABAYGII C/KHAYR SOOFE:::
soofeGabay: Cabbir: Caynka gabay Cibaarow adaa caalim ku ahaaye, Cisihii Rasuulkiyo adaan sunnihii caasiyine Akhri
:::MUSUQMAASUQ LA DIRIR:::
musuqmaasuq
dhegaweyneQormada Asbuucan: Dhegaweyne oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DGPL Akhri.....
:::KOOSHIN MAXAMED:::
koshinFadeexad Haysata Wiil Cabdulaahi Yuusuf u Magacaabey Safiirka Mareykanka... Akhri
:::MAQAALKII HALDHAA:::
HaldhaaSOOMAALIYEEY, CABDULLAHI WAA KAAS!!!. Akhri...
Maqaallo: A | B | C | E
:::MAQAALKII CAAQILKA:::
caaqilSidee Lagu Xalinkaraa Dhibaatada Soomaaliya: in dadka diinta labaro, iyo in.... Akhri...
:::Dr. CABDULLAAHI SPANISH:::
YAAGABLAMI,YAASE GOOD DILI
somalia
Soomaaliyey, Halkeebaad ku socotaa?..
Dr. C/laahi Spanish
TARTANKA BATROOLKA AFRIKA
riigRiigga Batroolka ka Qodaya Lamu, Kenya oo ka badbadey Dagaalka Soomaaliya Akhri...
:::Dr. CALI NUUR:::
calinuurGabha Isku Af garan la' ladagaalanka Haybsooca ee Minneapolis... Akhri... Qore: Dr. Cali Nuur
:::GABAYGII DR. C/LAAHI
drDoofaarta Raacdiyo Amxaar: Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge.. Gabaygii Dr. C/laahi Spanish
:::GABAYADII XIIRANE :::
stGabay layidhaahdo (Godlan) Gabay waala tiriyaa cabdaw, kani se waa gaare... Akhri
:::GABAYGII: SHIINE:::
Gabay: GUUBAABO QARAN... Sida goonle aaroo wax badan garab ku taagleeyey AKhri
:::TIFATIRKII LAFOOLE:::
LafooleAW JAAMAC CUMAR CIISE:: Dhinbiil dib u noolaysay Halgankii Daraawiishta- Q.5aad ahna gabagabadii qoraalka..
Tifatire: C/Risaq Lafoole

:::MURTIDA MAANTA:::
Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...
QAYBTA: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 |
:::TAARIIKH:::
DHACDADII YARMUUK & KHAALID BIN WALIID
:::SHIRKII HAYB-SOOCA:::
somalia
Shirkii Lafa-Gurka Hayb Sooca ee Lagu Qabtay Minneapolis
, oo lagu magacaabay guddi... Akhri

calinuurDr. Cali Nuur oo warqad qoraal ah u diray shirkii Hayb-sooca iyo ka qayb galayaashii shirka.. Akhri
GABOOYAHA iyo GYPSY |Xuseen
:::MFA: WASAARADA A/D:::
ItoobiyaSiyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya
Himilada iyo Siyaasadda Itoobiya... Akhri....
:::JAAMACADDA MUQDISHO:::
Jaamacad
Jaamacada Muqdisho oo La Guddoonsiiyey Qalab Waxbarasho
:::MAQAALKII ALLMAN:::
allmanBaydhabooy Yaa Ku Leh? Xiligii aantegay Baydhabo Qore: Maxamed Allman
:::MAQAALKII M.BAASHE:::
maxamedbaasheHadaaqa Wasiirka Maaliyaddu ma aha Fitno Abuur Keliya....
Qore: Maxamed Baashe
:::GABAYGII DHAGAAFE:::
dhagaafeQaadan Kari Waayay
Qamuunyoodayay xalay miyaan jiifki qaban waayay...
Akhri...
:::GABAY: GOBANIMO:::
Gobanimo: Wixii hore ka Soo Gudub: Gabaygaan ujeedada, Gundhiggiisu wuxu yahay, Shacabkaan gadoodaye... Akhri
::WARAYSI: FAARAX MACALIN::
SomaliTalk oo Waraysi la yeelatay Faarax Macallin Dawaara
oo ah siyaasi aad looga yaqaan Kenya iyo Soomaaliya Dhegeyo
:::MAQAALKII EELAY:::
eelayWAAR XABADDU WAA LACAGE, DAB KU DHALAALI!.. (pdf) Qore: Eelay. Guji...
:::GANACSIGA NASAREED :::
Hirut SemuWarbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji
 

Maanta iyo caalamka

Waxaa diyaarisay: Ikraam Cali-kaar
Gothenburg-Sweden
ikraam@journalist.com

July 24, 2007

Kalkaaliyeyaasha reer Bulgaariya oo dalkood dib ugu laabtay 
 
Kalkaaliyeyaashii u dhashay dalka Bulgaariya ee lugu eedeyey iney carruur u dhashay wadanka Liibiya ay cudurka dilaaga ah ku faafiyeen, ayaa dalkoodi hooyo dib ugu laabtay. Madaxweynaha dalkaasi oo garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey lixdaasi kalkaaliye ayaa ku dooday ineysan wax dambi ah ku laheyn waxyaabaha lugu eedeynayo.  Qubaro xagga caafimaadka ku taqasusay aya shaaciyey  carruurtaasi u cudurka saameyey daryeelo xumo isbitaalkaasi ka jirtay.  Dowlada Liibiya ayaa fasaxday eedeysanyaashaasi oo la filayo in xabsi dalkooda hooyo ku qaada doonaan. Sanadku markuu ahaa 1999-kii ayaa kalkaaliyeyaashaasi iyo dhaqtar falastiini ah layaa ugu eedeyey iney lug ku lahaayeen cudurka dilaaga ah oo carruur wadankaasi u dhashay ku dhacay. Sanadkii 2004-tana waxey maxkamada ku xukuntay  dil, hase ahaatee goor sii dambeysay oo toddobaadyadii ina dhaafay ah ayaa xabsi daa'in loogu badalay xukunkii dilka ahaa.
 
Wasiirada arrimaha dibada Midowga Yurub oo isku afgartay in ciidamo loo diro Tchad
 
Wasiirada dalalka Midowga Yurub ayaa isku afgartay iney ciidamo nabad ilaalineed u diraan dalka Tchad si looga hortago dhibaatooyinka  qaxootiga kasoo jabay gobolka Darfur kasoo wajihi karta falaagada Suudaan ee deegaanadaasi. Ciidamadan ayaa tiradooda lugu qiyaasay 1500 ilaa 3000 oo askari kuwaasoo ilaalo ka heyn doono qaxootigasi oo laga yaabo iney halkaasi qulqultooyin ka dhacaan kuwaasoo laftooada qeyb ka ah qorshaha Qaramada Midoobey ay ku dooneyso iney halkaasi u dirto ciidamo nabad ilaalin ah oo la geeyo. In dhawalana waxaa ka taagnaa muran u dhaxeeya Suudaan iyo reer galbeedka taaso la xirriirta ciidamo la geeyo gobolkaasi.

July 23, 2007

Boqorkii hore ee Afgaanistaan oo geeriyooday 
 
Boqorkii hore ee dalkaasi Afgaanistaan ayaa geeriyooday kadib markii xanuun in muddo ah hayey. Boqorkan oo magaciisa la oran jiray Maxamed Sahir Shah ayaa waxa uu xukumi jiray dalkaasi sanadihii 1973-dii , da'diisuna waxey aheyd 92-jir. Waxaa uu boqorkan dalkiisa hooyo ugu soo laabtay sanadkii 2002-da xilligaasoo gacanta dalka ay ku hayeen ciidamo xoog ku qabsaday kuwaasoo dagaal kula jiray dagaalka la baxay argagaxisada. Waxaana muuqatay rajo ah inuu ka qeyb qaato urrurada siyaasadeed ee dalkaasi ka hana qaaday markii xukunka laga tuuray taalibaan. Dalkaasi ayaa sidoo kale waxaa ka jira baroor diiq la sameeyey geerida boqorkaasi ee bari loogu yeeri jiray "Aabihi iQaranka Afgaanistaan" 
 
Iiran oo talaabo ka qaadeysa dadka aan si wanaagsan u labisneyn 
 
Dowlada Iiraan ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah dumarka iyo ragga aan si islaamka waafaqsaneyn u labista. Mid kamid ah ciidamada booliska ayaa sheegay in  dumarka sida "casriga" ah u labista ay baadi goob ugu jiraan kuwaasoo haddii la qabto laga qaadayo talaabo adag.
 
Booliska magaalada Tehraan ayaa haatan bilaabay iney ku gaaf wareegaan kuwaasoo qalabkoodi ciidan u dhan tahay si dumarka aan sida islaamka waafaqsaneyn u labista loo ciqaabi lahaa. Inkastoo booliska ay dumarka saaran ahmid gaar ah hadana waxey sidoo kale faro kulul ku hayaan ragga iyaga timaha u sameysta sidda reer galbeed.  Iiraan waa dal ku adag shareecada Islaamka dumarka dalkaasina waxaa lugu amray ineysan marin wadooyinka iyagoo xijaab xirneyn.  
 
                    Kosovo oo ka laabatay goon isutaagi ay qorsheyneysay
 
Gobolka Kosovo ee horey u shaaciyey iney doonayaa madaxbanaani ayaa haatan la sheegay iney arrintaasi ka laabteen  kadib markii kulan uu ra'iisal wasaaraha dalkaasi Agim Ceku  la qaatay xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Condoleezza Rice.
Ra'iisal wasaaraha ayaa kal hore u shaaciyey in toddobaadkan lugu dhawaaqi lahaa gooni isku taaga Kosovo oo kamid ahaan jirtay jamhuuriyadihii Yogoslaafiya.  Arrtin ayaa sidoo kale lugu waday in cod u qaato Gollaha loo dhan yahay hase ahaatee waxey timid xilli xukuumada Mosko ay isku dayeysay iney joojiso codkaasi loo qaadayey. Dadka indho indheeyo siyaasada gobolkaasi waxey ka digeen iney dhacaan rabasho haddii Kosovo ay arrintan dar dargeliso ama gooni isku taagto.

July 22, 2007

Dadka reer  Hindiya oo markii ugu horeysay doortay madaxweyne dumar ah

Dalka Hindiya dooroshooyinkii guud ee ka dhacay markii ugu horeysay waxaa taariikhda dalkaasi ku guuleysatay haweeney.Haweeneydan oo magaceeda la yiraahdo Pratibha Patil da'deeduna tahay72 jir ah ayaa waxey heshay aqlibiyada ugu badan ee dooroshooyinka baalamaaniga ah iyadoo sadex meelood codadkii la qaaday labo kamid ah heshay.Waxey sidoo kale tahay haweeneydani qareenad bartay aqoonta sharciyada iyo qaanuunka waxaana ay xukumi jirtay gobolka ku yaala waqooyi galbeed ee Rajastan.Pratibha Patil  waa haweeney caan ku ah xirashada dharka iyo hidaha dalkaasi caanka ku ah ee saarida la yiraado waxaana inta badan madaxa saartaa saaridaasi.
"Waxaan aqbalay codadkiina, waxaan mahad u celinayaa dadkii ragg iyo dumar lahaa ee dalkeena Hindiya" ayey tiri Pratibha Patil oo wakaalada wararka AFP ay kasoo xigatay.
Talaabada haatan dalka Hindiya qaaday waxaa lugu tilmaamay iney tahay mid sinaani ku jirto maadama dalkaasi dumarka ay in badan ahaayeen kuwa shaqooyin adag haya, qaarkoodna ay tacliinta ku jeedeen waxaana la runsan yahay in haweeneydani ay qaadi doonto talaabooyin ay kaga hortageyso tacdiyada ka dhanka ah dumarka dalkaasi oo qaarkood guur deg deg ah la geliyo iyagoo lugu iibsado dhaqaale qaarkoodna kufsi lugula kaco. Maalinta isniintana waxaa lugu wadaa iney shaqadeedii ugu horeysay ee madaxweynenimo dalkasi xafiiskiisa qabato.  
 
                Maxaabiista Guantanamo bay oo qareenadooda la tusinayo cadeymihii loo adeegsaday xirnaanshahooda 
 
Maxabiista ku xiran xabsiga Guantanamo bay ee jasiirada Kuba ayaa qareenada u dooda xaquuqdooda waxaa markii ugu horeysay la tusayaa cadeymo la xirriirta eedeymaha dowlada Washington ee argagaxisanimada lugu sheegay. Qareenadan ayaa haatan la sheegay in marka cadeymahaasi la horkeeno ay helayaan fursad ah iney u doodaan maxaabiistaas lugu sheegay "Cadowga aan shirciyeyneyn ee lala dirarayo" Hase ahaatee cadeymaha sirta ah ee loo arko iney culustahay ayaa la sheegay ineysan qarenadaasi gacanta ku dhigeyn ama la tusin doonin.
Xabsiga Guantanamo ayaa waxaa ku jira 385 maxbuus oo badidooda ah muslimiin lugu soo qabtay dagaalkii Washington iyo xulafadooda ku qaadeen dalkaasi Afgaanistaan sanadkii 2001-da taasoo ka dhan waxa loogu yeeray la dagaalanka argagaxisada caalamiga ah.
 
Taalibaan oo ku hanjabtay iney qoorta u dheereyn doonto muwaadinin u dhashay dalka Jarmalka oo gacantooda ku jira
 
Kooxo hubeysan oo ka tirsan ururka Taalibaan ee wadanka Afgaanistaan ayaa ku hanjabay iney qoorta u dheeren doonaan labo muwaadin oo u dhadhay wadanka Jarmalka kuwaasoo gacanta kooxahaasi ku jira. Afhayeen u hadlay kooxdaasi oo la yiraahdo Yuusuf Axmadi ayaa wakaalada wararka ee AFP kasoo xigtay inuu sheegay in haddii Jarmalka iyo xukuumada Xamiid Karazaa-ga dalkaasi aysan sharuudahooda aqbalin iney qudha ka jirayaan labadaasi maxbuus.
Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Jarmalka ee ka jooga dalkaasi ee 3000 askari gaaraya aan dib looga celin lana soo deyn qaar ka tirsan dagaalyahanada Taalibaan ay ragaasina dili doonaan. Ma ahan raggaasi Jarmalka ah waxa afduubka loo geystay ee waxaa jira kuwo kale oo u dhashay wadanka Kuuriyada Koonfureed kuwaasoo iyagana 18 gaaraya.

July 21, 2007

Afgaanistaan oo lugu afduubtay kooxo loo maleeynayo iney faafinayeen diinta Masiixiga

Kooxo taabacsan urrurka Taalibaan ayaa afduub u geystay dad u dhashay wadanka KuuriyadaKoonfureed, kuawaasoo ka afduubtay Deegaanka la yiraahdo Ghazni ee wadankaasi Afgaanistaan. Kooxahan la afduubtay ayaa waxey ahaayeen dhalinyarro ka tirsan kaniisad dalkaasi laga leeyhay kuwaasoo u joogay howlo loo maleynayo iney diinta masiixiga faafinayeen. Hase ahaatee hadal taas ka duwan ayey wakaalada warar AP kasoo xigtay kaniisada dalkaasi taasoo ay ku sheegtay iney halkaasi howlo la xirriira kaniisada ay ujoogeen.

Afhayeen u hadlay kooxdaasi wax afduubtay ayaa sheegay iney afduubteen dhalinyaradaasi iney tiradooda dhameyd 18 dhalinyarro ayna gacantooda ku jirto islamarkaasina sharuudahooda ay dib kasoo sheegi doonaan.  

Nin gabadhiisa dilay oo dalka Ingiriiska labaatan sanno xarig ah lugu xukumay 

Aabe u dhashay dalka Kurdistaan ayaa maxkamad ku taala magaalada London ee dalka Ingiriiska waxey ku xukuntay labaatan oo xarig ah kadib markii u dilay gabar uu dhalay. Aabahan oo 52 jir ah ayaa la sheegay in isaga iyo walaalkiis ay gacan ka geysteen dilka gabadhiisa. Sidoo kale waxaa la sheegay ka hor intaaney gabdhiisa dilin aabahan iyo  walaalkiis iney tacadiyo iyo "kufsi" u geysteen kadibna ay meydkeeda ku aaseen guri deegaanka ku dhow.
 
Booliska ayaa sheegay dhinacooda in gabadhaasi ka hor intaan la dilin ay dhowr jeer dacwad ugu timid  kadib markii waalidkeeda ay u sheegeen "Iney xirriir la yeelatay wiil qaldan" taasoo macnaheedu yahay wiil aysan la dooneyn oo xirriir jaceyl ka dhaxeeyey.Xeer ilaaliyaha maxkamadana waxa uu sheegay in dacwadii gabadhaasi aysan booliska wax weyn ka dhigin dambigana ay geestooda ku leeyihiin.
 
Qowmiyada Kuridda ee dalalka Yurub yimaada ayaa inta badan waxaa ay gabdhooda u geystaan dacdiyo iyo dilal kadib markii qaar kamid ah gabadhahaasi xirriiro ay la sameystaan wiilasha dalalka ay u yimadeen taasoo waalidiintana ay u arkaan qalad iyo sharaf dhac ku timi magacooda iyo dhaqankooda.

July 20, 2007

Mareykanka oo Ruush-ka cambaareeyey 

Xoghayaha arrimaha dibada dalka Mareykanka Condoleezza Rice ayaa cambaareyn u soo jeedisay xukuumada Mosko ee dalkaasi Raashiya. Wareysi ay siisay telefeyshinka la iska arko ee SKY News ayey ku sheegtay in dowlada Ruush-ka ay ka gaabsadeen iney wada shaqeyn la yeelato dowlada Ingiriiska qadiyada la xirriirta basaasihii u dhashay dalkaasi ee lugu dilay magaalada London sanadkii hore.
"Dembi aadu fool xun ayaa ka dhacay ciida Britian, dowlada Ingiriiskana waa iney soo qabataa gacan ku dhiiglayaashaasi si ay cadaalada loo horkeeno" ayey tiri Rice oo muujineysa sida dowladeeda ay taageero arrintan la xirriirta ugu heyso. Midowga Yurub oo haatan dalka Bortaqiiska hogaankeeda hayo ayaa iyadana qoraal cambaareyn ah laga soo saaray.
 
Basaase u dhashay dalka Ruusha-ka heystana dhalasho britian ayaa bishii november ee sanadkii waxaa lugu dilaya magaalada London ee dalkaasi Ingiriiska kadib markii la siiyey sunta radio active-ka loo yaqaano, waxaana dilka ninkaasi loo maleynayaa iney ka dambeeyaan xukuumada Putin-ka dalkaasi.                

  Roobab xoogan oo dalka Suudaan ka da'ay waxyeelana geystay 

Ugu yaraan kontomeeyo ruux ayaa ku dhintay tobanaan kun oo kalena waa ku guryo beeleen kadib markii roobab xoogan oo mahiigaan ahi ay ka da'een dalkaasi Suudaan. Hey'ada gargaarka ee halkaasi gaaray ayaa sheegay iney gurmad xoogan oo dag dag ahi ay u baahan yihiin, waxaana ay cabsi xoogan ka muujiyeen roobabkan oo waqtigiisa ku eg yahay bisha Oktoobar uu dad badan galaafto ama qasaarooyin xoogan garsiiyo dadka reer Suudaan.
Wabiga Niil iyo Gash oo dalkaasi mara ayaa durba la sheegay iney buuxsameen , sideed kamid lix iyo labaatankii qof ee reer Suudaan ahi waxaa soo gaaray qasaaro xoogan oo roobabkaasi u geysteen. Odey sagaashan jir ah oo hey'ada laan qeysta cas badbaadisay ayaa u sheegay inuusan noloshiisa arag roobab sidan u xoog badan dalkaasi ka da'a.                  

  Tony Blair oo darsaya qorshe lugu aqaansanayo dowlad ay Falastiin leedahay 

Tony Bliar oo ahaa ra'iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Britian ee dhawaan loo magacaabay inuu noqdo ergeysa qaaska ee bariga dhaxe ayaa haatan waxa uu bilaabay in arrimaha bariga dhexe gudalo. Toney Blair oo lugu wado in bisha september ee fooda inugu soo heyso u baqoolo bariga dhaxe ayaa sheegay inuu haatan darsayo xiisada Falastiin. Shir jaraa'id oo uu maanta qabtay ayuu sheegay inuu doonayo inuu dhageystomarka hore dalalka daneeya arrimaha bariga dhaxe ka hor inta aanu jawaabin su'aalaha amuurtaasi.
Magaalada Lissabon ee xarrunta dalkaasi Bortaqiiskana waxaa Blair uu la kulmi doonaan dalalka la baxay afar geesoodka ee Midowga Yurub, Mareykanka, Qaramada Midoobey iyo Raashiya halkaaso lugu wado inuu soo jeediyo qorshaha lugu doonayo in lugu unkamo dowlad ay Falastiin leedahay.

July 19, 2007

Ragg ka dambeeyey qaraxyo ka dhacay magaalada Bombay ee dalka Hindiya oo dil lugu... 

Markii ugu horeysay tan iyo intii muddo ah waxaa maxkamada ku taala dalkaasi Hindiya ku xukuntay dil daldalid ah sadex nin oo ka dambeyey weeraro la fuliyey sanadki markuu ahaa 1993-kii. Raggan sadexda ah ayaa waxey abaabuuleen qaraxydaasi oo ay ku dhinteen dad gaaraya 257 ayna ku dhaawacmeen in ka badan 700 ruux. Inkastoo ay jiraan dad gaaraya 80-meeyo ay maxkamadu  ku xukuntay xarrig hadana waxaa la aamisan yahay in ninka Hindiya runsantay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weeraradaasi uu haatan yahay mid xor ah.
 
Weeraradan la fuliyey sanadkii 1993-dii wuxuu ahaa mid lugu sheegay argoosi dagaalo horey u dhexmaray kooxaha xagjirka Hindida ah kiyo kuwo muslimiin ah, arrintanina waxey timid markii kooxahaasi hinduuga ahi ay burburiyeen masaajido gaaraya 15.000 oo ay lahaayeen dadka muslimiinta ah. Xukunkii maxkamada maanta fulisay wuxuu ahaa kiigu u dheera ee dacwadeedu soo jiitameysay muddo haatan laga joogo 14 sanno.
 
 
              Sarkaal u dhashay Argantena oo dalka Spain lugu xukumay
 
 
Sarkaal sare oo ka tirsannaan jirtay ciidamada dalkaasi argantena ayaa warmurtiyeed kasoo baxay dalkaasi lugu sheegay iney xukun ku fulisay.Ninkan oo lugu magacaabo Ricardo Miguel Cavallo ayaa xabsi daa'in lugu xukumay kadib markii lugu eedeyey inuu sameyey falal iskugu jira afudubyo iyo tacadiyo uu u geystay dad u dhashay wadanka Spain xilligii uu ka talinayey dalkaasi Argentena keligii taliyihii hore sanadihii 1976-83-dii. Waxaa sidoo kale ninkani uu xirnaa tan iyo sanadkii 2003-da hase ahaatee sanadkii ina dhaafay ayey dowlada Madrid dooneysay iney ninkaasi dalkiisa dib ugu celiso codsiga uga yimid xukumada Argentena hase ahaatee waxaa racfaan go'aankaasi ka qaatay qareenkiisa oo arrimo badan oo dhinaca qaanuuniga dalkaasi caan ku ahaa.

 

July 18, 2007

Kalkaaliyeyaashii reer Bulgaariya oo lugu xukumay xabsi daa'in 

Kalaaliyeshaasii u dhashay wadanka Bulgaariya ee in dhawaalabe dacwadoodu ka socotay dalka Liibiya ayaa haatan maxkamada sare ee dalkaasi waxaa ay ku xukuntay xabsi daa'in taaso ka baajineysa dilkii awal maxkamada ku xuntay. Maxkamada ayaa sidoo kale waxey kalkaaliyeyaashan  iyo dhaqtar Falastiini ah heystana dhalasho Bulgaiya ah ku eedeysay iney carruur dhan 438 carruur ah ay ku faafiyeen cudurka dilaaga ah. Arritan dilka loogu badalay xabsi daa'inkata ayaa timid ka gadaal markii Midowga Yurub iyo hey'ad dowli ah da daal u galeen siddii looga baajin lahaa dilkaasi waxaana midowga Yurub bixiyeen lacag madhow ah oo la siinayo qoysaskii ay carruurtooda waxyeeladu soo gaartay.
Kalkaaliyeyaashan iyo dhaqtarkan ayaa muddo haatan sideed sanno laga joogo la qabtay tan iyo wixii ka dambeeyey waqtigaasina waxey ahaayeen dad ku jiray xabsi, sanadkii 2004-ta ayaa markii ugu horeysay la horkeenay maxkamad, toddobaadkii horena waxaa ay maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah.
 
Kooxdan caafimaad ayaa arrintooda waxey dhalisay buuq xoogan oo u dhaxeeya Bulgaariya, Midowga Yurub iyo dowlada Liibaya. Waxaa sidoo kale ay kooxdani sheegeen in qirashada ah iney carruurtaasi cudurkaasi ku abuureen ay qirteen timid markii lugula kacay jirdil iyo tacadiyo. Hase ahaatee waxaa ay ku doodayaan inteysan iman wadankaasi in cudurkaasiba carruurtu qabtay. Wararkuna waxaa ay sheegayaan in dayacnaan iyo daryeel caafimaad darro oo cisbitaalka ay ka howlgaleen kooxdani ay ugu wacan tahay in cudurkaasi la qabadsiiyo tiro carruur ah oo intaas cadadoodu la eg tahay.
 
Dhinaca kale xukuumada Sofia ee Bulgaariya inkastoo talaabadaasi aysan soo dhaweyn hadana waxaa wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Ivailo Kalfin sheegay in arrintu haatan xagooda ay kasoo afjarmeyso marka dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowlada Liibiya ay   kala hadlayaan sidoo arrintaasi suuragal ku noqon laheyd.
 
 
                                  Wasiirad lugu soo eedeyey musuq maasuqnimo
 
 
Haweeneyda wasiirka maaliyada uga ah dalkaasi Argentena Felisa Miceli ayaa maanta waxey iska casishaya xilkii wasaaradaasi ay dowlada dalkaasi ka heysay, kadib markii lugu eedeyey lacago ay lunsatay iyo musuq-maasuqnimo. Xeer ilaaliye federaal ah ayaa haweeneydan ku eedeyey aduun dhan 64.000 oo dollarka Mareykanka in laga dhex helay suuliga xafiiskeeda. Heeneydani oo eedeymahaasi iska fogeyneysa ayaa sheegtay iney aheyd mid ay ugu talagashay iney guri ku dhisto ee aaney aheyn mid ay dowlada lunsatay. Waxaa sidoo kale ay haweeneydani noqoneysa ruuxii ugu horeeyey ee xukumada dalkaasi ka dhisan ka tirsan oo wax isdabamareyn lugu soo oogo.
 
 
                      Qaxooti Afrikaan ah oo dalka Spain ku soo qulqulaya
 
 
 
Qaxooti tiradooda lugu qiyaasay labo boqol oo qof ayaa waxey soo gaareen dalkaasi Spain, kadib markii doono kalluumeysato oo ay saarneeyeen in muddo ah ay jid ku soo jirtay. Habeenimadii axada soo galeysay ayaa labo doon oo kuwa kalluumeysiga ah kana buuxeen dad badan oo qaxooti Afrikaan ahi saarneeyeen ku soo xirtay doonidooda dekada  Fuerteventura. Inta la ogsoon yahay dad gaaraya tiradooda 4.700 ayaa dalkaaso soo gaaray iyadoo ilaalada xuduudaha dhinaca badda ay Midowga Yurub si weyn u ilaalinayaan. Waxaana ilaalinta xuduudaha dhinaca badda loo xilsaaray shirkad la yiraahdoFrontex oo gacan ka geysaneysa sidey u ilaalin laheyd xuduudaha Yurub ee dhanka Spain laga soo galay. Sanadkii ina dhaafay ayaa sidoo kale qaxooti u badan Afrikaan iyo eeshiyaanba waxey isku dayeen iney ka talaaban xadka Spain si ugu sii gudbaan qaarada Yurub, nasiib darrase waxaa dadkaasi badidooda lugu celiyey dalalkoodi.  
Dadyowga soo hijrooda ee tahriibka doorta ayaa badidooda waxey la kulmaan dhibaatooyin aad u farro badan waxaana qaar bdan oo iyaga kamid ah ku dhintaan baddaha iyo barriga, waxaa taas u dheer dalalka ay u soo hijroodeen oo ilaalada xuduudaha u naxariisan kuwaasoo dib ugu celiya halkii ay ka yimaadeen markoodi hore ama qaarkoodna dhiga xabsiyada.  

 

July 17, 2007

Maxaabiis u dhashay Sacuudi Careebiya oo laga sii deyaaye xabsiga Guantanamo 

Maxaabiis u dhashay wadanka Sacuudi Careebiya ayaa xabsiga ku yaala jasiirada Kuba ee Guantanamo bay laga sii daayey. Wakaalada wararka u faafisa dalkaasi ayaa sheegtay in lix iyo toban maxbuus laga sii daayey xabsigaasi, halka telefeyshinka ku hadla afka Carabiga ee Alcarabiya laftiisa uu sheegay in maxaabiis kale oo reer sacuudi ah kuwaasoo tiradooduna gaareyso 53 ay weli baaqi ku yihiin xabsigaasi.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta ka dambeysa siideynta maxaabiistan u dhashay Sacuudiga ayaa hadana waxaa bishii juun ee sanadkan la sheegay in labo maxaabiis oo Sauucdiyaan ahi ay isku dal daleen xabsigaasi taasoo dadka reer Sacuudi ay si weyn uga carooday.
Dhacdooyinkii ka dhacay dalkaasi Mareykanka ee weeraradii 11/9 ayaa afduubayaashii diyaaradaha ku dul buburay dalkaasi la sheegay badidooda iney yihiin Sacuudiyiin.

Qarax ka dhacay waqooyiga Ciraaq oo dad badan ku dhinteen 

Ugu yaraan sideetan iyo shan ruux ayaa lugu soo waramayaa iney geeriyoodeen halka boqol iyo sideetan qof oo kalena ay dhaawacmeen kadib markii labo baabuur oo laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa uu ka dhacay magaalada Kirkuk ee kutaal waqooyiga dalkaasi Ciraaq.
Booliska magaaladaasi ayaa sheegay in labadaasi qarax ee ahaayeen kuwo si weyn loo qorsheeyey lana beegsaday meel dadku badan yihiin oo aheyd goob ganacsi.
Magaalada Kirkut oo ah magaalo udub dhexaad u ah shidaalka dalkaasi soo saari jiray ayaa waxaa wada dega Kurdiyiinta, Turkumeeniyiinta, Sunida iyo Shiicada, waxaana ka taagan xiisad xoogan u dhaxeysa dadyowgaasi taasoo ku saleysan ciddii shidaalkaasi soo saaritiisa gacanta ku heyn laheyd.
Qaraxa maanta magaaldaasi ka dhacay ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka xafiiska xisbiga PUK oo ka tirsanaan jiray madaxweynaha haatan xukunka haya ee Jalaal Talabani oo isagu kasoo jeeda qowmiyada Kurida. Weriye ka tirsan wakaalada wararka Reuters oo goobtaasi joogay ayaa sheegay in dukaamankii ku dhawaa wadooyinka ay burbureen dad badan oo rayid ah kuwaasoo dhaawac iyo meyd iskugu jiray ay daadsanaayeen goobtii qaraxu ka dhacay.

Dowlada Ingiriiska oo dalkeeda ka saartay diblomaasiyiin u dhashay Ruush-ka xiisadna ka dhalisay labada dal 

Xukuumada Ingiriiska ayaa dalkeeda waxaa ay ka saartay diblomaasiyiin u dhashay wadanka Ruush-ka kuwaaso dalkeeda booqasho ku joogay.Arrintanina waxey timid markii xukuumada Mosko ay diiday iney so dhiibto ragg lugu tuhmayo iney ka tirsanaayeen sirdoonkii hore ee dalkaasi oo la runsan yahay iney dileen basaasihii u dhashay Raashiya Aleksander  Litvinenko oo sanadkii hore lugu qaarajiyey magaalada London.
Ninka lugu magacaabo Andrej Lugovoj oo ah ninka loo maleynayo maskaxdii ka dambeysay dilkii Aleksander Litvinenko ayaa dowlada Raashiya sheegtay ineysan  u soo dhiibeen booliska London oo codsaday balse waxey sheegtay iney dalkeeda ku ciqaabeyso hadey jiraan eedeymaha loo heysto ee ah qaarajinta basaasahaasi ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka ee KGB.
Wasiirka arrimaha dibada dalka Britain  David Millband waxa uu sheegay in hakad ku yimid wadahal laxirriira dal ku galka (visaha) dalkiisa ee ay diblomaasiyiintaasi heysteen, waxaana intaasi hadalkiisa ku daray ineysan aheyn arrin ay dowladiisa soo dhaweyneyso.
 
Dhinaca kalena hadal laga soo saaray wasaarada arrimaha dibada Raashiya ayaa lugu sheegay in talaabada London qaatay ay tahay mid aan laga aamusi karrin islamarkaasina dhaawac weyn u keeni karta xirriirka labada dal. Londona waxaa talaabada ay qaatay ay ku sheegtay iney tahay mid jawaab u ah dhago adeygii xukuumada Mosko ee la xirriirta soo gudbinta dadka lugu tuhmayo iney ka dambeeyeen dilkii  basaasihii Aleksander  ee bishii nnovember ee sanadkii hore lugu qaarajiyey magaalada London kadib markii sunta radio active-ka loo yaqaano cunto loogu daray.

 

July 16, 2007

Dalka Pakistaan oo xaaladeeda amni cakiran tahay

Inkastoo ay maalmahani ay kamuuqatay degenaansho dalkaasi Pakistaan iyo toddobaadkii hore markii ay qarxeen xiisadii ka dhalatay majidka cas ayaa hadana maanta waxaa halkiisi ka bilowbaday weerarada ismiidaaminta ah ee lala beegsanay ciidamada dowlada. Maantana waxaa dhacay weerar ismiidamin ah oo ay ku dhinteen dad gaaraya ugu yaraan 23 ruux,. Qaraxa koowaad ayaa waxaa ku dhintay dad iyagana gaaraya 12 ruux kuwaasoo ku dhintay halka qaraxaasi ka dhacay oo ah deegaanka loo yaqaano Matta.

 
Gelinkii dambe isla maantana waxaa qarar kale oo ismiidaamin ah ku dhintay 11 ruux halka dad gaarayana 30-meeyo ay ku dhaawacmeen, kaaso isagana gaari lugu xiray qarxay magaalo ku taala dhanka waqooyi beri. Booliska waxey sheegeen tan iyo maalintii shalay aheyd iney dhinteen dad gaaraya 24 ruux kuwoo geeridooda timid xiisadii ka dhalatay masjidka cas ee ay ciidamada dalkaasi xoog ku galeen. Dad in badan ku dhintay qaraxaasi waxey ahaayeen kuwo ku jiray dhismo ay leeyihiin booliska kuwaasoo iyaga codsanayey in loo qorto boolisnimo markii qaraxyada halkaasi lala beegsaday.
 

Kalkaaliyeyaashii reer Bulgaariya ee dilka lugu xukumay dalka Liibiya oo rajo gashay

 
 
Ehelada carruur u dhashay dalka Liibiya kuwaasoo kalkaaliyeyaal u dhashay dalka Bulgaariya iyo dhaqtar Falastiini ah lugu eedeyey iney ku abuurreen cudurka dilaaga ah ayaa haatan waxey sheegeen iney aqbalayaan lacago madhow ah dhibtii caruurtooda gaaray.

Kalkaaliyeyaashan iyo dhaqtarkan falastiiniga ah ayaa haatan waxey qabaan in go'aankii dil ku xukumida ahaa ay ka baaqsadaan,waxaana lugu wadaa in maalinta berito ah ay maxkamada sare ee dalkaasi eegto heshiisha lcag bixinta ah ee ay eheladaasi ogolaadan iyo haddii ay jiri karto ciqaab fudud.
Wasiirka Arrimaha Dibada dalkaas Abdulrahman Shalgham in dhaqaalaha magdhowda ah ay bixinayaan dalalka reer Yurub qaarkood iyo hey'ada aan dowliga aheyn, sidoo kalena ay jirto boqolaal kun oo sanduuq dhaqaale loogu talagalay taasoo dowladaha Libiya iyo Bulgaariya ay saxiixeen si loo saxo qaladaadka jira. Lix kamid ah dadkaasi la tuhmayo ayaa xabsiga la dhigay tan iyo markii muddo haatan sideed sano laga joogo lugu eedeyey falkaasi. Sanadku markuu ahaa 2004-tana waxaa si rasmi ah dacwad loogu eedyey iney si ula kac ah ay carruur gaareyso 438 ay cudurkaasi dilaaga ah ku faafiyeen. Maalintii arbacada ee aan soo dhaafnayna waxey maxkamada dalkaasi si rasmi u sheegtay in dil lugu xukumay eedeysanyaashaasi. Hey'ado aan dowli aheyn tiradoodana lugu sheegay 11.000 oo hey'adood ayaa iyagana sheegay in carruurtaasi ay cudurkaasiba lugu faafiyey ka hor intii aan eedeysanayaashasi kaba shaqeyn cisbitalkii ay carruurtaasi jiifeen. Waxaana ay hey'adahaasi cisbitaalka ku eedeyeen in daryeelkooda caafimaad ahaa mid aad u liitay.
Eedeysanayaashaasi laftooda ayaa waxey sheegeen in qiradaha dembigaasi iney timid markii jirdil iyo tacadiyo loo geystay ee aaney falkaasi ku dhaqaaqin.

 

July 15, 2007

Haweeney Ingiriis ah oo sheegtay iney guursatay wiilkii uu dhalay Usaama Bin Laadin 

Inkastoo dad badan oo dunida reer Galbeedka ah ay arrintani yaab ku noqoneysa ayaa hadana waxey haweeneydani sheegtay iney guursatay wiil uu dhalay hogaamiyaha loogu raadis badan yahay dunida ee lugu tilmaamay inuu yahay argagaxiso. Haweeneydan ayaa magaceeda lugu sheegay Jane Felix-Browne, waxaana ay u dhaxdaa iminka wiilkaasi uu dhalay Usama Bin Laadin ee magaciisa yahay Cumar Usama oo 27 jir ah. Haweeneydani ayaa sidoo kale waxey ay da'deedu tahay 51 jir waana ayeeyo ay carruurteedu ilmo dhaleen. Cumar Bin Laadin iyo xaaskiisa ayaa waxey isku guursadeen dalka Masar xilli ay haweeneydani u joogtay dalxiis.
 
Wargeyska Daily Telegraph ee kasoo baxa dalka Ingiriiska oo amuurtani wax ka qortay ayaa haweeneydani u sheegtay ineysan ka xameyn magaca aabaha odeygeeda dhalay islamarkaasina , laakinse aysan ku habooneyn in  Baasaboorkeeda lugu qoro Mrs Bin Laadin taasoo ah mid dhibaato ay kala kulmeyso makey garoomada caalamiga ah ka dhoofeyso. Cumar kasakow inkastoo uu haweeneydani guursaday goor dhow hadana waxaa uu yahay nin xaas iyo carruur horey u lahaa, Diinta Islaamkana ninka muslinka ah waxaa loo baneeyey afar xaas ah taasoo xaaskan cusubi aysan ka soo joreedin.

"Waxaan rajeynayaa ineysan dadku si xun ii cambaareyn aniga waxaan guursaday wiilkiisa ee maan guursan odeyga, qofkasta oo aniga i yaqaanana waxaan haatan ogaaday ama aan dareemaya inaan halmalyan oo cadow ah yeelanayo" ayey tiri Jane Felix-Browne oo u warameysay wargeyska The Times ee kasoo baxa dalka Ingiriiska iyadoo dhinaca kale amuurtani ay wel wel ku heyso. Booliska dalka Ingiriiska oo haweeneydani gurigeeda ku booqdayna waxaa ay u sheegeen qatarta ay arrintani leedahay iney noqotay ama ay guursaday ninka adduunka loogu baadi goob badan yahay wiilkiisa.

Dhaqtar Hindi oo argagaxisonimo looga shaki qabo 

Dhaqtar u dhashay dalka Hindiya kuna nool dalkaasi Australia ayaa booliska dalkaasi waxey ku eedeynayaan inuu ka qeyb qaadan lahaa isku day argagaxisanimo oo la fulin lahaa dalka Ingiriiska bishii ina soo dhaaftay. Ninkan ayaa la qabtay isagoo ka dhoofayey  garoonka diyaaradaha Brisbane ee dalkaasi waxaana ay boolisku haatan si toos ah ugu eedeynayaan inuu falalkaasi ka qeyb qaadan lahaa isagoo adeegsan lahaa kaarka taleefankiisa ee GSM-kaloo yaqaano.
Ugu yaraan sideed ruux oo dhaqtarkan ku jiro ayaa dhamaantood waxaa loo heystaa weeraro ismiidaamin ah oo dhicisoobay kuwaasoo laga fulin lahaa magaalada London Glasgow ee dalka Ingiriiska dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee juun.

Ban Ki Moon oo ka codsaday Israa'iil iney furto xuduudaha Marinka Qaza

 
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa dowlada Israa'iil ka codsaday iney gar gagaarka bani'aadnimo u furto xuduudaha soo gala Marinka Qaza ee dhulka falastiiniyiinta si howlaha gurmadka ah ee bani'aadnimo loo soo gaarsiiyo. Inkastoo aan la ogeyn sidey codsigaasi Israa'iil uga soo jawaabi doonto ayaa hadana xaalada bani'aadnimo e goobahaasi laga deyrinayaa tan iyo intii dagaalada qul qulatooyinka ah ee u dhaxeeya kooxaha Fatax iyo Xamaas ku dhex mareen dhawaan ay dhaceen taasoo xaalada halkaasi awal horay uga jirtay sii murjisay.
Israa'iil ayaa xuduudaha gala Marinka Qaza xirtay markii dagaalyahanada Xamaas ay kala wareegeen bishii hore bartamaheedii xoogagaii Fatax ee halkaasi horey u heystay. Tan iyo wixii markaasi ka dambeeyey Israa'iil waxey ogolaatay oo keliya iney deegaanadaasi yimaadaan waxyaabaha daruuriga ah ee gaadiid ahaanta lugu soo daabulo.

July 13, 2007

Wasiirka Ganacsiga iyo Hormarinta Britian: "Haatan waxaa la joogaa xilligii wax la dhisi lahaa ee lama joogo waqtigii wax la bur burin lahaa" 

Wasiirka Ganacsiga iyo Hormarinta dalkaasi Ingiriiska  Douglas Alexander ayaa sheegay in haatan la joogo xilligii ay dowladiisa ay wax dhisi laheyd ee aysan aheyn waqtigii wax la burburin lahaa. Wasiirkan oo haatan socdaal ku jooga dalka Mareykanka ayaa muujiyey sida dowladiisa aysan diyaar ugu aheyn iney wadashaqeyn indho la'aan ah la yeelato  xukuumadda Bush sidii  Blair ee  uu ku taageertay  dagaalka ka dhanka ah waxa loogy yeeray argagaxisada caalamiga ah. Inkastoo hadalka wasiirka uu ahaa mid aan si toos ah u abaarin qorshaha fog ee xkuumada Brown hadana waxaa uu sheegay iney muhiim tahay in la dhimo awooda meleteri ee la dar dargeliyo ciribtirka Faqrinimada. Waxaana Douglas Alexander ka codsaday dowlada Mareykanka isbadal ku sameyso talaabooyinka muhiimka ah ee ay u baahan tahay iney qaado.
Raiisal  wasaaraha cusub ee dalka Britian Gordon Brown  ayaa lugu wadaa dhawaan inuu la kulmo madaxweyne Bush dalkaas,balse qorshah xukuumada Brown waa mid horey daaha looga rogay taasoo ah mid reer Mareykan loogusheegay iney xisaabta ku darsan doonaan. Sarkaal sare oo ka tirsan dowlada Ingiriiska oo u waramaey wargeyska The Guardian ayaa tilmaamay in xirriirka labada dowlad uu ahaan doono mid ku saleysan xagga iskaashiga dhaqaalaha ee aan u muuqan doonin mid meleteri.                 

Mareykanka oo lacag dheeri ah dul dhigay madaxa Bin Laadin

 
Gollaha Senet-ka dalkaasi Mareykanka ayaa cod buuxda  maanta ku aqbalay in lacag dheeri ah la dul dhigo madaxa hogaamiyaha Alqaacida ee Usama Bin Laadin cidii disha ama ugu yaraan keenta warbixin la xirriirta halka uu jaan iyo cirib dhigay. Codbixinta uu maanta gollaha helay ayaa aheyd  87-1 iyo lacag dhan 50 malyan oo dollarka Mareykanka ah. Go'aanka gollaha maanta gaaray ayaa la hor dhigi doona Aqalka wakiilka oo la filayo inuu aqbalo.
 
Warbixino ay horey u soo saareen sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa sheegaya in Bin Laadin ka dambeeyey weeraradkii 11 september, waxaana ay he'adu warbixinteedu intaas ku dartay in Alqaacida ay intii hore ka habeysan tahay ama ka ad adkaan badan tahay si ay fuliso weeraro kale oo ka dhan ah Mareykanka.
Dowlada Mareykanka ayaa tan iyo intii ay dagaalka ku qaaday dalkaasi Ciraaq waxaa ay sheegtay iney bixineyso abaalmarino cida soo sheegta halka uu ku dambeeyey madaxweynihii la afgambiyey ee Sadaam Xuseen taasoo aakhirkii keentay in la soo qabto sanadkii 2005-da isagoo god ku dhuumaaleysanayo kadib markii la sheegay iney soo sheegeenn dad Ciraaqiyiin ah.   

Ciidamada Qaramada Midoobey ee ka howlagalay Kongo- Kinshasa oo loo heysto wax isaba marsiin 

Ciidamada Qaramada Midoobey ee ka howlgalay dalkii la oran jiray Zaire ee haatan loo yaqaano Kongo- Kinshasa ayaa loo heystaa iney dalkaasi dahab kala baxeen hubkana ay ka ganacsadeen xilli halkaasi ay nabadeyn u joogeen. Koox haatan ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa dalkaasi u socdaalaya kuwaasoo baaritano amuurtan la xirriira sameynaa kadib u gudbinaya gollaha loo dhan yahay . Goob joogeyaal iyo warbixin ay Q Midoobay diyaarisay ayaa lugu sheegay in askar u dhalatay wadanka Hindiya ay dahab si qarsoodi u dhoofiyeen iyagoo sidoo kale ganacsi hub ah la yeeshay falaagada Hutiga ee Rwunda. Sidoo kale shaqaale u dhashay wadanka Pakistaan oo dalkaasi ka soo shaqeeyey ayaa iyagana dambi noocan oo kale ah loo heystaa. Mana ahan markii ugu horeysay ee ciidamo ka tirsan Qaramada Midoobay lugu soo eedeyey iney dambi galeen kuwaasoo ah kuwo ka baxsan howlaha ay u joogeen goobaha loo diray. Dalka Suudaan ayey aheyd markii dalkeeda ka saartay shaqaalaha Qaramada Midoobay kuwaasoo ay ku eedeysay iney ku kacayeen howlo basaasnimo ah . Dalka Soomaaliya oo bilowgii sagaashameeyadii loo diray ayaa sidoo kale ciidamadii Kanada iyo kuwii Belgeum ku kaceen falal dacadiyo ah oo ka dhan ah bani'aadnimada.

July 12, 2007

Bush: "Weli waan ku guuleysan karnaa dagaalka Ciraaq"

 
Madaxweyne Bush-ka dalkaasi Mareykanka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inuu guulo ka gaari karro dagaalka ay dowladiisa ku qaaday dalka Ciraaq kaasoo ka dhan ahaa waxa maamulkiisa ugu yeero Argagaxisada caalamiga ah. Bilowgii sanadkana waxaa Kongoreska dalkaasi xukuumadda Bush hor dhigay sideed 18 qodob oo tan iyo bisha september ee fooda nugu soo heysa laga doonayo iney ku diyaarshaan kuwaasoo ay kamid ah qorshaha fog ee dagaalka Ciraaq. Wakaalada wararka Reuters oo amuurtan wax ka qortay ayaa sheegtay in sideed qodob oo kamid ah 18-kaasi qodob ee la xirriira amuuraha Ciraaq ay kamid yihiin kobcinta ama hormar laga gaaro dib u heshiinta kooxaha Ciraaqiyiinta, iyo dhibaatooyinka laga kulmay halka labo kamid ah qodobadaasi aan si rasmi ah loo shaacin.
 
Bush oo shir jiraa'id uu qabtay maanta ku soo ban dhigay dukomint qabyo ah ayaa sheegay in warbixinta buuxda la keeno bisha september markaasoo ah waqtiga lugu wado in la soo bandhigo qorsho istiraajiyadeed oo cusub oo dalkaasi Ciraaq loogu talagalay. Bisha soo socotana sidoo kale waxaa lugu wadaa in gobolka Bariga dhaxe ay tagaan Condoleezza Rice iyo xoghayeeda Gaashaandhiga Robert Gates kuwaasoo wada hadal kala yeelan doona wadamada xaliifada lah arrimahaas.Bush ayaa sidoo kale shirkaasi jiraa'id kaga hadlayey xaalka Ciraaq iyo dhibaatooyinka dalkaasi ka jira ayaa tibaaxay iney jiraan astaamo difeed ama daal ah oo dagaalkaasi la xirriira balse waxa uu ku adkeystay in xukuumadiisa guulo ka gaareyso.
 
"Ma doonayo inaan aabayeelka iyo hooyooyinka dhalay wiilashooda aan ku iraahdo waxaan u dirayaa dagaalka, laakin waxaan runsanahay inaan guuleysaneyso ama guuleysan karno" ayuu yiri Bush oo shirkaasi jiraa'id qabanayey isagoo ku adkeysanaya in dagaalka uu iclaamiyey ee ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray la dagaalanka Argagaxisada uu guulo ka gaaro karro.Waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu codka diidmada qayaxan u adeegsan doono cidkasta oo isku daya iney dib u soo celiso ciimada Mareykanka ee jooga dalkaasi Ciraaq. "Mana runsani in Kongoreeska ay dagaalka hogaanka u hayaan ayuu hadalkiisi ku afjray. Waxaase xusid mudan in hadalada maanta Bush ku hadlay ay ahaayeen kuwo uu sanadki 2003-da ku hadlay wax yar kadib markii xukunka Saddaam Xuseen laga tuuray markaasoo uu sheegtay in guulo laga gaaray dagaalka Ciraaq.

Alcaaqida oo fariin u dirtay dadka reer Pakistaan

 
 Urrurka Alcaaqida uu hogaamiye Usaama Bin Laadin ayaa la sheegay iney fariin u direen dadka reer Pakistaan taasoo la xirriirta dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee masajidka cas ee ku yaala dalkaasi Pakistaan oo maalmahan ka taagneyd xiisado. Ninka labaad ee urrurkaasi ku jira Ayman Azawahiri ayaa fariin lugu soo daabacay internet-ka ka codsaday kacdoon ka dhan ah madaxweynaha dalkaasi Pervez Musharraf sameeyaan si xukunka looga tuuro."Musharaf iyo eeyaha ay wataan oo u adeegaya saliibiyiinta iyo gaalada ayaa idiin horseeday dhibaatooyin"ayuu yiri Azawahiri oo hadalkan u jeediyey culimada diinta iyo cidkasta oo u sheegay iney dalkaasi maslaxadiisa ka talineyso. Dalkasi ayaa mudooyinkan tan iyo intey soo caan baxday xiisadii ka dhalatay masjidka cas oo ay ardey badani ku gadoodeen ayaa waxaa haatan masjidkaasi gacan ku heyntiisa la wareegay ciidamada amniga kuwaasoo sheegay ineysan u ogolaan doonin in markale hallkaasi hogaanka la wareegaan kooxaha ay ku tilmaameen kuwa xagjirka ah ee diinta.

Kooxo Xag jir ah oo banaan bax ku sameeyey masaajid laga dhisi lahaa magaalo ku taala dalka Jarmalka

Booliska magalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa xirxiray dad gaaraya 20-neyo kuwaasoo rabasho kiciyey kadib markii la sheegay in masjid ay muslimiinta leeyihiin la doonayo in laga dhiso magaalada layiraahdo Pankow-Heinersdorf oo iyadu ah magaaladii ugu horeysay oo ka tirsan wadanka Jarmalka Bari ee komonistaha u talin jiray.Magaaladan ayaa waxey hoos timaamada deeganka DDR, waxaana la weriyey iney tahay mid dhulka la iibshay ay tahay mid raqiis ah oo aan sidaasi qaali u aheyn. Ilaa iyo haatan ma jiraan wax qasaaro ah oo halkaasi ka dhashay marka laga reebo in la xiray qaar ka tirsan kooxaha faquuqa qaba ee xag jirinta ah ee iyagu kasoo horjeeday in masaajidkaasi halkaasi laga dhiso iyo dhalinyarro iyagana difaacayey xaq u lahaanshaha iney helaan meey ay waajibkooda diiniga ah ku gutaan.

Xukuumadda Liibiya oo weli ku adkeysaneysa dilka ay ku xukuntay Kalkaaliyaashii reer Bulgaariya 

Faafin: SomaliTalk.com | July 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com