SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


  • Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG Oo Talaadadii Baaritaano Xoogan Ka Bilaabay Muqdisho.
  • Wadaado Tabliiq ah Oo Ku Guda Jiray Faafinta Diinta Islaamka Oo La Qab-qabtay
  • Aadan Xaashi Cayroow Oo Sheegay Inay Ka Dambeeyeen Qaraxii Raysul Wasaare Geedi.
  • Cumar Xaashi Oo Eedeyn Kulul Dusha Uga Tuuray Masuuliyiinta Gobolka Banaadir.

Cutubyo Ka Tirsan Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG Oo Talaadadii Baaritaano Xoogan Ka Bilaabay Muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Saaka waaberigii ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee ku sugan caasimada muqdisho lagu arkayey iyagoo baaritaano xoogan oo dhinacyo badan leh ka wada xaafado iyo degmooyin ka tirsan magaalada muqdisho .

Degmada huri-waa ee magalada muqdisho ayaa saaka waxaa ka dhacay baaritaan xoogan oo lagu gelayo guryaha dadka rayidka ah si xoog ah oo aan loo kala aabe yeelayn islamrkaana lagu soo qab-qabtay dad rayid ah oo lagu aaneeyey inay ka dambeeyeen qaraxyada iyo dilalka lala beegsado askarta iyo masuuliyiinta dowlada KMG ah.

Sidoo kale dadka shacabka ah ayaa si xowli ah uga soo cararaya xaafadahaas islamrkaana naftooda uga cabsi qaba in dhibaato ay ugu gaystaan ciidamada xukuumada Ethiopia islamrkaana baaritaano ka wada wadooyinka ,xaafadaha iyo weliba meel kasta oo kamida degmadaasi

Wadada dheer ee warshadaha gaar ahaan inta u dhaxaysa xaafadda Caymiska ilaa deegaanka Suuqa xoolaha ayaa waxaa si aad ah u gaafwareegaya Ciidamao Ethiopian-ah iyo kuwa Dowladda KMG oo is kaashanaya, iyadoona aanu jirin wax gaadiid ah oo wadadaasi isticmaalaya saaka.

Dhinaca kale inta u dhaxaysa garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ilaa Isgoyska km-4 ayaa lagu arkayaa ciidamo boqolaal gaaraya oo Ethiopian-ah kuwaasi oo baaritaano xooggan ka sameynaya goobahaasi.

Hawlgaladani baaritaanka ah ee caasimadda ay ka wadaan ciidamada Ethiopianka ah iyo weliba kuwa dowlada KMG ah ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili uu wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhiga ee Dowladda KMG Salaad Cali jeelle uu sheegay in Ciidamadii Militariga laga saaray magaalada, islamarkaana ay Ciidamada Booliska iyo kuwa Ethiopia ay baaritaano ka sameyn doonaan guud ahaan Caasimada.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Muqdisho ayaa xaaladeeda amaan ay faraha kasii baxaysaa maalinba maalinta ka dambeysa, xilli uu fooda inagu soohayo shirka la iclaamiyey ee dib-u heshiisiinta oo ku beegan bartmaha bishan aynu ku jirno ee june.

Wadaado Tabliiq ah Oo Ku Guda Jiray Faafinta Diinta Islaamka Oo La Qab-qabtay

Howl gal balaaran oo ay sameeyeen ciidamada dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia saaka waaberigii ayaa lagu qab-qabtay tiro culimo-udiinka tabliiqa ah oo xiligaas kasoo noqday faafinta diinta islaamka islamrkaana kusoo jeeday masaajidka caanka ku ah culimo udiinka tabliiqa ee loo yaqaano al-hidaaya .

Culimo udiinkan tabliiqa ah ayaa watey gawaarida nooca loo yaqaano minu buska oo ka koobnaa 9-baabuur islamrkaana ay isku gadaameen ciidamada huwanta ah ee dowlada iyo ethiopia iyagoo amar ku siiyey inay joojiyaan howl-galka faafinta diinta ee ay wadaan kadibna loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee magaalada muqdisho iyagoo lagu qaaday baabuurta ku caanka ku ah ciidamada xukuumada ethiopia ee Uuraalada ah .

Sida uu saxaafada u xaqiijyey qof goob jooge ka ahaa xiligii uu falkaasi dhacayey islamrakaana diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in culimo-udiinkan tabliiqa ah looga shakiyey inay ka dambeeyaan falalka is qarxinta ah ee sida ba,an uga socda magaalada caasimada ah ee muqdisho ee lala beegsanayo xarumaha dowlada KMG ah iyo weliba saldhigyada ciidamada xukuumada Ethiopianka .

Wadaadada tabliiqa ayaa lagu yaqaanaa faafinta diinta islaamka iyo u adeegista bulshada muslinka ah sidaana waxaa yiri Axmed Nuur oo kamid ah dadka deegaankaas ku sugnaa markii la qab-qabnayey culimadan islamrkaana loo dhaahdicinayey xabsiga weyn ee muqdisho isagoo saxaafada u waramayey .

Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale loo soo qab-qabto culimo-udiinka tabliiqa loo yaqaano iyadoo bishii janaayo ee sanadkan la qab-qabtay culimo-udiin ka koobnaa 9-nin xili ay ku guda jireen faafinta diinta islaamka iyadoo laga soo qab-qabtay masaajid ku yaala degmada xamar weyne islamrkaana baaritaano kadib laga sii daayey xabsiga madaxtooyada ee villa, soomaaliya mudo 15-cisho kadib.

Aadan Xaashi Cayroow Oo Sheegay Inay Ka Dambeeyeen Qaraxii Raysul Wasaare Geedi.

Cajalad video ah oo la soo dhigay bar internetka oo ay leeyihiin Garabka al-shabaab ee kamid ahaa golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxii xooganaa ee ka dhacay hoyga raysal wasaaraha dowlada KMG ah cali maxamed geedi.

Garabka al-shabaab ee uu hogaamiyo aadan xaashi cayroow ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkii is-miidaaminta ee lagu bar-tilmaameedsaday Guriga Ra’isul-wasaaraha DFKMGS, Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ku yaala degmada cabdi-casiis ee gobolka banaadir kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan.

Sidoo kale Goor qoraxdu sii dhacayso ayay ahayd xiligii doraad lagu weeraray Guriga Geedi gaari nooca loo yaqaano Qooqan ee shirkada TOYOTA ay farsamayso uu qof naftii hure ah oo ku lebisnaa dharka cagaaran ee ciidanka milatariga ee dowlada KMG ah isku soo miidaamiyey gurigaasi, islamrkaana gaariga uu watey qofkaasi uu gebi ahaanba ahaa mid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Qaraxyada ismiidaaminta ah ayaa dhowaanahanba kusoo badanaya magaalada muqdisho iyadoo uu noqonayo qaraxii af-raad ee la doonayey in lagu khaarajiyo Raysal -wasaare Geedi balse uu ka badbaaday, islamrkaana uu sheegay inay ka dambeeyaan kooxo uu ku sheegay inay yihiin kuwo xiriir la leh shabakada al-qaacida waa siduu hadalka u dhigaye .

Cumar Xaashi Oo Eedeyn Kulul Dusha Uga Tuuray Masuuliyiinta Gobolka Banaadir.

Afhayeenka xubnaha la baxay baarlamaanka xorta ah cumar xaashi aadan oo shir jaraa,id ku qabtay xarunta caasimada u ah dalkasi Ereteriya ee Asmara ayaa daboolka ka qaaday in hadii la wax yeeleeyo odyaasha dhaqanka ee hawiye arintu isu bedelayso mid kasii darta .

Cumar xaashi ayaa eedayn kulul dusha uga tuuray gudoomiyaha gobolka banaadir maxamed dheere hadalkii kasoo yeeray ee ahaa inay ka dambeeyaan qaraxyada iyo dilalka ka socda caasimada muqdisho odayaasha dhaqanka ee hawiye .

Cumar xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyey inay odayaasha beesha hawiye ay yihiin odayaal dhaqameed islamrkaana dhaqanka looga dambeeyo siyaasadna aysan ku shaqo lahayn ,hubna aysan wadan ,mana haboona in la handado ,islamrkaana loogu caga jugleeyo in xabsiga loo dhaadhicinayo.

Sidoo kale cumar xaashi ayaa hadalkiisa sii raaciyey inaysan sidan ahaan doonin oo arintu kasii darayso hadii laysku taa taabto odayaasha dhaqanka ee beesha hawiye.

Hadalkan cumar xaashi kasoo yeeray ayaa kusoo beegmaya xili uu cabdi xaaji iimaan oo ah gudoomiyaha guurtida dhaqanka hawiye uu sheegay in xarunta madaxtooyada ee villa soomaaliya ay noqotay xabsiga guantanama-bey,islamrkaana si kulul u cambaareeyey masuuliyiinta gobolka banaadir ,taasoo ka dambaysay eedaynta maxamed dheere ee odayaasha dhaqanka hawiye markii uu sheegay inay ka dambeeyaan qaraxyada iyo dilalka lala beegsado masuuliyiinta dowlada KMG ah .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

June 5, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com