SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


S/land inaga Soomaalisan

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

 

Dadweynaha reer S/land waxay walaalohood ula tageen calankii ay inoo ka soo dhiciyeen gumaystaha oo ay ku dheehan tahay walaalnimo, kalgacayl iyo kalsooni. Waxay dhulka ku mudeen tiirkii ugu horreeyay ee Soomaali xor ah oo midaysan. Taas oo ah tillaabo taariikhi ah oo jiilasha Soomaaliyeed ku qadarin doonaan walaalohood. Ma aysan dalban xoolo, madaxnimo iyo dano kale oo gaar ah toonna. Wax kasta waxaa kala weynaa in ay ishoodu ku qabawsato Soomaali weyn oo midnimo iyo madaxbannaani ku raaxaysanaysa. Reer koonfur walaalohood say ugu liseen uguma hambayn oo waxay isku darsadeen: caasimaddii, madaxweynihii, R/wasaarihii iyo R/baarlamaankii. Madaxdii iyo bulshadii reer Soomaaliland kama ficil qaadan sad bursiga walaalohood kula keceen, mana aha in ay garan waayeen qaybtan qalloocan ee danta guud ayay ka hormariyeen tan gaarka ah, sandareertadaana wax ka weyn (midnimo iyo walaalnimo) ayay doonayeen wayna heleen.

 

Dulmigii inta badan kursiga la isugu adeegsaday intii dalku xorta ahaa ee lagula kacay bulshada Soomaaliyeed wuxuu keenay in ugu dambayntii dadku dalbadaan in si cadaalad ah loo qaybsado talada iyo maamulka dalka oo aan ninna xaqiisa qalin lagu duudsiin. Dadweynihii Soomaaliyeed ee dalbaday in ay helaan xaqooda looma garaabin ee waxaa lagula kacay cadaadis iyo cabburin. Intaa ka dib qaar ka mid ah qabaa’ilka waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa midba mar isu taagay sidii uu xukunka uga tuuri lahaa xukuumaddii xilligaas dhisnayd. Waxaa si is daba joog ah loo aasaasay ururadii SSDF, SNM, SPM, iyo USC . Markii ay dhacday xukuumaddii Max’ed Siyaad Barre oo loo haystay in uu ahaa ninka kaliya ee dadweynaha Soomaaliyeed dulmiga ku haya, bulshaduna u diyaargarawday marxalad cusub oo talada iyo maamulka la soo dhex dhigi doono dadweynaha, cid walbana ay xaqeeda si sahlan ku heli doonto ayaa Mudane Cali Mahdi Max’ed iyo kooxdiisii Maanafaysto waxay ku dhawaaqeen maamul aanay talo ka weydiin bulshaweyntii Soomaaliyeed ee dulmanayd. Maamulkaas mashaakilkii jirayna ma xallin kuwa cusubna wuu keenay, arrintiisuna waxay noqotay: (kud ka guur oo qanje u guur. Waxaa muuqatay in aysan reer koonfur garwaaqsanayn ilaa arrinta lagu celiyo halkii ay joogtay 01/07/1960kii ka hor; sidaa darteed ururkii SNM wuxuu qabtay shirweyne lagaga dhawaaqay dawlad madax banaan 18/05/1991kii.  

 

Reer Soomaaliland miyay diidan yihiin midnimada Soomaaliyeed?

 

Xilligaas ka dib siyaasiyiinta reer koonfureed waxay caado ka dhigteen in ay xukuumado ku sheegyo ay dhisteen ku daraan xubno u dhashay beelaha dega S/land ama ay ugu baaqaan reer S/land in ay ka soo qeybgalaan shirweyneyaal dib u heshiisiin iyagoon talada dhulka soo dhigin ee ay  iyaga guntiga ugu jirto. Waxay hal hays ka dhigteen Soomaali waa mid iyagoo ficil ahaan u hortaagan say mid ku noqon lahayd. Mar walba waxay eedda dusha uga tuurayeen reer S/land. Hadaba aynu is weydiinee miyuu ururkii SNM ku dhawaaqay gooni isu taag intii uu dagaalamayey?, xukuumaddii Max’ed Siyaad markii ay burburtayse miyuu horay kaga dhawaaqay goosasho?, mise waxaa tillaabadaan la qaaday markii Maanafaysto ummaddii mar kale af duubtay?, kuwii ka dambeeyay ee maamulada dhistayse ma ka garaabeen khaladaadkii ay ku keceen maanafaysto mise wadadoodii ayay mareen?. Tan kale haddii aad walaalkaa ka sad bursatid oo uu cadaalad dalabado ma midnimo iyo walaalnimo diidbaa?, dulmigaas raadka ka dhashase ma isagaa ku eedaysan mise adiga xaqiisa duudsiyey?. Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka reer S/land way ka wada dharagsan yihiin ahmiyadda ay midnimadu inoo wada leedahay iyo in la marayo casri ay dunida ku tartamayaan isbahaysiyo waaweyn oo aysan shucuubta taagta darani sii jiri karin ayna u noqonayaan cadawgooda luqmad sahlan. (Si arrintaa aad loogu fahmo waxaan ku talin lahaa in akhristayaashu si wacan u dhagaystaan muxaadaro cinwaankeedu yahay: Taariikhda waxaa ku jira duruus iyo cibrooyin oo uu jeediyay Sh. Musdafa X. Ismaaciil)., waxaase loo baahan yahay in aan midnimada laga dhigan wado lagu gaaro dano gaar ah.

 

Goorma ayaa la ogaan karaa mawqifka dhabta ah ee reer S/land?

 

Waxay ila tahay in la qaado tillaabooyinkaan si aynu u ogaano xaqiiqda:

1.    Dadweynaha reer S/land halgan dheer ka dib waxay dhaliyeen xorriyad,   waxayna taageen calankii ugu horreeyay ee Soomaali yeelato gumaysigii ka dib, waxayna mideeyeen Soomaali xor ah. Si mar kale Soomaali loo mideeyo waa in reer koonfur keenaan dal xor ah oo ka madax banaan gumaysi.

2.    Reer S/land waxay walaalohood ugu tageen Muqdisho iyaga oo socda, waxayna u bandhigeen midnimo aan wax shuruud ah ku xirnayn. Hadaba reer koonfur si ay u sugaan in ay midnimadu iyaga daacad ka tahay ha tageen Hargeysa iyaga oo wada midnimo aan shuruud ku xirnayn.

3.    Reer koonfur waxay isku darsadeen caasimadii, madaxweynihii, R/wasaarihii iyo R/baarlamaankii. Reer S/land iyaga oo xorriyadda kaga horreeyay koonfur, isla markaana aanay cidina dheerayn aqoon, khibrad maamul, karti iyo daacadnimo midna ayay ugu dulqaateen walaalohood sad bursigaas muuqda iyaga oo eegaya qiimaha midnimada iyo danta guud ee ummadda. Hadaba aynu walaaleheen reer S/land isugu darno jagooyinkaas dhammaan oo haday wada qaataan aynu ugu dulqaadano, haddii ay qaar inoo daayaanna aynu uga mahad celino.

 

Waxaan qabaa in reer S/land ilaa iyo hadda ina kaga horreeyaan Soomaalinimada. Haddii aynu tillaabooyinkaan qaadno ayaynu walaaleheen reer S/land kula tartami karnaa Soomaalinimada iyada oo waliba ninka wanaagga bilaaba uu ka mudan yahay mar walba kan kaga dayda.

 

Ninka midnimadu la weyntahay ee daacadda ka ah waa in uu u huro wax weyn, uuna uga tanaasulo darteed mawaaqif iyo masaalix uu leeyahay. Ninkii doonaya in uu midnimada ummadda ku xiro jagooyin uu helo iyo masaalix gaar ahna ma mudna in uu cid kale ku eedeeyo in ay danihiisa kala shaqayn weyday.

 

Ugu dambayntii waxaan u soo jeedinayaa aqoonyahanka Soomaaliyeed in arrimahaan si deggan oo xikmadi ku dheehantahay loo darso iyada oo mar walba isha lagu hayo danta guud ee muslimiinta gaar ahaan Soomaalida. Waxaan ka digayaa in dooda iyo ra’yi is weydaarsigu noqdaan muran iyo kala fogayn. Tan kale waxaan u baahanahay in juhdiga iyo miskaxda aynu  galinayno arrintaan aan ka helno ajar isla markaana aynu ku xaqiijino wax ummaddeenna adduun iyo aakhiroba wax tara. 

 

 

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan

Jun 7, 2007

Himilo : Allahayow waxaan haybinnaba kii hayaad tahaye: Gabaygu, wuxuu jawaab u yahay farriin culus oo.. Akhri

Bannaanbaxii London iyo sawiradii halkan ka daawo

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com