SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


June 8, 2007

  • Qarax Xalay Ka Dhacay Jidka Fagax ee Muqdisho
  • Mustafe C/Laahi Qorraxey oo Lagala Baxay Xarunta Shirkadda Olompic
  • Agaasimaha shiirkadda Amal Express ee Muqdisho oo Khamiistii laga Taxaabay xafiiska shirkadda
  • Shirkadda Beder Electronic oo Laga Qafaalay Nin Shaqaale ah...
Geeddi
Geeddi oo mucaanaqaynaya Zenawi markii uu ka soo degey Muqdisho June 5, 2007... Read here...

Daudi Aweis believes there is little hope that progress will be made at the national reconciliation conference, due to open on June 14.
Read here...
Ali Mohamed Geedi
Geeddi oo fiirinaya gaariguu lagu burburiyey qayb ka mid ah gurigiisa xilli uu ku jirey halkas.. June 3, 2007

Waa Kuma Geeddi

Qarax Xalay Ka Dhacay Jidka Fagax ee Muqdisho

Fiidkii xalay oo Jimce soo gelayey ayaa aagga meesha loo yaqaan Fagax waxaa ka dhacay qarrax weyn, laakiin lama oga khasaaraha uu qaraxaasi geystey iyo cidda ka dambeysey.

Mustafe C/Laahi Qorraxey oo Lagala Baxay Xarunta Shirkadda Olompic

Waxaa Khamiistii xarunta shirkadda Olompic ee magaalada Muqdisho lagala baxay Mustafe X. C/laahi Qorraxey, waxaana wararku sheegeen in ay kaxaysteen ciidamda Xabashida ee ku sugan magaalada Muqdisho, lama oga meesha ay u kaxaysteen.

Waxaa wararku tibaaxeen in Mustafe Qorraxey uu dhowaan ka soo laabtay dalka Maraykanka halkaas oo uu muddo deganaa. Kaxaysiga ay ciidamada Itoobiya kaxaysteen ayaa qayb ka ah hab Muqdisho laga macneeyey "Raafka dadka ganacsatada ah" oo ay maalmahan Muqdisho ka fulinayeen ciidamda Xabashidu, gaar ahaan intii uu Muqdisho yimid Zenawi wixii ka dambeysey waxaa la dardar geliyey qafaalka ay Muqdisho ka wadaan ciidankiisu.

Agaasimaha shirkadda Amal Express ee Muqdisho oo Khamiistii laga Taxaabay xafiiska shirkadda

Khamiistii waxaa xafiiska shirkadda Amal Express ku leedahay Muqdisho ay ciidamo lagu sheegay kuwa DFKMG ka kaxaysteen agaasimihii shirkadda ee Muqdisho, CabdiWeli Muuse, ayadoo aan la garanayn sababta loo taxaabay ganacsadahaas iyo meesha loo qaaday.

Shirkadda Beder Electronic oo Laga Qafaalay Nin Shaqaale ah...

Xafiiska shirkadda Beder Electronic ayey Khamiistii Ciidamo ka kaxaysteen nin ka mid ah shaqaalihii shirkadda, in kasta oo ay jiraan warar sheegaya in markii hore la kaxaystay saddex shaqaalaha ah laakiin markii dambe labo ka mid ah la soo daayey, laakiin aan la aqoon kii saddexaad meesha uu ku dambeeyey.


June 7, 2007

  • Dowlada Maraykanka Oo Eedayn Ku Aadan Xiritaanka Idaacadaha Iyo Hogaamiye Dhaqameedka La Xiray Dusha Kaga Tuurtay Dowlada KMG ah.

  • Xaaji Cabdi Iimaan Oo Ay Ciidamada Dowlada KMG Iyo Kuwo Ethiopian ahi Gurigiisa Kala Bexeen

  • Maxay Tahay Sababta Soo Cel-celisay Xiritaanka Idaacadaha Shabelle, Hornafrik iyo IQK

  • Maalintii Sadexaad Oo ay ciidamada Ethiopia Howl-gal aad u Culus ay Ka Wadaan Qaar Kamida Isgoysyada Caasimada Muqdisho.


Dowlada Maraykanka Oo Eedayn Ku Aadan Xiritaanka Idaacadaha Iyo Hogaamiye Dhaqameedka La Xiray Dusha Kaga Tuurtay Dowlada KMG ah.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Macheal Renunberger oo ah safiirka soomaaliya wakiilka uga ah dalkaasi maraykanka ayaa eedayn kulul dusha kaga tuuray dowlada KMG ah ee soomaaliya oo sheegay inay jebisay xeerkii u yaalay heshiiska dib u heshiisiineed ee dalka soomaaliya laga wadey islamrkaana ay aad uga xun yihiin xiritaanka sadexda idaacadood iyo weliba hogaamiye dhaqameedka mucaaridka ah.

Safiirka ayaa sheegay inay warbaahintu kaalin mug leh ka qaadatay sidii hore loogu marin lahaa dadka soomaaliyeed islamarkaana ay tahay mid lama ilaawaan ah xubinta fir-fircoon ee ay saxaafadu kaga jirto bulshada ,taasoo wiiqaysa xeer hoosaadka iyo weliba dib u heshiisiinta laga dhex waday dadka soomaaliyeed xiritaanka hogaamiye dhaqameedka mucaaridka ah ee ay xirtay dowlada KMG ahi

Macheal ayaa intaas raaciyey in saxaafadda Soomaalidu kaalin wanaagsan kaga jirto bulshada islamrkaana aysan abuurin wax xiisad colaadeed keenaya ,isagoo sheegay in ay taageersan yihiin saxaafada xorta ah ee aduunka haday yihiin dalka Mareykanku islamrkaana ay kasoo hor-jeedaan waxii caqabad ku ah saxaafada xorta ah .

Sidoo kale safiirka ayaa carabka ku dhuftay inay tiro ka dhowr jeer la kulmeen madaxweyne c/laahi yuusuf islamrkaana ay kala hadleen sidii loo taageerii lahaa xoriyatal qowlka ,si loo helo bulsho caafimaad qabta ama dimoq-raadiyad waa siduu hadalka u dhigaye .

Safiirka oo ka hadlay qaar ka tirsan warbaahinta muqdisho ayaa taageeray booqashadii uu dhowaan uu muqdisho ku yimid Raysul - wasaaraha Ethiopia Melez -zanawi ayuu ku sheegay inay ahayd mid cadaynaysa sida ay xukuumada Ethiopia u garab taagan tahay dowlada KMG ah ee soomaaliya waa siduu sheegaye .

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey shirka dib u heshiisiinta fooda inagu soo haya waqtigii la shaaciyey ayaa sheegay inay golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed ay shirka kaga soo qayb geli karaan iyagoo kamid ah beelahooda islamrkaana sii raaciyey inaysan ogolaan doonin cid ku lug lug leh waxa ay ugu yeeraan arga-gixisada .

Xaaji Cabdi Iimaan Oo Ay Ciidamada Dowlada KMG Iyo Kuwo Ethiopian ahi Gurigiisa Kala Bexeen

Guddoomiyaha guddiga Dhaqanka beelsha Hawiye, Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa si lama filaana gurigiisa ay ugala bexeen ciidamo Ethiopian iyo isugu jira kuwa dowlada KMG ah islamrkaana xabsiga la dhigay.

Caaqil Xaaji Cabdi Iimaan oo lagu qaatay gawaarida tikinkada loo yaqaano ayaa la cadayn xabsiga lagu xiray iyo halka uu ku yaalo taasoo ay qaylo dhaan kasoo saareen odayaasha dhaqanka beeshaasi .

Axmed Diiriye oo ah afhayeenka dhaqanka beesha hawiye ayaa cambaareeyey falkaasi lagu xiray oday dhaqameedka islamrkaana codsaday inaysan dhaqanka soo jireenka iyo xeerka soomaalidab ku haboonayn in la xiro oday soomaaliyeed oo weliba dhaqan ah taasina ay wiiqayso ololaha nabadeed ee laga wado dalka soomaaliya gaar ahaan caasimada .

Sidoo kale axmed diiriye ayaa intaasi raaciyey inay xiriir la sameeyeen guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada muqdisho Max'ed cumar xabeeb (maxamed Dheere) islamrkaana uu caddeeyey inuusan waxba kala socon arintaasi ,

Arintan ayaa kusoo beegmaysa horaantii asbuucan xili uu gudoomiyaha gobolka banaadir maxamed dheere uu ku eedeeyey odayaasha dhaqanka beesha hawiye inay ka dambeeyaan qaraxyada iyo weliba dilalka ka dhacaya caasimada muqdisho.

Maxay Tahay Sababta Soo Cel-celisay Xiritaanka Idaacadaha Shabelle, Hornafrik iyo IQK

Waxaa soo baxaya warar sheegaya inay dowlada KMG ahi ay u fara baxsanayso xoriyada saxaafada iyo weliba xoriyatul qowlka oo axdi qarameedka DFKMG ahi qorayo inay saxaafadu xor tahay islamrkaana ay ka dul boodayso xoriyada saxaafada .

Xasan guute oo wax ka bartay jaamacada saxaafada ayaa dowlada KMG ah ku eedeeyey inay u hanqal taagayso sidii xukun keligii taliye islamrkaana aysan ogolayn dadka iyo bulshada u adeegsaysa dadkooda iyo dalkooda oo weliba dhex dabaalaynaysa dhibaatada colaadeed islamrkaana ku shaqaynaysa waqtiga adag ,dhaqaalo xumada iyo weliba dhibaatada dilka kufsiga iyo dhaca .

xasan ayaa intaas ku daray hadba sow ma ahaboona inay dowladu ogaato dhaq-dhaqaaqa saxaafadu inuu yahay laf-dhabarta umada islamrkaana aysan jiri doonin hadii la siticmaalo xoog nabad islaaxda ,hadiiba ay dowlada KMG ahi qofkii dhaqaaqaba xirato sow abuuri mayso dhibaatooyin hor leh.

'' waxaa dowlada KMG ka codsanaynaa inay saxaafada ula dhaqanyo sida caalamka ka jirta islamrkaana ay iilaaliso xeerarka soo jireenka ah ee qawaaniinta saxaafada ,hore ayay u sheegeen inay saxaafadu xor tahay maxaa qasabaya inay iska xiraan '' ayuu yiri xasan guute.

Dhinaca kale waxaa xiritaanka idaacadaha cambaareeyey ururada u taagan xoryaltul qowlka islamrkaana saxaafada ee ka jira caasimada muqdisho .

Wareegtada lagu xirey idaacadahaan ayaa waxa ay u qorneyd sidaan.

:::::::::::::::::

Ku: - Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho.
Ku: Taliyaha ciidamada booliska Somaliyeed == Muqdisho.
Ku: Taliyaha ciidanka nabad sugidda qaranka== Muqdisho.
Og: Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia.

Ujeedo: Xerid idaacadaha gaar ahaaneed ee ku xadgudbay nidaamka warbaahinta xorta ah ee ka furan magaalada Muqdisho.

Tixraac warqadaan sumadeedu tahay XRW/906/07 ee June-4-2007 kana soo baxday xafiiska ra'isulwasaaraha waxaa lagu wargalinayaa dhamaan Mas'uuliyiinta ay warqadaan sida tooska ah ugu socoto in raadiyeyaashooda kala ah Horn-Afrik, Shabelle iyo idaacadda Qur'aanka kariimka ay ku sifoobeen colaad abuuris, Taageero argagixiso, ku xadgudub nidaamka xorta ah, wareerinta shacabka iyo dowlad diidnimo.

Sidaasi darteed waxaa la idinka doonayaa in aad qaadataan talaabooyinka deg dega ah ee lagu xiraayo dhamaan idaacadaha kor ku xusan, milkilayaashana lagula xisaabtamo xadgudubyada kor ku tilmaaman.

Waxaan idinka rajeynayaa in aad arintaan si deg deg ah u fulisaan.

Howl-wacan.

Wareegtadaan waxaa ku saxiixnaa:-
Wasiirka warfaaafinta dowladda KMG ah
Madoobe Nuunoow Max'ed

::::::::::::::::
Wareegtadaan ayaa waxaa saxaafadda u aqriyay Taliyaha ciidamada booliska Somalia Gen. Cabdi Qeybdiid oo faahfaahin ka bixiyay, waxaana ay ku soo beegmeysaa xilli maanta ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ethiopia ay howl-gallo baaritaano ah ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Mana aha markii ugu horaysay ee sidan oo kale albaabada laysugu laabo sadexdan idaacadood ee ka jira magaalada Muqdisho Ee horn -afrik ,shabelle ,iyo idaacada quraanka kariimka .

Maalintii Sadexaad Oo ay ciidamada Ethiopia Howl-gal aad u Culus ay Ka Wadaan Qaar Kamida Isgoysyada Caasimada Muqdisho.

waxaa soconaya howgal baaxad weyn oo ay wadaan ciidamada isku dhafka ah ee dowlada KMG ah iyo kuwa Ethiopia ,kuwaasoo baaritaano xoogan ka wada qaar ka tirsan degmooyinka iyo xaafadaha magaalada muqdisho islamrkaana ku xir-xiray boqolaal dad ah oo rayid ah.

Ololahan baaxada leh ayay ciidamada iskaashanaya ee ethiopia iyo booliska dowladu KMG ah ayaa waxay kusoo qab-qabteen hub aad u fara badan oo isugu jira hubka noocyadiisa kala duwan sida uu u xaqiijiyey saxaafada taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed gen,cabdi qaybdiid

Cabdi qaybdiid ayaa sheegay inay hub isugu jira kuwa gawaarida la saaro iyo hubka yar-yarba ay kusoo qab-qabteen xaafadaha ay baaritraanka ka wadaan ,taasoo uu sheegay inay saaka oo ugu dambaysay ay hub kala duwan kusoo qabteen guri ku yaala xaafada ifka xalane islamrkaana ka samaysnaa jiingad iyo al-waax ,sida uu cadeeyey Gen, qaybdiid.

Sidoo kale ciidamada isku jirka ah ayaa baaritaanka ka wada xaafadaha caasimada ayaa ku hubaysan hubka waaweyn islamrkaana ay horkacayaan taangiyada iyo weliba hubka gaashaaman iyo tiro ciidamo aad u fara badan oo lagu soo daadiyey wadooyinka iyo xaadafaha dhexdooda .

Baaritankan ayaa kusoo beegmaya xili uu soo dhow yahay shirkii dib u heshiisiinta soomaaliyeed islamrkaana lagu qa-qabanayo dad aad u badan oo shacabka ku dhaqan caasimada muqdisho si loo xaqiijiyo amaanka caasimada.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Jun 7, 2007

Bannaanbaxii London iyo sawiradii halkan ka daawo

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com