SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Mar hadii aan maalkaygiiba galiyay dalkayaga, inaan maskaxdayada iyo aqoontayda ku daraana Diyaar baan u ahay" Mudane Maxamed Abshir Cabdi (Taangi ) Mulkiilaha Huteelka KM10 Village Boosaaso

Waxaa dhawaan laga furay Magalada Boosaaso Hutel caalami Waa KM 10 Village Boosaaso oo ku yaal daafta Koonfureed Magaalda Boosaaso waxa uuna dhismaahani ku fadhiyaa dhul baaxdiisu dhantahay Hal KM squer oo laamiga ah, Hadaba waxaan warsyi dheer la yeeshaay Mulkiilaha Huteelka KM10 Village Boosaaso.

Maxmed Abshir Cabdi oo ah mulkiilaha Huteellka KM 10 Village Hotel oo ku yaala xarunta Gancsiga ee Boosaaso , hadaba Maxmed oo aanu kula kulanay Huteelkisa waxaanu ka waraysanayay dhinacyo badan oo isugu jira dhaqaalaha, horumarka iyo waliba kaalinta ay siyaasada ku yeelan karaan ganacsadatu, waxaana waraysigaasi uu u dhacay sidan?

S: Marka hore waxaad nooga warrantaa goorta uu kugu dhashay hindisaha ah inaad Hoteelkan weyn ee caalamiga ah aad ka Boosaso ka dhisto?

J: Runtii fikradani waxay igu dhalatay markii aan yiqiinsaday inaan kaalin muhiim ah ka qaadan karo dib u dhiska dalkayga, isla markaasna aan garawsaday inay waajib igu tahay inaan dalkayga maalgalin ku samaysto, markaas waxaan ku fikiray in hadii aan Hoteel Caalami ah dhiso Boosaaso ay soo jiidan karo dad badan oo kala gadisan, isla markaasna uu dadweynaha reer Puntland ee qurbaha ku nool indhahooda uu soo jiidan doono oo ay ku dhiirran doonaan inay dib u dhiska dalkooda ka qayb qaataan, isla markaasna waxaan dersay inay Boosaso ay baahi weyn u qabto dhismayaasha huteelo casri ah oo wufuuda, ajaanibka iyo dadka dalxiiska ahba dabooli kara baahiyahooda, markaas ayaan u hawl galay inaan huteelkan KM10 Village inaan ka dhiso Boosasso iyadoo waliba aan aqoon dheeraad ah u lahaa huteelada hurdada iyo kuwa cuntadaba kuna dhex jiray muddo badan.

S: Dadka reer Boosaaso sidee ayay usoo dhaweeyeen dhismaha huteelkan KM10 Village?

J: Waxay usoo dhaweeyeen si heer sare ah, wixii hawl aan galayna waxaa i ilowsiiyay sida wanaagsan ee dhiirri galinta leh ee ay dadweynaha reer Boosaaso ay a iisoo dhaweeyeen, waxaa kale oo iyana aad ugu farxay dhismaha huteelkan dadka ajaanibka ee dalkeena yimaada oo run ahaan qiray in huteelada Shirton iyo kuwo oo kale oo ku yaala dalalka deriska aynu nahay uu huteelkan KM10 Village uu ka heer sarreeyo kana qiimo jaban yahay, tusaale ahaana $30 dollar Ambassador lagaga seexdo, halka kuwa kale sida Sharaton hotel oo kale boqolaal dolar lagu seexdo, waxaana dhismaha huteelkani uu dalkeena usoo jiiday magac fiican.

S: Waxaa jirta in hataan xafuun ay ka socoto in loo sameeyo gole degaan marka adigu ma sharaxntahay

J: haa Mar hadii aan maalkaygiiba galiyay dalkayaga, inaan maskaxdayada iyo aqoontayda ku daraana Diyaar baan u ahay

S: Ma ku talo jirtaan inaad huteelkan ka dhistid magaalooyinka kale ee dalka?

J: haa hada xafuun ayaan ku leenahaay Farac Huteelkaan ka mid ah

S: Maadaama aad tahay muwaadin aan qurbaha aaadin maalgalina ku samaystay dalkiisa, wax dhiirri galin ah xaga xukuumada ma ka heshay ? Wax soo dhawayn ahse xakuumadu ma siisaa dadka dalkooda maalgashanaya, sida cashuur dhimis in loo sameeyo inta ganacsagu xoogaysanayo oo kale?

J: Horta dawladeena waad ogtahay oo ma ah mid dadka maalgashada wadanka wax la qabta

S: Maadaama imika la galayo xiligii xagaaga ee kulaylaha kumanaan kun oo qofna ay dalkii hooyo tegayaan ma jirtaa wax tas hiilaad ah ama qiimo jabin ah oo aad u samaysaan dadkan dalkooda kusoo noqonaya xiliga fasaxyada?

J: Haa waanu u samaynaa qiimo jabin oo kharash aad u yar ayaanu ka qaadi donaa dadka dalka imanaya xiliyada fasaxyada, gaar ahaan dadka muddo joogaya dalka waxaanu kaga qaadnaa kharash aad uga yar intii ay guri kiraysan lahaayeen, waxaa kale oo jirta dad badan oo xiliga fasaxyada dalka ku aroosta, waxaana aanu kuwaas ka qaadi doonaa kharash (jaban).

Waxaa soo tebiyey:
Sheekh Aduun
sheekhaduun@hotmail.com

June 8, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com