SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Shirweynihii Beesha Ismaaciil Cali ( Cali Saleebaan )  ee magaalada London 

Waxaa maalinimadii axadda ay bisha June aheyd 3, ka dhacay magaaladda London shir aad u ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen aqoonyahanno, waxgarad, Culumo iyo arday wax ka barata jaamacadaha waddanka, oo ka kala yimid dhammaan gobolada Ingiriiska sida Birmingham, Leicester, Leeds, iyo xaafadaha kala duwan ee London. 

Shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen aqoonyahano Beesha Ismaaciil Cali ah, ayaa waxaa isaguna maalintaas goob joog ahaa, oo lagu marti galiyey Siyaasiga weyn Xirsi Ismaaciil Sanweyne, oo ahaa Xildhaibaan Dowladii fedraalka ee Carta lagu soo dhisay. 

Ugu horeyntii waxaa halkaas hadalo soo dhaweyn iyo warbixinba kasoo jeediyey Miciin Axmed Cali, oo ka warbixiyey Ujeedooyinka shirkan iyo xaaladda Beesha meel walboo ay joogaanba. Sidoo kale waxaa halkaa hadal wacdi iyo alle ka cabsi kasoo jeediyey sheikh Axmed Cabdi iyo Maxamed Xasan Caraale. 

Kadib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Siyaasiga Xirsi Ismaaciil, oo runti halkaas kasoo jeediyey Khudbad qiimo leh, oo taabaneysay dhinacyo baddan. Mudane Xirsi Ismaaciil waxaa uu si tifatiran uga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku haatan marayo, sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo qaranimo Soomaaliyeed, iyo sidoo kale waxa uu si gaar ahaaneed ugu nuux nuuxsaday inay lagama maarmaan tahay in leys wacyi geliyo oo si wada jir ah wax loo wada qabsado. 

Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay aqoonyahanadii shirka kasoo qeyb galay qaarkood, oo runti is tusaaleeyey sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo isku xir beesha dhexdeeda ah, gudo iyo dibadba si looga wada shaqeeyo horumarka beesha ee xagga waxbarashada, Arimaha bulshada, caafimaadka iyo weliba sidi wax loogu qaban lahaa dadka dhibateysan ee Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan, gaar ahaan beesha intooda ku sugan degaanada aan nasiibka u helin in adeegyada muhiimka ah wax laga qabto. 

Ugu danbeynti waxaa halkaas la sameeyey guddi laga soo dhex dooranayey dadkii goobtaas isuga yimid, waxaana codeyn kadib halkaas lagu doortay guddiga kala ah:- 

  1. Miciin Axmed Cali  ( Gudoomiye )
  2. Cabdikariim Maxamed Cumar  ( Secretary )
  3. Cabdixakiim Jaamac Jooje.      ( Treasure )

Ugu danbeystii waxaa halkaas hadal kooban kasoo jeediyey Gudoomiye Miciin oo isagu loo doortay Gudoomiyaha Beesha Ismaaciil Cali ee UK. 

Faahfaahin dheeraad ah la xiriir Guddiga Beesha. 

By:- Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser

saicentadv@yahoo.com

Jun 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com