SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


GABAY::: AADAN CABDULLE CUSMAAN

SICIID SH CUMAR…..
siciid71@yahoo.com

INNAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.
KULLU NAFSIN DAA’IQATUL MOWD. 

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM, KAHOR INTAANAN U GUDA-GALIN GUNDHIGGA MAQAALKA, WAXAAN MARKA HORE JECELAHAY INAAN UMMADDA SOOMAALIYEED UGA TACSIYEEYO, GUUD AHAAN IYO GAAR AHAANBA, GEERIDII KU TIMID AABBEHEENNII IYO MADAXWEYNEHEENNII HORE AADAN CABDULLE CUSMAAN. 

Waxba ka sheekeyn uma baahna Aadan Cabdulle, oo wuxuu ahaa madaxweyneheennii koowaad.  Balse waxaa asaga ka duwaayo madaxda kale ee Afrikaanka ah_ kadib marka laga soo tago waxqabadkiisii muddadii uu madaxweynaha ahaa_ waa madaxweynaha kaliya ee doorasho xilka ku qabtay hogaamiyennimada, ugana degay.  Taasoo ay u sii dheer tahay inuu si muwaaddininnimo leh kadib markii uu xilka ka degay ugu sii noolaaday waddanka waardiye la’aan, taasoo muujinaysa ama la dhihi karo waa nin aan cidna eel ka galin intii uu xilhayaha ahaa. 

Waxaan ka xasuustaa oo ay dadka taariikhdiisa aruuriya yiraahdeen, in la arkay asagoo maalin saf ugu jira bangiga dhexe ee soomaaliya, kadibna ay gabadhii bangiga u shaqeynaysay ka aqoonsatay halkii danbe ee uu safka uga jiray, markaasay waxay dadkii u sheegtay in la soo gudbiyo madaxweynaha oo safka laga soo saaro si looga hormariyo dadka, balse, uu diiday yirina “waxaan ku faraxsanahay inaan dadkeyga la mid ahaado, kana mid ahaado”.  

Mar labaad, waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynaayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid madaxweyneheennii hore ee Soomaaliya, gaar ahaanna reerkiisii iyo xigtadiisa kuwa dhow iyo kuwa fogba, waxaanna leeyahay, ALLAHA IDINKA SABARSIIYO, ASAGANA JANNADII FARDOWSO ALLAHA KA WARAABIYO…AAMIIN.  

Intaas kadib, waxaa dhacday muddo ku dhowaad saddex bilood laga joogo ayaa waxaa Ilaahay I haleeshiiyay inaan abwaan ka mida abwaaniinta Soomaaliyeed oo la yiraahdo Maxammad Gacal Xaayoow ka codsado inuu noo tiriyo gabay ku saabsan Aadan Cabdulle Cusmaan, anigoo aan soomaalinnimo ka sokow wax xiriir ah oo gaar ahi inoo dhexeyn Allaha u naxariistee madaxweynaha, isla mar- ahaantaasna aan wax war ah ka hayn meesha iyo xaaladda caafimaad ee uu ku sugan yahay, taasoo uun iga ahayd xushmad iyo tabid aan tabay madaxweyne sidiisoo kale ah ama hoggaamiyeba.  Waxaana ilaahay mahaddiis ah in uu abwaanku iga yeelay, fuliyayna, dhowr maalmood kadibna annagoo waliba ku kala nool labo qaaradood aan ka helay gabaygaan.  Waana kan Maxammad Gacal Xaayoow oo inoo tiriya gabaygii……. 

AADAN CABDULLE CUSMAAN 

  1. Afrikana nin doorka u dhashee dib u xusuus dheere
  2. Yay ku dagan dabeylaha is baddala door ku soo maraye
  3. Dadku kugu yaboohaad siddaa duhur dharaareede
  4. Dusha ku xijiyaan damac hunguri daaqad kaa ridine
  5. Dadaal muuji duul baraka qaba waa u darartaahe
  6. Ha ku deeqo Aadan Cabdulloow dalagga beertaadu
  7. Dallacaadda iimaanka iyo laabta daahirahe
  8. Daa’in kugu yaboohaa danbigi daafta kaa mariye.
  9.  
  10. Dafe boobta ma ahayn bangiga daynna ka amaahde
  11. Door shariifahaad uga jirtaa dulucda taariikhda’e
  12. Diiwaanka qarankana ku qoran dacalka koobaade
  13. Dadka iyo dalkaba waxaa anfaca geesi daacadahe
  14. Damaashaadka Luuliyo bishii loo dabbaaldegayay
  15. Bishii laysku daray labadii calan dayaxi soo baxaye
  16. Dubka saarnaye Aadan Cabdullaan dayro ka imaane
  17. Daldallaansi baa jiray ragbaa dacar abuuraaye.
  18.  
  19. Dagaal laguma dayin doorashay uga lib dooneene
  20. Markow todobo daawoo is xigay deyr walbo u jiiray
  21. Gobannimadi lagu diirsadoow deebta ka afuufay
  22. Haddii doonnigoow waday nin kale dacaygi loo dhiibe
  23. Daadka raacay dibutaatiyaal diiddan baa helaye
  24. Doorashadi ku dhacay waa ka degay siima dabageline
  25. Dadaalkiisi waa loo darsaday waana dagi wayday
  26. Dariiqaan rabnaan mari jirnaya nabad ku daanyoosho
  27. Gabbalkeedi goortow dam yiri waa la kala dudaye.
  28.  
  29. Darajiyo ammaan nimaan lahayn uma ducaynayne
  30. Daryeelkaadi Aadan Cabdulloow inaan ku deelqaafne
  31. Ku dudurinne doqonkaaba oge doobbogoray weeye
  32. Dibusocod dabbiyo xeel bartaye jeelka kuu diraya
  33. Kii ka daba dukaayiyo asagu wax isma doorshaane
  34. Afrikana wax u daran ma’oga iyo waxuu danehe
  35. Daa’inkaan wixii laga dalbado deyn ku jirihayne
  36. Dallaallaale iyo caafimaad inow ku deeqsiiyo
  37. Dinbidhaafna kuu raaciyaa duco sokeeyaahe
  38. Diintaad ku kala duwan tihiin duqa Mandeellaahe
  39. Dadnimadase ways kala egtihiin libin u doodkaahe.
  40.  
  41. Dacwo furan nin doorkaan dibdhigin dowga ku habboone
  42. Damiinkaan waxgaran looma diro xaajo dalableeye
  43. Nin doolaalo dheer doonbirkow dabin ku arkaahe
  44. Dalka u-gaara Aadan Cabdulliyo duulka kala haysta
  45. Diiwaanka Unadoow ku qoray damac nin waayeele
  46. Aqoon lagu dabbaqay waa dugsigi macallinka kuu doore
  47. Darsigiisa kuu meeriyee qalin dawaaddiisu
  48. Daruurta u egtahay kuugu qoraad dib ugu aaydaahe
  49. Dagaalyahanka Aadan Cabdullaa howl ku-dayasho lehe
  50. Dadka lagu dawaadshoow na baray waa la daafmaraye.
  51.  
  52. Dalka Xamarya Daafeedya Cigo daginka Boosaaso
  53. Dooloow iyo Wajeer iyo ku dare daginka Ceelwaaqe
  54. Dooxada Lughayiyo dushaan Saaxil ka aqaanno
  55. Damalse buur ku yaal geedahow ugu da’weyn yahaye
  56. Daafaha Wajaalana dadkii aniga igu hayste
  57. Daandaansi igu maagayee hawadu doojayso
  58. Dabeyshana ku liitoow intaan doontu kula ciirin
  59. Soo dardaaran tiri Aadanoow duubay gogoshiiye
  60. Duq ribeeyay doqon quursataa waa ku dagantaahe
  61. Dakaddaa Jabuutina diggool inow ku daanshoodo
  62. Dib u haysto Aadan Cabdulloow kaama daadagine.
  63.  
  64. Gabar timaha dabataye xarrago doc ula liiceeyda
  65. Duuduubna laysugu tidcaye deelka loo simaye
  66. Hadday dagato duudkiyo garbaha daah u noqonayda
  67. Daymo aragtideedana sidii ubaxi deyreeda
  68. Ku diirsaday cadceed kulul u egee baal dillaacsadaye
  69. Oon dagdagine duunyada markay subax dareeraydo
  70. Dooxa roob ku da’ay iyo markay dahan ku oodqaadde
  71. Doog iyo naq lagu soofiyeey darar ka maashaahe
  72. Hadday darata haaydiyo haddii weer dugdhabadeeyo
  73. Gabar diris u haasaaw taqaan kama difaacdeene
  74. Darrooriyo Awaariyo degmaday ariga daajaydo
  75. Dadka kama dhexeydee dalkay joogto anigaa leh
  76. Dooddeeda Aadan Cabdullaa daaqadda u furaye
  77. Dushaan kala wareegee iska daa waa war doqoneede.
  78.  
  79. Doonniga hartiya owr dikane dabar ku seetaysan
  80. Ee dowda loo wabax naqee duhato jiilaala
  81. Afar gocayo loo kala dajiyee wiil dibjira dhaansho
  82. Doobbadana labo daan ka ridee biyaha daabbulaya
  83. Degmadoow ka guuxiyo dalkoow joogo anigaa leh
  84. Afrikana wax iiguma darroo diinta iyo dhaqanka
  85. Duulaan isugu soo dhawaan dumarna kala guursan
  86. Dagalkiisa nimaan sheega karin iyo dadka u jooga
  87. Dufu waa ku taal dabo kurteed loogu darimaahe
  88. Nin-door waaye Aadan Cabdullee wayska daafmaraye.
  89.  
  90. Dugsi macallimoow leeyahaye inow ka diinqaado
  91. Dadaalkiisu nimoow seejiyee doorasho u taagan
  92. Ayadoo dahsoon Aadanoow dacayo baarkaagi
  93. Nin ku diimayaa maalintaa dibadda soo bixiday
  94. Dacayga uga bidayoo ku kacay dayro ololkeedi
  95. Nin-darraagu waxow soo dumeey doqontu boobtaahe
  96. Dan how galine Aadan Cabdulloow dowladnimadeyni
  97. Adigoow dagaalayoo ka diray doob-candhoolihiye
  98. Dalluuntoow gumeysigu ku riday duhur ka-soosaare
  99. Daacaddii garsoorkiyo la waay dood caddaaladahe
  100. Dulmanuhu xaqiisii ku helay duudsan laga yeele
  101. Dadku kuma illoobine ducaan kugu yaboohnaahe
  102. Daa’inkeey ha kaa wada hodmiyo labada daaroode.

AAMIIN.....AAMIIN…..AAMIIN…..AAMIIN…..AAMIIN…..

diyaariye

SICIID SH CUMAR…..
siciid71@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faain: SomaliTalk.com | June 11, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com