Geerida Madaxweyne Aden Cabdulle
Cismaan Waxaan idinka
codsanayaa in aad iga gudbisaan qoraalka soo socda ee aan jeclahay in
aan uga qaybgalo Tacsida marxuum Aden Cabdulle Cisman:
Ugu horrayn, waxaan u sheegayaa
ummaadda Somaliyeed in aanan anigu ka nixin geerida marxuumka
hase yeeshee aan bilcaksi ku farxay. Waxaa laga yaabaa in aad
akhristow la yaabtid erayadaan, hase yeeshee fadlan iga sug ujeeddada.
Horta geeridu waa xaq ay tahay in
aynnu aqoonsanno haddii aynnu nahay ummad Islaam ah. Waxaa intaas
dheer, inuu marxuumku ahaa nin shayb ah oo geeridiisa la sugayey
da’diisa darteed timidna waqtigii uu Alle ugu talo galay.
Sababta aan ugu farxay waxa ay tahay,
mar haddii uusan dhimasho hurayn: ISAGOO AYSAN MEYDKIISA CEEBI
RAACAYN HASE YEESHEE UU KU DHINTAY SHARAF ISAGOO AHAA MADAX UU DADKIISU
JECELYAHAY. HADDABA, TAAS AYAAN MARXUUMKANA UGU DUCAYNAYAA ISLA
MARKAANA UGU HAMBALYAYNAYAA DHAMMAAN SOMALIDA LA WADAGTEY MABAADII’DA
WADDANINNIMADA, GUMEYSI DIIDNIMADA IYO NABAD-JACAYLKA.
Waxa aan ka xumahay aadna ii
xanuujinayaa waxa ay yihiin:
- Waqtiga ay ku soo beegantay
geeridiisu iyo ciilka uu la dhintay oo ah xilli ay Caasimaddii
Somalia ka taliso xabashidii uu doonayey inuu ka xoreeyo dalkii iyo
dadkii ay gumeysiga nooga haysteen iyo iyadoo saraakiisha xabashidu
ay deggan yihiin gurigiisii iyo xafiiskiisii Villa Somalia.
- In ay meydkiisa aasayaan
millatariga Ethiopia ee aan hubo in ay marxuumka aad ugu necbaayeen
mowqifkiisa waddaninnimo kuwaasoo sida la ogyahay ficliyan u haysta
Somalia waqtigaan
- In ay sidoo kale aaskiisa
goob-joog ka yihiin kuna manno sheeganayaan in ay u dhigayaan “Tacsi
Qaran” shakhsiyaadka ay ka midka yihiin kornayl C/llahi Yusuf Axmed,
Cali Maxamed Geedi, Salaad Cali Jeelle, Maxamed Cumar Xabeeb
(Maxamed dheere), Cabdi Cawaale Qaybdiid kuwaasoo dhammaantood si
toos ah uga amar qaata ra’iisul wasaaraha xukuumadda Tigreega ee
Ethiopia Meles Zenawi iyo saraakiishiisa wakiilka uga ah Somalia.
- Waxaa la hubaa, in kooxkaas oo aan
u bixiyay “Homboboro” (fadlan xusuuso heestii ay mireheeda ka
midka ahaayeen “Homboboro Libaax bay soo waddaa ……….”) aysan
jeclayn amaba aysan awoodi karin, in ay munaasabada aaska marxuum
Aden Cabdulle Cismaan ka sheegaan ama uga khudbeeyaan inuu ahaa
waddani u soo halgamay xorriyadda iyo midaynta dhulalka iyo dadka
maqan ee Somalia maadaama ay ka baqayaan madaxdooda saraakiisha
Ethiopia.
Waxaa kale ee hubaa ah, inuu Aden
Cabdulle Cismaan si ebediyan ah ugu qornaan doono Buugga
Xusuus-Sharafeedka Somalia; halka nimanka aan kor ku magacaabay iyo
kuwa la midka ahi ay iyaguna si ebediyan ah ugu qornaan doonaan
Buug-Ceebeedka ama Buugga Mugdiga, Sharaf Xumida iyo Murugada ee
taariikhda Somalia.
- Nin u soo halgamay una soo
kifaaxay xorriyaddii iyo midayntii Somalia.
- Si dhab ah u aamminsanaa midaynta
5tii qaybood ee ay gumaystayaashii reer Yurub u qaybiyeen Somalia.
- Si waafi ah u ilaalin jirey
(taasoo ka mid ahayd xilalkiisii) dastuurkii ugu horreeyey ee
Somalia kaasoo ay mabaadii’diisii ka mid ahaayeen:
- Midaynta 5taas qaybood ee
Soomaalia
- Jinsiyadda Somalida (Somali
Citizenship) oo uu dastuurkaasi u aqoonsaday muwaaddin:
qof kasta ee asal ahaan ka soo jeeda Somali, dadkaasoo
uu xeer-dejiyihii Somaliyeed ee 1960kii ula jeedey Somalidii ku
hoos noolayd maamulladii gumeysiga ee loo yiqiin magacyada
hoose:
- Xeebta Somaliyeed ee
Fransiiska (Côte française des Somalis) taasoo markii dambe
uu gumaystuhu ka beddeley magacii si uu uga saaro eraygii
“Somali” una bixiyey: Dhulka Fransiiska ee Cafar iyo Ciise
(Territoire français des Afars et des Issas) (T.F.A.I.),
dhulkaasoo hadda ah Jamhuuriyadda Jabuuti ka dib markii uu
xornimadiisiika qaatay gumaysigii Fransiiska 1977kii.
- Howd ama Reserve Area
(Ogadenia ama Somali Galbeed) ee uu Ingiriisku u gacan
geliyey gumeysiga madow ee Ethiopia, iyo
- North Frontier District
(NFD) ee uu isla Ingiriisku u gacan geliyey Kenya.
Marxuum Aden Cabdulle Cisman waxaan
Alle uga rajaynayaa inuu ku waariyo Jannadiisa guud ahaan Ummadda
Somaliyeedna uu ugu yabooho madax aan ceeb ka tegin sidiisii oo kale.
Qoyskiisii gaar ahaaneed iyo asaxaabtiisiina samid iyo iimaan.
Maxamed Xirsi
Email:
hermoham@aol.com
Taariikhda Marxuum Madaxweyne Aadan
Cabdalle Cismaan (Adan Cadde)
Eebe ha u Naxariiso Marxuum Aadan Cabdalle Cisman oo ku magac dheeraa
(Aadan Cadde) waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee soo mara
Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee dalka Soomaaliya waxa uuna kaalim mug leh
oo aan la ilaawi karin kasoo qaateen Halgankii Gobonimada doonka umada
soomaaliyeed ee ay ugu jirtey in xornimo waarta la helo hase ahaatee,
1960.kii markii xornimada qaadatey Jamhuuriyada Dimuqraadiyga ee
Soomaaliya ayuu waxa uu noqdey Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka
soomaaliya oo si Dimuqraadiyadi ku jirto loo doorto.
Eebe ha u Naxariistee marxuum Adan Cabdalle Cismaan (Aadan Cadde) hadii
aan taariikdiisa dib u jaleecno waxa uu dhashey 1908dii waxa uuna ku
dhashey Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan Adan Cabdalle
Cismaan (Adan Cadde) waxa uu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee afrikaan
ah oo si dimuqraadiyad iyo wadaninimo ku jirto oga daga xilka
madaxweynanimada soomaaliya 1967dii inkastoo aanan lagu aqoon
hogaamiyasha soomaaliyeed in ay si dumuqraadiyad ah xilka oga dagaan,
hase ahaatee waa mid lagu xasuusan doono eebe ha u naxarariisteee
Marxuum Adan Cadde 1967dii markii uu ka dagey xilka ayaa waxaa la
wareegey Madaxweynihii labaad ee dalka soomaaliya eebe ha u naxariisteee
Marxuum Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Marxuum Adan Cabdalle Cismaan (Adan Cadde) waxa uu ahaa nin aan aqoon
wax musuq maasuq iyo qabyaalad ah todobadii sano ee uu xilka hayayna wax
musuq maasuq iyo is daba marin ah laguma eedayn waxa uu ahaa Aadan cadde
nin daacad ah oo ay ku dheertey waxa la yiraahdo waddaniyadu eebe ha u
naxariistee Marxuun Aadan Cabadlle Cismaan waxa uu geeryoodey asaga oo
jira 99 jir waxa uuna bilihii ugu danbeeyay ku jirey hospital ku yaala
magaalada nairobi ee xarunta wadanka kenya.
Isku soo wada duuboo Marxuum Aadan Cadde waxa uu ahaa halyay usoo
halgamey xornimada iyo horumarka umada soomaaliyeed waxa uuna ahaa
ninkii ugu horeeyey ee hogaanka u qabta umada soomaaliyeed 1960kii
markii ay xornimada qaadatey soomaaliya oo uu ka baxey gumaysigii cadaa
ee xooga ku haystey aadan cadde waxa uu ahaa hogaan daacad u ah
wadankiisa dadkiisa iyo diintiisaba waxa uuna ahaa nin jecel nabada iyo
xasiloonida umada iyo dalka soomaaliyeed Wad danmi ahna kama qalin
dalkiisa. intaas ayaan warbixin kusoo gabagabeynaaa hase ahaatee waxaanu
tacsi diiraanyo leh halkan ugu tabinaynaaa dhamaanba eheladii iyo
qaraabadii iyo asxaabtii iyo bahweynta soomaaliyeed ee uu ka geeryoodey
madaxweynahoodii ugu horeeyey.
aamiin aamiin aamiin.
Yusuf Max’ed Ismail (Guduudow)
E- mail yusufguduudow@hotmail.com
Bososo,Somalia
Tacsi: Qoyska Aaden Cadde
Anigoo ah Ikraam Cali-kaar
islamarkaasina ah suxufiyad Soomaaliyeed kuna nool dalka Sweden kana mid
ah bahda saxaafada madaxa banaan ee dalkan waxaa anigoo ku hadlaya
magaceyga iyo kan eheladeydaba u dirayaa tacsi anagoo ka murugeysan
geeridii naxdinta laheyd ee ku timid muwaadinka sharafta ah Aabihii
astaanta iyo xornimada ummadda soomaaliyeed, sidoo kale aabihii astaanta
u noqday dimoqraadiyada Afrika ka hana qaaday xukunkana uga dagay si
nabad dimoqoraadiyad ku saleysan magaacii ummaddana kor u qaaday Aadan
C/lle Cismaan Aadan Cadde ayaan Allaha xaqa lugu caabudo uga baryayaa
inuu Jannadii udgooneyd ee Fardowso ka waraabiyo, Nabigiisana ku
basharo. Gaar ahaan waxaan tacsidan si kal iyo laab leh ugu dirayaa
eheladisii iyo carruurtiisi uu ka tagay waxaan leeyahay Samir iyo Aamin
Saadiq ah Allaah idiin ka siiyo booskiina cawil qeyr qaba Allaah idiin
kugu badalo!. Wuxuu ahaa halyey taariikheena dahabiga ah xusi doonto
misaalkiisana in Alle keeno mooyaanee aan haatan rajo laga qabin in
gayigeena ka soo baxo. Aadan C/lle kama dhiman qoyskiisi ee waxa uu ka
dhintay xasuustiisana aysan qaluubtooda ka bixi doonin inta jecel
magaca, ciida iyo calanka Soomaaliyeed ee isagu sharaf iyo karaamo uga
tagay. Allaha weyn ayaan u weydiinayaa marxuumka in raxmadiisa iyo
janadiiisa waasaca ah ugu deeqo!.
Aaamin Aaamin Aaamin!
Ikraam Cali-kaar
Suxufiyad madax banaan
Gothenurg- Sweden
Ikraam@journalist.com