SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii: June 14, 2007

  • Qaraxyo iyo Dagaalo xalay ka dhacay Qaybo ka Tirsan Magaalada Muqdisho 
  • Cali Max’ed Geedi oo magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka
  • Cali Mahdi oo si rasmi ah ugu dhawaaqay dib dhac ku yimid shirkii dib u heshiisiinta...
  • Nabadoon Caan ahaa oo Lagu Diley G/Nugaal
  • Agaasimaha Warfaafinta Gobalka Banaadir loo magacaaby ...
  • Khabiir dhinaca xaquuqda Aadanah ah oo soo uruuriyey xadgudubyo ka dhan ah..
  • Siminaar uu soo qabanqaabiyey Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SAPJ) oo lagu qabtay..
  • Cabi Xaaji Goob-Doon “Wargeyska Daarul-Xayaa waa uu ka been abuuray..”
  • Koox Soomaali ah oo la sheegay in ay afduub u gaysatay...
  • Sheekh Shariif “Shirka waan ka qaybgaleynaa haddii Dalka gudihiisa laga saaro...
  • C/llaahi Yuusuf oo booqasho raaligelin ah ugu tagay C/qaasim
  • Lacag deeq ah oo la gaarsiiyey Binti Jaylaani

Haamaha Sunta: Waa kuwaa...

1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.

Qaraxyo iyo Dagaalo xalay ka dhacay Qaybo ka Tirsan Magaalada Muqdisho 

Amiin Yuusuf khasaaro

Dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho oo ay weli ka sii muuqato diiftii iyo darxumadii ay ka qaadeen dagaalkii dhacay bilihii Maarso iyo April ee u dhexeeyey ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa xalay waxaa Magaalada Muqdisho si weyn looga maqlay qaraxyo iyo dagaalo, oo ay meelaha qaarkood socdeen mudo labaatan daqiiqo ah.

Dagaaladaan oo u muuqday kuwo qorsheysan ayaa waxaa ka mid ah goobihii ay ka dhaceen Agagaarka Warshaddii hore ee Baastada, Suuqa Xoolah iyo agagaarka Wasaaraddii Gaashaandhiga iyo Shiirkole, waxay kaloo dagaaladani ka dhaceen Agagaarka Cali Kamiin, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaaladaasi, hase yeelshee waxaa la arkayey dadweyne ku dhaawacmay rasaastii la is weydaarsanayey, kuwaas oo waagu ugu baryay guryahooda, kaddib markii la waayey goob caafimaad oo loola cararo.

Magaalada muqdisho oo inta badan ay dadku dib ugu soo laabteen ayaa haddan xalay waxaa walwal ku abuuray dagaalkaasi oo ay is lahaayeen waa uu dhamaaday. Xaafadaha qaarkood oo ay soo buuxiyeen ciidamo ka tirsan Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa mararka qaarkood waxa la maqlayey rasaas goos goos ah. Dagaalkaan qorsheysan oo ka kal dhacay goobahaasi ayaa ah midkii ugu horeeyey ee dhaca tan iyo markii kooxihii ka soo horjeeday ciidamada Itoobiya looga awood roonaaday dagalkii dhacay bilihii Maarso iyo April.

Dhinaca kale Goob biibito ah oo ku taala agagaarka Jiiro Garoob ee hoteelka Bin Cali dhabarkiisa ayaa koox dabley ah soo weerareen waxay halkaasi ku dileen dhowr qof iyagoo dhaawacay dhowr kale, ilaa iyo haddana lama garanayo sababihii keenay weerarkaasi. Isku soo wada duuboo waxa ay weeraradii xalay ku soo beegmeen xili la filayey uu furmo shirka dib u heshiisiinta oo isagu dib u sii dhacay. 

Cali Max’ed Geedi oo magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa wareegto uu xalay soo saaray waxa uu ku magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowaldda Federaalka, waxaana loo magacaabay C/risaaq Isaaq Biixi.

Xilkaan ayaa horey looga qaaday Barre Aadan Shire (Barre Hiilaae), kaddib markii lagu eedeeyey inuu gudan waayey xilkaasi.

Afhayeenka Dowladda C/llaahi Muxadiyiin Codka ayaa waxa uu sheegay in sababaha loo magacaabay xilkaan ay tahay in dardar la geliyo hawlaha wasaaradda Gaashaandhiga.

Barre Hiiraale iyo Xuseen Caydiid ayaa horey looga qaaday xilalkoodii kaddib markii lagu eedeeyey inay gudan waayeen xilkii looga fadhiyey, isla markaana ay mudo soo xaadiri waayeen kal fadiyada golaha Wasiirada.

Khabiir dhinaca xaquuqda Aadanah ah oo soo uruuriyey xadgudubyo ka dhan ah..

Khabiir madax banana oo dhinaca xaquuqda aadanaha oo lagu magacaabo Ganiim Al-Najaar ayaa waxa uu caddeeyey laga soo bilaabo Bishii December 2006 ilaa iyo Bishii April 2007 ay Soomaaliya ka dhaceen xadgudubyo aad u waaweyn oo dhinaca xaquuqda aadanaha, waxa uu sheegay Khabiirku in dad gaaraya afar Boqol oo Kun si qasab ah looga barakiciyey guryahoodii, isla markaana la dilay dad fara badan oo aan waxba galabsan, waxaa kaloo sheegay in madaafiic aan loo meel dayin lagu burburiyey xaafado ku yaala Magaalada Muqdisho, waxaa kale oo uu sheegay in intii u dhexeysay waqtigaasi ay Soomaaliyaka dhaceen xadgudubyo iyana laga beegsaday Haweenka iyo Carruurta, waxaa kale oo uu sheegay in dadkii ku dhaawacmay xitaa loo diiday inay gaaraan goobaha caafimaadka.

Mudan Al-Najaar waxa uu sheegay in dad fara badan xabsiyada loo taxaabay qaarkoodna loo gaystay dil iyo hanjabaadyo.

Khabiirkaan ayaa la filayaa in warbixinadaasi uu ka uruuriyey Soomaaliya uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gudbin doono qaramada Midoobey.

Al-Najaar ayaa dhowr jeer yimid Dalka Soomaaliya isagoo uruurinayey xadgudubyada ka dhacay Dalka Soomaaliya

Cali Mahdi oo si rasmi ah ugu dhawaaqay dib dhac ku yimid shirkii dib u heshiisiinta...

[Taariikhdaas July 15 waxay ku beegan tahay maalinta 200-aad ee ka soo wareegi doonta inta ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin caasimada Soomaaliya. Macnaha kale oo dadka siyaasadda odorosa ay ku macneeyeen in shirka dib loo dhigo ayaa noqon karta in Itoobiya aysan ogolayn in shir Soomaaliyeed qabsoomo maalmaha ka horeya 26 June (1960) oo ah maalintii ay gumeystayaashii hore ka xoroobeen Gobolada Woqooyiga Soomaaliya iyo 1 July oo ahayd  xorriyadii Koonfurta Soomaaliya, iyo israacii Woqooyi iyo Koonfur. Taas oo Itoobiya u aragto haddii shirkaas lagu heshiin lahaa in Soomaalidu damaashaadka ku beegi lahaayeen maalmahaas Soomaalida Taariikhda u leh, arrintaas oo aan u cuntami karin dal gumeysta qayb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed.]

Cali Mahdi Max’ed oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqayin mudo bil ah dib loo dhigay shirweynihii qaranka Soomaaliyeed, waxaana la iclaamiyey in shirkaasi uu qabsoomo 15-ka Bisha July ee foodda nagu soo haysa.

Cali Mahdi waxa uu sheegay in sababaha dib loogu dhigay shirka ay tahay kaddib markii soo uruurinta ergooyin ay adkaatay, isla marakaana goobtii shirka lagu qaban lahaa ay weli ku socoto dayactir.

Waa markii saddexaad o dib loo dhigo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, hase yeeshee warar ayaa waxay sheegayaan in shirku u qabsoomi la’ yahay iyadoo lacagihii loo ballanqaaday aysan weli soo gaarin.

Guddiga dib u heshiisiinta ayaa horey waxa uu u codsaday lacag gaareysa 40 Milyan oo Doolar, waxaana gacantooda soo gasha ilaa 8 Milyan oo Doolar oo keliya.

Sheekh Shariif “Shirka waan ka qaybgaleynaa haddii Dalka gudihiisa laga saaro...

Guddoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo u waramayey Taleefishinka Al-Jasiira ayaa waxa uu sheegay in Maxaakiimta Islaamiga ah ay diyaar u yihiin in ay ka qaybgalaan shir kasta oo looga hadlayo danta Ummadda Soomaaliyeed, haddii marka hore ciidamada Itoobiya ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana shirku uu noqdo mid ay dhex dhexaadiso gacan saddexaad iyaduna dhex dhexaad ah. Sheekh Shariif waxa uu sheegay inta ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya gudaha dalka Soomaaliya aysan suuragal ahayn shir dib u heshiisiin ah.

Sheekh Shariif waxaa kaloo uu sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo wada maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif, waxaa kale oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay goob kasta kula dagaalamaan ciidamada Itoobiya, tan iyo inta ay ku jiraan gudaha dalka soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegayin ciidamada Itoobiya yihiin kuwo xoog ku haysta gudaha dalka Soomaaliya.

“Shir kasta waxaan diyaar u nahay in aan uga qaybgalno magaca Maxaakiimta Ilsaamiga ah” ayuu yiri Sheekh Shariif.


Nabadoon Caan ah oo Lagu Diley G/Nugaal
Allaha u naxariistee,

Waxaa Arbacadii June 13 dabley hubaysan ay meesha lagu magacaabo Hal iyo Nirig, oo ku dhow tuulada Sin-u-jiif ee Gobolka Nugaal, ku dileen Nabadoon Abshir Ismaaciil Gurey oo ka soo jeeda Gobolka Karkaar.

Nabadoonka ayaa ka mid ahaa 8 qof oo la socday gaari yar, oo ah nooca Mark II, loo yaqaan ee isaga goosha gobollada.

Waxaana halkaas ku dhaawacmay 7 qof oo labo dumar tahay, balse marka laga reebo nin 2-da lugood jaban yihiin intooda kale waa dhaawac sahlan , sida uu noo sheegay nin ka mid ah dadka dhaawaca keenay. Ciidanka Police-ka oo halkaas u anbabaxay ayaa ku soo hungoobay, waxaana la sheegay in nimankii, dilka geystay ay fikadeen.

Wararka laysla dhexmarayo ayaa sheegaya in dilka nabadoonka lala xiriirinayo aano qabiil. Nimanka dilka geystay ayaa la sheegayaa in ay rasaas oodda kaga qaadeen gaariga, ka dib markuu istaagi weyaayey, iyadoo la sheegayo in ka dib markuu darawalku shakiyey oo arkay isbaaro u xiran dadka burcadk ah uu isku dayey in uu jiiro, balse taayirada laga banjariyey, ka dibna halkaas lagu diley nabadoonka .

Soomaaliya ayaa waxaa caado noqotay dilka dadka biri-ma-geydada ah sida odayaasha dhaqanka, culuma-u-diinka, aqoon-yahanka iyo waliba dumarka iyo caruurta, amaba dadka danta umadda ka shaqeeya, sida Saxaafada, Hay'adaha Gargaarka IWM.  

Maxamuud Cumar Bille
Garoowe
mcbille@gmail.com


Agaasimaha Warfaafinta Gobalka Banaadir loo magacaabay ...

Amiin khasaaro

Wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb ayaa waxa uu ku magacaabay Agaasimaha War-faafinta Gobalka Banaadir ahna afhayeenka Maamulka Gobalka, waxaana loo magacaabay Max’ed Muxiyadiin Cali.

Wareegta ayaa waxaa lagu xusay in wixii maanta ka dambeeye arrimaha dhinaca saxaafadda ee gobalka Banaadir lagala xiriiri doono agaasimaha cusub, sidoo kale, waxaa isna xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Degmada Dayniile Mudane Yalaxow, waxaana loo magacaabay Cumar Cali Gaabow. Dhinaca kale Max’ed Cumar Xabeebe (Max’ed Dheere), waxa uu sheegay in aan baaritaan lagu sameyn doono guryaha madaxdii hore ee Dowladda, waxayna arrintaani ku soo beegantay xili uu Madaxweyne C/llalahi Yuusuf raagelin ka bixiyey kaddib markii ay Ciidamada Dowladda Fedeaalka ay xoog ku galeen  Guriga Madaxweynihii hore ee Dowladdii Carta C\qaasim Salaad Xasan.

Siminaar uu soo qabanqaabiyey Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SAPJ) oo lagu qabtay..

Siminaar lagu baranayey Mas’uuliyadda Saxafadda uuna qabtay ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (SAPJ), isla markaana ay maalgelisay Xarunta Midnimo Information Center ayaa shalay qaybaha kala duwan ee Saxafiyiinta Magaalada Muqdisho loogu soo gebagabeeyey Hoteelka Waamo ee Magaalada Muqdisho.

Siminaarkaan ayaa waxaa ugu horeyn khudbado ka soo jeediyey rag aqoon fiican iyo waayo aragnimo u leh saxaafadda mudo dheerna ku soo guda jiray, waxayna dhamaantood iyagoo ilaalinaya mawduuca Siminaarka sheegeen in Mas’uuliyadda saxaafaddu tahy shayga koowaad ee saxafidga laga doonayo in uu ilaaliyo si ay u dhowrsanaanto sharafkiisa.

Siminaarkaan oo socday hal maalin ayaa waxaa cashir ka bixinayey Macallin C/llaahi Max’ed Xasan (Black), oo ah tifaftiraha wargeyska Ayamaha, wuxuuna macallinku si aad ah ugu dheeraaday mas’uuliyada saxaafadda iyo shuruucda Saxaafadda, isagoo soo qaatay tusaalooyin dhowr ah oo qayb ka ahaa sidii saxafiyiintu macaluumaad dheeraad ah uga kororsan lahayeen siminaarka.

Saxafiyiintii ka soo qaybgashay Siminaarkaas ayaa dood balaaran ka sameeyey qodobo dhowr ah oo la soo hor dhigay, oo ay ugu horeysay sida uu Saxafigu ku ilaalin karo mas’uuliyadda saxaafadda, isla markaana sida lagu heli karo habka ugu fudud oo uu Suxufigu ku eed la’aan karo, sharaftiisa saxafinimana ay ku badbaadi karto.

Macallin Black ayaa sheegay in Saxafiga mar kasta looga baahan yahay in uu adeego Shacabka, isla markaana uu dhex dhexaadnimadiisa ku saleeyo dariiqadda saxda ah, balse uu ogaado in ay mas’uuliyad ka saaran tahy shacabka, maadaama buu yiri uu Wariyuhu u adeego shacabka.

Ugu dambeyntii ka soo qaybgalayaashii siminaarkaasi waxay si wadajir ah ugu mahadnaqeen Xarunta Midnimo Center oo iyadu maalgelisay Siminaarkaasi, waxayna xaruntu sheegtay in ay sii wadi doonto dhiiragelinta Siminaarada noocaan oo kale ah si kor loogu qaado Aqoonta Saxafigu u leeyahay Saxaafadda iyo waliba mas’uuliyadda xoogan ee saaran. 

Cabi Xaaji Goob-Doon “Wargeyska Daarul-Xayaa waa uu ka been abuuray..”

8-da Bishan ayaa Wargeyska Daarul-Xayaa waxa uu soo bandhigay wareysi uu siiyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed kaas oo uu ka wareystay arrimo fara badan oo la xiriira xaaladda Soomaaliya iyo arrimo kale, waxa uuna sheegay wargeysku in wadamo ay ka mid yihiin Bakistaan iyo Iiraan ay yihiin kuwo taageero siiya wax uu ugu yeeray kooxo argagixiso ah oo ku sugan dalka Soomaaliya, waxaa kale oo uu Madaxweyne C/llaahi wargeyska u sheegay in wadamadaasi rag ka tirsanay ka qayb-qaateen dagaalkii ka dhacay Deegaanka Baargaal. Waxa uuna wargeysku wax ka weydiiiyey sababaha ay Dowladda Federaalka taageerada uga hesho Dowladda Itoobiya maadaama ay Soomaaliya ka tirsan tahay Jaamacadda Carabta, waxa uuna C/llaahi Yuusuf ku jawaabay, “In aan taageero ka raadinayo Dowladda Itoobiya waxaa nabaday Jaamacadda oo aan ka weynay taageeradii aan ka sugeynay”, isagoo sheegay in intii ay socdeen dagaalada sokeeye aysan Jaamacadda Carabta ka helin wax taageero ah.

Afhayeenka Dowladda Cabdi Xaaji (Goob-Doon) ayaa wararka uu sii daayey wargeysku ku tilmaamay kuwo aan sal iy rad toona laheyn, waxa uuna sheegay in Madaxweynaha uusan wax eedeeyn ah u jeedin Dolwadda Bakistaan, balse hadalkiisu uu ahaa in shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Bakistaan ay ka qayb-qaateen dagaalkii ka dhacay Deegaanka Baargaal, isagoo sheegay Cabdi Xaajin Dowladda Bakistaan iyo Dowladda Federaalka uu u dhexeeyo xiriir walaaltinimo, sidoo kale waxa uu sheegay in Ururka Jaamacadda ay ka heleen taageeradii ay u baahnaayeen, maadaama ay soomaaliya ka mid tahay Dowladaha Jaamacadda Carabta.

Koox Soomaali ah oo la sheegay in ay afduub u gaysatay...

            Wararka naga soo gaaraya Degmada Buula Xaawo waxay sheegayaan in labo Askari oo Keenyaati ah kana mid ah askarta ilaalisa xuduuda u dhexeysa Soomaaliya Kenya ay qafaasheen koox soomaali ah oo aan la garanayn meesha ay la aadeen.

Ciidankaan oo la afduubtay maalintii doraad aheyd ayaa waxaa dadaal ugu jira Odoyaasha Buula Xaawo Odoyaasha deegaanka, waxaa shalay kulan wada yeesheen saraakiil ka tirsan ciidamada wadanka Kenya iyo Odoyaasha, waxayna Odoyaashu sheegeen in ay baadi goob u geli doonaan sidii lagu heli lahaa labadaasi askari.

Waa markii uguy horeysay oo askar keenyaan ay soo afduubtaan koox Soomaali ah, ilaa iyo haddana lama garnaayo sababaha loo afduubay labadaasi askari.

Dowladda Kenya ayaa bishii Janaayo ee sanadkaan waxay xirtay xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya kaddib markii uu saameyn ku yeeshay dagaalkii u dhexeeyey Ciidamada Itoobiya iyo Maxaakiimta Islaamiga, waxaana dhowr jeer dowladda kenya laga codsaday inay furto xuduuda u dhexeeysa iyada iyo Soomaaliya maadaamka labda dal uu ka dhexeeyo xiriir dhanka ganacsiga ah

C/llaahi Yuusuf oo booqasho raaligelin ah ugu tagay C/qaasim

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo u wehliyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa shalay hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan.

Booqashadan oo ahayd mid raaligelin ah ayaa ka dambeysay kaddib markii ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Dowladda Federaalka ay xoog ku galeen guriga C/qaasim Salaad Xasan.

C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlay arrintaasi ayaa waxa uu yiri “aad baan uga xunahay in ciidamo ka tirsan dowladda ay u dhacaan ama ay farateystaan guriga C/qaasim Salaad Xasan”. Waxa uuna intaa sii raaciyey “Waa Madaxweyne naga mudan xushmad waana madaxweynihii iga horeeyey aniga, mana aqbaleyno in gurigiisa xoog lagu galo”.

C/qaasim oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu soo dhaweeyey raaligelinta Madaxda sare ee Dowladda, sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda oo iyana raaligelin buuxa u gudbiyey C\qaasim Salaad Xasan.

Warar ayaa waxay sheegayaan  in Madaxweynaha aan dib loogu soo celin hubkii horey looga qaaday gurigiisa, hase yeeshee Dowladda waxay ballanqaaday in wixii haatan ka dambeeya ammaanka madaxweynaha la wareegi doonaan ciidamada Dolwadda Federaalka. 

Lacag deeq ah oo la gaarsiiyey Binti Jaylaani

 
Lacag cadadkeedu gaarayey  $640 ayna iska soo uruuriyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Gottenberg ee dalka Sweden ayaa la soo gaarsiiyey Binti Jaylaani Max’ed oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku dhiban magaalada Muqdisho, kaddib markii ay buro uga soo baxday afka.

Lacagtaan oo loo soo wakiishay Amiin Yuusuf Khasaaro ayaa waxaa halkaasi ka mahadceliyey qoyska Binti Jaylaani Max’ed oo u rajeeyay intii soo uruurisay kaalmadiisa in Illaahay bedel khayr leh ka siiyo. C/raxmaan C/llaahi oo ka mid ah Jaaliyadda Gottenberg ayaa sheegay in lacagtaasi ugu talagaleen in gabadhaasi wax loogu qabto gaar ahaan dhinaca caafimaadkeeda, isagoo naga soo xiriiriyay dalka Sweden.

Mana ahan markii ugu horeysay oo lacag la soo gaarsiiyo gabadhaasi, balse waxaa horey u soo gaaray lacago dhowr ah, waxaa la filayaa in Binti dhawaan caafimaad ahaan loogu qaado cariga Mareykanka, waxayna u mahadcelisay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Australia oo iyagu isku dayey in gabadhaasi ay caafimaad u geeyaan dalka Australia, balse ay suurageliweysay kaddib markii ay reerka gabadhu doorteen in caafimaad ah loogu qaado dalka Mareykanka.

Amiin khasaaro

Faafin: SomaliTalk.com | June 14, 2007

Qaraxyo Isdaba Jooga ah Oo Meelo Kala Duwan Oo Caasimada Muqdisho Ah Ka Dhacay
.
Shirkii Muqdisho oo Markale Dib loo dhigay ilaa July 15
. Maxamed Dheere Oo Mar Kale U Hanjabay Odayaasha Beesha Hawiye
.Gaafow "30-ka Bisha ayuu ku eg yahay Baasaboorkii hore"
.Meles “Waxaan codsanayaa in la iga taageero dhanka..."
.Xaaji Cabdi Iimaan : Qabiil ismahayo Dalka soomaaliya ee..
.Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Nugaal...
.Dil Arxan darro Ah Oo Ka Dhacay Xaafada Tokiyo..
.Ganacsadde Caan-ka ahaa Kismaanyo Oo Dil Lala Beegsaday
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Jun 13

London: Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo

SII HAYAHA SAFAARADDA SOOMAALIDA EE UGANDA "OO KA BAD-BAADAY ISKU DAY DIL"..
C/qaadir Faarax oo ayaa habeen hore... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com