SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii: Jun 16, 2007

  • Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Qaraxyadii shalay ka dhacay..
  • Cismaan Caato “Ciidamada Itoobiya waxay Gurigeyga kala baxeen lacag iyo waliba Dahab”
  • Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhcay shaneemo ku taala Baydhabo
  • Dhagaxtuur “Garoonka Banaadir waxaa iska leh…”
  • Cadde Muuse oo la wareegay xilalkii Taliyayaasha Daraawiishta iyo Booliiska
  • Nin waalan oo wiilkiisa 8-jir ah ku dilay deegaanka KPP ee Xaafadda Hodan ee magaalada Muqdiso

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Qaraxyadii shalay ka dhacay..

Maalmahan Dambe waxaa Magaalada Muqdisho ay marti u noqotay qaraxyada iyo dilalka loo gaysanayo Mas’uuliyiinta Dowladda FKMG, waxaana shalay Magaalada Muqdisho ka dhacay saddex qarax oo si aad ah isugu dhawaan dhinaca waqtiga.

Qarixii ugu horeyey waxa uu ka dhacay xarun ay deganaayeen ciidamada Itoobiya oo ku tiilay Isgooyska Sacna, waxaana la sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen saddex askari oo Itoobiyaan ah, haseyeeshee dadka qaar waxay sheegayaan in ay jirto dhimasho. Daqiiqado kadib qarax kale oo weyn ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka afarta darjiino, waxaana lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada Dolwadda FKMG oo mareyey halkaasi, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay dhowr askari oo ka tiran Ciidamada Dowladda Federaalka, isla daqiiqado kaddib ayaa isna qarax aad u weyn waxa uu ka dhacay meel ku dhow xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi lagu waramay in ay ku dhaawacmeen saddex carruur ah. Qaraxyadaan waxay ku soo beegmeen xili ay Dowladdda Federaalka sheegtay in ay qabatay hubkii ugu balaarnaa oo ay shalay ku soo bandhigtay xarun ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya. Qaraxyadaan ayaa waxaa walwal ka muujiyey dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho oo meelaha qaarkood shalay bilaabay inay isaga qaxaan. Guddoomiyaha gobalka Banaadir Max’ed Dheere ayaa waxa uu sheegay in Magaalada Muqdsho ay haatan nabdoon tahay, kadib markii uu sheegay in kooxihii ka waday Magaalada ay u kala baxeen kuwo dalka ka carara iyo kuwo xabsiyo la dhigo. Habeen dhexdaas ah ayay ahayd markii xarumo ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya lagu qaaday weeraro, ilaa iyo haddana lama faahfaahin khasaarihii ay keeneen weeradaasi, iyadoo xitaa Magalada Muqdisho ay ka socdaan baaritaano ay wadaan Ciidamada Itoobiya kuwa Dowladda Federaalka.

Cismaan Caato “Ciidamada Itoobiya waxay Gurigeyga kala baxeen lacag iyo waliba Dahab”

Xildhiban Cusmaan Xasan Cali Caato oo haatan ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa shalay iyo doraad waxaa baaritaan lagu sameeyey gurigiisa iyo garashyo uu ku lahaa deegaanka  Saybiyaano, waxaana baaritaankasi sameeyey ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo ka tiran Dowladda Federaalka.

Cismaan Caato oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada baydhabo ayaa daboolka ka qaaday in ciidamada Itobiya gurigiisa ula dhaqmeen si aad u fool xun oo ka baxsa sharicga, waxa uuna Cismaan Caato sheegay in Ciidamada Itoobiya ka qaateen lacag ku dhow 369 kun oo Doolar iyo Dahab qiimihiisu aad u sareeyeo, waxaa kale oo uu sheegay in Ciidamada Itoobiya boorsooyinkii yaalay guriga ay jeex jeexeen, sidoo kalana dukumitiyadii halkaasi yiilay daadiyeen, waxaa kale oo uu sheegay in garaashyo uu ku lahaa aagaasi laga baxay Gawaari iyo qalab kale.

“anigoo Xildhibaan ayaa sidaasi la iila dhaqmaye, maxaad u maleyneysaa ummadda kale ee Soomaaliyeed ee maalin walba sidaasi guryahooda loo baaro oo sidii la doono loola dhaqmo” ayuu yiri xildhibaan Cismaan Caato oo sheegay in hub fara badan laga baxay garaashkiisa kuwaas oo ku sheegay in lahaayeen ururkii USC/SNA.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan waxa ay mamnuucday in la baari Karin guryaha Madaxweynaha iyo kuwa Xildhibaanada, ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha loo baaray guriga Cisman Caato.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhcay shaneemo ku taala Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo, waxay sheegayaan in magaaladaasi Shaneemo ku taala uu ka dhacay qarax aad u weyn, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday ilaa iyo lix qofood oo u badnaa dadkii daawanayey shaneemadaasi.

Qaraxaasi ayaa dadka qaarkii sheegayaan in uu ahaa qarax laga soo tuuray meel shaneemada gadaasheeda ah, halka warar kale sheegayaan in qaraxaasi uu ahaa mid ka dhex qarxay Shaneemada gudaheeda.

Qaraxaan waxaa kale oo uu sababay in ay ku dhaawacmaan ilaa iyo 16 qofood oo qaarkood la sheegay in ay halis yihiin.

Ciidamada Dowladda ayaa soo gaaray goobtii oo bilaabay baaritaan xoogan, waxaana loo qabqabtay dad far abadan.

Bishii hore ayay ahayd markii Shaneemo ku taala Baardheer uu ka dhacay qarax kaas oo ay ku dhinteen 11 qofood, ilaa iyo haatanna lama garanayo sababaha shaneemadaasi qaraxa looga beegsaday.

Dhagaxtuur “Garoonka Banaadir waxaa iska leh…”

Maalintii khamiista ahayd ayaa Hotel Global waxaa kulan ku yeeshay ku xigeenka duqa Magaalada Muqdiso ee arrimaha Bulshada Max’ed Cusmaan (Dhagax-tuur) iyo mas’uuliyiin ka tiran Xiriirka K/cagta, waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii uu iskaashi u dhex mari lahaa maamulka Gobalka Banaadir iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Siciid Mugaanbe oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in maamulka Gobalka Banaadir uga fadhiyaan sidii ay gacan uga siin lahaayeen dhinaca nabadgelyada iyo horumarinta Isboortiga, isagoo uga mahadceliyey Kaalintii ay ka gaysteen qabanqaabada tartanka Nabadda iyo Nadaafadda Gobalka Banaadir oo manta lagu wado in lagu soo gebagabeeyo Garoonka Banadir.

Mudane Dahgaxtuur oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu yiri “Garoonka Banaadir waxaa iska leh cid is hortaagi karta ma jirto tartamada Isboorti ee uu wado xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, ciddii isku daydana gacanta ayaan ku soo dhigi doonaa” ayuu yiri Mudane Dhagaxtuur oo intaa raaciyey “Siyaasadda Isboortiga Dowladda waxaa wakiil uga ah Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, cid ay tiraahdo hala shaqeeyo ayaanu la shaqeyneynaa”.

Kulankaasi waxaa kale oo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenada Xiriirka Soomaaliyeed K/cagta Cali Siciid Guuleed iyo Salaad Gaab oo iyana u mahadceliyey maamulka Gobalka Banaadir, waxa uuna kulankaasi ku dhamaaday jawi isfaham.

Dowladda Federaalka oo shalay soo bandhigtay hub fara badan oo ay sheegtay in ay ka soo uruurisay…

Xarun ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya oo ku taala Magaalada Muqdisho ayaa shalay lagu soo bandhigay hub noocyo kala duwan oo laga soo uruuriyeen qaybo ka tirsan Magaalada Muqdisho, hubkaas oo isugu jiray kuwo waaweyn iyo kuwo fudud, ayaa waxa uu sheegay madaxa nabad sugida Dowladda Federaalka Max’ed Warsame (Darwiish) in hubkaasi ahaa mid dhibaato ku hayey shacabka Soomaaliyeed, sido kale waxaa ka hadlay ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele oo sheegay in hubkaani laga soo uruuriyey gooo ku yaala Magaalada Muqdisho kaddib markii ay tilmaameen dadweynaha Magaalada Muqdisho, waxaa kale oo halkaasi ka hadlay duqa magaalada Muqdisho oo isna yiri “Kuwii hubkaan lahaa waxay noqdeen kuwo fagada iyo kuwo xabsiyada ku jira, sidaa darteed Magaalada Muqdisho waxay ku sii siqeysaa dhinaca Nabadda”, waxa uuna Max’ed Dheere ugu baaqay shacabka in ay gacan siiyaan ciidamada Nabad ilaalinta si ay u sahlanaato sidii loo soo dhameystiri lahaa hubka ku haray gacanta dadweynaha iyo wax uu ugu yeeray kooxo aragagixiso ah.

Cadde Muuse oo la wareegay xilalkii Taliyayaasha Daraawiishta iyo Booliiska

Iyadoo maalmahan ay sii xumaaneysay xaaladda nabadgelyo ee Gobalada Puntland ayaa maalintii shalay ahayd Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland waxa uiu la wareegay xilalkii Taliyaasha ciidmada Daraawiishta iyo Booliiska, mar wax laga weydiiyey sababaha uu xilalkaasi ula wareegay ayaa waxa uu yiri “waxaan doonayaa in aan is bedel ku sameeyo taliyaha ciidamada, maadaama xaaladda gobalada Puntland ay maalmahan ka sii dareysa.

Dhinaca kale Wasiirka Kalluumeysga ee Dowladda  Federaalka Xasan Abshir ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay Magaalada Garoowe, hase yeeshee booqashadaasi waxay shaki gelisay Gen. Cadde Muuse, maadaama ay soo dhawdahay xiligii doorashadii Madaxtinimo ee Puntland, warar ayaa waxay sheegayaan in Xasan Abshir doonayo in uu isku sharaxo doorashada maamulkasi, hase yeesheen Xasan waxa uu arrimahaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, dhinaca kale warar ayaa waxay sheegayaan in xiligii loogu talagalay doorashada ay dib u dhac ku yimaado, waxaana Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ka socda kulamo looga arrinsanayo arrimaha doorashada maamulka Puntland

Nin waalan oo wiilkiisa 8-jir ah ku dilay deegaanka KPP ee Xaafadda Hodan ee magaalada Muqdiso

Maalintii shalay ahayd ayaa agagaarka Kaasbalbalaare ee Magaalada Muqdisho, waxaa ka dhacday arrin la yaab leh, kaddib markii nin walaan oo magiciisa lagu sheegay Faarax Cali Fiidow uu wiilkiisa 8-jir ah ku dilay xaafaddaasi.

Ninka walaan ayaa dilka wiilkiisa u isticmaalay ceego, ilaa iyo ka ruuxbaxana waxa uu ku hayey gacmihiisa.

Ninkaan oo doraad laga eryay wiilkiisa, kaddib markii uu sheegay in uu wadano wiilkiisa, ayuu shalay dib ugu soo laabtay oo ceego ku dilay.

Ciidanka Booliiska ee Degmada Hodan ayaa goobta soo gaaray, waxayna halkaasi ka wadeen ninkii oo haatan ku xiran xabsiga degmada Hodan, kal hore ayay ahayd markii ninkaasi ii gabadhiisa ku dilay ceego, oo iyana ahayd gabar aad u da’ yareyd.

Isku soo wada duuboo dhacdadii shalay waxaa si aad ah ula yaabay dad badan, hase yeeshee dhegaha daka kuma cusba dhacdooyinka noocaan oo kale ah, oo lix iyo tabankii sano ee dowlad la’aantu dalka ka jirtay waxaa dhacdooyin kuwaan ka sii fool xun.,

 

Amiin Yuusuf Khasaaro, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | June 16, 2007


Gogoshii tacsida madaxwaynihii Hore ee soomaaliya Mud.Aden Cabdulle Cusmaan oo maanta lagu soo gabagabeeyay Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Liibiya.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com