SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Qabiilkaaga Wuu Quman yahay; Horta sow sidaas ma aha?  

Mohamed Jama
USA 

Waa dhab inaad ka dhalatay Qabiil.  

Waxaa jirri jiray oday wuxuu dhalay oday kale wuxuu sii dhalay oday kale, kaasna wuxuu sii dhalay ku kale, kii kalena wuxuu dhalay awoogaa, awoogaanna wuxuu dhalay aabahaa, aabahaana wuxuu dhalay adiga, adiga waxaad dhashay willkaaga, wiilkaagana wuxuu dhalay wiilkaad awooga u noqon, wuxuu sii dhalay wiilkaad abkow u noqon …. Sow horta sidaas ma aha Qanbiilku?

Bilcaksi, marka Qabiilku uu dhex galay Siyaasad. Haa Siyaasad? Waxa uu noqdaa quran aan la fasiri karin. Waan naqaan in siyaasaddu tahay qurun dhaldhalaal badan. Sidoo kale waxaan naqaan in Qabiilku yahay silsilada taxane ah, si aanu isugu kaalmeeno ama aanno ugu aarno (waa sida dadka qaar u isticmaalaan). Laakin, beryahan danbe oodii waa la sii fidiyey/kordhiyey oo cadowgii ayaa la yidhi iyakaaba sokeeye ah. Si loo aar guto ayaa shisheeye la xigsaday fartana loogu fiiqo qabaa’iilada kale. Ayadoon waxababa la xeerinayn ayaa cadowgii reerka la soo dhexgaliyey oo dhaqaale, hub iyo talo la weydiistay. 

Cajiib, hadba qabaa’iiladda Somaaliyeed waxay ka dhaxleen in qaarba meel lagu xidh-xidho kuna faraxsanaadaan garab duubka ay u hayaan dadkooda. Tani, farxad ma aha ee waa fallaar kugu maqan se aad iska maaweelinayso/iloowsiinayso xanuunka uu qabiilku kugu hayo. Adigoo fari ku go’an tahay haddii kii ku dhayi lahaa uu ku siiyo xanuun qaboojiye si uu kaagga qaboojiyo xanuunka ku haya laakin dhiiguna socdo. Ogoobey dhiig baxa ayaad khatar u tahay. Hadaad taa faraxda iyo dowladnimo u taqaan, sow hoog qabiil ma aha?              

TUSAALE, mar haddii adigoo ah muwaadin Soomaaliyeed aad ku qanacsan tahay in Zinaawi yiraahdo in yar oo CAYR ah  ayaanu Xamar kula dagaalamaynaa.

Sug malaha ma aadan garan meeshuu hadalka u jeeddo; CAYR waa habar-gedir. Habar gedir waa Hawiye. Hawiyena waa’ayo? Soomaali

Zinaawi waa Ra’isulwasaare Itoobiyaan ah. Horta sow sidaas ma ah?

Wax colaad ah oo u dhaxaysa Zinaawi iyo CAYR oo aad garaynaso miyaa jirta aan ka ahayn tabtii u danbaysay oo Xamar lagula wareegay. Laakin dhinaca kale Zinaawi wuxuu soo dhaweystay Abgaal oo uu madax saartay. Fadlan ha ilowbin qaybi oo xukun. Zinaawi wuu ku guulaystay inuu Somaaliya qayb qaybiyo. Eeg Somaliland halkaas ayey iska fadhiyaan qabow, kuwo ayaa hor booday oo hadba shacabka dacar ku kiciya. Wixii Xamar ka dhacay dadka reer Isaaq ama Gudobiirsi wey ka xumaadeen yeyse eedda dusha uga tureen? Maxayse ka qaban karaan?

Puntland xoog ayey ku saaciideen, waa taariikh? Horta sow sidaas ma ah? 

Miyeysan daw ahayn in cid kasta isticmaasho kana faa’iidaysto farqiga u dhexeeya qabiiladeena mar haddii aanu farta ugu fiiqi karno sida ugu sahlan ee loo dumin karo xeendaabka xardhaysan ee uu ku socdo maamul qabiileedkeenu. Islamarkaana aanu ka soo qaadno inaan waxbaba dhicin ama wixii laga dhaxalay ay noqoto dowlado noo ictiraaf ama maal gashta dhulkeenna ama noo qoda shidaalka iwm. 

Zinaawi way u muuqataa inuu wadanka Soomaaliya uu ku sii jiri karin qabiil qabiil markiib wuxuu saxaafadda ka baahiyey inuu Cabdulaahi Yuusuf uu dhulka (Soomaliya) oo idil u dhiibayo, dabcan waa abaal marin inkastoo oo uu islahaa Cabdulaahi ma calfan doono, sababtoo ah Cabdulaahi waa bukaan socod; naftii hor go’i taadda iyo tiisa allaa og. Dedna waxaad xukunka u dhiib kuwo taariikh cusub qori doona.

Hadalka Zanaawi Somaliland lama qurux badnaa, in Cabdulaahi la geeyo Hargaysa. Hadda ka hor kolkii Hargeysa af garan weyday Tigrayga waxay isku suubaan bixiyeen koox Soomaligalbeed ah in ay u gacan galiyaan Itoobiya.Taasoo tilmaan u ahayd waan idin la shaqaynaynaa farta noogu fiiq ciddii aad rabtaan, dee idina na af garta. Mar kale, maanta markii ay la yaabeen xaalka siduu u wado Zinaawi ayey xafaladii derigii la riday Hayaa Gumbood ee bishii May 28 ayaa Hargaysa lagu qabtay. Madaxdii magaalada oo idil ay ka soo qaybgashay laguna siiyey siminaar xaalada gobolka gaar ahaan Ogaadeenya. Laguma soo hadal qaadin Soomaalida inteeda kale aan ka ahayn Ogaadeenya(Soomaali Galbeed) inaysan soo dhaweysan. Sababtoo ah waxay damacasan yihiin inay xasuuqaan, baro kiciyaan shacabka gobolkaas. Saas darted waxaa loo sii xaarayaa in laga qaado diirka naxdinta iyo tan walaaltinimo ee labada shacab, waxaa la soo bandhigay mid qabiiliga ah. Si taa loogu fuliyo qalbi faraxsan waa in reer Hargaysa loo tusaa Argagaxiso. Jac malah tan wali lama gaarin, raaali ahaada waan ka hor degay. 

Dabaal dega Tigraygu  u dabaal degayey markuu dergiga ka cayriyey Adis abab waxa kale oo uu ku soo beegay xilli ay ka furanayaan  Somaaliya safaarad, si xafaladuhu isku qabsandaan ka soo bilow Adis ababe soo mari Ogaadeenya u talaab Hargaysa ilaa iyo Muqdishu. 

Ogow dhincaasiyo Soomaali Galbeed maalintan dad badan ayaa ku geeriyoorada kuwo badan wey ku daawacmeen oo uu ku jiro Madaxweynaha gobolka LugBuur. Walina qabqabashadii iyo xasuuqii wuu socdaa. Tirrada dhimashda waxay kor u dhaaftay 23 dhaawacu waa ilaa 200 00 qof. 

Horre u wad cajalada, Zinaawi wey ku filaanwayday inuu ka soo hanjabo adisababa deedna isagoo dheg la qabto lahayn ayuu Xamar ka soo degay wuxuuna si degdeg ah u gudo galay inuu waji ka waji ula kulmo Qabiilada Soomaaliyeed kuna qaabilo Safaaradii la furay iyo madaxtooyadii Soomaliya, maxay ahayd fariintiisa? Malaha inaan xiddigta iyo goobada buluugga ah laga saari doonini calanka Itoobiya ama siduu ku qabsoomi lahaa shirka dib u heshiisiinta. Tu kasta, Zinaawi wuxuu tusay inay odayaasha Soomaaliyeed yihii kaabo Qabiil kuwa dowladana ay la soo saftaan qabiilkooda. Wey isku dhamaatay? Odayaasha waxay yiraahdeen naga bax.

Dhacdadan, taariikhdu waa mid soo noqnoqata baa la yidhi, waxaad wada xasuusataan sagaashanmeeyadii in Zinaawi uu go’aansaday inuu la kulmo qabiilada Somaaliyeed ee degan Ogaadeenya(S/Galbeed). Odayaashii degdeg iyo qabqabyo ayaa diyaaradaha qumaatiga u kaca lagu soo daadgureeyey, markii la is wada arkay mise waa Zinaawi ayaa meesha fadhiya dood ka dib odayaashii waxay ku yiraahdeen Zinaawi xorriyada na sii.  

Dabadeed, wuxuu bilaabay iska hor keenidda, xariga, dilka, xasuuqa, bedbedalka, muquurinta, baro kicinta, argagax iyo cabsi joogta ah inuu ku sameeyo qabiilada Soomaliyeed ee ku hoos nool gumaysigiisa. Qaar ayey la tahay inay ka faa’iideen oo magaalooyinkoodii dhismeen ama mashaariic loo fuliyey. Iyadoo taa ay jiro haddana waxay qabaa’iiladda dhaxalsiisay inaysan ka hadli karin dhib dhabta ah ee shacabka lagu hayo amaba u arkaan wixii ay wax ku dhacayaan aysan ahayn jilibkiisa/laftiisa.

Tusaale waxaad u soo qaadan kartaa maydadka la dhigo wadooyinka, isbilaalada, goobaha ganacsiga oon cidna xabaali karin una ooyi karin, reeruhu hoosta ayey ka farxaan hadduusan noqon koodii, xitaa baraha laga akhristo internetka kuma arkaysid cid ka hadlay sababtoo ah cidooda ma ah ama waa cabsi hadduu ka hadlaan reerkooda laga goynayaa. Si siman hadaad u eegto waxaa ka dhacay DhagaxBuur iyo Qabridahr calool xumo ayaad u dhiman, beryahan magaalooyinka waxaa go’doomiyey ciidamadii Itoobiya wax gali kara ama bixi kara ma jirto. Waxaan la waayey quutul daruurigii cuno, daawo iyo dhaqdhaqaaqii xoriyada. Intaa looguma dayn ee waxaa lagu khasbay inay baxaan oo ay la dagaalmaan ONLF kala sooc ma jiro hadaad tahay arday, macalin, suldaan, sheikh, bukaan, madax ciddaa tahayba bax. Magaalooyinkii waa haawanayaan, guluf cabsi ah ayaa dul heehaabaysa. Mar kale cid soo hadal qaadi kartaa ma jirto ama WEB page ka hadli karaa. Cabsidan waxay sal u ah cabsida aannada dhex taal qabiilooyinka oo loo yaqaan WANJALAAD. In badan ayaa laga wariyey Zinaawi inuu yiraahdo Soomaali waa Soomali meeshuu joogaba; macnaheeda waxa weeye waxaa tihiin qabiilo yaryar oo la isku burburin karo; isla habkan ayaa lagu furdaamin karaa Soomaalida kalena. 

Dabcan, qabiil waa astaan aanu isku garano ama isku kala soocno, laakin cadowgu wuxuu u isticmaalay qaybin iyo burburin, anangu waanu ka aqbalnay. Marka jiilka hadda hor booday la dhameeyo waxaa soo bixi kuwo aan aqoon Soomalinimada, kana yaqyaqsoon doona magac Soomaliyeed iyo taariikhda halgameed ee la soo maray Axmad Gurey, Sayid Maxamed Cadulle Xasan, Timca Cadde, Xalane, Dhagax Tuur, dagaalkii xornimada ee Soomaligalbeed IMW.  

Isku soo duub, Qumane qabiil, mar kale ayuu aduun waynuhu tabtii oo kale nala maagan yahay markan malaha waa 5.5 ma inagaa ku biiri Qabiillada Itoobiya mise…?  

Dhinac kale, hirdigga Siyaasadeed ee u dhaxeeya reer Galbeedka iyo Maraykanka ayaa door wayn oo muhiim ah ka qaatay burburka Soomaaliya iyo xal u hellid la’aanteedaba; oo qolaba in yar u dhiiba, in yar madaxa u salaaxa, in yar ka dhigay kuwa iyaka ku xidhan. Waxay u fureen safaaradahooda iyo Hoteeladooda si ay uga soo cabtaan walaalahood, looguna dhiibo gunadadii qabiil qabiil looga horgayn lahaa. Saaswaaye sababta ay ku hurdaan Hoteelada quruxda badan ee Kenya ama ay diyaaradaha yaryar u fuulaan. 

Tusaale kale, Kimaayo, maxay kuwii laga saaray ee dowlada soo magacabatay ay ilaa iyo hadda dibbada ugu fadhiyaan magaalada? Ilayn labada qabiil Kablalax iyo Sadde ayaa isku haysata maamul haynta degmada. Dabcan kuwii waxa sheegi jiray uma arkaan culays Sade. Saas darteed ilaa Kablalax ay la yimaadaan gorgortan kale oo ka duwan waxa hadda miiska saaran dhab ahaantii irrida lagama furi doono, dabcan Sade shaqadiisii wuu ka soo baxay. Horta sow sidaas ma ah? Necbiyaa Qabiilka! 

Shirka 15+ ee dib heshiisiinta ee Cali Mahadi ku dhawaaqay inuu xorta yahay muxuu u qabsoomi la’ yahay? malaha dadka badankii wey fahmeen in 4.5 iyo mid kaloo lagu daraa aysan wax badan soo kordhinayn. Dowlada waxay u baahan tahay nabad, sidoo kale dib heshiisiintuna waxay u baahan tahay nabad. Taa macnaheedu waxa weeye qabiil uma baahnin ee waxaan u baahan nahay nabad, su’aashan waxa weeye sidee qabiil iyo dowlada u kala soocnaa una qaadanaa nabad waarta? 

Maxaakiimtii ha isaga jireen kuwa aan la qabsan karin nidaamka islaamka haddan waxay muujiyeen fakir ka duwan iyo midnimo kuwa ku bahoobay arxan darada iyo qabiilka. Waxay muujiyeen inay jiri karo wado ka fiican tan hadda la saran yahay. 

Gunaanadkii iyo danta Itoobiyaan waxay ku soo ururi in lagu jiro qaybsanaan ku salysan hayb, taasoo macnaheedu tahay qabiil kastaa si toos ah inuu ugu xirnaad xukumada Itoobiya dhaqaale ahaan, hub, saanad, maamul fulin, citiraaf iyo wax allaale wixii qabiil u baahan yahay inuu kan kale isaga celiyo. Saasna ay Itoobiya ay dhulka kula wareegto.

Sansaanteedii waa la hayaa, haddii caawa ay wax ka dhacdo Xamar meesha la beegsan waa Adis Ababa, ciidanka lagu gumaadayo shacabka waa Tegraay.

TALO; UF DHEH QABIILKA; SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH. 
 

Salaama

Maxamed Jaamac

mohjama1@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com