SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Kalfadhigii labaad ee dallada waxbarashada Ahliga ah ee Puntland oo si guul ah ku dhammaaday

Garoowe: Waxaa maalintii shalay gelinkii danbe magaalada Garoowe lagu soo gebagebeeyey kalfadhigii labaad ee dallada waxbarashada Ahliga ah ee Puntland. Dalladaas oo ay hoos yimaadaan in ka badan 89 dugsi oo 12 ka mid ahi yihiin dugsiyo sare ayaa waxa kalfadhigaasi socdey muddo sadex casho ah, waxana uu kasocdey hoolka shirarka ee wasaarada waxbarashada ee Puntland.

Mudadii uu kalfadhigu socdey waxa si warbixin aad u faah-faahsan laga dhegeystey madaxa sare ee dallada Dr. Maxamed Cali Faarax oo tilmaamay guulaha ay dalladu gaadhey , iyo halka ay higsanayso. waxa sidoo kale hadal ka jeediyey xoghaya guud ee dallada Ustad Axmed Saahid oo run ahaantii kaalin fir-fircoon kasoo qaatay dar-dar gelinta dallada mudadii labada sano ahayd ee ay dhisnayd. waxana uu shirka ka hor akhriyey ajandaha kalfadhiga 2aad ee golaha loo dhan yahay ee dallada oo dhammaan xubnuhu ka kala yimaadeen gobolada Puntland.

Mudadii sadexda casho ahayd ayaa waxa madaxdii maamulka daadihinaysey waxay soo bandhigeen waxqabadkii iyo miisaaniyadii dallada, iyadoo sidoo kale dood la geliyey xeerka DGPL u diyaarisay waxbarashada ahliga ah ee Puntland iyo sidoo kale dib u eegis lagu sameeyey xeer hoosaadka dallada , kuwaas oo dhamaan si wanaagsan looga doodey meel wanaagsanna la isla dhigay.

Sidoo kale maalintii ugu danbeysey ee kalfadhiga waxa golaha loo dhan yahay uu doortay afar xubnood oo maamulka dallada hogaaminaysa ilaa kalfadhiga sadexaad . kuwaas oo loo doortay.

1) Dr . Maxamed Cali Faarax : Guddoomiyaha Dallada PEN
2) Yuususf Suudi Cabdi : Gudoomiye ku xigeenka dallada .
3) Axmed Zaahid ; Xoghaya guud ee daladda.
4. C/laahi Cali Xuseen ; madaxa waaxda tacliinta ee daladda.

Gebagebadiina waxa xafladdii xidhitaanka kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaarada wabarashada Md. cabdi goobe , oo si weyn ugu ammaanay bahda waxbarashada ahliga sida ay isugu xilqaameen waxbarista ubadka , wasaaradduna wixii itaal ah waa idinla garab tagan tahay ayuu yidhi wasiirku .

Dallada waxbarashada Ahliga ah ee PEN ayaa sanadihii ugu danbeeyey fir-fircooni lasoo baxday , iyadoo arimo badan oo dhallaanka wax uga taraya dhanka waxbarashada ku tallaabsatay sida midaynta manhajka, u helidda deeqo waxbarasho kormeerka goobaha waxbarasho iwm.

Maxamuud Ciyoon / Badhan.
laasqoraynet@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com