SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: June 18, 2007
  • Maxay tahay sababta Dowladda Itoobiya u joojisey duulimaadyaddii Hargeysa
  • Cabdi Nuure Siyaad oo ka badbaaadey isku day dil ..
  • Magaalada Baydhabo oo lagu soo rogey Bandow socon doona ..
  • Ciidamadii Burundi oo laga yaabo in  loo waayo Kharashkii ay ku  ..
  • Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo iska kaashanaya sidii ay.
  • Gudoomiye cusub oo loo magacaabey Naadiga Elman….
  • Qaar ka mid ah dadka Muqdisho oo bilaabey in ay ka qaxaan ..
  • Waa kuma Ra'iisalwasaaraha Itoobiya ee kuxigi doono Meles Zenawi?

Maxay tahay sababta Dowladda Itoobiya u joojisey duulimaadyaddii Hargeysa

Warbaahinta Itoobiya waxay soo saareen(june 3, 2007) sawir muujinaya Daahir Riyaale oo is-gaabinaya si uu ula sinmo Meles Zenawi uu si qummaati ah u taagan iyagoo isa salaamaya. [Eeg sawirka.]
Akhri: Daahir Riyaale oo Itoobiyaanku Ku Baareen Hargeysa intii uusan u Dhoofin Itoobiya...

Dawladda Itoobiya ayaa gebi ahaanba joojisey duulimaadyadii diyaaradaha ay ku tegi jirtay Dalka la magic baxay Somali Land, kaddib markii Dawladda Itoobiya ay ka cabsatay in diyaaradaheeda la af duubto wax yeelana loogu gaysto degaano ka tirsan waddanka Itoobiya. siday u dhaceen dagaalkii u dhaxeeyay Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwo Itoobiya, waxaa si aad loo adkeeyay amaanka magaalooyin waa weyn ee yaala gudaha Itoobiya.

Duulimaadyadii tegi jirey magaalada Hargaysa ayay dawladda Itoobiya si rasmi ah ugu dhawaaqday inay joojisey, iyadoo dhinaca Somaliland-na ay qirtay in dhamaanba la joojiyay duulimayadaasi, warar ayaa waxa ay sheegayaan in dawladda Maraykanka ay dawladda Itoobiya ay ku war gelisey in gebi ahaanba ay joojiso duulimaadyada diyaaradaha Itoobiya ay ku tegayaan Somaliland, waxay kaloo dawladda Maraykanku sheegtay tan iyo markii ay dhacday duqeyntii baargaal in soo badanayaan kooxaha ay ugu yeerto Argagixisada, waxayna dawladda Itoobiya u sheegtay inay sii kor dhiso dhaq dhaqaaqa Nabad sugidda gaar ahaan magaalada Addis.

Soomaaliland waxaa todobaad walba ka jiray duulimaadyo fara badan oo Itoobiya uga yimaada halka kuwo kalena ay ka bixi jireen Harggaysa, waxaana arrintan wel wel badan ka muujiyay dad weyne fara badan oo hawlo ganacsi u tegi jirey gudaha Itoobiya.  Dawladda Itoobiya waxaa kaloo wel wel ku abuuray qaraxii dhawaan ka dhacay dalka Kiinya oo uu hal qof ku dhintay afartameeyo kalena ku dhawacmeen, waxaana dhawaan la filayaa in dhawaan kulan ay isugu yimaadaan wadamada Kiinya iyo Itoobiya, waxaana kulankaas looga hadli is kaashiga dhinaca arrimaha Nabadgelyada iyo sidii looga hor tegi lahaa waxa loogu yeero kooxaha argagixisida ah. Akhri qormada hoose ee [Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo iska kaashanaya sidii ay.]

Cabdi Nuure Siyaad oo ka badbaaadey isku day dil ..

Cabdi Nuure Siyaad oo ka mid ahaa Isbahaysigii la dagaalanka argagixisada ayaa ka bad baaday qarax lala beegsaday mar uu marayay agagaarka suuqa xoolaha, qaraxaas ayaa la sheegay inuu ahaa Miino lagu aasay dhulka meel fogna laga hagayay. 

Cabdi Nuure Siyaad oo ka hadlay qaraxaas ayaa waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid lala damacsanaa in isaga lagu khaarijiyo, wuxuuna intaa ku daray in aysan cidna wax ku noqon balse ay khasaaro soo gaadhay gaarigii “Gaarigu wuxuu ahaa gaari aan la igu garanayn, waxaana halkaa kaaga cad in cid kastaa la isaga dhigayo qaraxa” ayuu yiri Cabdi Nuure oo sheegay kuwii qaraxaas fuliyay inay ahaayeen kuwo wax ma garato ah oo aan dooneyn inuu dalkan dego, wuxuu kaloo sheegay Cabdi Nuure in qaraxaan ay ka danbeeyeen shakhsiyaad marna aan dooneyn  in     Soomaaliya  ay degto. Waayadan danbe mas’uuliyiinta dawladda , Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladdu waxay bar tilmaameed u noqdeen qaraxyada iyadoo kuwii u danbeeyeyna ay ka dhaceen Sanca, 4ta Jarddiino iyo agagaarka Air borka.  

Magaalada Baydhabo oo lagu soo rogey Bandow socon doona ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maalinimadii shalay kulan ay isugu yimaadeen guddiga Nabadgelyada ee Gobolka Bay looga hadlay xaalada Nabadgelyada Magaalada Baydhabo kaddib markii todobaadyadii la soo dhaafay ay ku soo kordheen qaraxyo geystay dhimasho iyo dhaawac, guddiga nabadgelyada ayaa isku raacay in Banddow lagu soo rogo Magaaladaas marka laga bilaabo fiidnimadii illaa waa barigii iyadoo dadka looga digay in cidii jebisa sharcigaas la ganaaxi doono isla markaana xabsi loo taxaabi doono.

Dad weynaha ku nool Baydhaba ayaa wel wel ka muujiyay bandowgaas kuna tilmaamay inay tahay mid sii cakirinaysa xaaladda nabadgelyo ee Degmadaas.Laba qarax oo isk xiga ayaa ka dhacday magaalada, mid wuxuu ahaa mid lala beegsaday shineemada ayna ku dhinteen 4 ruux halka illaa shan iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo daawanayay filimka, sidoo kale qarax ka dhacay habeen hore Magaalada ayaa waxaa lala beegsaday Bangiga dhexe ee Baydhaba, waxaana qaraxaas ku dhintay Askeri ka tirsan ciidamada  Boliiska Gobolka Bay halka sedax kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka Boliiska gobolka Bay ayaa gacanta ku soo dhigay illaa dhowr qofood oo lagu tuhun sanahay inay ku lug leeyihiin qaraxyada ka dhacay Magaaladaasi

Ciidamadii Burundi oo laga yaabo in  loo waayo Kharashkii ay ku  ..

ciidamadii Burunddi ee la filayay inay Soomaaliya soo gaaraan Bisha soo socota ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu dib u dhac ku yimid imaanshahoodii kaddib markii lagu waramay in loo waayay dhaqaalihii ay halkan ku imaan lahaayeen iyo waliba qalabkii ay u baahnaayeen.

Dawladda Maraykanka oo horey u ballan qaadday inay bixinayso kharashka daad gureynta iyo qalabkaba ayaan helin Ciidamadaasi, waxaana laga yaabaa in dhowr bilood oo kale ay dib u sii dhacdo keenista Ciidamadaas.

Qaramada midoobay oo haatan ka fiirsanaysa  sidii ciidamada la geynayo Soomaaliya ay u hoos imaan lahaayeen dalladda qaramada midoobay ayaa la sheegay inay la’dahay tiradii Ciidameed ee Soomaaliya la gayn lahaa, sdioo kalena waxay sheegtay in dalalkii horey ugu yaboohay ciidamada in haatan ay ka cag jiidayaan.

Qaar ka mid ah dalalkii ku yaboohay Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in ciidamadooda aysan gayn doonin Soomaaliya inta ay xaaladdu iska beddeleyso.

Ciidamada Yugandha oo horey loo keenay Soomaaliya ayaa waxa la sheegay inaysan weli qaadan Mushaarkii ay ka sugayeen Ururka Midowga Afrika, gaar ahaana seddaxdii bilood ee ugu danbaysay

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo iska kaashanaya sidii ay.

wararka naga soo gaaraya xududuudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kiinya waxay sheegayaan in Saraakiil ka tirsan Kiinya iyo Ethobia inay kulan ku yeesheen xuduudda u dhaxaysa labadaas dal waxaana kulankaas looga hadlay sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada kaddib markii dhawaan laba ka tirsan Boliiska Kiinya inta la af duubtay la dilay.

Saraakiishaasi waxay ku heshiyeen inay si wadajir ah ula dagaalamaan kooxaha ka soo dusaaya dhinaca Soomaaliya, sidoo kale waxay isku raaceen in la adkeeyo xuduudda ay la leeyihiin Soomaaliya.

Waxaa la arkayay ciidamo ka tirsan Kiinya iyo Itoobiya oo dhaq dhaqaaq ka samaynaya xuduudda, wuxuuna warku intaas ku daray in dhowr qof ay qab qabteen ciidamadaas.

Dad weynaha ku nool Degmada Buulo Xaawo ayaa wel wel weyn ka muujiyay xiritaanka Xuduudda kaddib markii arday fara badan oo wax barasho u tegi jiretey dhinaca Madheere ay caqabad ku timid wax barashadoodii waxayna u soo jeediyeen Xukuumadda Kiinya in si dhaqsa ah loo furo xuduudda  iyagoo sheegay in ay kala qayb qaadan doonaan ka hor tagga kooxaha doonaya inay carqaladeeyaan nabadgelyada xuduudda Kiinya iyo Soomaaliya

Gudoomiye cusub oo loo magacaabey Naadiga Elman….

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta Naadiga Elman, taasoo ku saabsanayd xil wareejin , waxaana ka qayb galay xafladdaasi mas’uuliyiin ka tirsan guddiga Olombikada Soomaaliyeed, masuuliyiin xiriirka Soomaaliyeed Kubadda Cagta, Ciyaartoyda iyo taageerayaasha Naadiga Elman.

Ugu horreyntii waxa halkaas war bixin ka soo jeediyay xoghayaha Naadiga Elman mr Aweys Cali Winkeey, wuxuuna ka war bixiyay heerarkii iyo taariikhdii uu soo maray Naadiga Elman, wuxuuna sheegay in Naadigu uu soo maray dhow guddoomiye taasoo sheegay in la gaarsiiyay horumar la taaban karo.

Guddoomiyihii hore ee Naadiga Xasan Cabdi Axmed oo isna ka hadlay munaasabaas ayaa waxa uu sheegay intii uu hayay xilka Naadiga uu gaarsiiyay horumar dhinaca Isboortiga ah, wuxuuna u rajeeyay guddoomiyaha cusub ee Naadiga Axmed Nuur inuu Naadiga ku tallaabsiiyo mid ka wanaagsan midka uu haatan ku jiro.

Xaaji Coloow oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Guddiga GOS ayaa u rajeeyay guddoomiyaha cusub in xilkaas Ilaah la garab galo, sidoo kale wax ka hadlay munaasibadaas guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyed ee Kubadda Cagta Md Siciid Mugaanbo wuxuuna sheegay in iskaashi uu ka dhaxeeyo xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo  Kooxda Elman, wuxuuna u soo jeediyay  Axmed Nuur inuu soo adkeeyo xiriirkaas soo jireenka ah. 

Qaar ka mid ah dadka Muqdisho oo bilaabey in ay ka qaxaan ..

Dadweynaha magaalada Muqdisho oo ayagu raja weyn gashay markii uu dhamaaday dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda federalka oo iyagu dhinac ah iyo kooxo ka soo hor jeeda ayaa iminka waxa muuqanaya inay rajadaas sii yaraaneyso kaddib markii ay bilowdeen qaraxyo loo geysanayo Goobaha ay Ciidamadaasu ku sugan yihiin, waxaa la arkayay dad weyne dib ugu laabanaya goobihii markii hore ay ka soo qaxeen, waxayna qaarkood sheegeen inaysan dib danbe ugu soo laaban doonin magaalada Muqdisho.hase  yeesee mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda ayaa waxa ay sheegeen inay tahay mid nabad ah dadka ka qaxayna ay dib ugu soo laabteen. Dagaalkii dhex maray ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo hoor jeeda ayaa waxaa ku bara kacay dad aad u fara badan iyadoo dagaalkaana lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka, meelaha qaarkoodna lagu tilmaamay  inay ka dhaceen xad gudubyo dhinaca binu’aadanimada ah., sidoo kale dagaalkaa ayaa waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya illaa afar boqol  in kastoo dadka qaarkii tirade

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Waa kuma Ra'iisalwasaaraha Itoobiya ee kuxigi doono Meles Zenawi?

Faafin: SomaliTalk.com | June 18, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com