SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wax-garadka Beesha Dhul-bahante Oo Mar Kale Ku Baaqay Inay Dalka Iskaga Baxaan Ciidamada Xukuumada Ethiopia .

kulan baaxad weyn oo ay kasoo qayb galeen waxgaradka ,aqoon yahanka iyo ganacsatada ku abtirsata beesha dhulbahante ayaa ka dhacay maanta hotel waamo ee caasimada muqdisho .

Kulankaas ayaa lagu gorfeeyey xaalada siyaasadeed ee dalku marayo iyo weliba ciidamada shisheeye ee ay ugu horayso ciidamada xukuumada ethiopia dhibaatada ba,an ee ay ku hayaan dadka shacabka ah iyo weliba fara gelinta qaawan ee ay ku samaynayaan xoriyada shacabka iyo weliba diinta islaamka .

Sidoo kale kulankan oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin , siyaasiyiin iyo weliba waxgarad qaarkood marti ku ahaayeen muqdisho markii horena u yimid indha indhaynta siyaasada dowlada KMG ah balse hada ku tilmaamay mid ay wadaan urur siyaasadeed beeleed oo samaystay gaashaan buursi islamrkaana doonaya dalka inuu ku qabsado ciidanka shisheeye , ayaa waxaa hadalo isugu jira taariikhda dalku soo maray iyo weliba xiligan waxa uu ku sugan yahay ka sheegay cabdi xaaji oo sheegay inaysan marnaba ku qanacsanayn waxa uu ugu yeeray ururka SSDF oo samaystay gaashaanbuur kamida cadowga dalka taasoo uu ula jeeday dowlada KMG ah iyo xukuumada ethiopia .

'' waxaa loosoo maray dalka soomaaliya xoriyad dhiig badani ku daatay taasoo calankeena buluuga ah ee dalku leeyahay llagu keenay islamarkaana ay maanta doonayaan urur siyasadeed kasoo jeeda hal beel inuu gaashaan buursi samaysto inuu dalka iyo dadka maxamiyad geliyo ka yeeli mayno horena umaanu yeelin hadana ma yeelayno ,waxaana umada soomaaliyeed ee gumasiga neceb ugu baaqayaa inay gacmaha is qabsadaan si ay isaga xoreeyaan gumaysiga ay wadaan kooxda c/laahi yuusuf ''' ayuu yiri cabdi xaaji

xaaji oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay inay marnaba aqoonsanayn waxa uu ugu yeeray ururka SSDF oo baho wadaag la leh ciidamada cadowga ah ee ethiopia ,islamarkaana carabka ku adkeeyey isagoo sheegay inuu ku hadalayo magaca isimada ,waxgaradka iyo aqoon yahanada beesha dhul-bahante uu cod dheer ku sheegayo inay dalka isaga baxaan ciidamada xukuumada Ethipoia .

kulankan oo ka hadleen waxgarad iyo aqoon yahano badan ayay dhamaantood waxay isku raaceen inaysan haday yihiin beesha dhul-bahante aysan ka qayb geli doonin shirka ay ku tilmaameen gacan ku rimiska ee dhici doona 15-ka bisha julay ee inagu soo aadan ,ugu damabayntii waxaa laga soo saaray qodobadan .

1- inay ciidamada xukuumada ethiopia iskaga baxaan dalka soomaaliya

2-inay is casisho masuuliyiinta dowlada KMG ah ugu sar-sareeya

3- in fara gelinta laga daayo diinta islaamka iyo shacabka muslinka ah .

Ugu dambayntii kulankan ayaa ku dhamaaday jawi nabadeed taasoo ay kasoo qayb galeen ergooyin kasoo jeeda beeshaas oo qaarkood kasoo kicitimay dalka dibadiisa iyo weliba gobolada sool ,sanaag iyo buuhoodle

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com