SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Falanqeynta Siyaasada Beelaha Somaaliyeed

Qormadii Kowaad I 

Ahmed  Moalin - Ahmed.moalin@gmail.com

Maqaalkan oo ah mid taxana ah si toos ahna u falanqaynaya siyaadsadaha kala duwan ay kala sitaan siyaasiyiinta beelaha Somaaliyeed mucaarad iyo muxaafid iyo hadafyadooda ay higsanayaan.

Maqaalku waxa uu uqornaan doonaa qaab doodeed lakiin aan si dhab ahaan ah u dhicin laguna falanqeynayo dhaqamada, aragtiyada iyo falsafadaha siyaasiyiinta beelaha Somaaliyeed, iyadoon aaan si toosa ah loo magacaabayn siyaasiga ay doodu khusayso, lakiinse ay dhici karto shaqsiga ay doodu ku socoto inay durbadiiba dareemaan dadka u dhuun duleela siyaasadaha Somaalida.

Sidoo kale maqaalku waxaa uu noqonayaa mid todobaadle ah kuna soo bixi doona bogagga internetyada Somaalida kuwa ugu magaca dheer.

Falanqeyntii Todobaadka

Qormadan oo ah mid aanu ku falanqeyn doono dood ay is weydaarsan doonaan siyaasiyiin isku beel ah iyagoo ka arinsanaya tabaha ay kula dhaqmi doonaan beelaha kale iyo nidaam dawladeedka ay beel ahaan danaynayaan in ay Somaaliya yeelato. Dooda waxaa ay dhex mari doontaa siyaasiyiinta kala ah

  • 1- Mudane Dhuubow

  • 2- Xaaji Shuuriye,

  • 3- Kaadir farabadane

  • 4- Ina Siyaasi

  • 5- Shaati-dheere

  • 6 - Odey Dhaqan

  • 7- Mr. Media

Mudane Dhuubow:-

Bacda salaan waa ku wada mahadsan tihiin sida sharafta leh ee aad uga soo qeyb gasheen kulankan oo ah mid aad muhiim u ah arimaha ina horyaala caawa waxay u badnaan doonaan adkeynta iyo dardargelinta siyaasada beesha dantu ugu jirto. Waxaana dooda inoo furaya Xaaji shuuriye . 

Xaaji Shuuriye:-

Bacda Salaan, waxaad moodaa inaan luminay fursad weyn oo xaga siyaasada aad muhiim u ah taasoo ah hogaaminta beel-weynta aanu ka soo jeedno iyo xiriir la sameysiga beelaha waaweyn ee Somaalida, sababta aanu fursadahaas ku weynay waxaa ka mida inagoo adeegsanay hab ciidan kuna duulnay dhaman degaamada beelaha Somaliyeed marka laga reebo Somaliland oo aanu awood ahaan ugudbi kari weynay., madaama ay ka sokeyaan Puntland. 

Kaadir Farabadne:-

Xaaji waa waa runtaa taas fursad aanu luminay waaye, laakin xiliyadii aan baarqabka ahaa ee ay makhaayadu ii furnayd ayaan beesha usoo jeediyaya inaanu hab siyaasadeed degan kula dhaqano beelaha soomaliyeed si’aanu xulafaysi siyaasdeed oo awood badan u helno, lakiin nasiibdaro waa laigu diiday waatii la isku raacay in mudnaanta la siiyo barnaamijkii beesha lagu deegameynayay deegamada banaadir, shabelada hoose, Jubada dhexe & Jubadda hoose, kaasoo aan dhaqaalo badan ku bixiyay. Xaaji shuuriyow laftigaagu waxaad lumiyay fursad kaloo muhiim beesha u ahayd taaso ahayd jaaniskii ugu dambeeyay ee Maxakimta.

Xaaji Shuuriye:-

Farabadnow waa runtaa mar hadii waagaas beeshu isku raacdey barnaamijkaas waa lagu qasbanaay in hab ciidan la isticmaalo oo xitaa beelaha qaar lala yeesho is xulafeysi ciidan dhanwalba ah sida doxadii-juba & maxaakimtii.

Laakiin waxaas oo dhan maanta faro kuma hayno oo dalkii waxaa soo wajahay nidaam Dawladeed Federaali ah kaasoo beel walba ku qasbaya inay maamulo ka soo samaystaan degaamadooda ay degaanka asal ahaan u leeyihiin markaas kadib somaali ay wax isku darsato iyagoo isticmaalaya hab deegaan oo ku sulaysan degmo-degmo & Goboleysi, nidaamkaas oo ah mid ay bulshada caalamku taageero weyn u hayso xag ciidan & Xag dhaqaaleba.

Mudane Dhuubow:-

Nimanyahow mid waa inaynaan weligeen Somaali u ogolaan inay sameystaan nidaam dawladeed Federaali ah. Sababtoo ah wax dan ah nooguma jiri doonto kuraas yar ayaan Baarlamaanka ku yeelan doona waxaana naga kuraas badnaan doona beelo maanta aan muuqan sida GaalJecel sababtoo ah Baarlamaanka Federaaliga kuraastiisa waxaa lagu qaybsan doonaa hab Degmo-Degmo, gaaljecel waxay kasoo gelidonaan gobollada Hiiraan, Shabeelada dhexe, Shabelada hoose, Bay & gobollada Jubooyinka. Maraka anagu waynu isnaqaan oo waxaan leenahay degaan ahaan Galgaduud oo qeyb ah & Mudug oo qeyb ah isku soo wada duub waa afar degmo, maxaaan ku heli karnaa war xitaa wasiir laguma heli karo...tala ayaa loo baahanayah maanta wixii dhacay waa dheceen maxay u dhaceen ma taalo ee maxaa inoo tallo ah baa inoo taaal!!!

Odey Dhaqan:-

Dhuubow oo maanta run sheegay wax ka yaabiyay buu arkay, horta waxa aanu kuligeen ka wada gilgilanaynaa waa nidaamka noocaas ah inuusan dalka ka hirgelin laakiin uma mideysnin sabatoo ah mid kastoo idinka mid ahi si gaara buu xalka u raadinayaa, mid hogaamiye kooxeed ahaan wax ku raadiyay, mid urur islaam iyo maxkamado isku duba rita, mid xoogii dalka ayan ahay meel la fadhiya, mid degaano xoog ku qabsada, mid galmudug baan ahay yiraahda, mid dawladan lug lagala lugna banaaka dhigta iyo mid mikarafoonkii ummadu wada dhegeysanaysay ku camal fasha sababta maanta cidlada idin wada dhigtay waa is barbar yaacas, war bal isfiiriya dantu ma waxay maanta idinku qasabtay inaad huwataan magacyadii nabadoonada iyo odayaasha oo aad la baxdaan “Odayaasha Beelweynta” hadlkana yaan ku dheeran anoo hadlka dib ugu soo laaban doona waxaan idin leeyahay horta siyaasadina mideeya iskuna soo dhowaada..

Shaati-Dheere:-

Horta idinkoon hadalkayga u arag hadal kasoo yeeray masuul ka tirsan dawlada Federaalka ee aad mucaaradka ku tihiin, waxaa ila haboon inaad dhegaha u furataan tallooyinkaygan; war nimanhayow waqtigu waa socdaa in ka badan qarni iyo nus ayaanu hadba darbi soo taabanay fursado badana weynu ka faa’ideysan weynay dawladii carta baa noogu soo dhaweyd hadaynaan ka hor iman laheyn sidii tii siyaad Bare baanu ilaa labaatan sano saa u maali lahayn.

Haatan iyo dan Somaali way ina wada dareentay aduunkuna wuu ina arkey inaanu dulsaar ku nahay deegaamo badandadkii degenaana aynan u ogalayn inay maamul smaystaan, sida muuqatana, degaan dambe oo aanu khasab ku maamulnana inaysan dhici doonin bay u badan tahay, waxaa iga talla ah inaynu midowno, guntigana dhexda ku xirano, mowqif qurana yeelano ummada Somaaliyeed la jaan qaado inagoo sidana siyaasad deganaansho sabur & dulqaad lagu dheehay.

War muqaawamo iyo is qarxis falstiin baa kheyr ku heli lahyd waana aragtaan inay iska daayeen sanadahan dambe. Waa inaynu caqliga ka shaqeysiinaa somaali oo dhan waxay rabto kama hor istaagi karno ee waa inaynu ku fekirnaa sidii aanu ula jaanqaadi laheyn inagoo danteeniina ka heleyna.

Aniga waxaa maanta iga tallo ah in aynu Maamulka Galmudug taakuleynoadkeyno xoojino balaarino labo gobol oo misaan ku yeesha siyaasda Somaaliya ka dhigno, gobolka banaadirna wixii nalooga ogol yahay oo aanu ka heli karnana bislaysana markaas waxaan filayaa inaynu federaalka la shir tagno inagoo hoosta ka dhisan lehna degmooyin kuraas na anfacda aanu ku helno.

Ina Siyaasi:-

War bal talada wax iga siiya yaraanteyda ha arkina in kastoon siyaasada dhaxal ku heley lakiin maanta anigaa siyaasadaha Somaaliya & tan caalamka idinkaga fara dhuudhuuban.

Maraka hore waxaa ila haboon inaanu runta isu sheegno, oo aanu ka wada hadalno waxa ina la haray. Runtii, waxaa ina la haray waxa weeye weligeen kuma aynan tashan inaanu isla meel dhigno qaab inoo wanaagsan kana gedmi kara beelaha Somaaliyeed bulshada caalamkuna nagu raaci karaan, waana arinkaas mida ina haysata, waxaan idin leeyahay horta marka hore inaanu dejisano qaab siyasadeed dawlad Somaaliyeed oo aanu raali ka nahay lagu dhisi karo, kadibna aanu ku dhaqaaqno sidii aanu uga dhaadhicin lahayn beelaha Somaaliyeed tartiib tartiib inagoo xitaa dhaqaale ku bixinayna sida uu Maquuste yeeli jirey xiliyadii CARTA, inagoo hoostana ka wadayna jilaafooyinka aanu ku maja xaabinayno nidaamka haatan jira ee aysan beel ahaan dantu noogu jirin, anigoo hadal ku soo laban doona aynu halka ka wada amba qaadno xitaa taladda uu noo soo jeediyay walaalkeen Shaati-dheere waa arin muhiimah.

Mr Media:-

Inkastoon aan telefoon kalfadhiga uga qeybqaadanayo idinakana soo daahay, laakiin waxaad moodaa inaan fahmay halka aad hadalka marinaysaan. Nimanyahoow anigu waan xiiqay oo hadal iyo doodi wey iga dhamaatay xitaa maamlamahan mikarafoonkii dadweynaha barnaamijyadii ka bixi jirey waxaan u bedelay kuwa inta badan ku saabsan arimaha kililka shanaad, caafimaadka, waxbarashada iyo xoolaha waxa igu kalifayna waa dareemaysaan wax danteena ah oo aan buunbuuniyo oo aan ka hadlo ma heyno.

Hadaan u soo laabto mawduucii aanu ka wada hadlaynay waxaa tallo yar ku biirinayaa fikradii uu Mudane Shaati-dheere soo jeediyay o ahayd inaanu maamulka GALMUDUG balaarino oo aanu labo gobol oo misaan leh ka samayno degmooyin cusubna ku darno. Runtii waxaan leeyahay si arinkaas loo amba qaado inaanu is qaybino oo raga  qaar loo xilsaaro arinkaaas, tala ahaana waxaa ila habooon in marka hore la isu keeno lana heshiisiiyo Madaxda GALMUDUG iyo Xaaji Shuuriye waa tii ay is maandhaafku dhex marey xiligii Maxkamaduhu mudug yimaadeen, si ay goboladaas u wada balaariyaan una wada dhisaan, waana muhiim inaynu marka hore si wada jira ula wada xiriirno masuuliyiinta GALMUDUG.

Odey-Dhaqan:-

Wiilyahow magacaaga ma karee xow ahaay  Meediyoo, waxaan ku leehaya raga qaar ayaan wax dhiska ku fiicnayn oo ku fiican burburinta iyo dagaal oogista marka Xaaji Shuuriye waxaa uu ku fiican yahay inaan u deyno maja xaabinta iyo burburinta nidaamka federaalka isaga iyo  rag kaloo badan oo arimaha muqaawamada ku fiican. Arinka GALMUDUG waxaa ka Odey ahaan leeyahay Mudane Shaati-Dheere, Kaadir-Farabadne, Ina Siyaasi & Janraalka cusub ha loo xilsaaro. Hana la bilaabo inta uusan shirka dib u heshiisiinta muqdisho owsan bilaabmin.

Kaadir Farabadne:-

Horta waxa ka hadasheen arin muhiim ah in la dardar geliyana ay haboontahay, laakiin aniga mid baa igala muhiimsan inaanu culayska saarno, waa arimaha gobalada Jubooyinka, saad la socotaaan 17 sano wixii aanu ka shaqeynaynay iyo xargihii aanu xirxireynay baa si sahlan ku furfurmi raba, oo waxaa laga yaaba inay heshiiyaan beelaha dega Jubada hoose, Jubada dhexe & Gedo oo ay maamul gobolleed Jubbaland halkaas kasoo baxo, waa wixii aanu 17 sano ka dhiidhiyeynay, si aysan u heshiin weligood waa inagii marba siyaasi iyaga ah oo aan xagooda waxba ka ahayn waa teynu hubayn jirney ciidamana ku taakulayn jirney oo aanu ku oran jirnay inagaa wax kaa dhigeyna kismaayana gacanta kuu gelinayna, waxba yaanan hadalka ku dheeran waa inaynu culayskla saarna jubooyinka (Kismaayo) si aysan u heshiina falankeed lagalaa.

Hadii kale waxaa halkaas ka dhalanaya maamul goboleed federaal ah oo xoog badan, dhaqaale badana  leh haday noqon lahayd xag bad xag xoolo & xag beeraba waxay gaari doonaan heer ay dhaqaale nagu kala iibsadaan, Somaali oo dhana gacanta ayay ku dhigi doonaaan, Doorashooyinkana codka ayay isugu shubi donaan iyaga iyo beelaha kale ee dega Puntland, Bay, Bokool, Banaadir, Shabeelada dhexe & shabelada hoose. Marka inta aysan taasi iman wa inaynu fadhiga ka kacnaa oo xargihii la xiri jirey xargo ka badan aanu xir xirnaa. Koley aniga shaqsiyan dhaqaalaha iyo waqtiga aan ku lumiyay xarig xirka & kala daadinta Jubooyinka lama soo koobi karo.

Shaati-Dheere:-

War nimanyahow weligeen ma waxaan ku jireynaa xarga xiris iyo wax burburin miyaynan marna isku dayeyn wax dhisid (constructive) iyo wanaag inaanu Somaali wax kula qabsano, oo aanu xiriiro siyasadeed oo u cuntami kara soona jiidan kara ummada.....la soco todobaadka dambe. 
 

Prepared by: - Ahmed  Moalin - Ahmed.moalin@gmail.com


Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2007 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com