SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Kulan balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan Beesha Gaal-Jecel ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

      Kulankaan oo ay ka dhex muuqdeen rag magac weyn ku leh Guurtida Beesha GaalJacel ayaa ulajeedada ka dambeysa qabsoomidiisa waxa lagu sheegay in ay tahay sidii Shuruuc loogu sameyn lahaa Guddi dhawaan ay Beeshu soo xulatay oo iyana iska dhex doortay guddoomiye horkaca, waxa uuna Guddiga Beeshu fadhigooda isku afgarteen in si deg deg ah loo sameeyo shuruuc uu yeesho golaha.

      Kulankii Beesha waxaa khudbado ka jeediyey mas’uuliyiin badan, waxaase khudbad dheer oo arrimo badan taabaneysay jeediyey Guddoomiyaha Guddiga sare Beesha Gaal-Jecel Dr Isaaq Xaaji Nuur (Ameeriko), waxa uuna Guddoomiyuhu sheegay in marka Shuruucdaani miiska la soo saaro ay sida ugu dhaqsiyaha badan u hirgeli doonto, isagoo hoosta ka xariiqay in Beesha Gaal-Jecel door muhiim ah ka qaadan doonto masraxa dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed. 

     “Golaha cusub ee Beesha Gaal-Jecel, waxaa loo aasaasay sidii nabadda iyo waliba kor u qaadida dhiiragelinta qaran Soomaaliyeed oo dib u istaaga uu qaybtiisa u qaadan lahaa, taasina waxgaradka Beeshu dhamaantood madaxa ayay u luleen, waxaana filayaa in dadweynaha Beesha Gaal-jecel middaasi iyana door weyn ka cayaari doonaan” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub oo mar la weydiiyey hawsha baaxadda ee hor taala dhaqaalaaha lagu socodsiin karayo, waxa uuna farta ku goday in ay leeyihiin Doolar Daaqaya (Xoolaha Nool) oo uu sheegay in Illaah ku maneystay. 

      Guddoomiyaha ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in guddiga uu socdaalo ku tagi doono gobalada J/hoose. J/dhexe iyo Sh/hoose, Sh/dhexe oo Hiiraan si afkaarta Beesha Gaal-Jecel la isugu xiro. 

      Guddiga Beesha Gaal-Jecel ayaa ugu dambeyn ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo colaada ka jirta Gobalka J/hoose  oo ay ku tilmaameen mid aan faa’iido laheyn. 

Amiin Yuusuf Khasaaro, Xamar


  • Garowe: Madaxwaynaha DGPl Gen: Cade Muuse oo eedayn u jeediyay kooxaha ku sugan Asmara.
  • Bosaso:Cade Muuse oo Guddi u magacaabay khilaafka dhaliyay xilka qaadista iyo soocelinta Khadar Xaaji Mire

Garowe: Madaxwaynaha DGPl Gen: Cade Muuse oo eedayn u jeediyay kooxaha ku sugan Asmara.

Madaxwaynaha DGPL Gen: Cade Muuse oo warfidiyeenada kula hadlayay xarunta Dawalada G. Puntland ee Garowe ayaa sheegay in kooxaha la baxay baarlamaanka Xorta ah ee ku sugan Asmara Erateria iyo kooxihii ka haray Maxkamadihii islaamiga ahaa ee dalkaasi ku sugan in ay Puntland la maleegayaan bur bur iyo qalalaanse iyaga oo ku soo dhexdhuumanaya bulshada islamarkaana adeegsanaya qaar ka mid ah Golaha deegaanka Magaalada Bosaso.

Madaxwaynaha Puntland ayaa sidoo kale waxaa hadaladiisa ka mid ahaa in qaar ka mid ah Golaha deegaanka Bosaso ay lacag ka heleen dawlada Erateria oo ay isku dayeen in ay Inqilaab ku ridaan Duqa degmada Bosaso Islamakraana ah Gudoomiyaha Golaha degaanka degmada shirqoolkaasi oo aanu garanay ka dawlad ahaana aanu ug ahortagnay is la markaana aanu gudoomiyihii halkiisii ku celinay anaga oo uga dignay kooxihii ka danbeeyay in qilaabkaasi in aysan mar danbe ku kicin arinkaas hada wixii ka danbeeyana ay yihiin cafis balse aysan mar labaad iyo mar sadexaad ku kicin arinkaas foosha xun ee dalka iyo dadka wax u dhimaya waa sida uu hadalka cade muuse u yiriye isaga oo hadalkaasi ka jeediyay saxaafada horteeda oo ay si buuxda wax uga qoreen war fidiyeenadu.

Cade Muuse ayaa hadalkaasi jeediyay isaga oo u muuqda mid aan la gabanayn isla markaana daafacaya duqa degmada Bosaso khadar xaaji mire oo ay xilkii ka xayuubiyeen Golaha degaanka ee degmadaasi.

Bosaso:Cade Muuse oo Guddi u magacaabay khilaafka dhaliyay xilka qaadista iyo soocelinta Khadar Xaaji Mire

Madaxwaynaha DGPL Gen: Cade Muse ayaa u magacaabay Guddi ka kooban heer wasiiro iyo Kuxigeeno arinta muranka wayn dhaliyay iyo khilaafka ee ka dhex aloosan Golaha deegaanka degamada Bosaso taasi oo sababtay in xilkii laga qaaday Gudoomiyihii Degmada Khadar xaaji Mire uu madaxwaynuhu ku soo celiyay xilka isaga oo soosaaray Digreeto uu arintas xil ka qaadista ah ku burunayo taasi oo dadka siyaasada in dha indheeya ay ku tilmaameen aan sharciga waafaqsanayn islamarkaana uu madaxwaynuhu ku difaacayo qoyskiisa waa sida ay dadka sharciga yaqaanaa hadalka u dhigeene.

Guddigan uu maanta Madaxwynuhu Magacaabay ayaa inta badan ah Golaha wasiirada puntland qaarkoodna ay yihiin wasiiro ku xigeeno iyo Gudoomiyaha Gobalka Bari, inkasta oo aan la magacaabin mid ka u ah guddigan Gudoomiye iyo sidoo kale kan ah gudomiye kuxigeen waxayna u qornaayeen sida tan.

Wasiirka wasaarada Dhalinyarada iyo ispoortiga C/nuur Maxamed Biindho

Wasiirka Madaxtooyada Cali Buureed

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyada Yasiin Tamaad

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Ibraahim Cartan ( Xaaji Bakiin)

Wasiir Ku Xigeenka Dawladaha Hoose Cali naaji

Gudoomiyaha Gobalka Bari Muuse Geelle Yuusuf ( Faroole)

Waxaana laga filayaa Gudigan in ay go'aan ka soo saaraan Gudiga iyada oo sidoo kale la ogsoonyahay Go'aankii uu arintaan ka qaatay mas'uulka ka sareeya ee amgacaabay Ragan Wasiirada ah kuwasi oo maalinimada Bari ah kulmidoona.

Faafin: SomaliTalk.com | June 22, 2007 


  • Qarax Xoogan Oo Lagu Gubey Gaari Uuraal ah Oo Sidey Ciidamo Ethiopian ah .
  • Isgoyska Howl-wadaag Oo Noqday Hoyga Shaqaaqooyinka ..
  • Ciidamada Dowlada KMG ah Oo Noqday Har Iyo Habeen Kuwo Keebla Yuurur Ah .

Qarax Xoogan Oo Lagu Gubey Gaari Uuraal ah Oo Sidey Ciidamo Ethiopian ah .

Kolonyo ciidamada axmaarada ah oo marayey ex-kuliyadii jaalle siyaad ayaa lala beegsaday qarax laga hageyey rimuut cantrol ,islamrkaana lagu qarxiyey gaari nooca ciidamada qaada oo loo yaqaano Uuraalka .

Qaraxan ayaa gebi ahaanba bur-buriyey baabuurkaas oo ay saarnaayeen tiro ciidanka ethiopia oo aad fara badan ,islamrkaana uu rasaas xoogan furay ,baabuur ka dambeeyey baabuurka gubtey iyadoo ay rasaastaas la beegsadeen dad rayid ah oo qaarkood ka dhaansanyeen biyo ceelka loo yaqaano tusbaxle oo ka ag dhowaa goobta qaraxaasi ka dhacay ,rasaastaas ayaa sidoo kale ay wax yeelaysay baabuur rakaab ah oo nooca minu buska kuna sii jeeday xaafada jiiro miskiin ee degmada wadajir.

Sidoo kale qasaaraha ayaa isugu jira 8-qof oo dhimasho ah oo ay ku jiraan 3-wiil oo walaalao ah oo ay rasaasta la beegsadeen ciidamada xukuumada ethiopia iyo tiro dhaawacyo ah .

Inta badan ciidamada xukuumada ethiopia ayaa ka aargosta dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan kadib marka qaraxyada loo gaysto ,iyagoo rasaas la beegsada meelaha ay dadku ku badan yihiin islamrkaana aan ukala aabe yeelin ,mana jiraan cid ka tirsan masuuliyiinta dowlada KMG ah oo ka hadasha dhacdooyinkan foosha xun .

Qof goob jooge ah oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa saxaafada u xaqiijiyey markii uu qaraxu dhacayey ayuu sheegay inay ugu yaraan ay halkaas ku qudh baxeen 15-askari oo ethiopian ah iyo weliba tiro dhaawacyo ah ,sidoo kale inta badan ciidamada xukuumada ethiopia ayaan la xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah ee soo gaara taasoo aysan ka hadlin saraakiishoodu .

Iskusoo wada duuboo mowjadaha qaraxayada ah ee lala beegsanayo ciidamada xukuumada ethiopia ayaa noqday kuwo joogto ah ,oo lagu wax yelayanayo ciidamada axmaarada ee ku sugan caasimada muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Isgoyska Howl-wadaag Oo Noqday Hoyga Shaqaaqooyinka ..

Xalay Fiid horaadkii ayaa miino lasoo dhigay miino dhabarka dambe ee saldhiga degmada howl-wadaag ee magaalada muqdisho .

miinaadan ayaa sida ay sheegeen saraakiisha booliska ee saldhigaas ay lala damacsanaa in lagu waxyeeleeyo ciidamada booliska ee ku sugan saldhigaas ,iyadoo aysan wax qaraxa gaysan .

sarkaal u hadlay ciidanka booliska degmada howl-wadaag ayaa saxaafada u sheegay inay soo qabteen miinadii islamrkaana ay ku qarxiyeen saldhiga hortiisa ,iyagoo dadweynaha degan xaafada ka agdhow amar lagu siiyey inaysan guryagooda kasoo bixin.

Ma jiraan wax qasaare ah oo ka dhashay miinadaas laga soo qaaday dhabarka dambe ee saldhigaas ,waloow ay jiraan wel-wel iyo walaac xoogan oo cabsiyi ku jirto oo lasoo dersay dadka shacabka ah ee deegaankaas ,iyadoo ciidamada booliskuna ay goobtaas xireen ilaa saaka waaberigii .

Si kastaba ha ahaatee isgoyska howl-wadaag ayaa beryahan noqday goobta ugu khal-khalka badan ee ay ka dhacaan falalka dilka iyo qaraxyada ,islamrkaana ay si weyn loogu baacsado ciidamada dowlada KMG ah iyadoo ay ku yaraadeen isu socodka gaadiidka iyo dadka .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Ciidamada Dowlada KMG ah Oo Noqday Har Iyo Habeen Kuwo Keebla Yuurur Ah .

Dagaal laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay goor dambe ka qarxay ex-garoonkii hore ee horseed ,ee dhabarka dambe ee barxada tarbuunka halkasoo ay degnayeen cutub ka tirsan ciidamada dowlad KMG ah .

Dagaalkan oo u dhexeeyey kooxo hubaysan iyo weliba ciidamada dowlada KMG ah ayaa soconayey mudo lagu qiyaasay 45-daqiiqadood ,islamrkaana laga maqalyey hugunka rasaasta waaweyn , mid ka dhacda qoryaha lidka diyaaradaha iyo baasuukayaasha daafaha caasimada muqdisho .

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa tibaaxaya in iska hor imaadkaasi uu ku dhin tay hal asakari oo ka tirsan ciidamada dowlada KMG ah ,lamana xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray milayshiyada weerarka gaysatay .

Saaka ayaa lagu arkayey deegaankaasi iyo xaafadaha ka ag dhowba dadka shacabka ah oo isakaga qaxaya halkaasi ,islamrkaasina garbaha ku wata agabyadoodii kala duwanaa ,iyagoo la baxsanaya naftooda iyo weliuab caruurtooda .

Iska hor-imaadyadan ayaa noqday kuwo caadi ka noqday xiliyada habeenkii ah magaalada muqdisho ,kuwaasoo lala begsanayo fariisimada ciidamada dowlada KMG ah iyo weliba saldhigyada ciidamada xabashida ee ku sugan caasimada .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com