SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Warar: June 23, 2007

  • Qaraxyo ka dhacay Magaaloyinka Muqdisho, Baladweyne iyo Diinsoor

  • Siminaar lagu qabtay xarunta SSWC  

  • Dowladda Federaalka oo diyaar garoow ugu jirta Munaasabahada 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo..

  • Sheekh Aadan Madoobe oo maanta u ambabaxaya magaalada Qaahira ee dalka Masar.

  • Dagaalo ka dhacay Gobalka J/hoose, gaar ahaan Magaalada Kismaayo

  • Dowladda Mareykanka oo walwal ka Muujisay xaaladda nabadgelyo xumo ee dalka Magaalada Muqdisho

  • Firimbi oo beeniyay in uu Max’ed Dheere uu xanuunsanayo…


    Demonstration on Tuesday June 26 2007 in Washington DC

    Somalia: UN: Humanitarian Situation Report 22 June 07

Qaraxyo ka dhacay Magaaloyinka Muqdisho, Baladweyne iyo Diinsoor

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Waxaa sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa qaraxyada lala beegsanayo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka, waxaana qaraxyadii ugu dambeeyey ay ka dhaceen magaalooyinka Muqdisho, Baladweyne iyo Diisoor.

Labo qarax oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa iyo labo qofood, mid waxa uu ka dhacay isgoyska Kaasabalbalaare, halka midka kalana uu ka dhacay agagaarka Dekedda weyn ee muqdisho, iyadoo kii ka dhacay Dekedda weyn ee Muqdisho ay ku geeriyoodeen lix askari oo ka tirsan Dowladda Federaalka, mar ay miino kula qaraxday gaari ciidmada Dowladda FKMG wateen.

Sidoo kale wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne waxa ay sheegyaan in qarax weyn uu ka dhacay bartamaha Magaalada oo uu ku dhintay hal qof, sidoo kale warar ka imaanay Diinsoor ayaa waxay sheegaay in koox dabley ah ay weerar ku qaaday saldhiga Booliiska degmadaasi halkaasi oo ay ka gaysteen qaraxyo iyo waliba israsaaseyn noo la sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa iyo shan qofood

Siminaar lagu qabtay xarunta SSWC  

Siminaar socday mudo saddex maalmood ah ayaa lagu qabtay xarunta Ururka Badbaada Haweenka iyo Dhallankaa SSWC ee magaalada Muqdisho.

Siminaarkaan oo lagu baranayey cashiro ku saabsan xaquuqda Haweenka, Mas’uuliyadda Bulsha dhexdeeda ku leeyihiin Haweenka, Doorka Go’aanka qaadashada siyaasadda dalka.

Siminaarkaan waxaa cashiro ka bixinayey Macalimiin aqoon iyo waayo-aragnimo dheer u leh arrimahaasi oo ay ka mid ahaayeen Max’ed Cilmi Guure iyo Sheekh Ibraahim Max’ed Nuur.

Gebagabadii siminaarkaan oo ay ka soo qaybgaleen 70 xubnood oo isugu jiray Rag iyo Haween waxaa macallimiinta iyo ka qaybgalayaashu ammaan balaran u soo jeediyeen Hay’adda SSWC oo suuragelisay siminaarkaan waxayna ku booriyeen in ay sii wado qabashada aqoon kororsiga noocaan oo kale ah.

Waxaa siminaarkaasi soo xiray Hindi Axmed oo ka mid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa Hay’adda SSWC, iyadoo uga mahadcelisay Macallimiinta iyo ka qaybgalayaasha habsami u socodkii duruusta kuna adkeysay xubnaha qaatay duruustaani ay uga faa’iideeyaan inta kale ee aan fursadda u helin.

Dowladda Federaalka oo diyaar garoow ugu jirta Munaasabahada 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo..

Iyadoo ay fooda nagu soo haysa maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-Luulyo ayaa Dowladda Federaalka waxay dadaal ugu jirtaa sidii ay u qabsoomi lahaayeen munaasabadahaasi oo ku weyn shacabka Soomaaliyeed.

Manta ayaa la filayaa in Dowladda Federaalka ay magacowdo guddi qabanqaabiya munaasabadahaasi, waxayna munaasabadani kus oo beegmeen xili Magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow aan la ogeyn marka uu dhamaanayo, sidoo kale waxay ku soo beegmeen xili ay magaalada Muqdisho ka jiraan qaraxyo iyo dilal.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyey munaasabadahan, qaarkood waxay sheegeen in xiligaan aan la xusi Karin munaasabadahan, maadaama ay dalka ku sugan yihiin wax ay ugu yeereen ciidamo shisheeye, sidoo kalana jawiga Magaalada Muqdisho uu xiligaan yahay mid jahwareersan.

Sheekh Aadan Madoobe oo maanta u ambabaxaya magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Guddoomiyaha Baarla-maanka Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maantaa ka ambabaxaya Magaalada Nayroobi, isagoo ku sii jeeda dalka Masar, kadib markii uu maritqaad ka helay Jaamacadda Carabta gaar ahaan ururka Baarlamaanada Carabta oo kulan ku yeelanaya Magaalada Qaahir ee dalka Masar. 

Sheekh Aadan Madoobey ayaa la filayaa in uu halkaasi ka jeediyo khudbad ku aadan Xaaladda Soomaaliya iyo sidii Jaamacadda Carabtklu kaalin mug leh ugu yeelan lahayd dib u dhiska dalka iyo waliba dhinaca nabadgelyada, sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda Baarlamaanada Carabta ee ka soo qaybgalaya kulankaasi oo ka imaanaya dalalalka Carabta.

Dagaalo ka dhacay Gobalka J/hoose, gaar ahaan Magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in deegaanka lagu magacaabo Goofweyn uu shalay kabilowday dagaal u dhexeyee labadii kooxood ee ka wada tirsanaa dowladda FKMG iskuna hayay gacan ku haynta Magalada Kismaayo.

Dagaalkaan oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaan la ogeyn khasaaraha uu keenay, iyadoo lagu waramay in labada dhinac ay gaarayaan gurmado ka kala imaanaya Muqdisho iyo Baardheere.,

Habeen hore ayay ahayd markii halka lagu magacaabo Xaafadda Calanley oo ka tirsan Kismaayo uu dagaal ka dhacay oo labada dhinac u dhexeeyey ee isku haya Magaalada Kismaayo, waxayna wararka qaar sheegayaaan in ciidamo ka yimid Goof Guduud ay si dhuumaaleysi ah ku galeen magaalada Kismaayo, balse hayeeshee Afhayeen u hadlay ciidamada ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in ciidamadii halkaasi soo galay laga saaray dib loogu celiyey goobihii ay ka soo duuleen. Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in ciidamadii ku suganaa deegaanka Buula Guduud dib halkaasi looga soo riixay laga qabsadayna dhowr tikniko ah, sidoo kalana ciidamo soo galay Kismaayana iyaha halkaasi dib looga riixay.

Dowladda Mareykanka oo walwal ka Muujisay xaaladda nabadgelyo xumo ee dalka Magaalada Muqdisho

Dowladda Mareykanka ayaa walwal ka muujisay xaaladda nabadgelyo xumo ee ku soo korortay magaalada Muqdisho kadib markii waayadii ugu dambeeyey ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal loo gaysanayo ciidmada Dowladda iyo kuwa Itoobiya. Dowladadda Mareykanka waxay sheegtay in qaraxyadaan iyo dilalkaani ay sii wiiqayaan hanaankii dib u heshiisiinta ee laga rabay wadanka Soomaaliya, Dowladda Mareykanka waxay kaloo sheegtay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay wada hadal la furto kooxaha ka soo horjeeda si loo helo awood qaybsi balaaran oo ay ku wada qancaan dhamaan kooxaha isku haya wadanka Soomaaliya. Dhinaca kale Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa la filayaa in Magaalada New York uu kula kulamo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Mareykanka oo ka codsan doono sidii taageero balaaran loogu fidin lahaa Dowladda Federaalka si ay u gudato hawlaha dhinaca ammaanka iyo dib u dhiska. 

Firimbi oo beeniyay in uu Max’ed Dheere uu xanuunsanayo…

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Siyaasadda ee Gobalka Banaadir C/llaahi Xasan Ganey ( Firimbi) ayaa mar uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu si kulul u beeniyey in duqa Magaalada Muqdisho Max’ed Dheere uu ku xanuunsanayo magaalada Nayroobi, waxa uuna wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iy raad toona laheyn, waxa uuna sheegay in guddoomiyaha uu hawlaha dhinaca Gobalka Banaadir ah u joogo Magaalada Nayroobi.

Waxa uu u soo jeediyey C/llaahi Firimbi in ay ka fiirsadaan wararka ay qorayaan isagoo sheegay in wixii haatan ka dambeeya lakula xisaabtami doono warbaahinta waxa ay tabinayaan, isagoo sheegay in Warbaahinta looga fadhiyo in ay dabagal xoog leh ku sameeyaan wararka ay bulshada u soo bandhigayaan halka ay ka yimaadeen iyo xaqiiqdooda dhabta ah waxa ka jira.

Max’ed Dheere ayaa todobaadkii hore waxa uu safar deg deg ah ugu ambabaxay magaalada Nayroobi, hase yeeshee safarka guddoomiyaha wax faahfaahin lagama bixin waxa uu ku aadanaa.

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com