SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


London: July 8, 2007:  Kulan Deeq Loogu ururinayo Jaamacadda Gedo


Gotenborg: Xagee...


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


ODAYGII INDHO LA'AANTII  DAD CUNIMUU KU DARSADAY

Qore :- Saciid faarax
Boosaaso Punt-land soomaliya
Email: al_ixsaan@yahoo.com


Gogol Dhig :-

Waxaan ku cabirayaa Fikradayda aan ka qabo Wax qabadka Cade iyo aragtida Maanta ee Golaha Degaanka Degmada Boosaaso iyo wareegtada Cade Wixii gaf ah anaiga ayaa iska leh wixii macquul ahna waxaan u bandhigayaa akhristayaasha , Mana Doonaayo in aan sheego wax aan jirin oo Xad gudub ah haba yaraadee Inshaa Allaah.

Dulucda Maqaalka oo Faah faahsan :-

Sida la ogsoon yahay Maamulka Cade Muuse ee Punt land wuxuu ku Caan baxay wax qabad la,aan iyo Cadaalad Xumo , waxaana ka taliya laba wasiir oo muruqyo wayn oo aan la bedelin marnaba , waana Wasiirka maaliyada iyo kan Dawldaha hoose , hayb ahaana xaga qabiilka waaxay is xigaan Cade Muuse , waxaa wadanka laga samays tay Warshado Sameeya lacag Soomaali oo dadkii Shacabka ahaa ee Mas,uuliyadu ka saarnayd ku Dhibay Noloshii iyo Dhaqaalihii , waxaa intaa dheer wax Qabad la,aan iyo Maaweelada Cade  Muuse oo ku salaysan Beenta iyo Eexda , isagoo Cade sadex sano Reer Punt land ugu Sheekaynayay arimo badan oo markii dhinac laga eego u ekaa wax tar balse isu bedelay Musuq maasuq iyo Khiyaamo qaran.

Cade markii u horeeyayba wuxuu Hantidii Qaranka u isticmaalay Caafimaadkiisa iyo Dano u khaas ah , wuxuu bilaabay Safaro aan dhamaan oo ku salaysan been  oo uu ku waramo waxaan soo galay heshiisyo ku aadan Shidaalka , Xoolaha, Air portiyada , Dekedaha , Dayuurado, Maxjaro iyo arimo kale oo badan intaasna hal mid wax kama qabsoomin ,Mid walba Sadex bilood Gudohood ayuu ku balan qaaday in lagu bilaabi Doono.

Maanta oo sadex sano uu marayona waxba kama bilaaban Wadanka.

Soomaalidu waxay tiraahdaa xikmad oranaysa (Hargo maran side ,Hawli kama harin, Habaarna u dheer,) waxaase cad in lacago badan ay ku cuneen isaga iyo saaxiibkii Gaagaab oo ay ka qaateen shirkado ajnebi ah , halkii Mashruuc oo la bilaabaana ma dhamaado waxaana lagu cunaa Bilaayiin lacag ah oo Hal Guri oo laga dhisayo Air portiga Boosaaso oo aan dhamaan ee weli qabyo ah waxaa lagu Khudbeeyay in ay Gashay 3 bilyan oo lacag ah , waxaa la sheegaa in Emaaraatka laga iibsaday Qasriyo waawayn Cade Iyo Gaagaab.

Ciidamada Punt land ma qaadan laba sano iyo bar wax Mushahar ah , Sarifkii waxaa loo qoondeeyay qiimo Go,an warsahado lacago sameeya iyo diyaarado lacag ka buuxa ayaana maalin walba Suuqa ku camira malaayiin lacag ah , waxaana la rabaa laba nin oo kimishin Siiya Cade iyo Gaagaab in loo xiro Suuqa sarifka oo dhan , fawdada iyo Qabayaalada iyo maamul xumadu waa wax aan la tiro koobi Karin.

Intaas iyo arimo badan oo aanan soo tira koobi Karin iyo kuwa qarsoon ka dib Cade Muuse wuxuu fara gelin badan ku hayaa Golayaashii Degaamada Punt land , khaasatan Golaha Degaanka ee Boosaaso oo uu madax ka ahaan jiray nin ay isku Jifi yihiin , waxaa la ogaa markii Golahaan la dhisay in uu xabsiga u taxaabay Sadex Xildhibaan oo Golahaan ka mid ahaa oo ka biya Diiday Sidii wax loo Maamulay iyo rag Odayaal ah oo ganacsato qaarkood ahaayeen  siada Xaaji Ismaaciil Calasoow iyo Idaacadii STN oo uu iridaha u laaabay hawl wadeenadeediina Xabsiga la dhigay maxkamad la,aan Ogaysiis ay sii daayeen darteed .

Kasoo gudub Sanadkii 2006 dhexdiisii waxay Goluhu isku dayeen in ay u fariistaan kalfadhi ay kaga hadlayeen wax qabadka Duqa Degmada , kaas oo dhaliyay Khilaaf xoogan oo uu Duqa Degmadu Hoolkii Shirka ka xirtay Golaha Degaanka , ka bacdina waxaa soo baxday Wareegto cadaynaysa in aan hawlihiisa la fara gelin oo aan wax cod ah loo qaadi Karin , waa halka ay soomaali ka tiraahdo (Gar qab oo gaada ku darso)
Shacabka reer Punt land kama dhamaadaan tanaasul iyo Dul qaad waa iska sabureen iyadoo ay dareemayeen dhib iyo wax qabad la,aan.

Hadaba intaa ka dib ayaa maalinkii  Taariihkdu ahayd 16/06/07  waxaa Golaha Degaanku u bandhigeen Duqii hore ee Degmada Boosaaso Qoraal ay wax ku su,aalayeen waxaana u furnaa dood iyo Difaac iyo Xataa in uu mudo Dheer qabsado , balse waa nin meel ku tiirsane waa u dhabar jeediyay  qoraalkaana wax kama soo qaadin Shirkiina wuxuu yiri waa xiran yahay , hadana Maalinkii ay taariikhdu ahayd 17/06/2007 aabarihii shan saac ayaa Golaha Degaanka ee Degmada Boosaaso waxay u codeeyeen Duqii Degmada Khadar Cabdi xaaji mire oo in badan Naas nuujinta ku haystay Shaqadaan isagoo cadaalad xurmo iyo hanti aan midna u aaba yeelayn , intaa ka dib maxaa dhacay  ???? 

Laba saac ka bacdi  Cade Muuse oo jiray maalinkaa Garoowe wuxuu soo saaray Wareegto indho la,aan ah oo  uu amar ku bixinaayo in aan Xilka laga qaadi Karin Khadar , isla markaana wuxuu ku buriyay Wareegtadaan waajibaadkii shaqo iyo hawlihii loo igmaday Golaha Degaanka ee Degmada boosaaso.

Waxaa Arinkaa ka sii daray Maalinkii 18/06/2007 Khadar wuxuu u yeertay Koox Hobolo ah oo loo yaqaan "Waji xun" oo ka jira Gobolka Bari , Wuxuuna Ku qabtay hoolkii Shirka ee Dawlada hoose Xaflad ay Hoboladaasi ugu codeeyeen in uu xilka sii hayo , ayna ku ansixiyeen Wareegtadii Cade Muuse , Sidaa darteed Waxaa Muuqata in Xilkii Golaha Degaanka ay la wareegeen Kooxda Waji Xun iyo General Cade Muuse oo ay iyagu ansixin karaan Nadaamkii lagu Heshiiyay ee Golaha Degaanka loo dhisay , Goluhuna uu magac iyo Jiritaanba Beelay , mar hadii aanu xisaabtami Karin waxna aanu qaban Karin waxna aanu ansixin Karin .

Geba Gebadii :-

Arinkaani wuxuu  marag u yahay Qabyaalada Foosha xun ee Cade Muuse  waana yaab in laba saac ka bacdi ay ka soo baxdo Xafiiska Cade wareegtadaani , Isaga oo aan Boosaaso Joogin, Isaga oo aan arinkaan ka Fiirsan, Isaga oo aan Tix gelin Golaha Degaanka oo Hawshooda Shaqo u madax bannaan, Isaga oo Cadaystay caadifad iyo qabyaalad fool xun oo aan gabasho lahayn, Balse Markii uu Cade Xilka ka Qaado shaqsi Reer Punt land ah wuxuu kala kulmaa wanaag iyo Xil wareejin wanaagsan , hadiise Isaga ina Adeerkii loo codeeyay oo loo maray Nidaam lagu heshiiyay maxaa ku kalifaya qabyaalada qaawan oo foolxumada leh iskuna Diraysa Bah waynta Reer Punt land oo walaalaha ah isna jecel .

Isku Dhejinta Maamulka oo si nadaamka ka baxsan loo maro iyo Qabyaaladu waa waxa Afrika Burburiyay, arintaanina waxay Punt land u horseedaysaa Bur Bur iyo in Nin walbaa meel isku dhejiyo waana wax xataa Cade u daran inta uu maamulka hayo oo Qof danbe ma bedeli doono Waayo nin walbaa waa qabiil Hadii Cadaalad la waayo waa aragtidayda ee anigu Qabyaalad u hadli mayo , haybta korna Cade ayaan wadaagnaa.

Waxaan kusoo geba gebaynayaa hadalkii aan ka dhigay Ciwaanka oo ahaa Odaygii indho la,aantii dad cunimuu ku darsaday oo la macne ah , Cade Cadaalad xumadii iyo Lugooyadii Shacabka wuxuu ku darsaday Qabyaalad Qaawan  
Nin Gabyay oo tilmaamayay Qabyaalada Qaabkaan oo kale ah ayaa yiri tixdaan
Hadii Aniga Wiilkaygu Dilo Adiga willkaaga Walaalaynu nahay iyo kuwaan wax isla waayaynin
Hadiise Adiga wiilkaagu dilo Aniga wiilkayga wax xun baad wadaa iyo waxaan lagu walaaloobin,
 
Qore :- Saciid faarax
Boosaaso Punt-land soomaliya
Email: al_ixsaan@yahoo.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com