Barnaamijkii Radio Xoriyo
23 Jun 2007.
Dagaallo badan oo CWXO ku jabiyeen kuwa
cadowga.
Dadwayne cadowgu meelo kala duwan ku
laayay.
Ciqaab wadareed ciidammada ku hayaan
deegaanno kala duwan.
Dagaallo badan oo CWXO ku jabiyeen kuwa
cadowga.
Barnaamijkii Xog-Warran(Jabhad Xaq
ah..Warbixin dheer uu wariye Jeffery oo u shaqeeya Newyork Times kaga
waramayo Ciidanka qalabka sida ee ONLF iyo wadanka Ogadenya).
======================
Dagaallo badan oo CWXO ku jabiyeen kuwa
cadowga.
Wariyaha nooga soo warrama jiidda hore ee
dagaalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaallo badan oo dhex maray CWXO
iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo si wayn loogu jabiyay ciidammada naf
la-caariga ah ee gumaysiga Itoobiya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;
20/6/07 Afwayne waxaa lagu miray cidammada
gumsysiga, waxaana loo gaystay khasaare ba’an oon faahfaahintiisa la haynin.
20/6/07 weerar gaadmo ah oo ciidammada
gumsyiga loogu gaystay meesha lagu magacaabo Xiiraha, oo Dhagaxbuur ka
tirsan, waxaa guaysiga lagaga dilay 3 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
20/6/07 Dhagaxley waxaa lagu weeraray kolonyo
baabuur ah oo ciidammada cadowgu leeyihiin, waxaana loo gaystay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
20/6/07 Oonyood weerar gaadmo ah oo ciidammada
cadowga loogu gaystay, waxaa la gaadhsiiyay khasaare ba’an.
19/6/07 Hunjurri, oo Dhagaxbuur u dhaw dagaal
adag oo ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 13 askari, 10
kalana waa lagaga dhaawacay.
19/6/07 weerar mir ah oo lala beegsaday
ciidammada gumaysiga ee ku sugan Diyaar, oo ka tirsan degmada Awaare, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay inta la ogyahay 11 askari, 9 kalana waa
lagaga dhaawacay.
Sidoo kale 19/6/07 dagaal ka dhacay Afwayne,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 4 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 19/6/07 Kurtun, oo Dgaxbuur ka tirsan,
waxaa lagu miray ciidammada gumaysiga, waxaana loo gaystay khasaare an
faahfaahintiisa la haynin.
19/6/07 Kaba-royaan, oo Garoonka u dhow,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 13
kalana waa lagaga dhaawacay.
18/6/07 Gumarrey, oo ka tirsan gobolka
Qorraxey, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay labo baabuur, oo iyaga iyo
wixii saarnaaba ay halkaas ku bas-beeleen. Ciidammada gumaysiga ee
xaruntoodu tahay agaalada Qabridaharre ayaa markii khasaarahaas loo gaystay
waxay dib ugu jeesteen dadwaynaha rayadka ah, waxayna odayaasha magaalada u
sheegeen in loo haysto magtii 8 nin iyo labo baabuur oo laga gubay.
17/6/07 Kabaalo-Cadde, oo Garigo’an u dhow,
dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 3 askari, 7 kalana
waa lagaga dhaawacay.
Isla 17/6/07 Waafdhuug duleedkeeda dagaal aad
u qallafsan oo ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay inta la
ogyahay 70 askari, 26 kalana waa lagaga dhaawacay. Ciidankan Waafdhuug lagu
jabiyay ayaa mar kale isla taariikhdaas lagu helay Garloogube, waxaana laga
dilay 8 askari, 9 kalana waa laga dhaawacay.
16/6/07 Gudhis dagaal aad u culus oo ka dhacay
waxaa cadowga laggaa dilay inka badan 92 askari, 58 kalana waa lagaga
dhaawacay.
Isla 16/6/07 Dhagaxyaley, oo Garigo’an u dhow,
dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga
dhaawacay.
15/6/07 Waddo-Abaareed, oo Awaare ka tirsan,
dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 6 askari, 2 kalana waa lagaga
dhaawacay.
14/6/07 Qolqolow, oo Qabridaharre u dhow,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga gubay hal Baabuur oo Uuraal ah, waxaana
bas-beelay isaga iyo wixii saaraa.
14/6/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa gacanta ku
dhigay meesha lagu magacaabo Roga, oo wax yar u jirta magaalada Harar,
waxaan dagaalka meeshaas lagu qabsaday ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2
askari, 1 kalana waa lagaga dhaawacay, waxaa sidoo kale lagaga furtay 8 Qri.
11/6/07 Dhagax-madow dagaal mir ah oo ka
dhacay, waxaa ciidammada gumaysiga loogu gaystay khasaare ba’an oon
faahfaahintiisa la haynin.
11/6/07 waxay CWXO gacanta ku dhigeen 4 ka mid
ah malleeshiyo hubaysan oo ciidammada gumaysiga la shaqeeya, kuwaasoo lagu
qabtay meesha lagu magacaabo Dhurwaale, oo Qabribayax u dhow. Malleeshiyadan
ayaa la sii daayay, ka dib markii digniin la siiyay ah inayna dib ula
shaqaynin ciidammada guaysiga.
Dadwayne cadowgu meelo kala duwan ku
laayay.
Ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya
ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah oo
tiradoodu kor u dhaaftay 20 qof, kuwaasoo ay qaarkood gawraceen.
Markii ay taariikhdu ahayd 18/6/07 waxay
ciidammada gumaysiga ku gawraceen magaalada Gumarrey 3 nin oo rayad ah oo
maydkooda suuqa ay soo dhigeen, waxaanan magaciisa helnay Alla ha u
naxariisteen Xasan Axmed Jees Baddal. Waxay sidoo kale dhaawac gaadhsiiyeen
hal nin oo lagu magacaabo Xasan-nuur Cawil Mahad.
Magaalada Qabridaharre waxay ku dishay markii
ay taariikhdu ahayd 19/6/07 Alla ha u naxariistee C/qaadir Xareed Alaaki.
19/6/07 Hunjurri, oo Labiga u dhaw, kana
tirsan degmada Dhagaxbuur, waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya ku dileen 18
qof oo rayad ah. Dadkan ay ciidammada gumaysigu halkaas ku laayen waxaa ku
jira labo carruur ah. Dadkaasi waxaan magacyadooda helnay;
1- Muxiyadiin Yuusuf Cumar
2- Maxamed Yuusuf Cumar
3- Macalin Cabdi Xaashi
4- Maxamed Cabdi Qoor-yare
5- C/llaahi Maxamed Af-daacuun
6- Qoor-gaab Cali Abshir
7- Miyir Cabdi Goorre
8- Farxaan Cabdi Carab (gabadh)
9- Sharaf Macalin Cabdi
10- C/llaahi Axmed Furre iyo
11- Cibaado Maxamed Cabdi oo
dhaawac ah
19/6/07 waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu
ku dileen meesha lagu magacaabo Coballey dadwayne rayad ah oo ay ku jiraan
labo carruur ah oo yaryar, waxayna kala yihiin;
1- Faroole Cabdi Bootaale
2- Asad Yuusuf Iley
3- Nuur Yuusuf Iley
4- Waayeel Cabdi IImaan
5- Ina Mataan oo magaciisa hore anaan
haynin iyo labo carruur ah oo yaryar. Deegaannadan ay dadka ku laayeen
ciidammada gumaysigu waxay sidoo kale ku gubeen Aqallo badan oo hantidii
taallay oo dhan ay ku bas-beeshay.
12/6/07 waxay ciidamada gumaysigu magaalada
Qabridahare ku dileen;
1- Cumar Islaan Muxumed iyo
2- C/wali Sh Xirsi
Markii ay taariikhdu ahayd 01/6/07 waxay
ciidammada gumaysigu sidoo kale ku laayeen meesha lagu magacaabo Ku-naso, oo
ka tirsan degmada Shilaabo, afar qof oo rayad ah, waxaanan magacyadooda
helnay;
1- Cali Cawaale Qorrax iyo
2- Qorane Xasan Guuleed Kawiye
Ciqaab wadareed ciidammada ku hayaan
deegaanno kala duwan.
Ciidammada gumaysiga oo hadda ku hawllan
xasuuq ay ku hayaan dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya iyo cunaqabatayn
dhaqaale oo ay si wadajir ah ugu soo rogeen dadwaynaha ku dhaqan Ogaadeenya
oo dhan, ayaa ciqaab wadareed u gaystay dadwayne rayad ah oo ku nool qaar ka
mid ah degaannada ay dhibaatooyinka ka wadaan.
Ciidammada gumaysigu waxay si qasab ah
deegaannadoodii uga rareen dadwaynihii ku dhaqnaa nawaaxiga magaalada Yucub,
waxayna isugu geeyeen Ceelka Walwaal, halkaasoo ay ilaa iyo hadda ku
horjoogaan. Dadkan ayaa si qasab ah deegaannadoodii looga soo raray, iyadoon
loo suuragalinin inay xoolohoodii soo kaxaystaan ama agabkoodii soo qaataan.
Dadkan ayaa halkaas ku tabaalaysan, iyadoon
wax gargaar ah oo loo fidiyay ayna jirin tan iyo markii halkaas sida qasabka
ah loogu soo xareeyay.
Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu
cunqabatayn gaar ah saareen dadwaynaha ku dhaqan in ka badan 11 tuulo oo ka
tirsan degmada Galaalshe, kuwaasoo mudo bil ah wax ka baxay iyo wax galay
midna ayna jirin.
Tuulooyinka xayiran waxay kala yihiin Malqaqa,
San-madheedhle, Garrida, Dheenka, Daalatayowga, Karinka, San-xaskulle,
Xero-safar, Tantoomi, Eedaan iyo Wiila-lays. Tuulooyinkan waxaa laga
mamnuucay inay isu socdaan ama uu soo galo wax gaadiid ah, waxayna dadku ku
nool yihiin waxa xoolohooda ka soo go’a oo kaliya.
Dhinaca kale waxay ciidammada gumaysigu
beryahan denbe oo dhan raafayaan dhalinyaradii ardayda ahayd ee meelo badan
oo Ogaadeenya k mid ah, kuwaasoo si qasab ah askar looga dhigayo.
23 Jun 2007
Axmed Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | June 23, 2007
Qaraxyo ka dhacay
Magaaloyinka Muqdisho, Baladweyne iyo Diinsoor
.Siminaar
lagu qabtay xarunta SSWC....
.DFKMG oo diyaar garoow ugu jirta 26
Juun iyo 1-da Luulyo
.Sheekh Aadan Madoobe oo u ambabaxaya
Qaahira..
.Dagaalo ka dhacay Gobalka J/hoose, gaar
ahaan Kismaayo
.Dowladda Mareykanka oo walwal ka
Muujisay Muqdisho..
.Firimbi oo beeniyay in uu Max’ed Dheere
uu xanuunsanayo
Wararka
oo dhan ka akhri halkan... Jun 23
Bayaan:
Beesha Hawiye ee Gobolka Minnesota, USA
Beeshu waxay ka digeysaa shir ku
sheega loogu talo galey in lagu marin
habaabiyo rayul caalamka...
Akhri
Jun 22
Munaasabad Qalin Jabin ah oo ka dhacday
Islii, Nairobi
Xafladdaas oo dadweyne farabadani ka soo
qayb galeen
Akhri
Kulan
balaaran oo ay ka soo qaybgaleen
Waxgarad iyo Odoyaal ka tirsan
Beesha Gaal-Jecel ayaa ka dhacay
Magaalada Muqdisho...
Akhri... Jun 22
Puntland Malahan Maxkamad Dastuuri ah oo
lagu kala baxo hadii khilaaf ka dhasho
Golayaasha Xukuumada.
iyo
Degmada Dangoroyo ee Gobalka Nugaal oo
laga hirgaliyay Isgaarsiinta Casriga
ah...
Akhri...
Madaxwaynaha DGPL Gen. Cade Muuse oo
eedayn u jeediyay kooxaha ku sugan
Asmara.
|